SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



War Saxaafadeed ay sida wadjir ah u soo saareen xubnaha Baarlamanka Somaaliyeed ee Kamadax bannaan Itoobiya iyo Golaha Maxaakimta Islaamiga ah

Asmara 22. 05.2007

Waxaa si wada jir ah Golaha Maxaakimta Islaamiga ah iyo Xubnaha Barlamaanka Xorta ah ee ku sugan dalka Eritrea magaala madaxdiisa Asmara ay ku baaqayaan qodobada soo socda ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya:

1. Xaaladda Dalka:
dalka iyo dadka Soomaaliya waxa ay u gacan galeen cadow gumaysi ah ka dib markii ciidamada nadaamka Addis-ababa ee Malas Zanawi madaxda uu ka yahay ay ku soo duuleen qabsadeenna dalka Soomaaliya.

2. Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed:
waxaan u aragnaa in dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed oo dhab ah ay tahay lagama maarmaan, hase ahaatee sidii cadowgu dalka u qabsadayba waxay adeegayaasha gumaysigu ku hadaaqayeen in ay qabanayaan shir dib-u-heshiisiin ay ku tilmaameen, kaasoo ay uga dan leeyihiin arrimaha soo socda:
• In lagu sharciyeeyo gumaysiga dalka qabsaday
• In u adeegayaasha gumaystuhu ay ku nolol dheeraystaan isukna muujiyaan dad dib-u-heshiisiin ku hawlan.
• In ummadda Soomaaliyeed looga jeediyo halganka iska caabinta gumeystaha iyo dib-u-xoreynta dalkooda.

Haddaba, waxaan ummadda Soomaliyeed, dawladaha Carabta iyo beesha caalamkaba ogeysiinaynaa arrimaha hoos ku qoran:

In wax shir ah oo dib u-heshiisiin ah uusan dhici karin inta dalka Somaaliya uu gacanta ugu jiro gumeystaha taliska Ethopia.

In dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin la dagaalanka gumeysiga aysan jirin wax dagaallo beeleed ah oo iyaga dhexyaalla.

Waxaan qabnaa in dib-u-heshiisiin run ah oo dhammaysa khilaafaadka siyaasadeed ay imaan karto dadka soomaaliyeed oo u madax banaan danahooda in ay ka tashadaan iyagoo aan gumeysi gacantiis ku jirin.

Sidaa darteed waxaanu ugu baaqeynaa ummada Soomaaliyeed meel ay joogtaba ineeysan dheg jalq u siin qorshayaasha gumeysigu u adeegsanyo kuwa uu ku shaqeysto ayna ka fogaadaan ka qeybgalka shir weyne ku sheega dib-u-heshiisneed ee loo muddeeyay 15-june 2007. Sidoo kale waxaan beesha caalamka gaar ahaan dawladaha iyo hay’adaha deeqda bixiya ugu baaqeynaa ineysan gacan siin, dhaqaalana ku bixin mashruucaas gumeysigu ku xalaaleysano haysashada dalka Soomaaliyeed.

3. Waxaannu soo dhaweyneynaa mawqifyadii siyaasadeed ee u dambeeyay ee ka soo baxay shirkii golah Wasiirada Arrimaha Dibadda Midowga Yurub iyo baaqi ka dambeeyay ee ka soo baxay Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada dawlada Talyaaniga (Patrizia Sentinella) oo ku saabsanaa in ay ciidamada gumaysiga Etoobiya si shuruud la’aan ah uga baxaan dalka Somaaliya.

4. Waxaanu beesha caalamka iyo Qaramada midoobay ka codsaneynaa dardargalinta baarista iyo sharci horkeenidda dambiilayaasha dagaal ee ku xasuuqay Shacbiga Somaaliyeed magaala madaxda Muqdisho, iyo magaalooyinka kale ee dalka oo ay ku cadaato in ay lug ku leeyihiin xasuuqa, waxaan sidoo kale eedaynaynaa hor istaaga iyo carqaldeynta lagu hayo hawlaha loogu gurmanayo dadka ka barakacay iyo kuwa ku tabaaleysan gobolada dalka gaar ahaan agagaarka Muqdisho sida hay’adaha samafalkuba ay cadeeyeen.

Ugu dambayntii waxaan shacbiga Soomaaliyeed ku boorinaynaa in ay dar dar geliyaan halgankooda ay ku soo dhacsanayaan gubanimadooda iyo madaxbanaanidooda.

Shariif Xasan Sh. Aadan
Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed

Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com