SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


DOWLAD GOBLEEDKA PUNTLAND EE SOOMAALIYEED

                                                Monday, May 28, 2007 

Yaa u Garniqi Doona Golayaasha DGPL marka ay isqabtaan??? 

Dhismihii Dowlad Gobleedka Puntland kaddib waxaa soo baxaayay muran la xiriira Dastuurka kana dhex aloosma goloyaasha DGPL, kaas oo mar walba ay ka jirtay in la waayo cid u xil saran oo kala saarta, xubnaha is haysta, kaasoo mar walba ku dhammaanaysa Deeq Alle iyo karaamada shacbiga reer Puntland, marka laga reebo dagaalkii adkaa ee socday dabayaaqaddii sanadkii 2001 ilaa bartamihii sanadkii 2002, taasoo ilaa hadda aan lahayn cid u xil saaran kala saarida is qabadka goloyaasha. 

Haddaba sida ku cad dastuurka Qodobkiisa 74aad wuxuu sheegayaa dhismo Maxkamad dasuuri ah, sidoo kale qodobka 75aad wuxuu sheegayaa in arimaha ay u xilsaaran tahay Maxkamadda Dastuuriga ay ka mid yihiin:- 

    1. Maxkamaddu waxay u xil saaran tahay Arimaha Dasuuriga ah oo keliya.
       

    1. Dacwadaha Ciqaabta iyo dacwadaha lidka ku ah Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, wassiiradda, xildhibaanadda, iyo madaxda sare ee Dowlada, waxaa galeysa Maxkamadda Dastuuriga ah.
       

    1. Maxkamadda dastuuriga ahi waxay kaloo awood u leedahay ka turjumidda is maandhaafka ka yimaadda dastuurka iyo qawaaniinta kale.   Maxkamadda dastuuriga ahi waxay kaloo dhageysanaysaa dacwadaha uga yimaada;

      1. Codsi sadex meelood halmeel oo xubnaha golaha wakiiladdu u soo gudbiyaan, in qodobo ama go’aan golayaasha dowladdu ku xad gudbay dastuurka.

      2. Marka qof ama ka badan ee shacbi ahi ku soo dacwoodaan xaquuqdoodii asaasiga ahayd ee dasturrku siiyay.

      3. Markii qayb ama laan ka mid ah dowladda ay codsato inay go’aan ka gaarto is maandhaaf u dhaxeeya awoodaha dowladda, waana tan keentay in maqnaanshaha Maxkamad dastuuri ah khilaafyadda ka dhex dhasha golayaasha Dowladda Puntland loo waayo meel lagu xaliyo, taasoo nidaamka ku noqon karta Qaran jab ama Zero, dhismaha maxkamaddani waxay dan u tahay guud ahaan dalka gaar ahaan golayaasha.

      Sidaas darteed waxaan kula talinayaa golayaasha awooda u leh dhismaha maxkamadda dastuuriga ah inay dhisaan maxkamadaas eeg qodobka 74aad, lamberka 9aad, ayagoo Alle ka yaabaaya islamarkaasna helaan meel ay ku kala baxaan, bulshadana u horseedin gacan ka hadal iyo is colaytan sidii horey u dhacday, waa ceeb adduunyo nidaam dhisan oo xal u waaya khilaafkiisa gudaha. 

      FG:- Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah waa inay ka danbeysaa oo kali ah dhismaha xukuumadda muddo lix bilood ah eeg qodobka 74 lamberka 1aad. 
       

Wabilaahi Towfiiq 

Qore:- Lataliyaha Sharciyada Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee DGPL 
 

Mudane: Maxamuud Axmed Xaashi 
 

+252-5-768102 
 
 

Waxaa soo gudbiyey Maxamuud Cumar Bille 
 

mcbille@gmail.com


"ERayga Cagaare"oo la soo afjarayo

: Waxaa lagu guda jiraa dhamaystirkii heshiiskii tuulada Cagaare ee duleedka Qoriley ee xuduudka gobolada Nugaal iyo Sool.
Cagaare oo dagaal ku dhexmaray meleeshiyo beeleedyo isku qabsaday degaan ayaa waxaa kunaf weeyey 10-neeyo qofood, halka dadkalena ku dhaawacmeen.

Arintaan dhamaystirka khilaafkii cagaare ayaa waxaa hormuudka ah guddi iskugu dhafan issimo, wasiiro, aqoonyahano, waxgarad iyo xildhibaano ka tirsan DGPL.

Iminka waxaa la soo dhamaystiray burburintii baraagihii lagu muransanaa ee Cagaare.

Sida wararka nagu soo gaarayaan wax dhib ah kalamaaysan kulmin guddigu burburinta baraagaha, marka lagareebo, labo gaari oo muraayadaha xabado ay kaga dhufteen dhalinaro iyo nin oday ah oo jugo yar-yar lagaarsiiyey,dhalinyaradiina markii dame waxay raali-gelin kabixiyeen dhacdadaas.

Gunanaanud ka iyo geba-gebada Cagaare ayaa soodhow,halkaasna waxaa kuharaya"eraygaCagaare"

Maxamuud Cumar Bille

mcbille@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com