SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Liibiya: Wasiir ku xigeenka amniga qaranka dowlada federaalka kmg soomaaliya mudane:bashiir maxamed adan {dhurcaso} iyo Wafdi uu hogaaminayo

Wasiirka ku xigeenka ayaa ii suurta gashay in aan ku booqdo hotelka uu degen yahay ka dibna aan ka wareysto waxa uu halkan u yimid wasiirka waxuu ii sheegay in asiga iyo wafdigiisa ay ka qeyb galeen shir looga hadlayey amniga wadamada ku bahoobay urur gobaleedka saaxil wasaxaraa {Siin-Saad} oo lagu marti geliyey dalka libya ahna halka ay ku taalo xarunta urur gobaleedkaas ay ku bahoobeen 23ka dowladood ee siin saad waxaa ku wehliyey shirkaas oo ka mid ahaa wafdiga wasiir ku xigeenka amniga labo jeneral. oo kala ah :Jen:Bashiir Maxamed Jaamac {bashiir –goobe}iyo Jen:Axmed Cabdi Xaanshi

Shirka wuxuu dhacay 26- 27 may -2007 –shirkan ayaa looga wada hadlay sidii iskaashi mid ah ay uga wada yeelan la.hayeen 23 dowladood ee siin saad dhanka amniga hadii ay ahaan la hayd qibrad kala qaadasho iyo sidii kor loogu qaadi lahaa amaanka dowladaha Africa qaasatan dowladaha ku bahoobay siin saad Si loo saxo qaladaadka dhaca ee xaga aminiga kana dhaca wadamada Africa, waxaan u qeybinay warqad qoraal ah oo ka turjumeysa baahida amaan ee dalkeeena u bahan yahay sidii ay gacan uga geysan la haayeen 23 dowladood waana naga gudoomeeen ayaga oo balan qadey in ay nooga soo jawabi doonaa sidoo kale naguna marti qaadey dalalkooda

Shirka ayaan ka jeediyey qudbadii munasibka ahayd dowladihii ka soo geyb galayna dhamaan aad iyo aad ayey ugu wada riyaaqeen qudbada wasiir ku xigeenka aminiga oo markaa shirkasi u metelayey soomaaliya wasiirka oo ku soo qaatay xaalada amni xumo ee ka jirta dalkiisa iyo sidii ay gacan uga siin la haayeen dowladaha shirkasi fadhiyey ayaa aad u soo dhaweeyey qudbada wasiir ku xigenka amniga wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa ii sheegay in uu ka dalbaday wadamada halkaasi isugu yimid sidii dalkiisa looga gacan qaban lahaa dhanka amaanka wax yaabihii uu wasiir ku xigeenka uu ka dalbadayna waxaa ka mid aha

1-in loo tababaro ciidamada loona tababaro qeybaha kala duwan ee ciidan nimo xaga sir doonka bada cirka

.2-in la siiyo doomanka dheereyo ee lagu ilaaliyo xaduudaha biyaha

3-aaladaha wax lagu dhageysto & qalabka ay is ticmaalaan ciidamada nabadgelyada Waxaana noo balan qaadey isla waqtigiiba dowlado badan waxaa ka mid ah dowladahaas oow ii xusey wasiir ku xigeenka amniga qaranka mudane Bashiir maxamed aadan dhurcaso –masar, maroko, libya, waxaayna noo ogolaadeen in ay noo tababaraan ciidamo soomaaliyeed nagana caawiyaan qalabeynta ciidamada oo aan baahi weyn u qabno hadii aan nahay dowlada soomaaliyeed shirkaas ayaa gebi ahaanba ku dhamaadey guul iyo is afgarad wanaagsan

Wasiir ku xigeenka markii uu I dhameeyey hadalkiisa ayaan waxaan weydiiyey xalada amaan ee uu dalku manta marayo waxuuna ii sheegay wasiir ku xigeenku in uu dalku ku socdo wado nabadeed sida ii muuqato ayuu yiri ka dib markii ay dadaal sameeyeen ciidamada dowlada federaalka kmg ah ee soomaaliyeed hadana waxaan ku boorinayaa in ay dadaalkooda sii kordhiyaan

Saciid axmed cali {Antenno}
saciidanteno@yahoo.com
online-tripoli-libya


Wafdi Ka socda Xiriirka Soomaliyeed ee Kubada Cagta oo ka soo degay Zürich


Bidix Abdiqani dhexda said Muganba,Ali Said.

Waxaa Maanta oo Isniina shir uga furmay Confederation African Football

Magaalada Zürich ee Dalka Switzerland waxaa Goobjoog ka aha Shirka Wafdi Sadex xubnoda oo uu hogaminayo Gudoomiyaha Xiriirka somaliyeed Said Mohamed Nuur(Mugaanbo) Ku xigeenkiissa Ali salad Guled,iyo Xoghayaha Abdiqani Said Carab Naaleye.

Waxaana Maalinida Beri ka dhico doonta guriga cusub ee Fifa oo eey ku baxday dhismihiisa Malayin Lacag ah, Doorashada President Fifa,Waxaana la hubaa in uu ku guuleesan doono ninka iminka haya Sapp Blater waxana garabyadiisa buuxin doono Michael Platiniga Reer France Iyo Kaiserka Reer Jarmal Franz Beckenbauer..

Waxaa kaloo goobjoog ka Ahaa xiriirka dowlada Jabuuti.

Labada xiriir Somaliya iyo Jabuuti oo wada jira

Mustaf Bashir Gobdon
somalichradio@bluewin.ch
Somali Swiss Radio




 

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com