SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Soomaalida Sweden oo Deeq Gaarsiiyey Bukaanada ku jira isbitaalada Madiino iyo Banadir

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden, gaar ahaan Magaalada Umeå ayaa waxay soo gaarsiiyeen deeq lacageed oo gaaraysa 1,463-Dollar bukaannada ku kala jira Isbitaallada Madiina iyo Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

 

Deeqdaan lacageed ayaa waxaa ka soo ururiyay Jaaliyadda Umeå ee dalka Sweden C/qaadir-yare, iyadoo uu soo diray Cabdibashiir laguna soo hagaajiyay Weriye C/naasir Yuusuf Macallin (Ganey) oo ka tirsan Naadiga Hal-abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed ee Somali-Pen, waxaana deeqdaan la gaarsiiyay dadka qaba Cudurka Shubanka ee ku jira Isbitaalka Banaadir iyo Dadkii ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee jiifa Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

 

C/qaadir-yare oo lacagta ka soo ururiyay Jaaliyadda Umeå ee dalka Sweden ayaa wuxuu mahad-ballaaran u celiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggen Umeå isagoo sheegay inay iska xilsaareen u gargaaridda walaalahooda Soomaaliyeed ee u baahan gacan qabashada.

 

Qaar ka mid ah dadkii la guddoonsiiyay deeqdaan ayaa waxay ka mahadceliyeen deeqda lacageed ee ka soo gaartay walaalahooda Soomaaliyeed ee ugu soo deeqay lacagataan, waxayna sheegeen inay heleen xilli ay u baahnaayeen.

 

Mid ka mid ah bukaannadii deeqdaan lacageed la guddoonsiiyay oo qabay dhaawac ka soo gaaray dagaalladii ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay inaysan wax ehel ah oo u jooga Muqdisho aysan jirin, oo uu ku nool yahay deeqaha kala duwan ee ka soo gaara walaalihiisa Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa.

 

"Waxaan ku jira Isbitaalka dhowr qof oo aniga oo kale ah, dhammaantoodna ma jiraan wax ehel ah oo isbitaalka ku haya ama wax siinaya, waxayna inta badan ku tiirsan yihiin  dhaqaalaha deeqaha ah ee ay ka helaan dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool" ayuu yiri bukaan magaciisa ku soo koobay Cumar.

 

Weriye C/naasir Yuusuf Macallin Ganey oo hadal jeediyay markii lacagta la qaybiyay kaddib ayaa yiri: "Deeqdaan waxay ahayd mid ka timid Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool dalka Sweden, waxayna ugu talo-galeen inay ku kaalmeeyaan walaalahooda xanuunnada kala duwan qaba ee ku jira Isbitaallada banaadir iyo Madiina, iyo weliba danyarta kale ee Soomaaliyeed ee iyaguna dhibaatooyinka dhaqaale qaba".

 

C/naasir Ganey ayaa wuxuu ka codsaday Jaaliyadaha Soomaliyeed ee dibadaha ku dhaqan inay gacan hagar la'aan ah la soo gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee qaba dhiabatooyinka kala duwan isugu jira dhaawacyada, xanuunnada, kuwa baahan iyo weliba dadka aan awoodda u lahayn inay helaan wax ay maalintii ku noolaadaan.

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo jaaliyadan ay deeqo lacageed soo gaarsiiso dadka walaalahooda ah ee dhibaatadu ay ku hayso gudaha dalka, waxaana dhowr jeer oo hore ay soo gaarsiiyeen Shacabka Soomaaliyeed kaalmooyin kala duwan. 

 

Nin ku hubeysan Bastoolad ayaa ku dhex toogtay suuqa Bakaaraha maanta askari ka tirsan ciidammada Dowladda, iyadoo ruuxii toogashada askariga geystay la sheegay inuu baxsaday markii uu falkaas dhacay.

 

Goobta lagu dilay askarigaan ka tirsan ciidammada dowladda oo ahayd bartamaha suuqa bakaaraha, gaar ahaan halka lagu gado bagaashka oo ay ka socotay howlo burburin ah ayay sheegeen goobjoogayaal ku sugan in si bareer ah uu ruuxa hubeysani u toogtay Askariga.

 

Askarta Dowladda ayaa billaabay wax yar dabadeed inay rasaas aad u xoog badan furaan, iyagoo ku kala eryaya dadweynaha ku suganaa xilligaas Suuqa, iyadoo aysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhacay suuqa intii ay rasaasta ridayeen ciidammada Dowladda.

 

Ciidamadda ee ku sugan suuqa ayaa waxay ku guulaysan waayeen inay gacanta ku dhigaan gacan ku dhiiglaha geystay falka dilka ah ee lagu qaarijiyay askariga ka tirsan dowladda ee howlaha ka waday suuqa weyn ee bakaaraha.

 

Shalay ayaa sidoo kale waxaa lagu toogtay mid ka mid ah askarta dowladda suuqa weyn ee barkaaraha, waxaana toogashadiisa ka dambeeyay nin isaguna ku hubeysan bastoolad oo ka tirsanaa dadka ku ganacsada Suuqa bakaaraha.

 

Maanta ayaa laga dhoofiyay garoonka weyn ee Muqdisho ciidammadii Ugandese ahaa ee shalay lagu dilay qaraxa bam ee ka dhacay agagaarka wasaaraddii Maaliyadda ee Magaalada Muqdisho.

 

Afar askari oo maydadkooda la geliyay sanaadiiq gaar ah oo calanka dalkooda dusha laga saaray ayaa lagu sagootiyay garoonka weyn ee Muqdisho, waxaana sagootinta maydadkaas oo loo duuliyay dalka Uganda ka qaybgalay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxaxed Geeddi.

 

Raiisal wasaaraha mellas zenawi dowlda Ethiopia oo la hadlayey wakaalda warar ee routers ayaa sheegay in ay laga muran tahay in ay ciidamadiisu sii joogaan gudaha dalka somaliya tan iyo inta laga soo dhameystirayo ciidamada uu ku yaboohay midowga Africa

Mellez senawi ayaa yiri waanu ogsoon nahay in uu jiro culeys xaga dhaqalaha ah oo heysta dowladaha ku yaboohay ciidamada in ay geeyaan gudaha dalka somaliya wuxuuna shaagay in ka bixitan deg deg ah oo ay sameeyaan ciidamada Ethiopia ay saameyn weyn ku yeelaneyso ammanka dalka somaliya iyo guud ahaanba geeska Africa iyada oo uu sheegay intaa micnaheedu uu yahay in cidamadiisu ay sii joogayaan gudaha dalka somaliya ila iyo inta ay dalka ka soo gaarayaan ugu yaraan 40 kun oo ciidamo nabad ilaalineed ah oo ka socda dalal midowga Africa tiradaas oo ah kala bar inta ay ku yabooheen wadamada midowga Africa ,

Dhanka kale wararka qaar ayaa sheegay in dhawaaanahaaan aysan suurta gal eheyn in ciidamada Ethiopia ay dalka ka baxaan .raiisal wasaare mellez ayaa intaa ku daray in aanay wax faaiido ah laheyn in ciidamadiisa loo qabto waqti ay kaga baxaan gudaha wadanka somaliya wuxuuna ku sheegay tiradooda raiisal wasaaruhu in ay ka badan yihiin 40 kun oo askeri oo keliye waxaaana loo soo diray sida uu sheegay mellez zenawi in ay dalka somaliya ka sifeeyaan waxa uu ugu yeray midowgii maxaakiimta oo iyagu ka ariminayey kuufurta iyo bartamaha somaliya mudo lix bilood ah


Hadalkaan melle zenawi ayaa waxaa uu ku so beegmay ka dib halmaalin uun markii uu gudoomiyaha ururka midowga Africa alfa cuamr konaari uu sheegay in masiibo weyn ay ka dhalan karto hadii ciidamada Ethiopia ay si fudud baxaan gudaha dalka somaliya hadalkaa oo Somali badan ka careysiiyey balse zenawi ayaa horey u sheegay in uu ciidamadiisa si dhaqso leh ugala baxayo dalka somaliya .

Sodoo kale hadalka zenawi uu ku sheegayo in cidamadiisa uusan dhaqso kala baxaynin gudaha somalaiya waxaa uu imanayaa ka dib markii ay wasiirada arimaha dibada ee midowga yurub kulan ay ku qaateen magaalada Brussels ee xarunta dalka biljimka ay ku baaqeen in cidamo nabad ilaalineed ay u so dirayaan dalka somaliya hadii ay ka baxayaan dalka kuwa reer Ethiopia ee haatan jooga ,

 

Ali Maxamed Siyad ( Cali Dheere )” suuqa bakaaruhu wuxuu ka kooban yahay 46 waxood wax kastane waxay ka kooban tahay 1500 oo meheradood waxyna u baahan tahay qeyb kasta ugu yaraan 10 nin oo ilaalo ah hubkdune uu u dhanyahay

Gudoomiyaha ganacsatada suuqa bakaaraha Cali Maxamed ssiyaad Cali dheere oo saxaafada uga warbixinayey ayaa ka dalbaday ciidamada AMIOM ee ku sugan magalada muqdisho in ay qeyb lixaadleh ay ka qaataan sugida amnga suuqa weyn ee bakaaraha iyo ka difaacida kooxaha qalaanqal iyo qalalaasaha ka wada hadii aanay taasi dhaceyna hubkoodii laga qaaday dib loogu soo celiyo si buu yiri aan isaga difacno kooxaha boobka iyo bililiqada ka wada suuqa bakaaraha ,

Ali Maxamed Siyad ( Cali Dheere ) ayaa waxaa uu cadeeyey in suuqa weyn ee bakaraha uu yahay suuq nabad gelyo isla markaana aanay jirin wax fowdo ah oo laga soo abaabulo ali dhere ayaa ku doday in suuqu aanu aheyn meel lagaga so horjeedo dowlada fadaraalka KMG somaliyeed iyadoo ay dowladune u baahan tahay suuqa bakaaraha uuna yahay isha dhaqaale ee ugu weyn ee ka jirta dalka somalliya wuxuuna intaa ku daray in taaswi ay muhiim ka dhigayso in ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ay gacan ka geystaan sugida amaanka suuqa maadaama ay yihiin nabad ilaaliyaasha keliye ee uu caalamku aqonsan yahay ee xil uu ka saran yahay caasimada Somalia ee muqdisho ,

 

Gudoomiyaha suuqa bakaarha Ali Maxamed Siyad ( Cali Dheere ) oo ka hadlayey qaabka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo amaanka ssuuqa weyn ee bakaaraha ayaa waxaa uu sheegay in suuqu uu ka kooban yahay 46 waaxood wax kastane ay ka kooban tahay 1500 oo meheradood wax kastane ay u baahan tahay qeyb kasta ugu yaraan 10 nin oo ilaalo ah isla markaana hubeysan waana muhiin in ay gacan ka geystaan sugida amaanka suuqa bakaarha ,

Hadalka ganacsatada suuqa ayaa ka danbeeyey ka gadaal markii mudooyinkii ugu danbeeyey ay so ifbaxayeen rag ku qaraabanaya dareyska ciidamada dowada kuwaas o wax dhacaya waxna bobayo arimahas ayaa waxaa ay ka dhacayeen qeybo kala duwan oo magaalda ah inkasto oo uu ugu daraa suuqa bakaaraha ,

Taliyahay ciidamada dowlada fadaraalka KMG somaliya ee howgalka suuqa hogaaminayo ayaa isna mar uu ka waramayey arintaas sheegay in talaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi donaan cidii lagu helo ,

Tuug waxaa loo samyey maxkamad iyo qawaaniin waana la horgeynayaa maxkamada wuxuu ka helo ayuuna leeyahay ayuu yiri taliyu mana aha suuqa weyn ee bakaaraha arimahaasu meelaha ay ka dhacayaan isla markaana ay ka so yeerayaan dhawaqyada wax u dhimi kara sidii lagu aamini lahaa ciidanka dowlada waxayn inta badan dadku ka cabanayaa kooxo soo labistay dareeska ciidamada isla markaan boobaya goobaha ganacsiga si bareer ahna u qaadanaya hantida shacabka ,

 

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com