SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Thousands of Somalis Flee Fighting in Capital.. Washingtonpost Nov 2, 07



May 27, 2007: Itoobiya oo calan ay dhexda kaga sawirtay xiddig shan gees-leh ka taagtey caasimada Soomaalida... GUJI...


Shan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed 
Akhri...


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA DADWEYNAHA.....
Barnaamijkii Radio Xoriyo
03 November 2007.
 
Dagaallo si wayn loogu jabiyay ciidammada gumaysiga.
 
Waxyeelloyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
 
Askar Itoobiyaan ah oo lagu laayay Muqdisho.
 
Qoraal ka digaya shirqoollada gumaysiga oo Hooggaanka Warfaafintu soo saaray.
 
======================       
 
Dagaallo si wayn loogu jabiyay ciidammada gumaysiga
 
Wariyaha RX uga soo warrama gobolka Nogob e dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo toddobaadkii u denbeeyay ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, kuwaasoo ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay in ka badan 270 askari, isla markaana lagaga furtay 53 Qori, oo 3 Qori oo waawayn ay ku jiraan. Waxaa sidoo kale ciidammada gumaysiga dagaalladan lagaga gubay 5 Baabuur oo kuwa ciidammada qaada ah. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
31/10/07 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray Dhanqa, oo Fiiq ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 58 askari, waxaa sidoo kale laga dhaawacay tiro kale oo badan. Ciidammadan ayaa wixii ka badbaaday wuxuu firxadkoodii galay Fiiq iyo Baabili.
 
Isla 31/10/07 Irida, oo Dhuxun iyo Barmiilka u dhaxaysa, waxaa jid-gal loo sameeyay kolonyo ciidammada gumaysiga, waxaana laga dilay 8 askari, 9 kalana waa laga dhaawacay.
 
29/10/07 Duud-ciid, oo Qabridaharre ka tirsan, waxay CWXO ku gubeen hal baabuur oo Uuraal ah oo ciidammada gumaysigu wateen, waxaana halkaas ku dhintay in ka badan 50 askari oo baaburkaas saarnaa.
 
Isla 29/10/07 Haar-dhagax dagaal ka dhacay waxaa 4 laga dilay ciidammo malleeshiya ah oo gumaysigu halkaas ku ururiyay, waxaana laga dhaawacay 3 kale. Waxaa sidoo kale nolol lagu qabtay 5 malleeshiyadaas ka tirsanaa, kuwaasoo la iska sii daayay.
 
Sidoo kale 29/10/07 Miir-Dhagaxley, oo degmada Dannood ka tirsan, waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas ku sugnaa, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
29/10/07 Haar-cad waxaa lagu weeraray malleeshiyo Dabaqoodhi ah oo gumaysigu halkaas ku ururiyay, waxaana laga dilay 1, 3 kalana waa laga dhaawacay. Waxaa sidoo kale laga ururiyay Qoryihii ay dadwaynaha ku dhibayeen.
 
26/10/07 dagaal ka dhacay Duud-buur, oo Garigo’an u dhaw, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, waxaa sidoo kala lagaga dhaawacay 2 askari.
 
Isla 26/10/07 Darida, oo u dhaxaysa Barmiilka iyo Gasaangas, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal Baabuur oo Uuraal ah, waxaana ku dhintay dhammaan ciidammadii saarnaa 60 askari gaadhayay.
 
25/10/07 Cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan Galaalshe, waxayna weerarkaas kaga dileen 6 askari, 8 kalana way kaga dhaawaceen.
 
24/10/07 Dhaban-adhi, oo Fiiq ka tirsan, waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tagay, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiia la haynin.
 
Isla 24/10/07 Bashuuro, oo iyaduna Fiiq ka tirsan, waxaa sidoo kale lagu miray cidammo gumaysigu leeyahay oo deegaankaas hawlgal u joogay, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfahintiisa la haynin.
 
16/10/07 dagaal isaguna CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray Ciidadow, oo Sagag ka tirsan, waxaa cadowga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Dhinaca kale dagaalladii badnaa ee gobolka Doollo ka dhacay intii u dhaxaysay 18 – 22/10/07 waxaa lagu dilay Kornaylkii ciidammada gumaysiga ee dagaalladaas galay hoggaaminayay oo dhalashadiisu ahayd Tigree iyo ku xigeenkiisii oo isaguna u dhashay shucuubta koonfureed, waxaana hawlgab laga dhigay hal Guuto oo ciidammada gumayisga ka tirsan, sidaasna waxaan ka soo xiganay ku xigeenka Hogganka Gaashaandhigga JWXO C/kariin Sh Muuse. Warbixinta dagaalladaas oo faahfaahsan waxaad ku maqli doontaan barnaamijka qaybihiisa denbe.
 
Waxyeelloyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
 
Ciidammada nacabka ah ee gumayisga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah oo ku sugan gobollo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
 
20/10/07 Gudhis waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxdheen dadka kala ah;
1-    Bashiir Sh Maxamed
2-    Jamaal Maxamed Faarax. Labadan nin waxay ciidammada gumausigu u gaysteen jdhdil ba’an
3-    Samsam Goobe
4-    Ruqiya Bashiir Aaden
5-    Muxumed Canshur
6-    Bashiir Aaden Gurey
7-    Ardo Fawsi Kidaad
8-    Faadumo Baddal Kamil
9-    Ruqiya Sh C/llahi
10-                       Xaliimo Maxamed Mursal iyo
11-                       Fardowsa bMaxamed Xuseen
 
18/10/07 Maakulle, oo Iimey ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah,
1- Maxamed C/llahi Geeddi iyo
2- C/raxmaan Mukhtaar. Labadan nin waxay ciidammada gumaysigu midkiiba ka dhaceen lacag gaadhaysa 2000 oo Bir. 
 
Askar Itoobiyaan ah oo lagu laayay Muqdisho
 
Ugu yaraan 5 askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay, tiro kalana ay ku dhaawacmeen dagaallo jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Dagaalladan ayaa dhex maray ciidammada gumaysatada Itoobiya iyo kooxo hubaysan oo ka soo horjeeda gumaysiga Itoobiya.
 
Dagaalladan ayaa billowday aroornimadi hore ee jimcihii, ka dib markii ay gumaysatada Itoobiya isku dayeen inay galaan qaybo k mid ah xaafadaha Hodan, Hawl-wadag, Wardhiiglay iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. Kooxaha wadaniyiinta ah ee ka soo horjeeda gumaysatada Itoobiya ayaa dagaallo xooggan kala yimid ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya.
 
Ciidammada Itoobiya waxaa sidoo kale lagula dagaallamay xaafado kale oo Muqdisho ka tirsan, iyadoo khasaarooyin kala duwan loo gaystay ciidammada Itoobiya. Dagaalladan ayaa la sheegayaa inay wali sit eel-teel ah u soconayaan.
 
Maalimihii denbe oo dhan waxaa soo badanayay dagaallada la iskaga caabiyayo ciidammada Itoobiya. Waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho dhawaan ka dhacay bannaanbax wayn oo lagu diiddan yahay joogitaanka ciidammada gumaysatada Itoobiya.
Qoraal ka digaya shirqoollada gumaysiga oo Hooggaanka Warfaafintu soo saaray
 
Dagaalka u dhexeeya Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO iyo taliska Addis Ababa ee Ururka TPLF hormudka ka yahay waa mid gobanimo doon oo lagu raadinayo xornimada dalka Ogaadeenya, mana joogsaayo inta uu dalkena gumaysigu haysto. Waxaad la socotaan in dagaalkani aanuu ahayn mid hadda uun billowday ee uu yahay mid la fac-tirsaday jiritaanka gumaysiga dalkeena haysta.
 
Wuxuu dagaalku billowday markii ugu hirraysay ee gumaysigu ciideenna qaaliga ah cagaha soo dhigay. Marxalado kala duwan ayuuna soo maray, maalinbana heer ayuu marayay, sida taariikhda lagu hayana marna maysan dhicin in dadkeenu ay gumaysiga isu dhibaan oo xukunkiisa ogolaadaan.
 
Dagaalankii la soo kowsaday imaatinkii gumaysigu dalkena yimid wuxuu hadda marayaa marxalad taariikheedkii ugu fiicnaa, waana markii ugu horraysay qadiyadeenu aqoonsi caalami ah yeelato, iyadoo cidda u adeegaysa ee maxfalada caalamiga ah la tagaysaa ay tahay dadkii u dhashay ee ehelka u ahaa oo ka duulaya danta dadka iyo dalka Ogaadeenya oo kaliya, kuwaasoo go’aan qaadashadooda u madaxbannaan oo ayna jirin cid ay magan uga yihiin tusmaynta mustaqbalka siyaasadeed ee dalkooda.
 
Waxaan walaalayaal maanta leenahay cudud millatari oo awood ku muquunisay ciidammada karkarka ah ee dalkeena lagu soo daabulay, isla markaana xukuumadda gumaysatada Itoobiya ku qasbay inay dib ugu noqoto xisaabaadkeedii ku aaddanaa dalkeena.
 
Waxaan walalayaal maanta yeelanay saaxiibo calami ah oo codkooda caalamka aad looga ixitiraamo, kuwaasoo arrinteena u doodaya oo diyaar u ah inay albaab walba u garaacaan.
 
Waxaan walaalayaal maanta leenahay siyaasad arrimo dibadeed oo taabbagal ah taas horseeday in ugu denbayntii codkeena la dhagaysto oo cabashadeena loo kuur-galo. Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa soo badanaya codadka caalamiga ah ee dalbaya in dadwaynaha Ogaadeenya xaqooda loo oggolado oo cadaadiska laga daayo. Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa cidhiidhi sii galaya siyaasadihii beenta iyo dhagarta ku dhisnaa ee gumaysiga Itoobiya inugula dhaqmi jiray ee beesha caalamka ka dhaadhicin jiray.
 
Waxaa badi caalamka hadda u cadaatay in Itoobiya ay been aan jirin dunida ku akhrido, si ay taageero ugu hesho xasuuqa iyo tacaddiyada ay ku hayso dadwaynaha aan waxba galabsanin ee Ogaadeenya. Waxay dowladaha adduunku badi go’aansadeen inay Itoobiya kala xisaabtamaan denbiyada ay ka gasho shacbiga Ogaadeenya iyo shucuubta kale ee ku hoos-nool, waxayna intooda badan joojiyeen taageerooyinkii dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay u fidin jireen.
 
Maraykanka oo ugu denbeeyay waxaad la socotaan doodaha hadda ka socda oo ah in la joojiyo dhammaanba waxa dhaqaala ah ee Maraykanku Itoobiya siiyo. Qorshaha hadda Baaralaanka Maraykanka horyaalla waxaa xataa ku jira in madaxda Itoobiya laga mamnuco inay Maraykanka booqasho ku tagaan iyo in maxkamad la soo saaro saraakisha iyo masuuliyiinta Itoobiya e ka denbeeya xasuuqa Ogaadeenya. Haddii uu Baarlamaanka Maraykanku qorshahan ansixiyo waa guul kale oo u soo dheelmatay shacbiga dulman ee Ogaadeenya, ayna u horseeday siyaada toolmoon ee JWXO.
 
Haddaba walaalayaal markii guuldarradan dhinac walba ah, dhinac millatari iyo dhinac siyaasadeed, wuxuu gumaysigu billaabay qorshayaal ku qotoma maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd ”Neef gawracani Geed kama waabto”, wuxuuna fulinayaa xasuuqa iyo tacaddiga aad ka wada aragtaan.
 
Qorshayaasha uu gumasigu xilligan ku guda jiro waxaa ka mid ah inuu abuuro ciidammo malleeshiyo ah oo nasiya ciidammadiisa lagu jabiyay dagaalka Ogaadeenya. Wuxuu ku talajiraa inuu degmo walba oo dalkena ka mid ah ka sameeyo ciidammo malleeshiyo ah. Samaynta ciidammadaas waxaa loo adeegsanayaa qaar sheegayana inay bulshadeena ka mid yihiin.
 
Walaalayaal tallaabadani ma aha mid shacabkeena ku cusub, waxaana aaminsahanay inuu ugu fashilmi doono sidii uu ugu fashilmay kuwii ka horreeyay ee uu isku dayay inuu hadda ka hor dadkeena ku fuliyo.
 
Laakiin waxaa bulshada Ogaadeenya looga baahan yahay inay fahmaan oo ka hortagaan shirqoolkan cadowgu u maleegayo. Waxaa looga baahan yahay inay u dhabar adaygaan dhibaatooyinka uu gumaysigu u gaysanayo, isla markaana ogaadaan in maanta la marayo marxalad kala-guur ah oo loo baahan yahay in la isa sii raaciyo taliskan sii liicaya.
 
Walaalayaal gumaysigu si fiican ayuu u garanayaa in malleeshiyo shacabka laga soo ururiyay ayna u babac-dhigi Karin ciidammadii uu isagu u babac-dhigi kari waayay, laakiin wuxuu arrintan uga jeedaa oo kaliya inuu ugu raad-gado xasuuqa uu dadwaynaha u gaysanayo iyo inuu gundhig u sameeyo siyaasada cusub ee uu doonayo inuu beec-geeyo oo ah in dagaalka Ogaadeenya ka socda uu u dhexeeyo CWXO iyo Malleeshiyooyin u dhashay shacabka Ogaadeenya.
 
Walaalayaal waxaa la inooga baahan yahay inaan aanadeena gudano oo aan cadowga la dagaallano, shirqoollada uu dhigayana aan fashilino. Ma jirto tuulo ama magaalo Ogaadeenya ka mid ah oo ayna oollin Raqda ruux ama dad aynu jeclayn oo gumaysigu inaga dilay. Ma jiro qoys Ogaadeenya u dhashay oo aanuu gumaysigu dhibaato u gaysanin.
Dadkeena ayuu guaysigu xisaab la’aan laayaa. Gabdhaheena ayuu xishood la’aan kufsadaa. Xolaheena xaqdarro ku qaataa. Xuquuqdeenii oo dhan ayuu duudsiyay. Haddii aan amarkiisa raacno iyo haddii aan diidno midna isuma keen dhaanto. Mar walba waa kan ina gumeeya ee filkeen inaga reeba, cadowgeenana inoo jabiya, sidaas darteed mar haddii aan wax faa’iido ah laga gaadhaynin u-adeeggiisa, sow caqli iyo damiir xumo ma aha waxaad ugu adeegtaa. Adduun iyo Aakhiro midna kuuma roona. Adduun waa adigoo maatidadaada qalan xabbadii xaqluhu ha kugu dhacdo ama xabbadii gumaysigu ha kugu dhacdo, Aakhirana waa Naartii ku waar.
 
Sidaas darteed waxaan dadwaynaha sharafta leh ee Ogaadeenya ugu baaqaynaa inay shirqoolkaas ka hortagaan, oo iska qabtaan dadka damiir laawayaasha ah ee cadowga u adeegaya ee isku dayaya inay ka qayb qaataan samaynta malleeshiyooyinka Dabaqoodhiga. Waxaan waxgaradka iyo Odayaashaba ugu baaqaynaa inay arrintaas ka hortagaan oo CWXO ku so wareejiyaan shakhsiyaadka ay falalkaas ka kari waayaan.
 
CWXO waxay tallaabo aan naxariis lahayn ka qaadi doonaan qof kasta oo si dedban ama si toos ah uga qayb qaata fulinta siyaasadaha gumamysigu ku shirqoolayo shacbiga.
 
 
Hogganka Warfaafinta JWXO
03 Nov. 2007
 
 
 03 November 2007
 
Axmed Gaal-Eri
 
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari


Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho
.Banaanbax shalay galab dhacay qaybto ka tirsan Muqdisho
.C/laahi Yuusuf oo kulan la qaatay Xubnaha Baarlamaanka
.Ciidamada Uganda oo la  geliyey heegan buuxa
.Odoyaasha Beelaha Hawiye oo kulan ku yeeshay Hoteel..
.Baydhabo: Xildhibaanad lagu weeraray Hoteel...
.Muuse Suudi, Qanyare, C/llaahi Sheekh oo ka maqnaa
.Xaaladda Nabadgelyo ee Baladweyne oo laga dayrinayo..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... Nov 3

:::VIDEO: Somalia "on brink of collapse"

yemenSenator Coleman iyo safiirka Yemen ee Washington DC oo ka wadahadlay xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen iyo qaracanka gacanka cadmeed

Deeqo lacageed oo la gaarsiiyay Indhoolayaal, Agoon, caruur derbiyo jiif ah iyo ..... 

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com