SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Odayaasha Beesha Harti Waamo Oo Magacaabay Gudi U Metela Wada Hadalka Dhex-dhexaadinta Kismaanyo..

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Odayaasha iyo waxgaradka beesha harti waamo ayaa gudi nabadeed u saaray wada hadalka ay wadaan masuuliyiin ka tirsan dowlada KMG ah oo ay doonayaan inay ku dhex dhexaadiyaan xaalada murugsan ee ka taagan magaalada kismaanyo taasoo ka dhalatay xarig jiidad siyasadeed oo u dhexeeya beelaha sadde iyo harti.

Hogaamiye dhaqameedada iyo odayaasha beelaha harti kismaanyo ayaa magacaabay xubno ka kooban 10-xubnood islamrkaana u gudbiyey mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda KMG ah oo la sheegay inay dadaalo ugu jiraan sidii ay khilaafaadka ka taagan gobolada jmubooyinka usoo afjari lahaayeen

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in gudida la magaacay ay shaqadoodu noqon doonto sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nabad ku soo dabaalidda xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka jubada hoose .

Guddigaan ka kooban 10-ka xubnood ayaa la sheegay inay isugu jiraan salaadiin ,odayaal dhaqameedyo iyo weliba waxgarad kasoo wada jeeda dhamaan beelaha harti ee dega gobolka jubada hoose.

Si kastaba ha ahaatee arintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay magaalada Kismaayo ka taagan yihiin khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya gacan ku haynta magaalada islamarkaana laga cabsi qabo inuu sii xoogaysto oo keeno dagaal isku dhac labo beelood ah .

Baaq ay Soo Saareen Af-duubayaashii Shaqaalihii Care Ee Dowlad Goboleedka Punt-land .

Anigoo ah Cusmaan Ciise nuur Waxaanu nahay Dhalinyaro udhalatay gobolka Bari anagu waxaanu Taageersanahay DFKMG ee Soomaaliya Boqolkiiba boqol oo ay Madaxda ka yihiin C/laahi Yuusuf,Cali Maxamed Geedi, iyo sh,Aadan Madoobe.

Dowlada Puntland oo la yag-leelay 1998 waxaa ku habsatay koox majara habaabisay maamulka sida loogu talagalay iyo Hay'addihii samafalka waxaanu ka codsaneynaa kooxdaa ku caan baxday madharganimada majara habaabinta maamul punt-land iyo iska horkeen shacabka .

Waxaanu ka codsaneynaa iney is casisho oo banayso si jagada loogu yagleelo maamul Caafimaad qaba oo wax qabta shacabka punt-land iyo soomaalida kaleba xiriir wanaagsan u sameeya .

Waxaanu ka codsaneynaa in Dowlada Federaalka ah ay soo faragaliso waxyaabaha kooxdaa boqor Cade muuse Madaxda ka yahay ay ka sameeynayaan degaanka Puntland oo si deg dega usoo faragaliso.

Waxaan ka codsaneynaa Baarlamaanka Puntland hadii uu matalo ummada Puntland ineey sideg dega wax ugaga qabtaaniin arimahaas.

Kooxdaasi waxay caadeysatay oo ku caan baxday madharganimo, Nabaddiid, iska horkeenid Puntland Horumar la'aan ayeey caadeysatay.

Waxaanu kale oo Hay'addaha Samafalka ah dhamaan ka codsaneynaa ineey isaga baxaaniin geyiga Puntland ilaa inta laga yagleeylayo maamul dadka iyo dalka u yagleela,mid nadiifa oo cadaalada ku dhisan sidaas ayaanu ka codsaneynaa arimahaasi waxaanu daneyneynaa in la fuliyo.

Hadii la fulin waayo hada anagu nimankii ajnabiga ahaa oo aanu haysaney waan soo deynay sababo Caafimaad dartood ayaanu usoo deyney, laakiin hadii aan la daaweyn sababaha keenay in la Afduubo niman Ajnabi ah oo u shaqeeya Qaramada Midoobay oo samafal ah waxaa sabab u ah Cadaalad darada Kooxda Qowleysatada oo uu madaxda ka yahay Boqor Cade.

Qore ; Cusmaan Ciise nuur

Xaalada 23-qoys Oo Ka Barakacay Dagaaladii Muqdisho Oo Ku Sugan Nolol Aad U Liidata….

Qoysaskan oo ku sugan xaalad nololeed oo aad u qalafsan ayaa ka kooban 23-qoys oo markoodii hore ka barakacay dagaaladii magaalada muqdisho islamrkaana ahaa dadkii horeba ugu noolaa garab raratada islamarkaana kasoo jeeda gobolada sool,sanaag iyo buuhoodle ayaa ku darxumaysan inta u dhaxaysa af-gooye iyo magaalada muqdisho .

Qoysaskan oo aan ku booqday deegaanada ay ku sugan yihiin ayaa waxaa ka muuqday darxumo iyo nolol aad u liidata islamrkaana qaarkood ayaa ii sheegay inaysan haysan wax dhaqaalo ah oo ay ugu laabtaan halkii ay markoodii hore kasoo qaxeen ee magaalada caasimada ee muqdisho .

Fahmo axmed gaagaale oo kamid ah hooyooyinka sida weyn ugu dhibaataysan deegaanada afgooye iyo ceelasha biyaha ayaa ii sheegtay inaysan awoodin waxay ku noqdaan iyo weliba waxay cunto ku iibsadaan ,islamrkaana ay ka nool yihiin xag alle ,waxayna ka codsanayaan walaalohooda dalka iyo dibadaha ku nool inay usoo gargaaraan islamrkaana ugu diir naxaan soomaalinimo iyo weliba muslinimo.

‘’ waxaan ahay hooyo soomaaliyeed waxana kasoo qaxay markaygii hore magaalada muqdisho waxaan haystaa 4-caruura oo isuma qado ah caruurta aabohoodna maaha mid wax haysta markiisii horena waxuu ahaa dilaal suuqa dhex booda waxaan ku darxumaysnahay ceelasha biyaha caruurta waxaan siiyona mahaysto’’ ayay tiri fahmo oo ay ka muuqato murugo nolol xumo ah

Sidoo kale qoysaskan oo u badan caruur iyo haween ayaa waxaa saameeyey dhibaato nolol xumo oo aan lasoo koobi Karin islamrkaana u baahan gar-gaar bani aadamnimo iyo mid muslinimoba .

Ikraan carab cilmi ciid oo iyana kamid ah hooyooyinka caruurta haysta ee ku dhibaataysan deegaanka afgooye ayaa ii sheegtay inaysan haysan wax ay ku noolaadaan iyo weliba waxay ugu noqdaan magaalada muqdisho .

Qoysaskan oo dhamaantood miciin u baahan ayaa u badan dumar iyo caruur u nugul dhibaatada nololeed ee ay ku sugan yihiin taasoo ay ka codsanayaan jaaliyadaha dibada iyo kuwa wax haysta ee kasoo jeeda gobolada sool,sanaag iyo buuhoodle inay waxsoo taraan islamrkaana uga dhiidhiyaan dhibaatada haysata waqti xaadirkan.

Qoysaskan kasoo jeeda gobolada sool sanaag iyo buuhoodle ee ka barkacay caasimada ayaa markoodii hore ka koobnaa 37-qoys taasoo ay 14-qoys oo kamida ay kusoo laabteen magaalada muqdisho .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com