SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Habeenka Waxbarashada Soomaalida Minnesota oo sanadkan lagu soo bandhigi doono taariikhda wadaniga/abwaanka Soomaaliyeed ee C/Laahi Suldaan Timo Cade 

Sanad Guuradii lixaad ee habeenka waxbarasha Soomaaliyeed ayaa sanadkan la qaban doonaa taariikhdu markay tahay May 31, 2007 saacaduna tahay 4:00pm ilaa 8:pm 

Goobtu:

Somali Education Center

2205 Nicolet Ave South

Minneapolis, MN   55404

Waa habeen ardada iyo waalidka Soomaaliyeed lagu dhiirigelin doono inay ka faaiidaystaan bandhigga Jaamacadaha iyo waxbarashada sare isla markaana dhegaystaan qudbado dhiirigelin ah oo ku saabsan sida ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota horumar xagga waxbarasha ah iyo guulo badan uga soo hoyin lahaayeen. 

Waxaa sanadkan cusub in lagu soo bandhigi doono abwaan C/laahi Suldaan Timo Cade taariikhdiisa iyo gabayadiisa xiisaha badan oo la moodo inay waqti walba la socdaan.  In badan ayuu Timo Cade u digay Soomaalida ugana digay qabiil iyo caqli yari maantana dhaxalkeedii ayaa la hayaa.  Waxaa kale oo uu Timo Cade dadka aad ugu dhiiriyey inay wadaniyiin noqdaan oo qaranimada iyo xornimada iyo dawladnimada Soomaaliya ilaaliyaan. 

Fadlan ka soo qayb gala habeenka waxbarashada soomaaliyeed. 

Haatanna  ku soo dhowaada qaar ka mid ah gabayada macaan ee aan laga dhergayn ee uu tiriyey Abwaan/Wadani C/Laahi Suldaan Timo Cade.

 Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane 

Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye

Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa
Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye


Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Maandeeq 

Gumaysigu hashuu naga dhaceen gurayey raadkeeda
gu'yaal iyo gu'yaal badan hashii gama'a noo diidey
goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda
guuraa habeenimo hashaan gebi walboow jiidhay
gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay

hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey
gacmaa lagu muquunshaye xornimo noogumay garane
garre iyo guntane maalintay gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree xornimo noogumay garane
geeraarradeedii hashaan annigu googooyey

galool iyo maraa iyo hashaan kidiga geylaanshey
gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayay
goortuu sidkeedii go'ee galabtii foolqaaday

ayadoo candhada giijisay oo godol ku sii deysay
Garaad midan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine
annagoo gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban
hashaan gaadda weynow libaax uga gaboon waayey
Inaan Gorayacawl uga tagaa waa hal soo gudhaye 

Kana sib kana Saar

1 Anigoo sebi uun ahoo
2 Sita leeb iyo qaansoo
3 Siigaduun isku aasoo
4 Sabo reer ka fogaanoon
5 Laygu aaminin soofkiyo
6 Saaca maanta aan joogno
7 Gabaygu waygu sugnaayee
8 Haddii aan Sarsarriigo
9 Ama aan surmaseejo
10 Amaba aan sixi waayo
11 Ama aan ka salguuro
12 Amaba laygu saluugo
13 Soomaalida i maqlaysaay
14 I su'aala hadhow

15 Ilaahaan waxba seegine
16 Subaciisa Quraankiyo
17 Sabbaxooyin ku sheegayow
18 Saciira iyo naciima
19 Rabbiigii kala seerayow
20 Markay suurtu dhawaaqdo e
21 La soo saaro makhluuqa e
22 Shaqiga iyo saciidka
23 Maalintaad kala soocdo
24 Dembigaannu samaynay
25 Rabbigayow naga saamax

26 Subciyay oo ka dukeeyaye
27 Ka siddeetan sebaaney
28 Calankaannu sugaynaye
29 Sahankiisa ahaynow
30 Seermaweydo hillaacdayow
31 Sagal maanta darroorayoo
32 Siigadii naga maydhayow
33 Saq dhexaannu ahayne
34 Kii soo saaray cadceeddow
35 Samada kii u ekaaye
36 xiddigaa mid la siiyayow
37 Saaxirkii kala guurraye
38 Sarreeyow ma-nusqaamow
39 An siduu yahay eegno e
40 Kaana siib Kanna saar

41 Saahidiinta lslaamka e
42 Subcisaa Jimcayaashiyo
43 Sibyaanta iyo haweenku
44 Calankay Saadinayeenow
45 Cidina kaanay na Siine
46 Saatir noogu yaboohayow
47 Saaxirkii kala guurraye
48 Sarreeyow ma-nusqaamow
49 Aan siduu yahay eegno e
50 Kaana siib kanna saar

51 Sallaankii istiqaalkow
52 Sedadu kay ku xidhnaydow
53 Sayruukhii Afrikaadow
54 Saaxirkii kala guurraye
55 Sarreeyow ma-nusqaamow
56 An siduu yahay eegno e
57 Kaana siib kanna saar

58 San-ku-neefle dhammaantii
59 Khalqiga kii u sinnaayeen
60 Mid saaxiib la ahayne
61 Sangalkii iska diidayow
62 Saaxirkii kala guurraye
63 Sarreeyow ma-nusqaamow
64 Aan siduu yahay eegno e
65 Kaana siib kanna saar

66 Soomaloo iscunaysa oo
67 Saqda qaylo dhawaaqdiyo
68 Sulub laysu cabbaystiyo
69 Hadba soof la xabbaadhiyo
70 Saraayaa dami weydey
71 Kii laydhiisu na saaqdayow
72 Kii sadqeeyey qabaa'ile
73 Isu saaray gacmaa ee
74 Saf walaala ka yeelayow
75 Saaxirkii kala guurraye
76 Sarreeyow ma-nusqaamow
77 An siduu yahay eegno e
78 Kaana siib kanna saar

79 In sidayda tihiin iyo
80 In kalaanan saxaynine
81 Soomaloo calan taagta
82 Saakay noogu horraysa oo
83 Saddex wiig iyo maalmo
84 Haddaan Soor cuni waayo
85 Safrad laygama yaaboo
86 Sarina mayso naftayda e
87 Saaxirkii kala guurraye
88 Sarreeyow ma-nusqaamow
89 An siduu yahay eegno e
90 Kaana siib kanna saar

91 Nimankii na Siraayaye
92 Waaxwaax noo kala saaftaye
93 Solanaayey cadkeenna e
94 Innagoo dhexda suunku
95 Sabarkeenna qarqooray
96 Kii sedkeenna Cunaayaye
97 Sarartiisa ka muuqdaye
98 Surwaalkii ka yaraadaye
99 Daaro loo sibidheeyiyo
00 Sariiraa lagu seexdiyo
101 Kabadh suuf laga buuxshiyo
102 Mid baabuurka safeeyiyo
103 Aayad saarta carruuurtiyo
104 Sagaal boy iyo kuug iyo
105 Weliba seeksa lahaa
106 Kii saabaanka u laabayow
107 Saaxirkii kala gaurraye
108 Sarreeyow ma-nusqaamow
109 An siduu yahay eegno e
110 Kaana siib kanna saar

111 Sawjarkaa hubka qaataye
112 Intuu soodhka ku taagey
113 U diyaara salaantiyo
114 Saraakiisha amraysaay
115 Sifihii isticmaarka
116 Ka siyaadiya maanta oo
117 Sibilkiinnan ag joogow
118 Sibirtiisa istaaga oo
119 Nin walbaan sigib beeloo
120 Sarow taaga gacmaa oo
121 Sacabkaysku garaaca oo
122 Nin walbow saddex goor
123 Subxaanow waa mahaddaa dheh

Subxaanow waa mahadaa
Subxaanow waa mahadaa
Subxaanow waa mahadaa!  

Xuquuq:  qoraalkan gabayada Timacde waa qalinkii Boobe Yusuf Ducaale ee Aftahan.Org

La xiriir: mnwardere@yahoo.com

May 21, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com