SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Yaa Qaban Kara Xilka Raysulwasaaraha DFKM

abdiqani maxamed

cabdiqanimakhtal@hotmail.com


Todobaadyo muran iyo is qabqabsi Siyaasadeed oo hadheey wax qabadkii iyo Siyaasadda DFKM ayaa waxaa soo gabo gabeeyey Proff Cali Maxamed Geeddi ka dib markii uu xilka Raysulwasaarenimadda iska casilay iyada oo ay ku qal qaaliyeen Beesha Caalamku iyo Dawladd Itoobiya gaar ahaan Wasaaradda Arimamaha Dibadda

Is casilaadan Cali Maxamed Geeddi oo aan la sii saadaalin ayaa waxa soo da dajiyey Madaxweynaha Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf, markii ay kala istaageen labo meelood oo aan is aagaayn, iyada oo ay wararka qaarna sheegayaan in ay gacan saar aan sidaas u sii weynen ka dhex dheceen , waxaana ugu muhiimsanaa labadan qodob is casilaadii Cali Maxamed Geeddi

1 Madaxweyne Yuusud oo Dawladda Itoobiya oo ay saaxiibo yihiin iyo Dawladda Maraykan ka u sheegay in uu Xilka ka dagayo sidoo kale Ciidanka badan ee Puntland ka yimi ee jooga K/soomaaliya uu dib u ceshanayo hadii aan Geedi Jagadda Raysulwasaraha iska Casilin
2 Cali Maxamed Geedi Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya oo lagu Eedeeyey in uu Lunsaday Hanti badan oo ay Leedahay DFKM ayna ugu Deeqeen Beesha Caalanka. ayna ugu yaabka Badayn Arooskii wiilkiisa ee ka dhacay Magaaladdan Nairobi laguna qiyaasay hantidii ku kacday 1.5milion oo Dolarrka Maraykanka .run ahaantii lacagtani wax weyn bay u qaban lahayd Qaxoontigan Gaajadu iyo Hoy la'aantu ay ku hayso Duleedka Magaaladda Muqdisho

Run ahaantii qodobadan sal dhiga u ah is casilaadda Raysulwasarihii hore ee Cali Maxamed Geeddi ayaa ah kuwo ay dano gaar ahaaned u arkaan Dawladaha Maraykanka iyo Itoobiya oo ka cabsi qaba in ay dib u xoogaystaan xoogagii Maxaakiimtu iyo Alshabaab

Raysulwaare Geedi waa galbaday oo wixii uu ahaaba la tag, wax badan oo u wanaagsan danaha wadanka Itoobiya ee saaxiibka la ah DFKM ayuu u qabtay ayna ka mid ahayd in ay si sharci daro ah u soo gasho wadanka Soomaaliya ayna u xasuuqdo kumanaan Soomaali ah

Su'aasha in badan oo Muwaadiniinta Soomaaliyeed isweydiinayaan ayaa ah Qof noocee ah ayaa qaban kara Raysulwasaaraha Soomaaliya,Siyaasad noocee ah ayuu wataa?

Su'aashan oo aan Jawaabteeda wax badan aan u Dhafaray, in badan aan isweydiiyey ayaa waxaa muhiim ah in uu qofka Raysulwasaaraha qabanaya in laga helayo qodobadan soo socda

1 in uu yahay aqoon yahan, aqoon caalami ah haysta
2 in ay Dawladda Itoobiya uu saaxiib la yahay isla markaasna, Xafiiska Raysulwasaaraha Itoobiya laga soo saxeexaa waraaqdiisa cadaynta Raysulwasaarenimo
3 in uu Raali ka haya qorshe kasta oo uu soo jeediyo Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf
4 in uu Raali ka yahay in Puntland ay Khayraadkeeda la soo bixi karto kaligeed
5 sidoo kale in uu leeyahay dhaqaale wacan, Beesha caalamkana uu u cuntami karaa

marka aad Eegti qodoban kor ku xusa run ahaantii waxaa kuu muuqanaya in uusan qofka doonaya in uu Dal iyo Dad u taliyo oo Go'aanadiisu fulayaan, uu san qaban karin xilkan, waayo, waa Mas'uul wixii ka soo baxa Xafiiska Madaxweynaha iyo Dawladda Itoobiya ku dhaqaaqi doona, waxaa hadaba aad u yaab badan Mas'uulka Yurub iyo Maraykan uga soo huleelay in uu noqdon Maqaarsaar!!!

Waxaa iyaduna Xusid mudan in Baarlamaanka Soomaaliyeed ay isku raaceen in Golaha Xukuumadda laga keeno Baarlamaanka Gudihiisa iyo Dibadiisa, iyada oo taas uu aad uga shaqeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadu sidii uu ugu miro dhalinlahaa una badali lahaa Qodobadda 46-47

waxaadna Muuqata in Raysulwasaaraha Soomaaliya uu u badanyahay , Mas'uul aan ka mid ahayn Baarlamaanka Soomaaliya,balse waxaa Muhiim ah in uu noqdo shakhsi Siyaasadda Soomaaliya wax badan ku soo jiray ee aan hadeer bilaabin dhaqaale Ururin hor leh

Xubnaha Ugu Dhaw Dhaw in ay noqdaan Raysulwasaaraha Sooomaaliya

Cali Mahadi Maxamed waa Ruug cadaa Siyaasadda Soomaaliya siweyn ugu dhex muuqa tan iyo wixii ka danbeeyey Qaran jabkii soomaaliya waxa uuna ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaali ay doorato markii Dawladii kacaankii la Riday

Cali Mahdi waxa kale oo uu ahaa Gudoomiyihii Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaalida ee dhawaan DFKM ay ku qabatay Magaaladda Muqdisho ee aan la ogayn Ujeeda iyo ka Jeedada Shirkaas ilaa iyo hadeerna wax ka soo baxay ay Dadweynaha Soomaaliyeed isweydiinayaa, iyada oo Dadka Saaladaaliya Siyaasadda Soomaaliya ay ku macneeyeen in lagu majo xaabinayey Shir uu ku DHawaaqay Garad Jaamac Garad Cali oo ka mid ah Isimada Soomaaliyeed kuwo ugu Faca weyn ayna Gogosha Shirkaasi Taalo magaaladda Laascaanood

Cali Mahdi Muwaadiniin Badan oo Soomaaliyeed ayaa Siyaasadiisa la dhacsanaa wixii ka danbeeyey Dagaaladii uu la galay Gen Caydiid markii uu ka fariistay Siyaasadii Xiligaas ee ahayd Qoriga Afkiisa

Cali Mahdi ayaa waxaa uu Magaalada Baydhabo iyo Muqdishoba ka wadaa Abaabul sidii uu ku helilahaa Booska uu Baneeyey Geedi oo ay Ilmaadeeryihiin , waxa uuna shirar kala duwan la galay Odayaasha Beeshiisa ah

Maxamed Shiikh Maxamuud Guuleed Gacmo Dheer oo ka soo jeedi Beesha Habargidir oo ah Beelaha ugu Awooda Badan ee Hawiye, kana soo horjeeda DFKM ah ayaa waxa uu Loolan adag ugu jiraa sidii uu u heli lahaa Raysulwasaaraha Soomaaliya

Kolkii uu Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweyne Yuusuf soo kala dhex galay Khilaafkii siyaasadeed ee dhaliyey in uu Geedi Baneeyo Xilkii uu u hayey Dawladda Fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa dhagaha dad badani waxa ku soo dhacayey waxaa Raysulwasaaraha Soomaaliya laga dhigayaa Mudane Gacma dheer.

Gacma dheere waa Wasiirka Arimaha Gudaha ee DFKM, waxa kale oo uu soo qabtay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeytan, sidoo kale waxa uu yahay ragga ugu dhaw dhaw Madaxweynaha Soomaaliya,waa shakhsiga lagu tilaamo in uu Madaxweynuhu ku Aamini karo sirta Dawladda ku meel gaadhka ah

Waxa uu hadeer Geed dheer iyo mid gaabanba ugu jiraa sidii uu u helo lahaa Raysulwasaarenimadda Soomaaliya isaga oo shirar aad u Xaasasi ah la leh Xildhibaanadda Habardigir iyo Madaxweyne Yuusuf,

Axmed Cabdi Salan Aadan waa nin ugu dhalinta yar ragga u tartayama in ay helaan Booskii uu Baneeyey Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Proff Cali Maxamed Geeddi, Sidoo kale waxa uu Axmed Cabdi salan ka mid yahay Mulkiilayaasha Idaacadda Codka dheer ee HORNAFRIK

Axmed Cabdisalan waxa uu Haystaa Dhalasho wadanka Kanadda ah, sidoo kale waxa uu Saaxiibo isku dhaw yihiin Wasiirka Arimaha dibadda ee Itoobiya, waxa ayna wararku sheegayaan in Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya ay dabada ka riixayso, waxa kale oo iyaduna jirta in ay Wasiirka Arimaha Dibaddaee Itoobiya iyo Raysulwasaaraha Itoobiya ka wada Hadleen in Axmed Cabdi salan laga dhigo Raysulwasaare Cusub

Axmed Cabdi salan ayaan sidii aynu horayba ku soo sheegnay waxa uu ka mid yahay Mulkiilayaasha leh Idaacada Codka dheer sidoo kalena ugu Afka dheer Warbaahinta Soomaalida, waxaana muhiim noqonaysa hadii Axmed Cabdi Salan Aadan uu noqdo Raysul wasaaraha in ay codka Dawladda ay ku hadli doonto Idaacadu , waxa kale oo uu Axmed Ka soo Jeedaa Beesha Caydh oo ah Beelaha ugu hubka iyo Siyaasiyiinta Shaashadaha Warbaahinta ka muuqda inta badan ay ka dhasheen .

Proff Cali Jimcaale Axmed waa aqoonyahan wax ka dhiga Jaamacad ku taal wadanka Maraykan ka gaar ahaan Magaaladda New york, waxa uuna ka dhigaa Maadooyinka Suugaanta iyo dhaqaalaha, sidoo kale waxa uu yahay Qoraa weyn, waxa uuna soo saaray dhawr si weyn loogu akhristo Geeska Afrika

Proff Cali Jimcaale ayaa waxa uu taageero ka haystaa sida ay warbaahinta Soomaalidu sheegayso Dawladda Maraykanka iyo Xukuumadda Itoobiya,iyada oo wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Maraykanku uu sheegay in aysan jirin shakhsi ay dabadda ka wadaaan

Proff Jimcaale Siyaasadda Soomaaliya ayaa iminka u cusub iyada oo ay wakhtigu yahay mid aad u kooban, waxa kale oo jira dagaalo ay DFKM kula jirto Kooxaha ku kacsan, waxa kale oo jira Taageeradda oo aad u sii yaraanaysa Hadaba Su'aasha mudan in la isweydiiyo ayaa ah
Muxuu Proff Dibadd Joog ah oo hadeer ay Siyaasadda Soomaalidu u cusubtahay uu ku soo kordhinkaraa ?!! jawabta waxaan u dhaafayaa Akhriystayaasha

Waxaa kale oo jira Shakhsiyaad iyagu u hanqal taagaya in ay Qabtaan Jagadda Raysulwasaarenimadda Soomaaliya,waxaana ka mid ah Proff Buubaa oo ka soo jeeda gobaladda Waqooyiga Soomaaliya, oo isagu doonaya Saamigii ay la haayeen Gobaladda W/galbeed, Togdheer, Sool, Sanaag iyo cayn hadii uu Madaxweynuhu yahay K/Soomaaliya

Waxa kale oo uu Buubaa shirar la yeelahay Xildhibaadda ISaaq, Harti Waqooyi, Gadarbursi Iyo Ciise si ay ula Loolan gareeyaan balse Madaxweynaha DFKM ayaan taas ku qanacsanayn, doonayana in uu Raysulwasaaraha noqdo Mudane ka soo jeedaha Beesha Hawiye si uu u qaboojiyo dhibaatada ka taagan Magaaladda Muqdisho

abdiqani maxamed

cabdiqanimakhtal@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk.com | Nov 9, 2007

HAA: Ra'iisul wasaaraha DKMG halaga keeno bannaanka
baarlamaan
Dhegeyso: Qaabkii ay u dhacday doodii Baarlamaanka DFKMG ku ogolaaday in dawladda laga keeno baannaanka...
Faafin:

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com