SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Wararkii: May 15, 2007

  • Maraykanka oo Sheegay in Loo Baahan yahay in la Bedelo Hoggaanka Sare ee DKMG...
  • Qarax lala damacsanaa mid ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda oo ciidamada..
  • C/llaahi Yuusuf oo aqbalay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo dagaaladii ka dhacay…
  • Midowga Yurub oo sheegay in ay gacan ka gaysan doonaan…
  • Cali Mahdi oo sheegey in shirka dib u heshiisiinta..
  • Nin lagu qisaasay Garoowe:

  • "Cali Maxamed Geeddi Guri Villa ah miyuu ka iibsadey Nairobi" Waa hadal haynta Muqdisho...

    "Waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho waa in Geeddi uu guri Villa ah ka gatay Nairobi iyo in qaramada Midoobey shaqaalohoodii oo dhan kala baxeen Muqdisho", Sidaa qoray qoraal kusoo baxay Inner City Press. Qoraalkaasi waxa uu sheegay in arrinta loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho ay tahay in Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi uu dhowaan Nairobi ka gatay guril Villa ah. Taageerayaasha aadka ah ee DFKMG waxay rabaan in ay arrintaas caddayn loo helo. Tan kale qormadu waxay xustay sida lacagata loogu raadinayo kulanka dib u heshiisiinta Soomaalida... AKHRI....


    ::: Qaab Nololeedka Islaamka: Waa kulan Minneapolis lagu qaban doono May 25 iyo 26... Akhri

    ::: US Sponsored Bombing of Somalia: The Hidden War for Oil


Maraykanka oo Sheegay in Loo Baahan yahay in la Bedelo Hoggaanka Sare ee DKMG...

Dr. Frazer: uma malaynayo in dawladda Madaxweyne Yuusuf taagnaan karto....

Raadiyaha Maraykanka ee VOA laantiisa Afka Soomaalida oo waraysi la yeelatay Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Jendayi Frazer, ayaa la weydiiyey su'aal ahayd "Kalsooni intee inle'eg ayaad ku qabtaa Madaxda Sare ee Dawladda Kumeelgaarka ah (ee Soomaaliya)"... Halkan ka dhegeyso

Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Dr. Frazer waxay kaga jawaabtey: Waxaan u malaynaya in hoggaanka sare ee Dawladda Kumeelgaarka ah uu u baahan yahay in la bedelo. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxa uu hoggaamiyaa dawlad kumeel gaar ah oo saldhigeedu uu yahay hannaanka awood qaybsiga ee 4.5 taasi oo waqti hore ka soo baxday wada hadalladii lagu qabtay Nairobi, waxaan filayaa in kulanka dib u heshiisiinta qaran uu fursan usiinayo bulshooyinka qabaa'ilada in ay dib isugu soo noqdaan hannaankaasi awood qaybsiga ee 4.5 si ay u doortaan hoggaan meteli kara dhammaan beelaha, waxaan u malaynayaa in taasi ay tahay qaybta ugu muhiimsan ee hannaan-socodka dib u heshiisiinta, waan ku kalsoonahay madaxweyne Yuusuf, waan la shaqayneynaa, laakiin uma malaynayo in dawladdiisu taagnaan karto, iyadoo tan iyo xilligii la dhisay ay dheceen isbedello muhiim ah, waa in la fiiriyaa sidii ay u noqon lahayd mid loo dhan yahay....  Halkan ka dhegeyso

 


Qarax lala damacsanaa mid ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda oo ciidamada..


Binti Jeylaani waxay u baahan tahay Gargaar deg deg ah.

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamada Uganda ee ku sugan agagaarka Garoonka Diyaaradaha miino ka saareen afaafka hore ee laga galo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho xili halkaasi uu ku soo jeediyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed.

C/llaahi Yuusuf ayaa intii uusan soo gaarin Garoonka ayaa ciidamada Uganda halkaasi miinada ka saareen waxaana markiiba halkaasi lagu xirxiray dhowr qofood oo ay ku jireen dad ay takaasi halkaasi u yaaleen, waxaana lagu waramay in madaxweynaha uu si caadi ah uga dhoofay garoonka, isagoo ku sii jeeday dalka Uganda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada Uganda miino ka saaraan qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho agagaarka Km4 ay ka saareen miino lala damacsanaa in lagu qarxiyo Ciidamada Dowladda Federaalka.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxay qaraxyadu ka noqdeen mid iska caadi ah, iyadoo isku socodkii gaadiidkan ay aad u yaaraadeen, iyadoo mar kasta ciidamada Uganda iyo kuwa Dowladda Federaalka ay baaritaano ku sameeyeen Gawaarida.

C/llaahi Yuusuf ayaa inta uu joogo dalka Uganda waxa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxweynaha wadankaasi oo ay isla soo qaadi doonaan sidii ciidamada Uganda ay dardar u gelin lahaayeen hawlahooda ku aadan sugida ammaanka Magaalada Muqdisho.

C/llaahi Yuusuf oo aqbalay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo dagaaladii ka dhacay…

Qaramada Midoobey ayaa waxa ay ka dalbatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in baaritaan caalami ah lagu sameeyo dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho oo la sheegay inay ku jireen tacadiyo dhinaca dagaalka ah oo la sheegay inay gaysteen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

C/llaahi Yuusuf waxa laga soo xigtey in uu sheegay in Dowladda ay diyaar u tahay inay baaritaan lagu sameeyo wixii ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo John Holmos uu sheegay in laba dagaal oo ka dhacay magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwo ay sabababeen tacadiyo dhinaca bini’aadannimada ah, gaar ahaan bilihii Maarso iyo April ee aanu ka soo gudubnay, waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Qaramada Midoobey u soo diri doonto guddi baara dagaalkaasi oo uu sheegay inay ku dhinteen dad aad u fara badan dad kalana ay ku barakaceen.

Wadamo fara badan oo ka tirsan Beesha caalamka ayaa iyagu aaminsan in dagaaladii ka dhacay Muqdisho laga gaystay dambiyo dagaal, loona baahan yahay in shaqsiyaadkii gaystay dambiyadaasi sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo soo taago, sidoo kale qaar ka mid ah dadka Soomaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa ayaa wada olole ah in maxkamad la soo taago raggii ka dambeeyey dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Midowga Yurub oo sheegay in ay gacan ka gaysan doonaan…

Kulan ay isugu yimaadeen wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa waxay iskula soo qaadeen arrimo la xiriira Xaaladda Soomaliya, waxayna sheegeen in Midowga Yurub uu taageersan yahay sidii ciidamo nabad ilaalin ah loo geen lahaa Soomaliya, isla markaana Soomaaliya looga sari lahaa ciidamada Dowladda Itoobiya.

Midowga Yurub waxaa kale oo uu sheegay in ay taageero lixaad leh ka gaysan doonaan sidii uu u qabsoomi lahaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, oo la filayo in la qabto 14-ka Juun, waxayna Dowladda Federaalka ah u soo jeediyeen in shirkaasi uu noqdo mid ka madax-banaan Dowladda Federaalka.

Wasiirada Arrimaha Dibadda waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ay u diraan gargaar dhinaca Bini’aadannimada, kaas oo ay sheegeen Midowga Yurub in ay ugu talagaleen dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxayna u soo jeediyeen Dowladda Federaalka in ay fududeyso marinada gargaarka la siinayo dadkaasi, sidoo kale waxay sheegeen in xalka Soomaaliya uu ku jiro ummadda Soomaliyeed, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya laga joojiyo faragelinta lagu hayo.

Cali Mahdi oo sheegey in shirka dib u heshiisiinta..

Cali Mahdi Max’ed oo ah gudoomiyaha guddiga dib u heshiisinta qaranka Soomaaliyeed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho aya sheegay in shirka dib u heshiisiinta ka qaybgali doonaan dhamaan ummadda soomaliyeed, waxa uuna meesha ka saaray in shirkaasi uu yahay mid lagu casilayo ama lagu baabi’inayo Dowladda Federalka, Cali Mahdi waxa uu sheegay in shirkii Nayroobi uu ahaa mid ay ku soo heshiiyeen dhamaan umadda Soomaaliyeed, iyo waliba hogaamiye kooxeeyadii, isagoo sheegay in ciddii dooneysa in wax ku darsato shirkaan uu gudigu diyaar u yahay in la soo dhaweeyo.

Cali Mahdi Max’ed waxa uu sheegay in aysan weli guddiga u soo xaroonin qarashaadkii loo baahnaa balse ay ku sugayaan wixii tasiilaad ah ee ku baxay shirakasi, waxa uuna u soo jeediyey Ummadda Soomaaliyeed in ay gacan ka gaystaan sidii uu u najixi lahaa shirka oo lagu wado in uu dhaco 14-ka Juun.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Nin lagu qisaasay Garoowe:

Waxaa Isniintii May 14 lagu qisaasay magaalada Garoowe, nin dhalinyaro ah oo gacan ku dhiigle ahaa.

Ninkaan ayaa wuxuu maalin dhoweyd dil ugu geystay gabar dhulka miyiga ah, gabahdaas oo uu markii hore fara-xumeeyey dabeedna uu mindi(toorey) ku jeex jeexay jirkeeda sida ay u sheegeen saxaafada dadka ku nool meesha uu dilku ka dhacay. Labada marxuun ba waxay la joogeen, xoolo sida Geel iyo Ari.

Ninkaan oo ay maxkamada magaalad Garoowe ku xukuntay dil ayaa  Isniintii waxaa lagu toogtay meel fagaare ah oo ay daawanayeen dadweyne aad u farabadan waxaana qisaasta fuliyey nin la dhashay gabadha dhimatay, ninkaan ayaa waxaa ku dhacay 8 xabadood.

Maxamuud Cumar Bille.
Somalitalk.com Garowe-Puntland
mcbille@gmail.com
+252-5-794242


Gudoomiyihii Degmada Huri-waa Ee Magaalada Muqdisho Oo Habeenkii Isniintu soo geleysey Gurigiisa Lagu Diley

Waxaa habeenkii Isniintu soo geleysey ee May 14 fiid horaadkii dablay hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ay toogasho ku dileen isagoo ku sugan gurigiisa gudoomiyihii degmada huriwaa Marxuum C/laahi Shiikhoow.

Dilka gudoomiye c/laahi shiikhoow ayaa sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal deganaa isla xaafadaas ayaa waxaa ay xaqiijiyeen inay gaysteen dablay ku hubeysnaa bustoolado oo la sheegay inay 4 -xabadood kala beegsadeen Marxuumka madaxa islamrkaana uu halkaas ku geeriyooday ,xiligaas oo ku sugnaa daarada hore ee gurigiisa oo uu xiligaa sii galayay .

Sidoo kale lama garnayo dablayda ka dambaysay dilka marxuum c/laahi shiikhoow iyo halka ay ka amar qaataan, Haweenay halkaasi ku sugneyd marka uu dilku dhacayay oo ka gaabsatay magaceeda sababo xagga amaanka ah ayaa saxaafada u sheegtay in ay arkeysay marxuumka oo xabado ay ku dhaceen kadibna ku qaylinaya ashahaadada , isla markaana dhulka ku dhacay.

Haweenayda ayaa intaas ku dartay kooxaha fuliyay dilkaan waxay ahaayeen kuwo abaabulan isla markaana ku sugayay gurigiisa hortiisa.

Si kastaba ha ahaatee Gudoomiyihii degmada Huriwaa ee geeriyooday marxuum c/laahi shiikhoow ayaa xilka gudoomiyenimo hayey wax ka yar hal todobaad, mana aha markii ugu horreysay oo dil toogasho ah ay kooxo hubaysani ay ku dilaan xubno ka tirsan maamulka gobolka Banadir, iyadoo horey dilal kala duwan loogu gaystay ku-xigeenadii gobolka Banadir iyo labo ka mid ah maamulada degmooyinka yaaqshiid iyo wadajir.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Soomaalida Canada oo Dhigay Mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Itoobiya

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magalooyinka Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada ayaa waxay dhigeen mudaharad ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin duulaanka ay Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya iyo xasuuqa dadka Soomaaliyeed lagu xasuuqay Magaalada Muqdisho. In kabadan 200 qof ayaa galabnimadii Jimcadii isugu soo baxay barxadda hore ee baarlamaanka Canada (Parliament Hill), kaddibna waxay socod ku tageen Safaarada Maraykanka ee ku taal wadada Sussex drive, ugu dambayntiina waxay gaareen safaarada Itoobiya oo ku taal wadada Slater Street.

"Itoobiya haka baxdo Soomaaliya, Maraykanku ha joojiyo dagaalka Maqaar-saarka ah, Meles Zenawi ha dhaco, dilka hala joojiyo, gumeysi ma ogolis, xasuuqa hala joojiyo..." ayaa ka mid ah erayadii ay ku dhawaaqayeen dadka mudaharaadka dhigayey. 

"Aaway Canada, waa maxay jawaabta ay dawladanadu ka bixineyso masiibadaas" ayuu yiri Cabdullaahi Axmed oo ah arday, waxana uu intaas kudaray "ilaa hadda wax aan aamusnaan ahayn kama maqal dawladanada."

Sawirada ka daawo halkan.... GUJI...

Masaajidada Magaalada Muqdisho Oo Qaarkood Hoy U Noqday Ciidamada Ethiopia
.Ganacasadde Caan ah Oo ay Af-duubteen Itoobiyaanku...
.Musharax isu Soo Taagay Xilka Madaxweynanimo ee DGPL
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... May 12

maaweeloCadde Muuse Waqtigii uu u Qabtay in Shirkadaha Batroolku ay Hawshooda bilaabaan oo ku ekaa May 11
Saddex bilood ayaa ka soo wareegtey markii uu Madaxweynaha DGPL sheegay in ay mudo 3 bilood gudahood ah ay ku imaan doonaan shirkadaha macdanta si ay u hawl galaan. Haddaba mar haddii waqtigii la dhaafay Akhri

Wafdigii uu hoggaaminayay wakiilka Xoghayaha Guud ee UN u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada oo Muqdisho soo gaaray lana kulmay qarax sababay inuu deg-deg dib ugu laabto Nairobi... Akhri....

suuriyaUrurka Ardayda Soomaaliyeed Ee Suuriya Oo Qabtay Xaflad Sharafeed Loogu Mahad- Celinayey Ganacsade Reer Suuriya Ah Oo Wiil Soomaaliyeed Gargaar U Fidiyey... Akhri..

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com