SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Nov 4, 2007

  • Zakeriye Xaaji “Beesha Caalamka ayaa nala soo xiriirtay”

  • Macallin Xaashi “Waxaa la helay daawada Taangiga”

  • Max’ed Xasan Xaad “Ciidamada Itoobiya ballantii ayay nooga baxeen”

  • Maydka Afar qof oo ay Ciidmada Itoobiya soo dhigeen Ifka Xalan

  • Maanta oo la filayo in Xubnaha Baarlamaanka yeesheen kulan

  • Banaanbax looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya oo ka dhacay Muqdisho….

  • Max’ed Dheere oo ku eedeeyey Ereteriya in ay ka dambeyso dagaalada Muqdisho ka socda

  • Iska hor imaad shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho


Zakeriye Xaaji “Beesha Caalamka ayaa nala soo xiriirtay”

Guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga Xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliya ayaa waxa uu xaqiijiyey in ay jiraan xiriiro ka yimid Beesha Caalamka oo ku saabsan in Isbahaysiga uu ka qayb-qaato awood qaybsi ku aadan Dowladda Federaalka, waxa uuna Zakeriye sheegay in arrintaani aysan marnaba suuragal noqon doonin, tan iyo inta ay ciidamada Itoobiya ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya. “Shacabka Soomaaliyeed iyaga ayaa heshiin kara oo sameyn kara Dowlad” ayuu yiri Zakeriye Xaaji oo sheegay in ay siiw adi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya oo uu sheegayin ay yihiin guumeysi doon ku soo duulay dalka Soomaaliya.

Macallin Xaashi “Waxaa la helay daawada Taangiga”

Macallin Xaashi oo ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay shirkii Ereteriy dhawaana dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in la helay daawadii Taankiga, hase yeeshee Macallin  Xaashi ma faahfaahin waxa ay tahay daawadaasi, balse waxay dadku u fasirteen in ay tahay hubkii lagula dagaalami lahaa Taangiyada ciidamada Itoobiya.

“Insha Allaah dalka way ka baxayaan ciidamada Itoobiya kuwa dabadhilifka u ah” ayuu si kulul u yiri Macallin xaaji oo sheegay in uu ku sugan Magaalada Muqdisho oo uu sida uu sheegay ka wado dagaalo uu kaga soo horjeedo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Macallin Xaashi waxa uu u soo jeediyey ciidamada Dowladda Federaalka in ay isaga baxaan Dowladda Federaalka oo ay ku soo biiraan halganka lagula jiro ciidamada Itoobiya. Hadalka ka soo yeeray Macallin Xaashi ayaa waxa uu ku soo beegmay xili ay magalada Muqdisho ku soo qulqulayaan taangiyo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, waxa uuna shacabka u sheegay in aysan marnaba ku niyad jabin hubkaasi ay wataan ciidamada Itoobiya.

Max’ed Xasan Xaad “Ciidamada Itoobiya ballantii ayay nooga baxeen”

Guddoomiyaha Golaha Midnimada Beelaha Hawiye Max’ed Xasan Xaad oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu xiriir dhex maray ciidamada Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye, kaas oo la xiriira sidii ciidamada Itoobiya loogu wareeji lahaa maydadka askar kaga dhimatay dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho maalintii doraad ahayd kaas oo ay ka qaybgaleen dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ee ku nool Gobalka Banaadir.

Max’ed Xasan Xaad waxa uu sheegay in ay dadaal dheer sameeyeen kadibna ay ku guuleysteen in ciidamada Itoobiya ku wareejiyaan askartii looga dilay dagaalka, hase yeeshee Xaad waxa uu sheegay in ciidamad Itoobiya uga baxeen ballantii ay lahaayeen oo ahayd in ciidamad itoobiya soo wareejiyaan dad ay ku qabqabteen Magaalada Muqdisho oo ay qaarkood kala baxeen guryahooda. Max’ed Xasan Xaad waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay gacanta ku hayaan dad fara badan oo Soomaali ah oo ay qabteen kuwaas oo aan la ogeyn xaaladda ay ku sugan yihiin, waxa uuna hadalka Xaad ku soo beegmay xili shalay subaxnimadii ciidamada Itoobiya ay agagaarka Ifka Xalan soo dhigeen afar qof maydkooda, oo uu ku jiro mid ka mid ah shaqaalaha Idaacadda Horn Afrik oo lagu magacaabi Max’ed Xuseen Jaamac, waxayna taasi Odoyaasha Beelaha Hawiye ku tilmaameen mid ka baxsan bini’aadannimada.

Dhanka kale Max’ed Xasan Xaad oo wax laga weydiiyey waxa ka soo baxay kulankii Beelaha Hawiye ayaa waxa uu sheegay in ay ugu muhiimsaneed in ciidamada Itoobiya sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Soomaaliya, maadaama aysan ku imaan rabitaanka ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalana gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee barakmacay oo uu sheegay inay ku dhibaateysan yihiin duleedka Magaalada Muqdisho iyo waliba gobalada ku dhow dhow, sidoo kale qodobada shirka Beelaha Hawiye ka soo baxay ayuu sheegay in ay ka mid ahaayeen in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo dooneysa in ay waxka qabto dhibaatada Soomaaliya, waxa uuna Goluhu walalwal ka muujiyey ciidamada Itoobiya ee ku soo qulqulaya dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu goluhu tilmaamay in ay donayaan in ay xasuuq gaystaan.

Maydka Afar qof oo ay Ciidmada Itoobiya soo dhigeen Ifka Xalan

Shalay subaxnimadii ayaa dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho waxay ku soo baraarugeen maydka afar oo ay ciidamada Itoobiya soo dhigeen agagaarka Ifka Xalan ee Jidka warshadaha, afartaas oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dhowr qofood oo ay ciidamada Itoobiya guryahooda kala baxeen.

Afartaasi qof ayaa waxaa ku jiray mid ka mid ah shaqaalaha Idaacadda Horn Afrika oo lagu magacaabo Max’ed  Xuseen Jaamac, waxayna afarta qof la sheegay in ay da’doodu ka sareysay Konton sano jir.

Arrintaan ayaa waxaa walaac ka muujiyey Hay’adaha xaquuqda aadanaha iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye oo ku tilmaamay mid ka baxsan bini’aadannimada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada Itoobiya ku kacaan falal noocaan oo kale ah, iyadoo horey loogu eedeeyey inay tacadiyo dhowr ah ka gaysteen dalka Soomaaliya, kuwaas oo isugu jiray dil, dhac, jirdil iyo kufsi.

Maanta oo la filayo in Xubnaha Baarlamaanka yeesheen kulan

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in kulankii shalay la filayey in ay isugu yimaadaan xubnaha Baarlamaanka uu baaqday, kadib markii xildhibaanada lagu wargeliyey in kulankaasi la qaban doono manta oo axad ah.

Xildhibaanada ayaa waxaa hor yaala qodobo ay ka mid yhiin go’aanadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu soo gebagabeeyey magaalada Muqdisho, waxaana ugu muhiimsan qodob uu si aad ah u daneynayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah in Ra’isul Wasaaraha laga soo xulo Banaanka Baarlamaanka, hase yeeshee Xildhibaanada qaar ka mid ahaa iyagu diidan in Ra’isul Wasaaraha laga keeno meel ka baxsan Baarlamaanka. Taas oo keentay in dib loo dhigo kulankii shalay, iyadoo laga cabsi qabo in kooramka kal fadhiga baarlamaanka uu buuxsami waayo, maadaama weli ay careysan yihiin taageerayaasha Ra’isul Wasaarihii hore ee  Cali Max’ed. Maanta ayaa ayay kala caddaan doontaa in Ra’isul Wasaaraha laga soo xulo banaanka iyo in gudaha Baarlamaanka laga dhex keeno. hase yeeshee Beesha Caalamka ayaa C/llaahi Yuuusuf uga fadhida in uu soo xulo Ra’isul Wasaare qanciya Ummadda. 

Banaanbax looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya oo ka dhacay Muqdisho….

Banaanbaxyo looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya ayaa ka dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dadkaan banaanbaxayey oo watay boorar ay ku qornaayeen “Doonimeyno ciidamada Itoobiya” “Ha naga baxaan ciidamada Itoobiya” ayaa sidoo kale waxay ku dhawaaqayeen “Waan la dagaalameynaa haddii aysan ciidamada Itoobiya ka bixin dalka Soomaaliya”.

Banaanbaxyadaani ayaa ku soo beegmay xili ay ciidamada Itoobiya qulqulayaan Magaalada Muqdisho, iyadoo arrintaasi ay walaac ka muujiyeen Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobalka Banaadir.

Banaanbaxa ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Degmada Dayniile, Suuqa Xoolaha iyo Wadada Sodonka, waxaynu dadku ahaayeen kuwo u socday raxan raxan, mana jirin cid soo abaabushay, waxayna u ekaayeen kuwo iyagu is abaabulay oo ka careysan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay iska hor imaadyo aad u xoogan kuwaas oo lala galay ciidamada Itoobiya kuwa Dowladda Federaalka, waxaana khasaare loo gaystay ciidamada Itoobiya kuwa Dowladda Federaalka, waxayna sidoo kale waxyeelo soo gaartay dad rayid ah. Ciidamada Itoobiya oo dhowr meelood ka degan Magaalada Muqdisho ayaa waxay ahaayeen kuwo heegan buuxa ku jira, iyaogo ka cabsi qaba in ay weeraro kaga imaadaan kooxaha ka soo horjeeda.

Isku soo wada duuboop xaaladda Magaalada Muqdisho ayaan weli dhinacna u dhicin, iyadoo dadku jiraan walwal iyo cabsi, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa ka sii barakacay Magaalada dad hor leh, sidoo kale dadkii banaanbaxay waxay beesha caalamka ka codsadeen in gargaar bini’aadannimo la soo gaaraan.

Max’ed Dheere oo ku eedeeyey Ereteriya in ay ka dambeyso dagaalada Muqdisho ka socda

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Max’ed Dheere ayaa ku eedeeyey dowladda Ereteriya in ay iyadu ka dambeyso dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho, isla markaana ay dalka soo galeyneyso hub iyo ciidan.

Max’ed Dheere waxa uu sheegay in Dowladda Ereteriya aysan ogoleyn in Soomaaliya ay ka dhalato Dowlad.

Maalintii doraad ahayd ayuu Max’ed dheere ku eedeeyey saddex ka mid ah hogaamiyaasha Maxaakiimta Islaamiga ah in ay qalalaaso ka wadaan Magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Mukhtaar Roobwo (Abuu Mansuur) Fu’aad Shongole iyo Xasan Turki.

Max’ed Dheere waxa uu sheegay in Dowladda Ereteriya ay hub soo gelineyso xeebaha Soomaaliya, hase yeeshee mas’uul u hadlay Odoyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa sheegay in c iidamada Itoobiya yihiin kuwa xasuuqa iyo dhibaatada ka wada Magaalada Muqdisho.

Odoyaasha waxay sheegeen in haddii ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya ay shacabka Soomaaliyeed yihiin kuwo heshiisn kara maamulna Sameyn kara.

Todobaadkii la soo dhaafay ayuu Max’ed Dheere bixiyey wareysiyo kala duwan kuwaas oo aragtiyo kala duwan ay ka baxsheen dadku.

Iska hor imaad shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Shalay maqribnimadii ayaa iska hor imaad aad u xoogan waxa uu ka dhacay saldhigga degmada Hodan oo ay ku sugan ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda. Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu yimid xili ay saldhiggaasi weerar ku qaadeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha uu dagaalkaasi keenay, waana markii shanaad oo saldhigaasi weerar lagu qaado, iyadoo horey ay dagaal ula wareegeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda iyo jooigitaanka ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Dowladda FKMG ayaa isku baahiyey dhinaca tarabuunka iyadoo, todobaadkii la soo dhaafay wadada tagta tarabuunka iyo isgoyska Kaasabalbalaare ay ahayd mid xiran oo aysan marin Gawaarida, iyadoo Gawaaridu ay mareysay wadooyinka qardo jeex ah oo ku yaala xaafadaha dhexdooda. 

Amiin Yuusuf Khasaaro.

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2007

Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho
.Banaanbax shalay galab dhacay qaybto ka tirsan Muqdisho
.C/laahi Yuusuf oo kulan la qaatay Xubnaha Baarlamaanka
.Ciidamada Uganda oo la  geliyey heegan buuxa
.Odoyaasha Beelaha Hawiye oo kulan ku yeeshay Hoteel..
.Baydhabo: Xildhibaanad lagu weeraray Hoteel...
.Muuse Suudi, Qanyare, C/llaahi Sheekh oo ka maqnaa
.Xaaladda Nabadgelyo ee Baladweyne oo laga dayrinayo..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... Nov 3

:::VIDEO: Somalia "on brink of collapse"

yemenSenator Coleman iyo safiirka Yemen ee Washington DC oo ka wadahadlay xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen iyo qaracanka gacanka cadmeed

Deeqo lacageed oo la gaarsiiyay Indhoolayaal, Agoon, caruur derbiyo jiif ah iyo ..... 

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com