SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 

Wararkii: May 16, 007

  • C/llaahi Yuusuf oo ka dalbaday Madaxweynaha Uganda in uu sii kordhiyo ..
  • Sheekh Shariif ‘Mareykanka isaga ayaa sabab u ah dhibaatada soomaaliya ..
  • Weerarkii lagu qaaday xarumaha WHO iyo UNICEF oo laga yaabo in ay hakad geliyaan..
  • C/Qaybdiid oo sheegay in ay jiraan rag wata Direyskii Ciidamada oo dhac ka geysanaya …
  • Max’ed dheere oo ka qaybgalay Caleemo saarkii Wiilkii Shaaweeye ..
  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo walwa ka muujisey Qaraxyada iyo dilalka abaabulan..

    Yoweri Museveni: Soomaalida ayaa laga rabaa in ay Qarankooda dhistaan...
    Madaxweynaha Dalka Uganda oo Talaadadii (May 15) su'aalo laga weydiiyey arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in qaranka Soomaaliya ay Soomaalidu burburisey sidaas daraadeedna ay tahay in Soomaalidu qarankooda dhistaan. Hadalkaas Yoweri Museveni waxa uu yiri xilli uu la kulmay Madaxweynaah DFKMG oo booqday Uganda... Dhanka kale C/laahi Yuusuf waxa uu guriga madaxtooyada Uganda kula kulmay Khadiija (Xaaskii Caydiid) iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.... Eeg halkan..

    Puntland: Labadii ka tirsanaa CARE oo la siidaayey::
    Talaadadii (May 15) ayaa la siidaayey labadii ka tirsanaa hay'adda CARE oo May 9keedii lagu afduubay tuulada Xiriiro oo qiyaastii 120km (75 miles) u jirta Boosaaso. Labada qof ee la afduubay ayaa u dhashay Britain (Ireland) iyo Kenya.

    Dagaalka Qarsoon ee Batroolka:
    Qoraal dheer oo warbixin lagaga qoray Soomaaliya ayaa lagu xusay hadalkii Afhayeenkii hore ee Hawlgalkii Qaramada Midoobey ee Ciraaq 2003, Salim Lone, oo hadda ah qoraa ka tirsan jariida Daily Nation iee Kenya, oo dhawaan u waramay telefishanka Democracy Now. Hadalkaas oo ahaa: "Ra'iisul wasaaraha (DFKMG, Geeddi) isku daygiisa in uu u gacan haadiyo shirkadaha Batroolka waxay u dhigantaa qayladiisa uu markasta ku qaylinayo Al-Qaeda. Markasta oo aad waraysi ka qaadid saraakaal Soomaaliyeed, waxa ugu horeeya ee aad ka maqleysaa waa Al-Qaeda iyo Argaggaxiso. Taas ayey isticmaalayaan. Qof taas rumaysan ma jiro. Qof taas rumaysani ma jiro haba yaratee, sababtoo ah dhammaan warbixinada madaxa bannaani waxay tibaaxayaan arrin taas ka duwan. Akhri: [
    The Hidden War for Oil]

    "Cali Maxamed Geeddi Guri Villa ah miyuu ka iibsadey Nairobi" Waa hadal haynta Muqdisho...
    "Waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho waa in Geeddi uu guri Villa ah ka gatay Nairobi iyo in qaramada Midoobey shaqaalohoodii oo dhan kala baxeen Muqdisho", Sidaa qoray qoraal kusoo baxay Inner City Press. Qoraalkaasi waxa uu sheegay in arrinta loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho ay tahay in Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi uu dhowaan Nairobi ka gatay guril Villa ah. Taageerayaasha aadka ah ee DFKMG waxay rabaan in ay arrintaas caddayn loo helo. Tan kale qormadu waxay xustay sida lacagata loogu raadinayo kulanka dib u heshiisiinta Soomaalida... AKHRI....


C/llaahi Yuusuf oo ka dalbaday Madaxweynaha Uganda in uu sii kordhiyo ..
Museveni (right) gestures after addressing a press conference with his visitor Somali President Yusuf
C/lahi Yuusuf iyo
Yoweri Museveni : Sawirka: May 15, 2007, New Visoion

"Yusuf Ahmed also held a meeting with Hadija Aideed, widow of Hussein Aideed and her three children at State House, the statement said."
Waa sida ay u qortay Jariidada New Vison ee Uganda

Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf oo ku sugan Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxa uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha wadankaasi waxa uuna uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya iyo waliba xaaladda ay ku sugan yihin ciidamada Uganda, waxa uuna madaxweynuhu uga mahadceliyey madaxweynaay uganda doorka ay ciidamada Uganda ku leeyihiin xal u helida Soomaaliya iyo ilaalinta xarumaha dowladda federaalka, waxa uuna sheegay in dowladda federaalka aysan hilmaami doonin waxqabadka ciidamada Uganda ee Soomaaliya.

Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf waxa uu ka codsaday Madaxweynaha Uganda in ciidamadiisa ay sii joogaan dalka Soomaaliya, kaddib markii maalmahan soo baxeen warar sheegaya in ciidamada Uganda ay ka baxayaan Soomaaliya, haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan loo keeni ciidamada Midowga Afrika. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxa uu ka codsaday Madaxweynaha Uganda in ciidamada Uganda ay isku balaariyaan guud dalka Soomaaliya, isla markaana lagu soo kordhiyo ciidamo kale oo Yugaandheys ah, madaxweynaha waxa uu kale oo uu booqan doonaan dalka Kenya halkas oo uu kulamo kula yeelan doono madaxda Hay’adaha samafalka si dardar loo geliyo hawlaha gargaarka ee Soomaaliya, kaddib markii dhawaan ay dagaalo ka dhaceen Magaalada Muqdisho ayna ku barakaceen dad aad u fara badan, sidoo kale Madaxweynaha waxa uu Midowga Yurub ka codsan doonaa in ay bixiyaan qarashka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo lagu wado in 14-ka Bisha soo socota lagu qabto Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qaybgalayaan ilaa iyo 2-kun oo ergo oo ka kala imaanay dhawaan qabaa’ilada Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ‘Mareykanka isaga ayaa sabab u ah dhibaatada soomaaliya ..

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyihii Maxaakiimta Islaamiga ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay iyadu mas’uul ka tahay dhibaatooyinka iyo xadgudubyada ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxa uuna sheegay in Dowladda Itoobiya aysan marnab ku soo dhiiran lahayn haddii aysan gacan ka heleen Dowladda Mareykanka.

“Waxaan u sheegayaa Dowladda Itoobiya in iyadu uu burburka iyo baaba’u ku dambeyn doono” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in dagalka ay sii wadi doonaan tan iyo inta ciidamada Itoobiya ka baxayaan gudahda dalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in marka hore ciidamada Itoobiya ay ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaa kale oo uu sheegay in inta ay jirto faragelinta Mareykanka iyo Itoobiya ay sii soconayaan dagaalada looga soo horjeedo, waxa uuna sheegay in shirka dib u heshiisiinta ee Dowadda Federaalka ku baaqday uu yahay mid lagu lugoonayo shacabka Soomaaliyeed, waayo Cali Mahdi waxaa soo magacaabay C/llaahi Yuusuf Axmed.

Sheekh Shariir mar uu ka hadlayey hadalkii ka soo yeeray Jandaye Frazer waxa uu sheegay in Haweeneydaasi ay ku fashilantay arrimaha Soomaaliya isagoo sheegay in uusan wax ballan ah la galin Dowladda Mareykanka, balse balantu ay ahayd in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya. Ugu dambeyntiin sheikh Shariif waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka ay ku hayaan ciidamada Itoobiya, isla markaana ay u istaagaan sidii dalka looga saari lahaa.

Weerarkii lagu qaaday xarumaha WHO iyo UNICEF oo laga yaabo in ay hakad geliyaan..

Habeen hore ayaa kooxo dabley ah oo xiran dareeska ciidamada weerar ku qaadeen xarumaha Hay’adaha qaramada Midoobey ee WHO iyo UNICEF, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada xarumahasi.

Warar ayaa waxay sheegayaan in weerarkaani uu keeni karo in uu gebi ahaanba la joojiyo hawlaha samafalka Soomaaliya ay hay’adahaasi ka wadeen, ilaa iyo haatanna Dowlada Federaalka kama hadlin weerarakaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii qarax weyn uu ka dhacay agagaarka nambar Afar, waxa uuna qaraxaasi ku soo beegmay xili uu Muqdisho soo gaaray sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey ayaa la sheegay in ay si aad ah uga walwalsan tahay xaaladda nabadgelyo ee ka jirta dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxayna Hay’adahaani ka cabsanayaan in shaqaalahooda ay noqdaan kuwo la bartilmaameedsado.

Waxaa Magaalada Muqdisho maalmahan ku soo kordhayey dhaca iyo weerarada iyadoo ciidamo xiran dareeska Dowladda ay dhibaatooyin ka gaysanayaan meelo ka tirsan Muqdisho, waxaana arrintaani qiray sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka oo sheegay in ciidamo xiran Dereeska Dowladda ay dhac ka gaysteen suuqa Bakaaraha.

C/Qaybdiid oo sheegay in ay jiraan rag wata Direyskii Ciidamada oo dhac ka geysanaya …

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa waxa uu sheegay inay jiraan Rag wata Direyska Ciidamada oo dhibaata ka wada Magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay in Ragaasi Taliska Ciidanka uu si wayn ula socdo isla markaana dhawaan wax laga qaban doono

C/Qaybdiid waxa uu sheegay inay ceeb tahay in Rag wata Direyska Ciidamada ay dhibaatooyinka u geystaan Bulshada Soomaaliyeed waxa uuna C/Qaybdiid u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in arimaha noocaas ah ay la socdsiiyaan Ciidamada Booliska

Dhowr dhacdo ayaa maalmihii ugu dambeysay ka dhacday Magaalada Muqdisho ka dib markii Rag wata Dareyska ay dhac iyo Dil ka geysteen Magaalada Muqdisho waxaana arintaani wel wel ka muujiyey Bulshada Soomaaliyeed oo qaarkood sheegay in markii hore Dowladda looga baahnaa in Ciidamadaasi ay kala hufaan sidoo kale Dareyska ciidamada uu noqdo mid xadidan oo lala socda Cidda qaadanaysa

Max’ed dheere oo ka qaybgalay Caleemo saarkii Wiilkii Shaaweeye ..

Binti Jeylaani waxay u baahan tahay Gargaar deg deg ah.

Duqa Magaalada Muqdihso Max’ed Cumar Max’ed dheere ayaa shalay ka qaybgalay Xaflad Caleemo Saar ah oo loo sameynayey ku xigeenka1-aad Duqa Magaalada Muqdisho ee arimaha Nabadgelyadda C/fitaax Cumar Sabriye (Shaaweeye) waxayna Xafladaani ka dhacday Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Xafladaani ay soo qabanqaabiyeen Maamulka cusub ee Dayniile ayaa mar uu halkaasi ka hadlay Maxamed Dheere waxa uu sheegay in C/fitaax Shaaweeye uu yahay mid buuxin kara Booskii Aabihihii waxa uuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed inay gacan ku siiyaan Xilkaasi

Max’ed dheere waxa uu sheegay in uu gacan qaban doono C/fitaax Cumar Shaaweeye wixii waayo-arignimo ah uu ku kordhin doono

C/fitaax uu isna ka hadlay Xafladaasi waxa uu sheegay in Xilka loo magacaabay uu u gudan doono si Cadaalad ah waxa uuna u soo jeediyey Shacabka inay kala shaqeeyaan Nabadgalayada Gobolka Banaadir

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo walwa ka muujisey Qaraxyada iyo dilalka abaabulan..

Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee xaquuqda Aadanaha yaa walwal iyo walaac ka muujiyey isla markaana cambaareysay qaraxyada iyo dilalka abaabulan ee ka dhacay Magaalada Muqdisho kaas oo uu ugu dambeeyey dilkii marxuum C/llaahi Sheekh Cali oo ahaa Guddoomiyihii degmada Huriwaa kaas oo la dilay 13/May/2007.

Xarunta waxa ay sheegtay in xadgudubyadaani ay liddi ku yihiin Shareecadda Islaamka, xeerarka soo jireenka ee dhaqanka Soomaaliyda, Axdiga Federaalka iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha qodobkiisa saddexaad oo leh (Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabadgelyo iyo xoriyo).

Xaruntu waxay u soo jeedineysaa kooxaha gaysanaya falalka ka soo horjeeda xaquuqda aadanaha in ay joojiyaan.

Dhinaca kale xaruntu waxa ay ka codsaneysaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliyeed, Hay’adaha samafalka, ganacsatada in ay gargaar bini’aadannimo oo muuqda la gaaraan dadkii rayidka ahaa ee ku barakacay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdihso, waxaa n qoraalkaani ku saxiixnaa madaxa barista Xadugubyada ee Ismaaciil Jimcaale C/llaahi Calas Jimcaale

Hawl Nadaafadeed oo ka bilaabatay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir..

Tan iyo markii la magacaabay maamulka Cusub ee Gobalka Banaadir ee uu madaxda u yahay Max’ed Dheere ayaa waxaa shalay ka bilaabatay hawlo nadaafadeed oo lagu gurayo qashinka dhoobaan wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Degmooyinka ay hawlahaasi ka bilowdeen ayaa waxaa ka mid ah Hodan, Hawlwadaag iyo Waabari, waxaana shalay la arkayay haween qashin ka guraya wadooyinka, waxaana qaadaya qashinkaasi Gawaari la sheegay in ay keeneen maamulada degmooyinkaasi.

Dhawaan ayaa duqa Magaalad Max’ed Dheere waxa uu u soo jeediyey ganacsatada in ay bixiyaan lacag gaareysa 200 Kun oo Doolar si dib loogu soo celiyo bilicdii Magaalada Muqdisho.

Hawlaha Nadaafadda ayaa waxaa la sheegay in ay socon doonaan mudo dhowr todobaad ah, waxaana la sheegay in maalmaha soo socda qaar ka mid ah degmooyinka ay ka bilaaban doonaan hawlo nadaafadeed, gaar ahaan kuwii dagaaladu ka dhaceen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2007


Maraykanka oo Sheegay in Loo Baahan yahay in la Bedelo Hoggaanka Sare ee DKMG...

Dr. Frazer: uma malaynayo in dawladda Madaxweyne Yuusuf taagnaan karto....

Raadiyaha Maraykanka ee VOA laantiisa Afka Soomaalida oo waraysi la yeelatay Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Jendayi Frazer, ayaa la weydiiyey su'aal ahayd "Kalsooni intee inle'eg ayaad ku qabtaa Madaxda Sare ee Dawladda Kumeelgaarka ah (ee Soomaaliya)"... Halkan ka dhegeyso

Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Dr. Frazer waxay kaga jawaabtey: Waxaan u malaynaya in hoggaanka sare ee Dawladda Kumeelgaarka ah uu u baahan yahay in la bedelo. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxa uu hoggaamiyaa dawlad kumeel gaar ah oo saldhigeedu uu yahay hannaanka awood qaybsiga ee 4.5 taasi oo waqti hore ka soo baxday wada hadalladii lagu qabtay Nairobi, waxaan filayaa in kulanka dib u heshiisiinta qaran uu fursan usiinayo bulshooyinka qabaa'ilada in ay dib isugu soo noqdaan hannaankaasi awood qaybsiga ee 4.5 si ay u doortaan hoggaan meteli kara dhammaan beelaha, waxaan u malaynayaa in taasi ay tahay qaybta ugu muhiimsan ee hannaan-socodka dib u heshiisiinta, waan ku kalsoonahay madaxweyne Yuusuf, waan la shaqayneynaa, laakiin uma malaynayo in dawladdiisu taagnaan karto, iyadoo tan iyo xilligii la dhisay ay dheceen isbedello muhiim ah, waa in la fiiriyaa sidii ay u noqon lahayd mid loo dhan yahay....  Halkan ka dhegeyso

Soomaalida Canada oo Dhigay Mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Itoobiya

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magalooyinka Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada ayaa waxay dhigeen mudaharad ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin duulaanka ay Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya iyo xasuuqa dadka Soomaaliyeed lagu xasuuqay Magaalada Muqdisho. In kabadan 200 qof ayaa galabnimadii Jimcadii isugu soo baxay barxadda hore ee baarlamaanka Canada (Parliament Hill), kaddibna waxay socod ku tageen Safaarada Maraykanka ee ku taal wadada Sussex drive, ugu dambayntiina waxay gaareen safaarada Itoobiya oo ku taal wadada Slater Street.

"Itoobiya haka baxdo Soomaaliya, Maraykanku ha joojiyo dagaalka Maqaar-saarka ah, Meles Zenawi ha dhaco, dilka hala joojiyo, gumeysi ma ogolis, xasuuqa hala joojiyo..." ayaa ka mid ah erayadii ay ku dhawaaqayeen dadka mudaharaadka dhigayey. 

"Aaway Canada, waa maxay jawaabta ay dawladanadu ka bixineyso masiibadaas" ayuu yiri Cabdullaahi Axmed oo ah arday, waxana uu intaas kudaray "ilaa hadda wax aan aamusnaan ahayn kama maqal dawladanada."

Sawirada ka daawo halkan.... GUJI...


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com