SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHURO-NET


Office Telephone: 252 2 520013/ 252 2 427310/252 2 409125
E-mail: shuro4rights@gmail.com
Hargeisa, Somaliland | 5/19/2007 


Ujeedo: Bayaan 

Guddida nabadgalyada Somaliland oo ku xadgudubtay xuquuqda iyo xoriyadaha muwaadiniinta.

Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamaha Somaliland waxa uu mudo dheer ku hawlanaa sidii wax looga qaban lahaa guddiyada nabadgalyada, kuwaa soo kulakacay muwaadiniinta Somaliland xadgudubyo ka dhan ah xaqa iyo xoriyadaha ay dammaanad qaadeen destoorka Somaliland iyo aaladaha xuquuqda aadamiga aduunku.

Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga heer qaran (Shuro-Net) oo ay ku midoobaan dhammaan ururada xuquuqda aadamiga Somaliland, waxa uu xogogaal u yahay xadhigyo sharci darro ah iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamiga, kuwaa soo ay gaysteen guddiyada nabadgalyadu, iyagoo adeegsanaaya xeerka xasilloonida guud ee 1963 (Public order law) kaa soo uu xaaraan-timeeyay barlamanaka Somaliland sanadkii 1999, kuna tilmaamay mid baal marsan destoorka Somaliland, Shareecada Islaamka iyo Baaqyada caalamiga ah ee xuquuuqda aadamiga.

Guddiyada nabadgalyada oo ka kooban xubno ka tirsan waaxda fulinta, ayaa haba yaraatee aanay jirin wax sharci ah oo ay ku fadhiyaan, waxa ay boqolaal muwaadiniin ah u taxaabay xabsiyada Somaliland sanadadii ugu dambeeyay, iyaga oon horkeenin maxkamad sharci ah, islamarkaana aan u ogolaanin xuquuqda aasaasiga ah ee uu cadeeyay destoorka Somallaind. Dadkaasi oo tiradoodu maalinba maalinta ka dambaysa ay sii kordhayso, ayaa qaar badan oo kamidi ka cabanayaan caafimaad darro iyo adeegyada xabsiyada oo aad u liita.

Xabsiga Madheera oo ku yaal jidka u dhaxeeya Hargiesa iyo Barbara, xabsigaas oo 93 Km dhinaca waqooyi bari ka xiga caasimada Hargeisa, ayaa dad tiradoodu gaadhayso afar boqol iyo laba iyo todobaatan qof ay ku xidhan yihiin, boqol iyo sadex iyo afartan ka mida dadkaasi waxa ay u xidhanyihiin guddida nabadgalyada, dadkani oo iskugu jira qaar la xukumay iyo qaar rumaan ah, ayaa qaarkood ay xidhan yihiin mudo gaadhaysa ilaa laba sano, iyaga oon ilaa hada aan la horkeenin wax maxkamad ah ,waxaa ku jira dadkaasi toban qof oo bukaan jiif ah oo qaba cudurka loo yaqaano TB, waxayna xaaladooda caafimaad maraysaa meel aad u xun, sida ay noo xaqiijiyeen kormeerayaal ka tirsan isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga Somaliland. Sidoo kale waxaa ku jira xabsiyada Burco,Boorama,Gabilay iyo magaalooyin kale oo ka mida dalka Somaliland dad badan  oo ay si sharci darro ah u xidh-xidheen guddiyada nabadgalyadu.

12/05/07 Abaaro 11:00 am ayaa isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga Somaliland u gudbiyeen maxkamada sare ee Somaliland dacwad destoori ah oo ka dhan ah sharciyada jiritaanka guddiyada nabadgalyada. Dacwadaas oo uu gudbiyay garyaqaanka isku-xidhka ururada xuquuqda aadamaha Somaliland Ibrahim Iidle Sulayman, ayaa gudoomiyaha  Maxkamada Sare  Dr Maxamed Xirsi Omane ganafka ku dhuftay qabashada dacwadaasi isaga oon haba yaraatee aan sheegin sababo macquul ah oo uu ku diiday qabashada dacwadaasi.

In yar  kadib waxaa isku-xidhka ururada xuquuqda aadamigu ay qabteen shir jara`id oo ay kaga war bixiyeen kiiska ladiiday qabashadiisa iyo sababaha ku kalifay inay kiiska horgeeyaan Maxakamada Sare..Wax yar ka dib goobta waxaa yimid ciidamo bilays ah oo gudoomiyaha maxkamadda sare dalbaday, kuwaa soo garaacis iyo cagajuglayn ku bilaabay dhammaan suxafiyiintii iyo hawl-wadeenadii ka socday ururada xuquuqda aadamiga ee goobtaa joogay, waxaa kaloo uu amar ku bixiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare in xabsiga loo taxaabo gudoomiyaha isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga Zamzan Abdi Aden iyadoo haba yaraatee aanay jirin wax denbi ah ooy geysatay. Gudoomiye Zamzam ayaa la siidaayay muddo yar kadib markii uu arinta soo dhexgalay taliyaha bilayska Hargeisa Abdi Guun, kaas oo furdaamiyay arintii cakirnayd,.Waxaa kaloo iyaguna goobta caga-juglayn iyo aflagaado loogu gaystay xubno ka tirsan dadka laga tirada badan yahay, kuwaa soo kamid ah isku-xudhka ururada xuquuqda aadamiga Somaliland.

Hadaba, guddidan nabadgalyada oo ay mudo dheer ka hadlaayeen ururada xuquuqda aadamigu iyo ururka caanka ah ee ay ku bahoobeen qurbajooga reer Somaliland, oo loo yaqaano (Somaliland Forum) ayna ka soo saareen baaqyo aad u badan, islamarkaana ay kaga hadleen xadgudubyada iyo xadhigyada sharci darada ah kuwaa soo ay gaystaan Gudiyada Nabadgalyadu, ayaa xukuumada Somaliland wax dheg ah aanay u dhigin, sidaa awgeed waxaanu mar kale uugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland in si deg deg ah arintan wax uga qabato, ayna garab istaagto hawl-wadeenada isu xilsaaray inay dacwada ka dhanka ah guddida nabadgalyada geeyaan maxkamada sare, taa soo inoo horseedi karta inaynu noqono bulsho ku kala baxda shariciga iyo distoorka.

Isku xidhka ururada xuquuqda aadamaha Somalilnd (Shuro-Net) waxa uu xasuusinayaa guddida nabadgalyada inay jabiyeen xeerarkan hoos ku qoran.

  1. Qodobka 25(1) aad ee destoorka. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn (2) aad. Ma banaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin garsoore awood u lihi.
  2. Qodobka 26 (3) aad ee destoorka. Eedaysanuhu waa dembi laawe inta aanay Maxkamad horteeda kaga caddaanin dembiilenimo.
  3. Qodobka 26 (1) aad ee destoorka. Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reeban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.
  4. Qodobka 27(2) aad ee destoorka. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu horgeeyo Maxkamad 48 (sideed iyo afartan) saacadood; laga bilaabo marka la qabtay.
  5. Qodobka 27 (6) aad ee destoorka. Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in go’aan Maxkamadi ku riday uu racfaan uga qaato Maxkamadda ka saraysa.
  6. Qodobka 28 (2) aad ee destoorka. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu iska difaaco Makamadda horteeda. .
  7. Qodobka 21 aad ee destoorka. Waaxaha xeer-dejinta, fulinta iyo garsoorka ee qaranka iyo kuwa dawladaha hooseee, gobollada iyo degmooyinka Jamhuriyadda Somaliland heer kasta ha ahaadeene, waa in ay ilaaliyaan xuquuqda aasasiga ah ee muwaadiniinta.
  8. Qodobka 27(9) aad ee distoorka, Wa dembi gaar ah oo mutaysanaya ciqaab in lagu xadgudbo xorriyadda qofka.
  9. Qodobka 460 ee xeerka Ciqaabta. Qofkii xorriyadda qof kale si xaq daro ah uga xayuubiyaa waxa uu muteysanayaa ciqaab ilaa 8 sanadood oo xadhig ah.
  10. Qodobka 461 aad ee xeer ciqaabta. Masuulka si xaqdaro ah u qabta ama isagoo xabsi madax uu ka yahay ogalaado xidhitaanka qof aan si sharci ah loo soo qaban wuxuu muteysanayaa ciqaab ilaa 3 sanadood ah.
  11. Qodobka 99 (1) aad ee distoorka. Hay’adaha Garsoorku waxa ay ka kooban yihiin Maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta
  12. Qodobka 155 (1) aad ee distoorka. Dastuurka ayaa ugu sarreeya xeerka dalka, xeer kasta oo aan isaga waafaqsanaynina, waxa uu noqonayaa waxba kama-jiraan. 
  13. Qodabka 9 aad ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.qofna lama xidhi karo,lama hayn karo,ama looma fustaafurin karo si sharci darro ah.
  14. Qodabka 10 aad ee baaqa caalamiga ah ee xuuquuqd aadamiga. Qofka kasta oo lagu soo oogo dacwad ciqaab ah wuxuu xaq uleeyahy in loo aqoonsado inuu yahay dambi laawe,ilaa lagu cadeeyo inuu yahay  dambiile si sharci ah maxkamad furan oo xor ah horteed.
  15. Qodobka 130 (5) ee destoorka.Dalka jamhuuriyadda Somaliland waxa lagaga dhaqmayaa xeerarkii hore loogaga dhaqmi jiray ee aan ka hor imanayn Shareecada Islaamka ,xuquuqda qofka iyo xorriyaadka asaasiga ah.
  16. Qodobka 40 aad ee xeerka habka ciqaabta .Cida awood u leh soo saarista waaran ama amar xadhig waa garsoore maxkamadeed oo ku guda jira hawsha garsoor iyo gudoomiyaha maxkamadda.

Madaxwaynaha Somaliland, Mudane Dahir Riyaale Kahin

Mudane Madaxwayne, waxaanu si sharaf ku jirto kaaga codsanaynaa inaad hawshan nagala qayb qaadato ,ood garab istaagto dhawaaqyada ka soo yeedhaya muwaadiniinta ku doortay ee sida xalaasha ah kuu doortay ,ood taageerto tirtiridda guddida nabadgalyada kuwaa soo cabasho wayn ay ka muujiyeen shacbi waynaha reer Somaliland . 

Mudane madaxwayne waxaad ogtahay inaad ummaddan u dhaaratay uguna dhaaratay inaad ku hagayso sharciga iyo distoorka, hadaba joogitaanka Guddiyada Nabadgalyadu wuxuu toos uuga soo horjeedaa distoorka dalka iyo baaqyada caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga. Waxay taariikhdu xusi doontaa garab istaaga aad garab istaagto arintan iyo go`aanka aad ka qaadato, waxaa kaloo ay saamayn ku yeelan doontaa mustaqbalkaaga siyaasadeed. Waxaanu kaa codsanaynaa in la siidaayo dhammaan dadka ay xidh-xidheen Guddida Nabadgalyadu hadii ay galeen dambina la horkeeno maxkamad sharci ah. 

Baarlamaanka :Inkastoo aanu ognahay inay golaha wakiiladu arintan mar hore ka hadleen go’aamo aad u dhaxal-galeen ahna ka soo saareen ayaa hadana wali wax isbadali aanu jirin, sidaa daraadeed waxaanu mudanayaal idinka codsanaynaa inaad mar labaad aad gashaan abaabul aad u culus kaa soo aad ku xaaraan-timaynaysaan Guddida Nabadgalyada iyo Xeerka xasiloonida guud ee 1963(Public order law)

Mudanayaal ummaddani idin dooratay waxay idiin doorteen inaad ilaalisaan xuquuqdooda, ood fiirisaan inay xukuumaddu sharciga ku dhaqmayso,hadaba waxaanu idinka codsanaynaa inay labada gole si wada jir ah arintan u galaan oo ay ka soo saaraan xeer baabiinaaya guddiyada nabadgalyada. 

Xisbiyada Qaranka. Waa marag ma doon in xisbiyada qaranku kaalin muhiim ah ka qaateen sidii loo tirtiri lahaa guddida nabadgalyada, iskuna dayeen inay horgeeyaan maxkamada sare, sidaa awgeed waxaanu si sharaf leh uuga codsanaynaa inay mar kale  kaalin muhiim ah ka gaystaan .Waxaanu sadexda xisbi qaran ugu baaqaynaa inay go`aamo adag kasoo saaraan guddiyada  nabadgalyada, oo ay u gargaaraan muwaadiniintii doortay, kuwaa soo qaar badan oo kamidi ay xabsiyada  ku jiraan iyagoon lagu xidhin sifo sharci ah .

Maxkamada sare. Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamaha Somaliland (Shuro-Net) wuxuu aaminsanyahay in maxkamadda sare ay tahay meesha kaliya ee wax kabadali karta dhaqangalinta sharciga, una horseedi karta ummadda cadaalad sax ah iyo sinnaan, sidaa daraadeed waxaanu si sharaf leh uuga codsanaynaa maxkamada sare inay maanta qaadato go`aan lama ilaabaan ah oo ay garab istaagto dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah gudiyada nabadgalyada kuwaa soo fara maroojiyay shaqadii garsoorka. Waxa aanu xaq uleenahay inaanu dacwad destooriya ka furano maxkamada sare, taa soo uu noo dammaanad qaaday destoorka Somaliland. Waxaanu ku rajo waynahay inay maxkamada sare dib u eegi doonto go`aankii aay ku diiday inay aqbasho dacwada ka dhanka ah guddida nabadgalyada, ooy soo saaarto xukun taariikhiya, kasoo lagu xasuusan doono garsoorka dalka Somaliland. 

Ugu dambayntii waxaanu ummadda Somaliland u sheegaynaa in aanu aad u danaynayno amniga wadanka iyo horumarkiisa, taasina waxay ku iman kartaa iyadoo la dhawro sharciga wadanka iyo distoorkiisa.Waxaanu ummada u sheegaynaa inaanu ka soo horjeedno cid kasta oo rabta inay ummadan dhib u gaysato, islamarkaana xadgudubyo ka gasho iyadoo adeegsanaysa magaca Dawlada. Waxaanu ku boorinaynaa xukuumadda Somaliland inay tixgaliyaan xorriyadaha aasaasiga ah ee uu dammaanad qaaday distoorka dalku, ayna dhawraan dimuquradiyada curdin ka ah ee ay ku hana qaaday Jamhuriyadda Somaliland.

Samsam Abdi Adan                                                         Mubarik Ibrahim Aar
Gudoomiyaha Shuro-Net                                                  Agaasimaha Shuro-Net 
kala xiriir: shuro4rights@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com