SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jaaliyada Holland oo qabtay Sportay lagu taageeray Magan Dahir & Sawiro

Waxaa maalinimadii Sabtida  magaalada The Hage ee dalka Holland ka dhacay munaasabad Sporti oo ay si wada jir ah uga qeyb qaateen dhalinyarada iyo waaladiinta Jaalliyada Soomaalida, laguna taageerayey mid kamid ah ciyaartoyda caanka ah ee Soomaalida dalkaasi ku dhaqan.


 
Munaasabadan oo ka dhacday The Hage ayaa lagu maamusayey taageerada Magan Dahir oo ah Horyaalka curyaanka ah ee Kubada Miiska, kaasi oo in badan ku tilmaamaan mucjisada Kubada Miiska.
 
Magan Dahir oo hada u dadaalaya sidii uu uga qeyb geli lahaa ciyaaraha Olympicada ee ka dhici doona dalka China, ayaa waxuu halkaasi kusoo bandhigay ciyaaro iyo tababar uu siinayey dhalinyarada iyo waalidiinta Jaaliyada ee xiiseenayey maalintan Sportiga Soomaalida loogu magacdaray.
 
Hay’ada Somalida Holland  ee NEDSOM oo soo qaban qaabisay munaasabadan ayaa sidoo kale halkaa kusoo bandhigtay tababaro la xariira dhinaca Sportiga iyo Caafimaadka.
 
Waxaana halkaasi ka dhacay Ciyaaro isugu jira Kubada cagta, kubada kolayga(BasketBall), Kubada Miiska (Tabel Tennis), iyo dabaasha (Swimming).
 
Munaasabadan oo socotay maalin dhan ayaa lagu soo gaba gabeeyey xaflad balaaran oo lagu soo bandhigay suugaanta Soomaalida, halkaasi oo sidoo kale lagu bixiyey abaalmarino lasiiyey dadkii ku guuleystay ciyaaarihii maalintaasi halkaasi ka dhacay.
 
Munaasabadan ayaa ahayd tii ugu horeysay oo ay bilowdo Jaaliyadd Soomaali ah oo ay ku taageerto Horyaalkan Soomaaliga ah, ayadoo Hay’ada Nedsom Foundation iyo Jaaliyada Soomaaliyeedba ku dhiiri geliyeen Magan Daahir inuu sii wado dadaalkiisa isla markaana ay la garab istaagi doonaa taageeradooda marka uu tago ciyaaraha Olympicada.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com