SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BANGLADHESH
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


WARBIXIN IYO SAWIRO KU SAABSAN XAFLAD ARDEY SOOMAALIYEED OO KA QALIN JABISAY JAAMCAD KU TAALA WADANKA BANGLADESH 

  

        Xafalad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu gudoonsiinayo shahaadooyin  ardaydii dhamaysatay waxbarashadoodii jaamacadoodeed ayaa lagu qabtay hoolka jaamacada islaamiga ee culuumta tiknoolajiyada( Islamic University of Technolochy oo hoostimaada organization of the Islamic conference (OIC).

     Jaamacadani waxa la aas aasay sanadkii 1981 waxaana ay tahay midhihii ka soobaxay kulankii   sagaalaad  ee wasiirada arimaha dibada ee dalalka islaamka ay ku yeesheen magaalada dhakaar ee dalka senegal

dhagixii u horeeyayna waxa dhigay madaxwaynihii xiligaas talada dalka bangladhesh hayay Mr ziaur Rahman

Jaamacadani waxa ay leedahay qaybaha kala duwan ee culuumta tiknoolajiyada sida

Computer science and information technology. (CIT)

Machincal and chemical engineering . (EEE)

Electrical and electronic engineering. (EEE)

    Instructional training and general studies.

Waxana ay bixisaa heerka kala duwan ee waxbarasho sida higher diploma,BS.C, master ilaa doctrate ama Phd

   Si kastaba ha ahaate  waxa ay u  ahayd   maalin sifo iyo farxad huwan ardaydii ka qalin jabisay jaamacada islaamiga ee culuumta tignoolajiyada (IUT)ee dalka bangladesh,

      ardayda qalinjabisay waxaa kamid ahaa arday soomaaliyeed oo gaarayso ilaa lix (6) arday kuwaasi oo dhameeystay kuliyado kala duwan  sida kuliyadda  electrical and electronic engineering iyo computer science and engineering,

ardaydan oo magacyadoodu kala yihiin

1-eng.maxamed cusmaan harun (bashar )

2-eng cabdale ahmed farax

3-eng. Hashim cabdulaahi cabdi

4-eng. Axmed maxamed cumar

5-eng. Ismaciil bille xasan

6-eng. Ciise xasan sh.nuur

       Waana dufcadii ugu badneed oo Somali ah kaqalin jabisa jaamacadaan iyadoo lafilaya sanadka soo socda ay sii bataan ardayda soomaliyeed ee kaqali jabineesa Islamic university of technology (IUT).

        Waxaa xafladaasi kasoo qaybgalay madaxda ugu sareeysa Bangladesh sida madaxweeynaha  , wasiiro iyo xildhibaano sidoo kale madax kasocoto shirka wadadama islaamka (OIC), waliba safiiro badan sida safiirka iraan,maser,turkiga, sacuudiga,malaysiya,Pakistan kamaroon,marooko ,qunsulka jabuuti iyo safiiro kale oo farabadan, iyo  madax kasocota jaamacadaha dalkan,

        

Ugu horeeyntii waxaa xafladda warbixin dheer kasoo jeediyay gudoomiyaha jaamacada Islamic university of technology (IUT) Prof.Dr. Mohamed fazli Ilahi oo si faah faahsan ugu sheegay dadkii kasoo qaybgalay waxqabadka jaamacadda iyo hoowsha dheer ay usoo galeen in ay soo saaraan dufcadi 21aad ee ka qalinjabisay jamacadaan (IUT). 

      Sidoo kale waxa  qudbad kajeediyay wakiilka ururka islaamka kasocday ee (OIC) Prof.Dr.Ekmeleddin Ihsanoglu isaga oo amaan badan u jeediyay maalmulka jaamacada  sida ay ugu soo baxeen hawshii loo igmaday,ardaydana ku booriyay aqoonta sobabtoo ah waxa uu yidhi “waxbarasho iyo cilmigu waxa uu aadamiga siiyaa karaamo, sharaf , horumar iyo nolol fiican”.

      Mar qura waxa sacab iyo sawaxan  lagu soodhaweeyay  hogaanka sare ee talada dalkan haya  Dr.Fakhruddin Ahmed,

Dr.Fakhruddin waxa uu si diiran ugu hambalyeeyay ardaydii qalinjabisay wxaan uu yidhi,” manta waa maalin xusid iyo taariikhi ah waayo waxa aad si guul iyo farxad leh u  dhamaystirteen qayb kamida heerarka noloshiina ,waa hubaal in aad ka kala timaadeen wadama muslim ah oo kale duwan idinka oo niyad wanaag huwanaa, waxa aad sidoo kalana ka faa iidaysateen aqoonta ku laaban dhaqanadiina iyo afafkiina kala duwan  isaga oo hadalka sii wata waxa uu wadama islaamka ku booriyay  in ay iskaashadaan,sida midaysanna ugu shaqeeyaan hurumarinta dhalinyara islaamka,

         Ugu danbeeyntii waxaa hadalgaaban jeediyay arday kamid ah ardayda soomaaliyeed Eng:maxamed cusmaan haarun(Bashar) una hadlayay ardayda qalin jabisay ayaa waxaa uu aad ugu mahadceliyay maamulka jaamacadda ,macalimiinta wax soo bartay iyo ururka islaamka (OIC)  suurta galiyay in aan waxbarashadeena si nabad ah ku dhameesano iyo cid walba oo wax soo tartay ardaydaan waxaa kaloo uu yiri bashar waxaan aan baranay waxaan ubaranay in aan wax ugu qabano umada islaamka ah iyo shacbiga soomaaliyeed.

  

Xafladaan waxaa ay kusoo gabagaboowday jawi degan oo farxadeesan iyo isu hambalyeen dhexmartay ardayda oo dhan iyo wadan walba ardaydiisa oo cayaarayay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka dalkiisa.

       W/Q: Qadar Hassan Salad (qadar335@hotmail.com)

 Dhanka camerada waa:  Khaddar Cabdi Qeyre


waa wariye: Qadar hasan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com