SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Nov 3, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (307), Muqdisho (311), Beledweyne (314), Baydhabo (322),  Galkacyo (343),

Wararki: Nov 3, 2007

  • Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho

  • Banaanbax shalay galabnimadii ka dhacay qaybto ka tirsan Magaalada Muqdisho..

  • C/laahi Yuusuf oo kulan la qaatay Xubnaha Baarlamaanka

  • Ciidamada Uganda oo la  geliyey heegan buuxa

  • Odoyaasha Beelaha Hawiye oo kulan ku yeeshay Hoteelka Ramadaan ee Muqdisho

  • Xildhibaanad lagu weeraray Hoteel ay ka deganeed Magaalada Baydhabo

  • Muuse Suudi, Qanyare, C/llaahi Sheekh oo ka maqnaa kulankii qadada ahaa ee C/llaahi Yuusuf xildhibanaada u sameeyey

  • Xaaladda Nabadgelyo ee Baladweyne oo laga dayrinayo..


Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho

Maalintii shalay ahayd (Jimce) ayaa dagaal aad u kharaar waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda joogbitaanka ciidamadaasi. Dagaalkaani waxa uu bilowday markii ciidamada Itoobiya ay isku balaariyieen deegaano ka tirsan degmooyinka H/wadaag, Wardhiigley iyo Yaqshiid.

Ciidamada Itoobiya markii ay xireen wadooyinka ayaa waxaa bilowday rasaas yar yar kadibna waxaa ku xigay qaraxyo, waxayna taasi keentay in ciidamada Itoobiya ay dib u gurtaan, waxaa sii xoogeystay dagaalkii, waxaana soo galay shacabka oo isugu jiray rag, dumar iyo dhallinyaro, waxayna wararku sheegayaan in dagaalkii ka dhacay Black Sea ciidamada Itoobiya looga dilay afar Askari, dhowr kalana loogu dhaawacay, hase yeeshee rasaastii ay rideen ayaa waxaa ku dhintay labo qofood.

Dagaalka xooggiisa ayaa shalay ka dhacay Xaafadda barwaaqo ee ka tirsan Gubta, Towfiiq, Carafaat ilaa iyo suuqa Xoolaha, waxaana la sheegay in meelaha qaarkood gacanta la iskula tagay, waxayna dad goob joogayaal ahi sheegeen in ciidamada Itoobiya laga dilay ilaa iyo 12 askari, waxaana la arkayey iyadoo la jiidayo maydka ciidamada Itoobiya, balse waxaa dadka looga digayey in ay gubaan, waxayse shacabku jiiditaan ku marsiiyey wadooyinka Muqdiso.

Ciidamada Itoobiya ayaa shalay dib ugu soo gurtay xerooyinkoodii, waxaana xalay meelaha qaar laga maqlayey rasaas goos goos ah, iyadoo wararka sheegayaan in ciidamada Itoobiya gaar ahaan kuwa cusub ee haatan Muqdisho soo gaaray yihiin kuwo qafaal lagu keenay, iyadoo kuwii horey u joogi jiray dib loogu celiyey Itoobiya gudaheeda. Ciidamada Itoobiya ayaa xiray wadooyinka soo gala Muqdisho, waxayna bilaabeen in ay celiyeen Gawaarida sida Caanaha, Dhuxusa iyo kuwa kale, waxayna Gawaaridu soo jeexayeen wadooyin luuqyo ah. Isku soo wada duuboo xaaladda ayaa u eg mid kacsan. Shacab doonayey in ay Magaalada ka baxaan ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada kadib markii ay ciidamada Itoobiya iska  hor istaageen .      

Banaanbax shalay galabnimadii ka dhacay qaybto ka tirsan Magaalada Muqdisho..

Iyadoo Maalintii shalay ahayd dagaal ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa xaafadda suuqa Xoolahaka dhacay banaanbax aad u balaaran oo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee Bulshada kuwaas oo ku dhawaaqayey “dooni meyno ciidamada Itoobiya” “Deg deg ha nooga baxeen” “goob kasta ayaan kula dagaalameynaa”.

Banaanbaxaayasha ayaa sidoo kale waxay shidayeen taayiro, waxaana wajiyadoo ka muuqday caro aad u balaaran, iyadoo markii uu istaagay dagaalkii ka dhacay Black Sea, ay halkaasi isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan oo watay Mindiyo iyo dhagaxaan, iyagoo ku qaylinayey “Baangado iyo mindiyo ayaan idinka kaga saareynaa dalkeena, dalkeedana waa xor, yeeli mayno gumeysi” iyo ereiyo kale.

Dadkaasi ayaa waxay kaloo shidayaan tayaariyo waaweyn kuwaas oo qiryey qiiqoodu wadooyinka.

Mar aan mid ka mid ah dadkii banaanbaxaye waxa keenay waqtigaan in la banaanbaxo? Waxa uu yiri “dadku markay u adkeysan waayeen dhibaatada ku hayaan ciidamada Itoobiya ayay banaanada su oo baxeen si ay u muujiyaan dhibaatada lagu hayo”.

Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo ay ka barakaceen dad aad u fara badan, iyadoo dhawaan Qaramada  Midoobey sheegtay in dad gaaraya 100 kun oo qof ay isaga barakaceen Magaalada Muqdisho.

C/laahi Yuusuf oo kulan la qaatay Xubnaha Baarlamaanka

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo dhawaan istiqaaladii ka gudoomay Cali Max’ed Geedi ayaa maalintii shalay ahayd kulan qado ah la qaatay xildhibaanada Baarlamaanka, waxa uuna u soo jeediyey inay si wanaagsan u soo akhriyaan kana soo baaraan degaan go’aanadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyadoo go’aanadaasi qaar ka mid ah ay yihiin in Dowladda laga soo dhiso banaanka baarlamaanka, hase yeeshee Xildhibaanada qaarkood ayaa iyagu ka goos adeegaya in dowladda laga soo dhiso baarla-maanka banaankiisa.

C/llaahi Yuusuf ayaa u muuqda in uu Ra’isul Wasaaraha ka  soo magacaabi doono banaanka Baarlamaanka, iyadoo madaxweynaha ay maalin walba soo gaarayaan qoraalo ku aadan  cidda uu u magacaabayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf waxa uu kula dardaarmay xildhibaanada Baarlamaanka in ay yeeshaan dulqaad, wixii horena la iska ilaabo, isagoo u soo jeediyey in uu Ra’isul Wasaaraha uu soo magacaabi doono ay Xildhibaanada Baarlamaanku siiyaan kalsooni buuxda, hase yeeshee waxaa la ogaan doonaa sida ay u aqbalaan xildhibaanada Baarlamaanka, gaar ahaan kuwii taageersanaa ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi.

Ciidamada Uganda oo la  geliyey heegan buuxa

Iyadoo marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa ciidamada Uganda waxaa la geliyey heegan buuxa, waxaana la arkayey iyagoo ku sugan goobo aysan horey ugu sugnaan jirin, waxayna baaritaan ku hayeen Gawaarida iyo dadka.

Kooxaha ka soo horjeeda ayaa horey ciidamada Uganda ugu diray digniino ah in  ay dalka si deg deg ah uga baxaan, haddii kale ay la kulmi doonaan iska caabin xoog leh.

“Ciidamada Uganda kuma imaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, ee waxay ku imaadeen rabitaanka Mareykanka iyo Itoobiya” ayuu yiri nin odey ah oo sheegay in intay goori goor tahay ciidamada Uganda isga baxaan dalka Soomaaliya.

Dhowrkii bilood ee ay joogeen ciidamada Uganda waxaa kaga dhintay magaalada Muqdisho ilaa iyo dhowr iyo toban Askari

Odoyaasha Beelaha Hawiye oo kulan ku yeeshay Hoteelka Ramadaan ee Muqdisho

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa kulan isugu yimid Odoyaasha Beelaha Hawiye oo uu ka mid ahaa Imaamka Beelaha Hiraab Imaam Maxamuud Imaam Cumar, waxa uuna kulankaasi ka dhacay Hoteel Ramadaan ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa looga arrinsaday arrimo la xiriira xaalada Magaalada Muqdisho iyo waliba dagaalada ka soo cusboonaaday.

Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa u soo jeediyey Beelaha Hawiye ee ku nool Magaalada Muqdisho in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada gobalkooda, sidoo kale waxa uu soo jeediyey in ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay arrimahooda xalistaan. Golaha Midnimada Beelaha Hawiye ayaa horey u sheegay in Ciidamada Itoobiya yihiin kuwa ku kooban deegaanada Beelaha Hawiye, waxayna soo jeediyeen in Ciidamada Itoobiya isaga Baxaan Soomaaliya.

Xildhibaanad lagu weeraray Hoteel ay ka deganeed Magaalada Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in xildhibaanad Sahro C/qaadir Max’ed lagu weeraray hoteelkii ay ka deganeed Magaalada Baydhabo.

Sahro ayaa ku eedeeysay in ay weerarkaasi ka dambeeyeen xubno ka tirsan Madaxtoonyada Dowladda Federaalka.

Inkstoo weerarkaasi aysan xildhibaanada ka soo dhibaato hadana waxay sheegtay in loo hanjabay.

Xildhibaanad Sahro ayaa ka mid ahayd koox xildhibaano ah oo taageersanaa Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi, waxayna u soo jeedisay Xildhibaanada kale in ay arrintaani ka dhiidhiyaan.

Sahro ayaa shalay ka baaqsatay kulan qado ah oo uu sameeyey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmede.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo in xildhibaanadii ku fekerka ahaa Cali Max’ed Geedi ay haatan kacdoon ka wadaan Magaalada Baydhabo, waxayna u muuqataa in Dowladdu haatan gashay marxalad adag oo ka sii daran khilaafkii u dhexeeyey C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi.

Muuse Suudi, Qanyare, C/llaahi Sheekh oo ka maqnaa kulankii qadada ahaa ee C/llaahi Yuusuf xildhibanaada u sameeyey

Iyadoo maalintii shalay ahayd uu Madxweyne c/llaahi Yuusuf uu qado u sameeyey guud ahaan xildhibaanada Baarlamaanka ayaa haddana wararka naga soo gaaraya Baydhabo waxay sheegayaan in Max’ed Qanyare Afrax, Muuse  Suudi Yalaxow, C/llaahi sheikh Ismaaciil iyo Mawliid Macaane iyo xildhibaano kale ay shalay ka baaqdeen kulankii qadada ahaa ee uu Madaxweyne c/llaahi Yuusuf u sameeyey Xildhibaanada.

Inkastoo aan faahfaahin laga bixin maqnaashahooda ayaa haddana waxay wararku sheegayaan in ay weli ka careysan yihiin is casilaadii Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.

Xubnahaasi Xildhibaanada ah ayaa waxaa dhawaan la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ee Musfin, waxa uuna ka dalbaday in ay qaboojiyaan xaalada ka taagan Magalada Baydhabo ee u dhexeys Xildhibaanada Baarlamaanka ayna ku shaqeeyaan midnimo guud iyo iskaashi.

Kulanka shalay waxaa kaloo ka maqnaa inta badan xildhibaanadii taageersanaa Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxaana weli muuqda carada ay qabaan xildhibaanbada taageersan Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.

Xaaladda Nabadgelyo ee Baladweyne oo laga dayrinayo..

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in xaaladda gobalkaasi laga dayrinayo, kadib markii ay halkaasi ka dhaceen qaraxyo is xig xigay.

Dhowr weerar ayaa loo gaystay mas’uuliyiinta gobalkaasi, iyadoo qaraxyada mas’uuliyiinta lalabeegsanayo lala xiriirinyo kuwa ka socca Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Daba-Geed ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa uu dadaal u gali doono sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho, waxaa kale oo uu sheegay in maamulkiisu uu iskaashi la yeelan doono dadweynaha gobalka si loo sugo ammaanka gobalka Hiiraan.

Qaraxii ugu dambeeyey waxaa lala beegsaday guri uu deganaa guddoomiyaha degmada hase yeeshee cidina waxba kuma noqon, sidoo kale qarax weyn oo loo maleeyey madfac ayaa ku habsaday guri ku yaala xaafadda Buundo weyne waxaana halkaasi ku dhintay hal qof halka dhowr kalana ay ku dhaawacmeen/

Ciidamada Itoobiya ayaa iyagu degan duleedka Magaalada Baladweyne, kuwaas oo ilaa iyo haatan soo dhex galin gudaha Magaalada Baladweyne, waxayna halkaasi ku baaraan gawaarida isaga kala gooshta gobalkaasi oo halbowle u ah bulshada ku nool gobalada dhexe iyo kuwa ku nool Gobalada Koonfureed, dhowr jeer ayay damceen in ay galaan gudaha Magaalada Baladlweyne, inkastoo qaraxyo iyo weeraro la kulmeen. 

Amiin Yuusuf Khasaaro.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com