SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Kulan balaaran oo looga hadlayey sidii beesha karanle (Murusade ) ay wax ula qabsan laheyd dowlada fadaraalka KMG somaliyeed ayaa lagu qabtey hotelka amiira ee magaalada muqdisho

Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen waxgaradka beesha sida culumaudiika nabadonada odoyaal dhaqameed dhalinyarada iyo aqoonyahanada, xildhibaanada dowlada ugu jira beesha iyo wasiirka beeraha ee dowlada fedarsaalka KMG somaliya iyo dhaman qeybaha kala duwan ee bulshada, waxeyna isla soo qaadeen dhaqanka beesha laga doonayo iyo isla markaan in ay la qabsadaan wadciga dalku uu marayo iyo sidii beeshu wax ula qabsan laheyd dowlada fadaralka KMG Somalia dalkana loo dejin lahaa ,nabad loogu soo dabaali lahaa loo wada hadli lahaa si hagar la’aaneed kulankan ayaana ahaa mid la isku afgartey isla markaana ahaa mid hor dhac ah oo ay la danbeeyaan kulano kale oo ay beeshu ku laban santahay, Suldaan fagaareeye oo saxaafada la hadlay gabagabdii kulankaa ayaa sheegay in kulantaan uu u saabnasaa sidii dagaalka loo joojin lahaa iyo barakaca ku habsaday umada degan muqdisho iyo deegaanada ku heeran loona taageeri lahaa dowlada fadaraalka KMG somaliyeed faaareeye“dalku wuxuu u baahan yahay qaran iyo maamul degan oo kala gaaraa dhamaan qeybaha somalida oo dhan gaar ahaa muqdisho .qof haduu madaxa ka jiran yahayna ma reysato kaalinta aan ku leenaha hadaan nahay beesha murusade oo ah curadkii hawiye waa in ay noqotaa mid ka dhex muuqato dowlada dhexdeeda.


Cabdi Macalin Maxamuud Jiisow

“Kulanka ayaa lagu soo gabageeyey in dowlada la taageero wixii dhibaato ah ee beesha dhextaalana la dhameeyo mas.uuiyiintaa halkaa ka hadashay waxaa ka mid ahaa Iimaam Maxamed Axmed Yalaxow (Maxamed dheere).


Ibraahim Xasan (Fagaareeye)

gudoomiye ku-xigeenka golaha guurtida iyo dhaqanka iyo dib u heshisiinta wuxuuna ku gaabsaday hadii ay jiraan wax cabasho ah ama dhaliil laga qabo xaga dowlada in ay odoyaasha dhaqanku uga danbeeyaan xildhibaanda beesha iyo wasiiradda oo uu sheegay in ay yihiin kuwo ay ku kalsoon yihiin bulshada karanle C/qadir Nuur Caraale oo ah wasiirka beeraha ee dowlada fadaraalka KMG somaliyeed oo guntii iyo gabagabadii halkaa kala hadlay xubnaha beesha ee shira ka soo qeyb galay wuxuuna si faahfaahsan uga warbixiyey kulankaa wuxuuna sheegay in shirkani uu ku soo aaday xili lagu gudo jiro dagaal ahli ah oo dhibato badane geystey uu ka dhacay magaalada muqdisho wuxuuna intaa sii raciyey in shirkani yahay fursadii ugu horeysay ee ay isla helaan xubnaha ugu muhiimsan ee beesha sida xubnaha dhaqanka ,siyaasiyiita ,in ay wada kulmaan isla markaana ay ka wada hadlaan arimaha danta u ah beesha karanle iyo sidii ay beeshu ula jaanqaadi laheyd dowlada fadaraalka KMG somaliyeed , C/qadir nuur caraale wasiirka beeraha ee dowlada fadaraalka KMG Somaliyeed.


C.qaadir Nuur Caraale wasiirka beeraha.

“Waxaa si wada jir ah ay beeshu u go’aansatay in si wadajir ah beeshu ula shaqeyso una taageerto dowlada fadaraalka KMG Soomaaliya isla markaana beeshu waxey codsatey in dhibaatooyinka iyo waxyaabaha ay tabaneyso iyo guud ahaan danaheeda ay dowlada gaarsiiso si khilaafaadka jira meesha looga saaro.


Max'ed Axmed Yalaxow

Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay in shirka la iskula so hadal qaaday aragtideeda ku adan cidanka Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka somaliya Wasiirka beeraha “beesha aragtideedu kama duwana aragtrida beelaha kale ee somaliyeed beeshu waxey aaminsan tahay midnimada qaranka somaliyeed ,madaxbanaanidiisa ,iyo jiritaankiisa ,waxayna cadayneysaa beeshu in aysan jirin wax gooni ah oo kala dhaxeeyo in aysan jirin “ Waxaa kale oo uu sheegay wasiirku in loo baahan yahay in wadankaan lagu nabadeeyo sida ugu dhaqsiyahay badan ,loo dejiyo ,lo xasiliyo,loona dhiso ciidan somaliyeed oo hata nabad gelyada qof kasta iyo guri kasta uu xaqa u leeyahay in uu helo ka dibna dhamaan ciidamada shisheeye ay dalka uga baxaan , Shirkaan waxaa ka soo qeyb galay dad kala qaba figrado kala duwan kala taageesan dhinacyada isku haayo magaalada Muqdisho sida afhayeenka beesha hawiye maxaed xasan xaad ,cabdi mcalin maxauud jisow oo shirkii ugu danbeeyey ee beesha karanle ku baaqay in beeshu ay dagaal la galayso cidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia dhamaadkii dagaalka laba maamood ka hor waxaa kale oo shirkaa ka soo qeyb galay xildhibaan mustaf dhuxulow ,xildhibaan dheg dheer ,prof.maxamed nuur gacan ,yaaquub cisman faarax , al mujaahid xusen cuar xeyle shirka ayaa ku soo dhamaaday jewi degan oo farxadi ka muuqato an jirin wax la isku khilaafay.



“Maadama aan dadka mas’uuliyiin ka nahay, wixii ay tabanayaan waan soo gudbineynaa, waxaana si gaar ah uga cabaneynaa madaafiicdii lagu garaacay degaanada beeshu degto xilligii dagaalada, si gaar ah ayaan dhihi karnaa waa loo beegsaday maxaa yeelay wax dagaalo ah kama soconin xilliga madaafiicda lala dhacayay waxaana ku le’day shacab fara badan” ayuu yiri wasiirka beeraha C/qaadir Nuur Caraale.

Kismaayo Kooxaha burcada ah ee hubeysan isla markaan wax dhaca oo ku soo badanaya

Burcadaan hubeysan ee dhaca dilka .boobka iyo bililiqada IWM ka geysta Degmada Kismaayo iyo hareeraheeda ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waayadaan dane noqday kuwo ku soo badanaya kismaayo gudaheeda , waxaana kasta ay dahc iyo handadaad ka geystaan meel ka mid ah Magaalada Kismaayo ,

Iyada o tii ugu danbeysay ay eheyd ka dib markii burcad hubeysani boob iyo dhac u geysteen mid ka mid ah haweenka deegaanka arintaa ayaa ka dhacday xaafadda Faanoole ee Degmada Kismaayo, halkaasoo ay qof dumar ah gurigeeda u galeen isla markaana dhac u geysteen ,

Qofka dumarka ah oo saxaafadu xiriir la sameysay ayaa uga war bixisay falkaas xalay ka dahcay hoygeeda wuxuuna ahaa sida ay sheegtey mid aysan filaneynin, haweeneydaan ayaa waxaa ay ku andacootey in laga boobay lacag gaareyso lix milyan oo shilinka somaliga ah oo guriga u taalay xili ay hurdo ku jirtey oo aysan ka qasneyn waxayna aheyd lacagtu mid ay ku ganacsan jirtey oo ay nonol maalmeedkeed ku dabiri jirtey .

Dhanka kale dhaca iyo boobka hantida sida gar ah loo leeyahay ayaa habeenadaan lagu arkayaa gudaha magaalda kismaayo sida ay xaqiijiyeen ganacsato Maqaayad ku leh oo iyagu qaati bilaahi ka taagan , iyaga oo cadeeyey in sidaan oo kale lagu sameeyey dhac gaaraysa 4-Milayn oo Shilling Somali ah oo ay ku ganacsanayeen, waxaana ganacsatadii ay bilaabeen in ay iska xiraan maqaayadihii laga cunteyn jiray ka dib markii ay ka waayeen hantidii ay geliyeen lagana dhacay intii badneyd .

Burcadaan hubeysan ee boobka iyo dhaca ka geysanaya Kismaayo ayaan la garaneyn halka ay ka amar qaataan iyo cida ka danbeysa dadka ku dhaqan Kismaayo ay cabasho ka muujiyey falalkaan lagu dhibaateynayoin badan oo ka mid ah shacabka , looguna hanjabo haddii ay sheegaan in la dili doono.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623

Faafin: May 15, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com