SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



Munaasab lagu Dooranaayey Gudoomiya Dallada Hormarinta Dhalinyarada Goblaka Karkaar(KAYDNET) oo ka dhacday Degmada Qardho

Ururada Dhalinyarada ee ku bahoobay Dallada KAYDNET ee Gobalka Karkaar ee Degmada Qardho ayaa kulan balaaran oo ay Galabanimadii maanta isugu yimaadeen Xarunta GARWONET ee Magaalada Qardho waxay ku doorteen Xubnihii Gudiga Fulinta ee kala ahaa Gudoomiye,Xiriiriye iyo Xoghaynta.


Sawirada halkan ka daawo....

Doorashada gudoomiyenimada dallada Horumarinta Dhalinyarada ee Karkaar ayaa waxaa isku soo taagay saddex musharax oo kala ah:

  1. C/weli Xasan Gooni

  2. Yusuf Max’ed Max’ud Madoobe,

  3. Khadar C/qaadir Saciid

Xiriiriyaha waxaa isu soo taagay

  • Axmed C/laahi Gacshe

  • Max’uud Cali Ciise

    Xoghaynta waxaa isu soo sharaxday
     

  • Seynab Max’ed Cali oo iyada aysan cidna kula tartamin jagadaas

    Ugu dambeyntii waxaa la gudo galay doorashdii iyada oo xubaha codeynayey aay ahaayeen Gudiga Boodhka ee Dallada ayaa waxaa gudomiye u doorteen C/weli Xasan Cabdi (Gooni) halka xiriiriye loo doortay Axmed C/laahi Gacshe sidoo kale waxaa Xoghaynta Dallada loo doortay Seynab Max’ed Cali Xagaa.

    Kulankii maanta ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Madaxa Arimaha Bulshada Gobolka Sahro Siciid Jaqanaf , Gudoomiyaha Isportiga G/karkaar Max’ed yusuf Camir (JARCO) iyo taliye ku xigeenka Poliska Qardho Taliye C/xakiin iyo odayaal ka yimid ah odayaasha Degaanka kuwaas oo dhallinyarada ku guubaabiyey inay kor u qadaan isku duubnidooda iyo arimaha waxbarashada.

    Max’ed Jamac yusuf (Xabiib) Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Puntland ee P.Y.O oo isna xafladaas ka soo qeyb galay ayaa halkaas ka hadlay isaga oo sheegay in dhalinyaradii dalkii uu sugayo isla markasna looga bahan yahay inay hanaankooda waxbarasho kor u qadaan wuxuu kaloo sheegay inay yihiin hoogaan mustaqbalka beri .

    Sidoo kale guddomiyaha Cusub ee Dallada Horumarinta Dhalinyarada Gobolka Kar-kaar ee (KAYDNET) C/weli Xasan oo halkaas isna ka hadlay ayaa sheegay in ay dhawaan soo dhisi doonaan xubnaha ka dhiman maamulkiisa isla markaasna uu hor keeni doono dhalinyarada ,wuxuu kaloo sheegay inay kor u qaadi doonaan taabba galinta  iyo horumarinta Dallada. 

    Isagoo uga mahad celiyey Madaxda Dowlada, Dhalinyarada iyo odayaasha ka soo qayb galayaashii kulankan sida ay waqtigooda ugu hureen kulankan wuxuu codsady inay xubnaha la shaqeeyaan kuwii doortay iyo kuwa aan  dooranba isaga oo sheegay inuu si dhex dhexaad ah ula shaqayn doono  diyaarna u yahay masuuliyada iyo waxqabadashada Dhalinyarada maadaama uu  noqday laga bilaabo hada uu yahay gudoomiyaha Dalada KAYDNET.

    Cumar Maxamud Cumar Dheere
    omohamud@gmail.com
    Qardho,Puntland Somalia

  • Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2007


     

    Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
    © www.SomaliTalk.com