SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Wararkii: May 17, 2007

  • Warbixin ku saabsan Qaraxii lala Beegsadey Ciidamadda Uganda ..
  • Ururka Midowga Afrika oo ka hadley Qaraxii loo geystey Ciidamada Midowga Afrika .
  • Dowladda fedaraalka oo sheegtay inay wax qaban doonto Qaraxyada iyo dilalka

  • Puntland: Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka ee DGPL oo is casilay.
    Waxaa soo shaac baxay in uu is casiley Wasiirkii Wasaaradda Xannaanada xoolaha ee DGPL, Siciid Jaamac (Qoorsheel), oo ku sugan Dubai. Waxaa wasiirka laga soo xigtey in uu is casilaaddaas u gudbiyey Madaxwaynaha Puntland Cade Muuse xilli uu madaxweynuhu Dubai ku sugnaa oo ku beegnayd May 10, 2007. Waxaa kale oo wasiirka laga soo xigtey in arrintaasi ay ka dabeysey kaddib markii ay cuntabi wayday Maxjar laga dhisayo Boosaaso oo la sheegay in qandaraaska xoolahaas la sii yayay 100% nin Sucuudiyaan ah, halka wasiirku uu madaxweynaha u soo jeediyey in arrintaas ay ku haboonayd in shirko lagula galo mandaqada Raas Al Khayma oo ogalayd in ay lacag la'aan ku dhisto maxjarka, islamarkaasna 50% ay xoolaheena ay qaadato. Waxana uu wasiirku sheegay in uusan rabin in uu galo taariikh madow. AKHRI....


Warbixin ku saabsan Qaraxii lala Beegsadey Ciidamadda Uganda ..

Maalintii shalay ahayd ayaa Gaari ay saarnaayeen Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afriga gaar ahaan kuwa Uganda waxay Miino kula qaraxday Bangigii Dhexe ee Soomaaliya ee Degmada Xamar wayne.

Soomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
hooyoWarbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

Qaraxaan ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyooday 4-Askari waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo 5-kale, waxaana Goobtii uu ka dhacay Qaraxaasi isku gadaamay Ciidamada ka socda Uganda iyo kuwa Dowladda fedaraalka ah waxaana halkaasi laga qabtay ilaa iyo dhowr 20-Qofood

Waa Qaraxii 2-aad ee lala beegsada Ciidamada Uganda tan iyi markii ay yimaadeen soomaaliya ilaa haatan lama garanaayo sababaha loo bartilmaameedsaday Ciidamada Uganda oo iyagu ku jiray howlo dhinaca Nabad ilaalinta ah

Afhayeen u hadalay Ciidamada Uganda ee ku sugana Magaalada Muqdisho ayaa sheegey inayasan waxba iska badeli doonin howlaha ay ugu gargaarayaan Bulshada Soomaaliyeed isagoo sheegay in Ciidamada ay sii wadi doonaan Howlaha ay ku sugayaan dhinaca Amaanka ee Magaalada Muqdisho

Sidoo kae Afhayeen u hadlay Dowladda fedaraalka ah ayaa waxa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin Qaraxii lala beegsaday Ciidamada Uganda waxa uuna sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan Qaraxaasi

Ururka Midowga Afrika oo ka hadley Qaraxii loo geystey Ciidamada Midowga Afrika .

Ururka Midowga Afriga ayaa ka hadlay Qaraxii lala beegsaday Ciidamada Uganda ee Nabad ilaalinta u jooga Dalka Soomaaliya wuxuu Ururku sheegay in Qaraxaani uu sii fogeynayo xal u helida arimaha Soomaaliya iyo waliba keenista Ciidamada kale ee Midowga Afrika

Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa kaloo uu sheegay in Soomaalida looga baahan yahay inay la yimaadaan sidii Wadankooda Nabad loogu soo dabaali lahaa Ururka waxa kaloo sheegay in sida uga dhaqsiyaha badan loo soo dedejin doono Ciidamada kale ee Nabad ilaalinta ee ka socda Qaarada Afrika waxaa kaloo Midowga Afrika uu ka codsaday Dowladihii horay ugu yaboohay Soomaaliya inay soo dadajiyaan si Dalka uu dhan Nabad loogu soo dabaalo Gobolada loo gaarsiiyo.

Dowladda fedaraalka oo sheegtay inay wax qaban doonto Qaraxyada iyo dilalka

Puntland Batrool mise maaweelo
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...

Iyadoo waayadaan Qaraxyo iyo Dilalba ay ku soo kordheen Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka waxayna Qaaraxayadaan ay geysteen dhibaatooyin fara badan iyadoo Qaraxyadii ugu dambeeyey ay ka dhaceen Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Baardheere hadii aan soo qaaadano kuwii ka dhacay Magaalada Muqdisho waxa ay ahaayeen mid lala beegsaday Ciidamada Uganda.

Sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday Saldhiga Booliska ee Degmada Hiliwaa waxaa kaloo Bakaaraha lagu dilay Askari ka tirsan Dowladda fedaraalka ah waxaa kaloo iyana 3-ka mid ah Ciidamada Dowladda fedaraalka ah lagu dilay Deegaanka Waxara Cadde waxaa kaloo iyana la dilay Gudoomiyihii Degmada Hiliwaa Axmed Shiikhow.

Sidoo Degmada Baardheere waxaa Qarax lala beegsaday Dad daawanaayey Shaneemo waxaana halkaasi ku geeriyooday ilaa iyo 6-Qafood.

Hadaba Masuul u hadlay Dowladda FKMG ayaa waxa uu sheegay in Dowladda sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabandoonto Qaraxyada iyo dhibaatooyinka ka dhacaya Dalka.

Duqa Magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Max’ed Dheere ayaa waxa uu sheegay in Dowladda ay il gaar ah ku heyso Dadka carqaladeenaya Nabadda sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa isna waxa uu qiray inay jiraan Rag wata Dareyskii Ciidamada oo dhibaato ku haya Bulshada Soomaaliyeed.

Dadwaynaha ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay arintaani ka muujiyeen Wel-Wel iyo Walbahaar waxayna ka codsadeen Dowladda inay dib u habeyn ku sameeyeen Ciidamada Dowladda si loo ogaado midda hortaagan Nabadda Afhayeen u hadlay Ururka midowga Afrika waxaa uu sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay in ay iyagu dib u dhistaan Qarankooda sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamo shisheeye aysan marnaba soo celin karin Nabadda Soomaaliya hadii aan Shacabka gacan siin Ciidamada Nabad ilaalinta ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2007
 
Wareysi Musharaxa Madaxweynaha DGPL, Mudane Colaad Maxamed Siciid:
Iyadoo ay soo dhowdahay wakhtigii doorashada  madaxweynaha Puntland, ayaa waxaa ilaa hadda markii ugu horeysay isu soo taagay kursiga madaxweynaha DGPL, Colaad Maxamed Siciid oo ah nin ganacsade weyn ah oo aad looga yaqaan Gobolada  Puntland. AKHRI...
 
Laba Doonyood oo Laga Leeyahay Kuuriyada Koonfureed oo Lagu Afduubay Xeebta Soomaaliya

Laba doonyood oo ah kuwa kalluumaysata oo laga leeyahay dalka Koonfurta Kuuriya, kana diiwaan gashan dalka Tanzania ayaa waxaa lagu afduubay badda Soomaaliya, sida laga soo weriyey wasaaradda Arrimaha Dibadda ee South Korea oo akhbaarta ka heshay safaaradda ay ku leeyihiin Kenya.

Doonyahan waxaa warku tibaaxay in la afduubay Talaadadii (May 15, 2007) qiyaastii 12:40 p.m xilliga afrikada Bari, waxayna ka soo ambabaxeen magaalada Mombasa Kenya iyagoo kusii jeedey sida la sheegay Yemen, marayeyna sida la sheegay meel 180 miles u jirta xeebta Soomaaliya.

Labada doonyood waxaa saarnaa 24 shaqaale ah oo kala ah: 4 Kuuriyaan ah, 10 Chinese ah, 4 Indonesian ah, 3 Vietnamese ah, iyo 3 Indian ah.

Waxaa wararka ka imanaya caasimada SEOUL ay sheegeen in loo malaynayo doonyahaas in ay afduubeen burcad Soomaaliyeed.

Bishii Janaayo (2007) ayey ahayd markii wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ay dadkeeda ka mamnuucday in ay u safraan Soomaaliya arrimo ammaanka la xiriira awgeed.

Yoweri Museveni: Soomaalida ayaa laga rabaa in ay Qarankooda dhistaan...
Madaxweynaha Dalka Uganda oo Talaadadii (May 15) su'aalo laga weydiiyey arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in qaranka Soomaaliya ay Soomaalidu burburisey sidaas daraadeedna ay tahay in Soomaalidu qarankooda dhistaan. Hadalkaas Yoweri Museveni waxa uu yiri xilli uu la kulmay Madaxweynaah DFKMG oo booqday Uganda... Dhanka kale C/laahi Yuusuf waxa uu guriga madaxtooyada Uganda kula kulmay Khadiija (Xaaskii Caydiid) iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.... Eeg halkan..

Puntland: Labadii ka tirsanaa CARE oo la siidaayey iyo Bayaan ka soo baxay dadkii afduubay::
Talaadadii (May 15) ayaa la siidaayey labadii ka tirsanaa hay'adda CARE oo May 9keedii lagu afduubay tuulada Xiriiro oo qiyaastii 120km (75 miles) u jirta Boosaaso. Labada qof ee la afduubay ayaa u dhashay Britain (Ireland) iyo Kenya.

Dagaalka Qarsoon ee Batroolka:
Qoraal dheer oo warbixin lagaga qoray Soomaaliya ayaa lagu xusay hadalkii Afhayeenkii hore ee Hawlgalkii Qaramada Midoobey ee Ciraaq 2003, Salim Lone, oo hadda ah qoraa ka tirsan jariida Daily Nation iee Kenya, oo dhawaan u waramay telefishanka Democracy Now. Hadalkaas oo ahaa: "Ra'iisul wasaaraha (DFKMG, Geeddi) isku daygiisa in uu u gacan haadiyo shirkadaha Batroolka waxay u dhigantaa qayladiisa uu markasta ku qaylinayo Al-Qaeda. Markasta oo aad waraysi ka qaadid saraakaal Soomaaliyeed, waxa ugu horeeya ee aad ka maqleysaa waa Al-Qaeda iyo Argaggaxiso. Taas ayey isticmaalayaan. Qof taas rumaysan ma jiro. Qof taas rumaysani ma jiro haba yaratee, sababtoo ah dhammaan warbixinada madaxa bannaani waxay tibaaxayaan arrin taas ka duwan. Akhri: [
The Hidden War for Oil]

"Cali Maxamed Geeddi Guri Villa ah miyuu ka iibsadey Nairobi" Waa hadal haynta Muqdisho...
"Waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho waa in Geeddi uu guri Villa ah ka gatay Nairobi iyo in qaramada Midoobey shaqaalohoodii oo dhan kala baxeen Muqdisho", Sidaa qoray qoraal kusoo baxay Inner City Press. Qoraalkaasi waxa uu sheegay in arrinta loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho ay tahay in Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi uu dhowaan Nairobi ka gatay guril Villa ah. Taageerayaasha aadka ah ee DFKMG waxay rabaan in ay arrintaas caddayn loo helo. Tan kale qormadu waxay xustay sida lacagata loogu raadinayo kulanka dib u heshiisiinta Soomaalida... AKHRI....

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com