SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo  Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.


Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay Akhri

swissWarbixin ku saabsan shirkii jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee Switzerland

swedenSweden: Caasha Xaaji Cilmi oo Wacdaro ka dhigtay Jaamacadda Nordea African Institute

ardayWarbixin: Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacad ku taal wadanka Bangladhesh.... Akhri


Boorama
Warbixin:-Xasuuqii waxshiga ahaa ee Taliskii xabishidda ee Boorama 30 Janaayo 1984. Akhri....


Jaaliyada Beesha Majeerteen ee Dalka Norwey oo hogaan dooratay

Kulan balaaran oo lagu mideynayo Jaaliyadaha Puntland iyo Jubbaland ee Bulshaweynta Beesha (Majeereteen)ee ku dhaqan Dalka Norwey ayaa lagu soo gaba-gabeeyay caasimada Dalka Norwey Magaalada Oslo.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Culimada Beesha,waxgaradka, dhalinyarada, iyadoo looga hadlay kulanka sidii wax looga qaban-lahaa is-bar baryaac sanooyinkan lasoo gudbaanaaday hogaanka Beelweynta (Majeereen)ee Dalka Norwey

Dood-dheer iyo falanqeyn kadib waxaa go,aan lagu gaaray in la mideeyo oo la mataaneeyo Jaaliyadaha Puntland iyo Jubbaland loona sameeyo hogaan mideysan oo ka tarjuma danaha Beesha.

Ka soo qeyb-galayaasha kulanka ayaa markii dambe isla gartay in la dhiso laba gudi oo loogu magac-daray Gudiga hogaanka dhaqanka iyo mid loogu magac-daray Gudiga fulinta danaha Beesha.

Hogaanka Dhaqanka Arimaha Bulshada ayaa loo doortay Xubno gaaraya 11-Xubnood waxaana Gudoomiye looga dhigay:

1-Suldaan Cabdi-Qani Suldaan Xaaji Baale:(Gudoomiyaha Hogaanka Beesha ee Dalka Norwey)
2-Shiikh Aadan Shiikh Cali (Dhagaseyn): Xubin
3-Cali Bariile:Xubin
4-Nabadoon Cabdulaahi Abshir Faarax (Waraabe-Garoon) Xubin.
5-Cabdiraxmaan Khaliif:Xubin
6-Qaasim Xaaji Aadan Guuleed:Xubin
7-Nabadoon Cabdiraxmaan Faarax Cali Sanyare:Xubin
8-Maxamuud Cabdi Jaamac:Xubin
9-Maxamed Xasan:Xubin
10-Cabdi-Salaad (Cabdi-Dheere):Xubin
11-Saciid Bootaan:Xubin
Gudiga fulinta danaha Beesha ayaa loo doortay 12-Xubnood oo kala ah:
1-Cabdi-risaaq Nuur Cabdulle(Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ee Beesha)
2-Cabdirisaaq Bile Ciise (Dhuubane)(Gudoomiye-kuxigeenka Gudiga Fulinta)
3-Nabadoon Xasan Abshir Yuusuf (Gaas):Xubin
4-Yuusuf Bootaan Careys:Xubin
5-Cabdulcasiis Yuusuf Maax:Xubin
6-Cabdixakiim Sheekh Yuusuf:Xubin
7-Axmed Maxamed Shire:Xubin
8-Maxamuud Hoobaal:Xubin
9-Axmed Salaad Cilmi:Xubin
10-Bashiir Daahir Biixi:Xubin
11-Shiikh Cumar Tahliil :Xubin
12-Xildhibaan Maxamed Cilmi Xasan (Gaduudane):Xubin.

Gudiga Hogaanka dhaqanka iyo Gudiga fulinta ayaa loo xilsaaray inay awood buuxda u leeyihiin inay matalaan danaha Beesha iyagoo waxkasta oo la soo gudboonado ku xaliya Shareecada Islaamka.

 Warsaxaafadeedka ay soo saareen Gudiga Beesha ayaa lagu go,aamiyay in la fuliyo qodobada soo socda:
A-Gudiga Hogaanka Beesha waxaa looga baahan-yahay inay ka shaqeeyaan isku xirka Beesha iyo xalinta khilaafaad kasta oo la soo guboonaada xubnaha Jaaliyadaha Puntland iyo Jubbaland ee Beelweynta (Majeerteen).
B-Midnimada Jaaaliyada qurbo-joogta iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa horumarka deegaamada Beeshu degto,sida waxbarashada,caafimaadka,ceelasha,agoonta iwm.

C-Gudiga Hogaanka dhaqanka iyo arimaha Bulshada waxaa laga codsanayaa inay dhisaan gudiyaal ka kooban,Gudiga Culimada,Gudiga Dhalinyarada,Gudiga,Haweenka iwm.

D-Gudiga Fulinta waxaa loo xilsaaray inay mataaneeyaan Jaaliyadaha Puntland iyo Jubbaland ee (Majeerteen) kadibna mustaqbalka u gudbaan sidii loo mideyn lahaa Beelaha kale ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada Puntland, Jubbaland iyo Soomaaliya.

E-Gudiga Hogaanka dhaqanka iyo arimaha Bulshada ee Beesha ay dooratay waxaa ka mamnuuc ah inay galaan hawlo siyaasadeed oo aysan gudiga fulinta Beeshu ka warqabin.

Warsafaadeedka ay soo saartay Beesha ayaa gaba-gabadii lagu soo khatimay:(ALOOW TAWFIIQDA NA WAAFAJI DIINTA ISLAAMKA ALOOW DASTUURKAYAGA KA DHIG).

Sawiradii kulanka:


 

Cabdulaahi Abshir Faarax
cabdulaahi_abshir_faarax@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 8, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com