SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Barnaamijkii Radio Xoriyo
19 May 2007.
 
Ciidamada ONLF oo qabsadey Magalaada Qalaafe.
 
Dagaalo aad u kulul oo ka dhacey Gobolka Nogob iyo gobalka qoraxay.
 
Ciidamada Itoobiya oo gubey Tuulada Laasoole dad shacab ahna ku laayay.
 
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo dad shicib ah ku xidh xidhay Magaalada Jigjiga.
 
Ra`isalwasaaraha Itoobiya Males Zenawi oo sheegay in ciidamadiisa aanu kala baxeyn Somaliya.
Bam lala beegsaday ciidamada Uganda ee Muqdisho jooga.
 
 
======================   
 
Ciidmaada ONLF oo qabsadey Magalaada Qalaafe.
 
Wariya Ogaden Online iyo Radio Xoriyo ee Gobolka Godey ayaa noo soo tabiyay in cuntubyo aad u hubeysan oo ka mid ah Ciidamada Wadaniga Xorenta Ogadeniya ay qabsadeen magaalada Qalaafe, 14.05.2007 Saacada Afrikada bari markay ahayd 9:30AM

Warku wuxuu intaas ku darayaan in aysan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya isku dayin wax iska caabin ah, markii ay ogaadeen Xooga iyo Awooda Ciidamada Jwxo ayay si deg deg ah uga baxeen magaaladaasi.

Ciidamada xoraynta Ogadenia ee Magaaladaasi qabtay ayaa lagu soo waramayaa inay dadkii shicibka ahaa ee magaaladaasi si aad ah ugu faraxsanaayeen, Qabsashada Ciidamada Jwxo iyada oo ay Ciidankaasi dad waynihii Magaaladaas shir ugu qabteen goob fagaare ah, sharaxaad dheera uga bixiyeen mustaqbalka shicibka Ogadenia.
 
Dhinaca kale, Sargaal sare oo Itoobiyaan ah oo ka mid ah la taliyeyaasha Melez Zenawi ee xaga istaraatiijiyada degaalka ayaa sheegay inaysan Suura gal ahayn inay Itoobiya ku wiiqi karto Awood milatari Ururka ONLF. Isaga oo sheegay sargaalkaasi marka la eego hawl galkii milatari ee bishii April 2006 khasaarihii kasoo gaadhay iyo saraakiisha ku luntay iyo iyada oo ay tahay waliba xili ay Ciidamada Itoobiya ay aad u goosanayaan una galayaan Ururka ONLF. Sargaalku wuxuu intaas ku daray "tani waxay keeni kartaa Taageerayaasha ONLF oo sii bata", sargaalkan ayaa  kamid ah Saraakiisha u xilsaaran dhinaca Gobalka Ogadenia.

Si kastaba ha ahataee wararka naga soo gaadhaya Gobolada dalka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoovbiya sii xoojiyeen gumaad ba'an ee ay ku hayeen shacabka Ogadenia
 
Dagaalo aad u kulul oo ka dhacey Gobolka Nogob iyo gobalka Qoraxay.
 
Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Radio Xoriyo iyo Ogaden Online ee magaalada Fiiq ayaa sheegaya in dagaalo aad u kululi ku dhexmareen Ciidamada Xoraynta Ogadenia iyo kuwa Gumaysiga Ethiopia meesha lagu magacaaboado Dhanqa oo degmada Fiiq kaga aadan dhinaca Wooqooyi, qiyaastiina u jirta 12km.

Dagaalkaas oo dhacay 16 May 2007, ayaa sida Wariyaheena Jiida hore sheegayo wuxuu u qaybsanaa labo meelood oo isla goobtaasi ah.

Ciidamada Gumaysiga Ethiopia oo Saarnaa gaadhi Uuraal ah ayay Ciidamada Xoraynta Ogadenia la beegsadeen xabad Baasuuka, waxaana halkaas ku basbeelay baabuurkii iyo ciidankii saarnaa oo lagu sheegay in ay dhanaayeen 79 Askari. Lamana sheegin wax ka badbaadey baabuurkaas iyo wixii saaraaba.
Ciidan Gurmad ah oo deg deg ah oo kasoo baxay magaalada Fiiq laguna shegay in uu dhanaa 150 Askari, ayaa waxay is haleeleen Ciidamo ka tirsan ONLF oo difaac ugu jirey goobtaas, waxaana halkaas ka dhacey dagaal aad u kulul oo saacdo badan socdey.

Natiijadii dagaalka aya waxay ku dhamaatey iyada oo Ciidmaadii Itooboya halkaas lagaa diley 113 Askari.
 
Dhinaca kale Wararka naga soo gaadhaya degmada Sheygoosh ayaa sheegaya in meel u dhow Magaalada Sheygoosh oo lagu magacaabo Gumarey ay Ciidmadaa JWXO ku gubeen baabuur Uuraal ah oo siday Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

Hawlgan ayaa dhacay bishan May 13, 2007 amin barqo ah. Ilaa hada ma hayno tirada rasmiga ah ee saareyd Baabuurkaas. Inkasta oo naloo xaqoojiyey in aysan waxba ka badbadin Ciidamadii saraa Baabuurkaas


Wariyayaasha Radio Xoriyo iyo Ogaden Online oo beryahan socdalo ku maraya Goobolo badan oo ka mid ah Ogadeniya ayaa sheegaya in shacabka Ogadeniya aad ugu diirsadey guulaha isabada jooga ah ee ay JWXO ka soo hoyneyso goobaha dagaalka iyo dhirbaaxooyinka ku dhacaya Gumeysiga Itoobiya.
 
Ciidamada Itoobiya oo gubey Tuulada Laasoole dad shacab ahna ku laayay.
 
Ciidamada Itoobiya ayaa 16.05.07 ku dilay tuulada laasoole oo ka tirsan dagmada Shilaabo dad shacab ah oo aan waxaba galabsan. Dadka la diley waxaa ka mid ahaa Duulane Guuled Carab iyo laba nin oo lagu kala magacaabi jirey Aadan Maxamed Canshuur iyo Jaacuur Fataax.
 
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay ciidamada Itoobiya dab qabadsiiyeen Tuulada Laasoole halkaasna ay ku gubtee dhamaan wixii hanti taaley iyo guryihiiba

Sida wariyaha Ogaden Online iyo Radio Xoriyo uu soo tabinayo, waxaa aad u tabaaleysan dhamaan dadkii Tuuladaas degenaa oo aan haysan hoy ay galaan iyo wax ay quutaan.

Dhinaca kale, Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya ayaa jawaab ka bixisay falkan naxariis darada leh ee ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku kaceen,. Waxayna wareer la beegsadeen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee falkaas geystey.

Hadaba sida warku sheegayo dagaal xoogan kadib, waxaa Ciidamada Gumeysiga Itoobiya halkaas lagaga gubey laba Baabuur oo Ural ah oo ay Ciidamo iyo saanad Milatari ka buxdey.

Baabuurka 1aad ayaa wxaay Ciidamada ONLF la haleeleen qoriga loo yaqaab Saban, wxaaana halkaas ku burburay dhamaan baabuurkii iyo wixii saraa. Kadibna babauurkii 2aad ayaa hakadey oo ay asakrtii saareyd inta ay ka degtey dagaal galeen halkaas oo firxadkoodii ay Ciidamada ONLF ugaadhsadeen.
 
 
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo dad shicib ah ku xidh xidhay Magaalada Jigjiga
 
Ciidamada Gumaysiga Ethiopia ayaa subixii khamiista shantii ilaa iyo lixdii subaxnimo Guryahooda kale baxay dad shacab ah, kadibna u taxaabay xeryaha ciidamada Gumaysiga, waxayna dadkani isugu jiraan dad waayeel ah iyo dhalin yaro. Tirada dadkaasi waxay gaadhayaan inta hada la hubo 13 ruux.
 
Dad xogogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in dadkaas guryahooda lagala baxay amin subax hore ah, waxay kalooy dadkaasi noo xaqiijiyeen in ay ciidamada Itoobiya wadaan olole ay ku xidh xidhayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.
 
Magacyada dadka la xidh xidhay oo farabadnaa ayaa waxaa na soo gaadhay
  1. Maxamed Sheekh Aden (Waa Agaasimaha Xafiiska Biyaha) waxayna xaqiijyeen dad goobjoog ka ahaa markii laga kaxaynaayay gurigisa in loola dhaqmaayay si ka baxsan Bani aadminimada iyada oo ay qaateen Ducoment giisii ha ahaado shahaado ama wax kaleba 
     
  2. Cabdlaahi Shibiin (waa Qandaraasle), sidoo kale waxay gurgiisa ka qabteen xiligii salaada Subax
  3. Hura Cabdi Adar
     
  4. Mulki Sheekh Saalax iyo
     
  5. Ruqiya Axmed Makhtal Daahir
Xukiimada Itoobiya ayaa xabsiyada ka buuxisay dad kumaan ruux gaadhaya oo shacab ah, waxaana dakaas loola dhaqmaa si kabaxsan Bina aadanimada, waxaana oo loo gaysta jirdil iyo fara xumaynba, mana jiro wax sharci ah oo la horkeeno dadkaas xabsiyada ka buuxa.
 

Ra�isulwasaaraha dowladda Itoobiya Males Zenawi ayaa shaaca ka qaaday in uusan Somaaliya ciidamadiisa kala bixi doonin.

Males Zenawi oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ciidamadiisa ay sii joogaan dalka Somalia, inkastoo uu jiro culeys dhinaca maaliyadda ah oo heysta ciidamadiisa.
 
Waxa uu sheegay in ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Somaliya ay saameyn xoogan ku yeelan karto amaanka dalka Somaliya iyo midka gobolka geeska Africa.
Males Zenawi ayaa sheegay in taasi macnaheeda uu yahay in ciidamadiisa ay sii joogayaan dalka Somaliya ilaa ay dalka ka soo gaarayaan ugu yaraan 4 kun oo askari oo ka socda Midowga Africa. Males Zenawi waxa uu intaasi ku daray in aysan wax faa�iido ah la heyn in xilli looqabto ciidamadiisa.
 
Diblumaadsiyiin Afrikaan ah ayaa sheegaya in dhowaanahaan aysan suurto gali karin in ciidamada Afrika ka socda ay yimaadaan Somaliya.
 
Dadka u dhuun duleela siyaasada Itoobiya ayaa aaminsan in ayna marnaba Itoobiya dib uga baxaynin Soomaaliya in xoog laysaga kiciyo mooyee. Xukuumadihii Itoobiya soo maray oo ku caanbaxay isbalaadhinta geeska afrika ayaa waligood ku taamayay mar inay qabsadaan xeebaha soomaaliya mana dhacayso in ay si sahlan uga baxaan dhulka hamigoodu uu ahaa in ay mar hantiyaan.
 
Bam lala beegsaday ciidamada Uganda ee Muqdisho jooga.
 
Ugu yaraan 5 askari oo ka mid ah ciidamada u dhashay dalka Uganda ayaa ku geeriyooday Qarax weyn oo lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamadaasi, oo marayay xaafada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
 
Afhayeenka ciidamada Uganda Captain Paddy Ankunda ayaa xaqiijiyay geerida 5 askari oo kamid ah ciidamada uganda, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in tirada dhimasho ay intaasi ka badan tahay oo ay jiraan dhaawacyo halis ah oo soo gaaray ciidamada Uganda.
Inksta oo ay ciidamada Uganda dadka soomaaliyeed tusayaan in ay caawinayaan. Hadana dadka soomaaliyeed ayaa aaminsan in ciidamada Uganda ay sharciyaynayso qabsashada ay Itoobiya qabsatay wadanka Soomaaliya, iyaga oo gashan shaadhka ciidamada midawga Afrika.
 
19 May 2007
Halgan Bashiir
Radioxorio@yahoo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM  - 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | May  20, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com