SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Muqdisho Oo Laga Sii Barkacayo Islamrkaana Qarka U Saaran Inay Isugu Soo Haraan Dad HUbaysan Iyo Ciidamo Ethiopian ah.

Magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya ayaa badankeedu haaweynaysa kadib markii ay ka barakeceen kumaan qoys oo degaynayd ,iyadoo laga cabsi qabo inay dagaalo qaraari ka dhacaan mar kale oo u dhexeeya koxaha kacdoonka wada iyo ciidamada ethiopia oo iminka si ba,an ugu soo qul qulaya .
Qaxa iyo barakaca dadka shacabka ah ayaa soo batay kadib markii ay ciidamada xukuumada ethiopia ay gaysteen xasuuq ba,an oo ay dileen dad shacab ah oo ka badan ilaa toban ruux oo isugu jira haween ,caruur iyo weliba dhalinyaro da, yar ah taasoo ay weheliso dilka dadka shacabka ah oo la saheegay inay ula dhaqmayso waxyaalo si naxariis daro ah islamrkaana ay gowracid ,dil fool xun iyo weliba ay waxyaalo naxariis daro ay ay u gaysanayaan .

Qoysaska ka barakacay magaalada caasimada muqdisho ayaa badnkoodu miciin biday duleedka magaalada iyo weliba wadada u dhaxaysa afgooye iyo muqdisho oo halka qaarkoodna ay u qaxeen meelo ka fog fog gobolka banaadir oo ah gobolada dalka intiisa kale .

Xaalada caasimada muqdisho ayaa u muuqata mid la ceeryoomaysa xaalad adag taasoo ay kasii qul qulayaan dadka shacabka ah islamrkaana ay sii yaraanayaan dadkii deganaa kadib markii ay cabsi iyo weli wel lasoo dersay taasoo ay sii murginayso ciidamada aadka u fara badan oo aadka ugu soo qul qulaya muqdisho islamrkaana cagta marinaya dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan .

Kolonyo Ciidamo Ethiopian ah Oo Qarax Lala Beegsaday Xili Ay Marayeen EX-Jaamacadii Lafoole.

Qaraxyo gil giley guud ahaan caasimada muqdisho iyo deegaanada ku xeeran ayaa xalay saqbadhkii laga maqalyey guud ahaan caasimada muqdisho kuwaasoo sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi lala beegsaday kolonyo ciidamada ethiopianka ah oo safar hubaysan oo xaga dhulka ah kusoo galayey muqdisho .
Qiyaastii 3-dii habeenimo ee dambe ee xiliga muqdisho ayay ahayd markii qaraxyo dhowr ah lagu soo wada toosay kuwaasoo sida ay saxaafada u xaqiijeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo lala beegsaday kolonyo ciidamada ethiopianka ah oo xiligaa soo galayey magaalada taasoo la sheegay inay u gaysatay dhibaato baaxad leh waloow aysan jirin cid xaqiijin kartaa inta ka geeriyootay iyo inta ka dhaawacantay .

Kolonyadaasi Ethiopianka ah ayaa xiliga qaraxa lala beegsaday marayey wadada dheer ee isku xirta degmada afgooye iyo weliba muqdisho oo ah agagaarka jaamacdii lafoole halkaas oo ay u barakeceen kumanaan qoys oo qaxooti ku ah islamrkaana xiligii qaraxu ka dhacay dadkaasi ay duurka howdka ah ku carareen si ay naftooda ula badbaadaan .

Dhinaca kale ciidamada xukuumada ethiopia ayaa xiligii la qarxiyey rasaas u furay afarta jiho islamrkaana la xaqiiyey inay ku dhaawacmeen in ka badan 4-qof oo kamid ahaa dadkii rayidka ahaa u barkacay degaankaasi islamrkaana ka cararay magaalada muqdisho .

Ma Dhabaa In Cali Maxamed Geedi Uu Kusoo Jeedo Baydhabo Si Uu Ula Fastuuro Madaxweyne Yuusuf .

Ra’isul wasaarihii hore ee xilka iska casiley Prof. Cali Max’ed Geedi ayaa la sheegay inuu dhowaan kusoo wajahan yahay magaalada baydhabo xili ay xiisad siyaasadeed oo xildhibaanada xulufada la ah cali geedi iyo madaxweynaha dowlada KMG ah c/laahi yuusuf ay ka jiraan magaalada baydhabo .

Prof. Geedi oo kamida mudanayasha baarlamaanka FKMG ah ayaa waxaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu xiriir xaga isgaarsiinta ah la soo sameyey xildhibaano ay isku siyaasad yihiin oo tiradooda lagu sheegay ilaa 120- xildhibaan oo iyagu diidan siyaasada madaxweynaha islamrkaana gaashaanka u daruuray qodobka uu baarlamaanka hor keenay madaweyne yuusuf ee oranaya in xukumada cusub laga madax banaaneeyo baarlamaanka FKMG ah .

RW Geedi oo isticmaalaya sida ay sheegayaan warar hoosaadyo laga helayo magaalada baydhabo dhinaca dhaqaalaha ayaa doonaya inuu mooshinka ka dhanka ah madaxweyne yuusuf dhulka la simo si uu uga hor tago siyaasada madaxweynaha oo ay colaad siyaasadeed ka dhaxaysay .

Dhinaca kale wararka ayaa intaas ku daraya inuu cali geedi ku booriyey xildhibaanadaasi inay ka hor tagaan waxa uu ugu yeeray burburinta sharciga islamarkaana aysan marnaba yeelin in banaanka laga soo dhiso dowlada cusub ee isaga bedeli doonta .

Safarka la sheegay inuu ku imaan doono prof.geedi magaalada baydhasbo ayaa lala xiriirinayaa xiisada siyaasadeed ee horeba uga dhex taagnayd isaga iyo madaxweyne yuusuf islamrkaana salka ku haysa khilaafkii horeba uga dhex oognaa labada masuul .yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com