SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

Weerar Xalay Lagu Qaaday Ciidamada Itoobiya ee kusugan Wersheddii hore Baastada ee Magaalada Muqdisho

May 27, 2007: Xalay (oo ay soo geleysey Axad) fiidkii ayaa weerar bambaano lala beegsaday ciidamda Itoobiya ee kusugan wersheddii hore ee Baastada ee magaalada Muqdisho. Khasaaraha halkaasi ka dhacay lama oga. Waxana qaraxaasi ka dambeeyey qaraxyo ka dhacayey magaalada Muqdisho ilaa habeenimadii Jimacada.

Dhanka kale waxaa isla xalay magaalada Muqdisho isku rasaaseeyey ciidamo ka wada tirsan DFKMG, israsaasayntaas oo ka dhacday meel u dhow Is-goyska Sanca. Israsaasayntaas oo cabbaar socotey ayaan la ogeyn khasaaraha ay geysatey. Waxaana lagu soo waramay in goobtii la geeyey ciidamo Itoobiyaan ah.

Bannaanbax lagu diiddanyahay joogitaanka Itoobiya oo ka dhacay Holland

Waxaa maalinnimadii sabtiga  hore (19-05-2007), ka dhacay magaalada Denhaag  ( The Hague) ee waddanka Nederland bannaanbax aad u weyn oo lagu diiddanyahay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. Waxaa kale oo bannaanbaxa looga cabanayay xadgudubyada bani'aadminnimada ka dhanka ah ee ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay bilihii u dambeeyay dhibaatooyin lixaad lihi ka dhaceen...
Warbixin iyo sawiro...


WARARKII SHALAY: MAY 26, 2007

  • Qaraxyo Isdaba Joog Ah Oo Xalay Ilaa Saaka Gilgiley Magaalada Caasimada Ah Ee Muqdisho
    Muqdisho waxaa ku sugan Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya....
    Qarax Ciidamada Itoobiya lagaga gubey gaari Ural ah
    Ku-xigeenka Maxamed Dheere ka badbaadey Qarax lala beegsaday
    Gaari ay leeyihiin Ciidamada DFKMG oo  miino kula qaraxday Ex-control Balcad
    Col. Cali Dheere oo Xalay dabley hubaysani weerareen
    Cali Mahdi oo Gaarey Magaalada Nairobi...
    Geeddi oo si qarsoodi Qarsoodi ah ugu soo laabtay Muqdisho...

     

    Qarax Ciidamada Itoobiya lagaga gubey gaari Ural ah
    Subaxnimadii Sabtida ayaa ayaa waxa qarax miino lala beegsaday saddex gari oo ah nooca loo yaqaan Ural oo marayey agagaarka wershedda Xayle Bariise ee magaalada Muqdisho, qaraxaas ayaa wararku sheegeen in uu haleelay mid ka mid ah gawaaridaas, kuna burburay.

    Ku-xigeenka Maxamed Dheere iyo Dhaxtuur oo ka badbaadey Qarax lala beegsaday
    Muqdisho: C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweey) iyo Maxamed Cismaan dhagaxtuur ayaa saaky oo Sabti ah ka badbaaday weerar lala beegsaday kaas oo dhacay ka dib markii qarax xoogan lagu weeraray koloyo baabuur ah oo ay wateen oo marayay inta u dhaxeysa warshada xayle bariise iyo ex-cantarol Balcad ee Magaalada Muqdisho. [Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri...]

    Gaari ay leeyihiin Ciidamada DFKMG oo  miino kula qaraxday Ex-control Balcad
    Subaxnimadii Sabtida ayaa miino lagu qarxiyay gaari ah nooca loo yaqaan Cabdi bile oo ay leeyihiin ciidamada DFKMG oo marayay inta u dhaxaysa xayle bariise iyo ex-cantarol Balcad.

    Col. Cali Dheere oo Xalay dabley hubaysani weerareen
    Xalay ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar la beegsadeen col. Cali Dheere iyo ilaalladiisa oo marayay agagaarka warshada caanaha, aagga jidka tolmada ee mara wasaaaradii gaashaandhiga.


Qaraxyo Isdaba Joog Ah Oo Xalay Ilaa Saaka Khal-khal Geliyey Magaalada Caasimada Ah Ee Muqdisho....

Qaraxyo isdaba jooga ayaa xalay ilaa saaka ka dhacayey magaalada caasimada ee muqdisho kuwaasoo gaysatay dhimasho inta la og yahay labo qofood iyo tiro kale oo dhaawac ah.

Qaraxyadan oo ka kala dhacay meelo kala duwan oo kamida degmooyinka iyo xaafadaha magaalada muqdisho ayaa amaan darro iyo cabsi ay ka muujiyeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada muqdisho ,taasoo qaraxii ugu weynaa uu ka dhacay xili ku aadan salaadii maqrib ee xalay kadib agagaarka wershedii tolamada ee degmada hodan islamarkaana gaystay dhimshada hal qof sida ay xaqiijiyeen goob jogayaal ku sugnaa goobtaas .

Qaraxyadan aan kala go,a lahayn ee xalay ilaa saaka ka kala dhacayey degmooyinka ay kamid yihiin degmada yaaqshiid, agagaarka ex-cantrool oo saaka uu ka dhacay qarax dhawaqiisa laga maqlayey deegaanada ku dhow dhow ,degmada xamar jab-jab iyo hodan oo ay iyana xalay ay qaraxyo kala duwani ka dheceen islamarkaana la xaqiijiyey inay gaysteen dhimashada labo qof oo rayid ah halka dhaawacuna aan la ogayn inta uu leeg yahay balse ay jiraan tiro dhaawac ah .

Sidoo kale qaraxyadan ayaa saamayn weyn ku yeeshay amaanka magaalada caasimada islamarkaana lagu arkayey meelaha qaraxyadu ka dheceen oo ay isku gadaameen ciidamada booliska dowlada KMG ah taasoo aysan jirin cid loo aaneeyey.

Qaraxyadan ayaa kusoo beegmaya xili uu magaalada muqdisho ku sugnaa habeenkii xalay ahaa wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia siyum musfin oo kulamo la qaadanayey masuuliyiinta ugu sar saraysa dowlada KMG ah .

Si kastaba ha ahaatee amaanka caasimada ayaa ahaa mid aan laysku halayn karin tan iyo xiligii ay qaboobeen dagaaladii u dhexeeyey kooxaha kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye iyo dowlada KMG ah oo kaashaynaysa ciidamada xukuumada Ethiopia , iyadoo uu soo dhow yahay xiliga la iclaamiyey shirka dib u heshiisiinta soomaaliya bartmaha bisha june ee fooda inagu soo haysa ,taasoo ay beesha caalamku ka war sugayaan waxa kasoo bixi kara shirkaas isaga ah .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Ra’iisul wasaaraha DFKMG oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii uu ka qeyb galay maanta kulankii baarlamaanka

Ra’iisul wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geeddi ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu safar degdeg ah oo aan horay loo sii shaacin ku tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Ra’iisul wasaaruhu waxa uu magaalada Baydhabo kaga qeyb galay kulankii baarlamaanka ee maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, sidoo kalena waxaa kulankaasi isaga ka qeyb galay guddoomiyaha Guddiba Dib u heshiisiinta Qaranka Md. Cali Mahdi Max’ed oo isaga iyo xubnihiisuba ay goob joog ka ahaayeen.

Kulankan maanta uu yeeshay baarlamaanka ayaa lagu ansixiyay guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo uu guddoomiye ka yahay madaxweynihii hore Cali Mahdi Max’ed, waxaana isla maanta xubnaha golaha baarlamaanka hortooda lagu dhaariyay 8 xildhibaan oo cusub oo iyagu ku soo biiray golaha baarlamaanka kaddib markii boosaskii ay banneeyeen xubnihii baarlamaanka ay buuxiyeen boosaskooda.

Dhinaca kale 28 xubnood oo ka mid ah guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa maanta markii la ansixiyay kaddib waxay u kala ambabaxeen 15 gobol oo ka mid ah gobollada dalka, halkaasoo ay geyn doonaan casuumaddii loogu talo galay shirweynaha dib u heshiisiinta Qaranka oo furmaya 15ka bisha soo socota ee Juun.

Ku Xigeenada Maamulka G/Banadir Oo Ka badbaaday isku qarax lala beegsaday saakay

Ku xigeenada Maamulka Gobolka Banadir, C/fitaax Shaaweeye iyo Max'ed Cismaan dhagaxtuur ayaa sheegay in ay ka badbaadeen isku day dil ka dib markii qarax xoogan lala beegsaday kolonyo ay wateen oo marayay wadada Ex Ctrl Balcad ee magaalada Muqdisho.

Sida uu warbaahinta u sheegay C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey oo ah K/xigeenka maamulka gobolka Banadir ee dhinaca nabadgalyada.

Qarax xoogan oo lala beegsaday Kolonyo ay wateen isaga iyo Max'ed Cismaan Dhagaxtuur ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 askari oo ka mid aheyd ilaaladii la socotay.

Weerarkaan ay ka badbaadeen Ku xigeenada Max'ed Dheere ayaa sidoo kale waxaa ku naf waayay wiil yar oo caseeye ah oo marayay wadadaasi halka qof kale oo rayid ahna ay ku dhaawacmeen.

C/fitaax Shaaweeye oo shir jaraa'id ku qabtey xarunta maamulka gobolka Banadir kadib qaraxaasi ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa Miino laga hagayay Romote ka oo lala beegsaday kolonyadii ay wateen, isagoo tilmaamay in ay gacanta ku soo dhigeen labo nin oo falkaasi ka dambeeyay miinada qaraxday.

" Waanu ka badbaadnay weerarkaasi oo ahaa mid qorsheysan oo la doonayo in nagulu waxyeelo" ayuu yiri C/fitaax Shaaweeye oo dhowaan dowladda KMG ah u magacowday booskii uu ka geeriyooday Aaabihii Ibraahiim Shaaweey oo ku geeriyooday magaalada Nairobi halkaasi oo dhaawac ahaan loogu daweynayay ka dib markii qarax lagu weeraray kolonyo uu watay horraantii sanadkaan agagaarka isgoyska Xararyaale ee Muqdisho.

Isku daygaan dil ay ka badbaadeen K/xigeenada Maamulka gobolka Banadir ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah ay la wareegeen ciidamo boolis ah, iyadoo qaraxaana uu noqonayo kii 4aad oo ka dhaca caasimadda 24 kii saac ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha Gudiga Dibu Heshiisiinta Qaranka oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Qaran Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen xubno ka tirsan safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi.

Cali Mahdi oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ujeedada socdaalkiisa ay tahay sidii uu dhaqaale u weydiisan lahaa dalalka beesha caalamka ee ku sugan Nairobi.

Cali Mahdi ayaa halkaasi kula kulmi doono xubno ka tirsan dalalka deeq bixiyaasha iyo dowladda Mareykanka oo horay u ballan qaaday iney gacan ka geysanayaan dhaqaalaha ku baxaya shirka.

Xubin kasta oo ka mid ah ergada loo dirayo gobolada dalka ee gaarsiinaya fariimaha casuumada hoggaamiyeyaasha dhaqanka beelaha Soomaalida waxaa uu maalintii qaadanayaa lacag dhan 30 Dollar-ka Mareykanka taasoo hey’adda UNDP ku soo hagaajisay shirkadda xawaalada Dahabshiil sida uu sheegay xubin ka tirsan shirka dib u heshiisiinta.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2007

suuriyaJaaliyadda Soomaalida Ee Dalka Suuriya Ayaa ka qayb Qaatay Dibad-Bax lagu Taageerayey Madaxweyna Suuriya Bashaar Al-asad...
Akhri warbixintii Asad Caddaani

Dhibka uu Qaadku ku hayo Bulsho-Weynta Soomaalida
.Gaalkacyo oo Maalintii 2-aad oo ganacsigu xiran yahay
.Maxaabiis lagu qabtay Dhahar oo lasiidaayey...
.Boosaaso: Safiirka Masar oo xoriyadiisii loo celiye...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 26

"Cali Mahadi hadaad naf leedahay ka hadal dadkaaga la xasuuqay.."
Sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo...
Akhri...

Qardho: Munaasab lagu Dooranaayey Gudoomiya Dallada Hormarinta Dhalinyarada Goblaka Karkaar

Ma dhabaa In Khilaafka u Dhexeeya Madaxda Milatariga Iyo Booliska DKMG Uu dhex-dhexaadiyey Gen. Gabra

Kooxaha Iska-caabinta Ee Diidan Joogitaanka Ciidamada Shisheeye Oo Sheegay Inay Xeelada Dagaalka Bedeleen

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com