SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Warar: May 31, 2007

Qoysas Badan Oo Kusoo Noqday Muqdisho Oo Mar Kale Ka Barkacaya Agagaarka Wersheda Baastada Ee Muqdisho.

Dadkii ka barakacay caasimada muqdisho oo qaarkood kusoo laabtay xaafadaha ay ka ag-dhow yihiin ciidamada xukuumada Ethiopia ayaa dib uga daad guraysanaya alaabtooda kadib markii halkaas kala kulmeen amaan daro xoogan .

Dadkaas oo qaarkood ay ku dhaqan yihiin agagaarka Warshada Baastada ayaa bilaabay in ay isaga guuraan hareeraha Warshada kadib markii ay dhibaato amaan daro oo xoogan kala kulmeen deegaankaas oo mararka qaarkood qaraxyo lala beegsado ciidamada ethiopianka ay ugu jawaabaan tacshiirad ay la beegsanayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan xaafadaasi

Qaar ka tirsan Dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaankaas ayaa saxaafada u xaqiijiyey inay xaafadaasi noqotay meel aan amaan ahayn islamrkaana ay aargoosi iyo dhibaato baahsan ku hayaan ciidamada ethiopianka ee fariisinkoodu yahay wersheda baastada

Axmed xuseen oo kamida dadka rayidka ah ee xaafadaasi ayaa sheegay inay dhibaato xoogan oo amaan darro ka jirto xaafadaasi islamrkaana ay lafahooda ula baxsanayaan ,taasoo uu sii raaciyey waxaanba ka cabsi qabnaa inay dhac iyo boob noo gaystaan ciidamadaasi Ethiopia islamrkaana ay haweenka naga fara xumeeyaan .

Axmed oo ay saxaafadu waydiisay ciidamada Ethiopia miyay shacabka xaafadaha soo fara geliyaan mise marka qarax loo gaysto ayay dadka dhibaateeyaan ,waxuuna ku jawaabay walaahay dadka rayidka ah waxaa haysta dhibaato xoogan waayo ciidamada Ethiopia iyagaa fara gelin aad u xun ka dhex wada xaafadaha sababta oo ah waxay fatishiyaan haweenkii xijaabka indho-shareerka xirnaa islamarkaana aan wax ixtiraam ah siinayn taasina waxay kicinaysaa dadka muslkimiinta ah eek u dhaqan xaafada .

Axmed oo hadalkiisii sii wata ayaa intaas raaciyey looma adkaysan karo nin xaaskiisii muslimada ahayd oo sida sharciga islaamku qabo xijaaban hadii asakari Ethiopian ahi uu ka furto xijaabkii waa dhibaato aad u xun islamrkaana keeni karta diin la,aan hadaba ciidamada Ethiopia iyaga ayaa waxay wadaan dhibaato iyo fara gelin baahsan oo weliba anshax darro taas ayaana keenaysa inaan iskaga guurno xaafadaasi .

Sidoo kale Barakacan cusub ee ka bilowday deegaanadaasi ku xeeran agagaarka wersheda baastada ayaa kusoo beegmaya xili 3- qof oo rayid ah lagu diley todobaadkan gudahiisa deegaankaasi islamarkaana loo aaneeyey inay su ula kac ah u dileen ciidamada xukuumada Ethiopia ee ku sugan agagaarka wershedii hore ee baastada .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Binti Jaylaani oo Australia Looga Helay Dhakhatar Lagu Daweeyo
Waxayna hadda Degdeg ugu baahan tahay Kharashkii lagu geyn lahaa Nairobi siloogu diyaariyo Visa-da dal ku galka Australia...
 

May 31, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com