SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LAASQORAY
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Jaaliyadaha Melbourne[Australia] oo ka qeyb qaadatey lacag ururinta dib u dhiska Dekeda Laasqoray

Melbourne:-  Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka Australia weliba magaalada Melbourne ayaa ka qeyb qaatey lacag ururinta Dib u dhiska Dekeda qadiimka ahayd ee magaalada Laasqoray ee xeebaha Waqooyi Bari ee Somalia oo ay Hay'ada Horn Relief ka qeyb qaadaneyso dib u dhiskeeda.

Warbixin uu nasoo gaarsiiyey Somali Support & Developmet Assciation ayaa tibaaxeysa in beelaha kasoo jeeda Sool, Ogadenia, Gedo, Mudug, Nugaal, Bari iyo Galbeedka Ceerigaabo ay si weyn uga qeyb qaateen deeqaha loogu talo galey dib u dhiska dekeda laasqoray.

Shaxda nala soo gaarsiiyey ayaa u dhigneyd sidan.

xubnaha SSCayn oo bixiyey lacag gaareysa $3000 oo tiradoodu gaareyso 30 xubnood.

Xubanaha Beesha Absame oo bixiyey lacag gaareysa $2400. oo tiradoodu gaareyso 30 xubnood

Xubanah Beesha Mareexaan oo bixiyey lacag gaareysa $2000 oo tiradoodu gaareyso 25 xubnood

Xubnaha beesha Majeerteen oo baxshey lacag gaareysa $2000 oo tiradoodu gaareyso 7500 oo xubnood

Xubanaha Beesha Yusuf Darod(Awrtable) oo bixiyey $1700 oo tiradoodu gaareyso 11 xubnood

Xubnaha Beesha Galbeedka Ceerigaabo oo baxshey $700. oo tiradoodu gaareyso 7 xubnood.

Waxaana dhamaan beelahaas Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatey tabarucaadka iyo taakuleynta dibu dhiska Dekeda Laasqoray loo jeedinayaan MAHAD Balaaran.

Talaabada Reer Australia ayaa ah mid ku dayasho mudan iyadoo laga doonayo in Bulshada Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan dibu dhiska Dekeda Qadiimiga ah ee magaalada Laasqoray.

Warbixinta waxaa nasoo gaarsiiyey ururka Somali Support & Developmet Assciation.(0613)94423492 _0061423064612...

Isha: Abdirizak Haji-Ali | laasqoraynet@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com