SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
QORMADA MAANTA:: Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Daabaco Boggan | Print

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

Somalia: The Other (Hidden) War for Oil

Freedom for Ogaden, the West’s Last Choice in Africa

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Wararkii: Axad: May 13, 2007

::Qarax ay ku dhinteen Saraakiil ka tirsan nabadsugida Dowladda federaalka ..
::Daahir Riyaale “Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Muqdisho uma joogaan Dowladda Federaalka ..
::Geedi oo xilkii ka qaadey Xuseen Caydiid iyo Barre Hiiraale.
::Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaarey Magaaladda Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe .
::Wadada isku xirta muqdisho iyo Baydhabo oo ay ku soo badanayaan Burcaddu
::Ururka Baarlamaanada Afrika oo Dowladda Itoobiya iyo federaalka ku eedeeyey..
::30 Neef oo Geel ah oo loogu deeqey maamulka gobolka banaaadir ..
::Wakiilka Qaramada Midoobey ee soomaaliya oo ku baaqey in Maxkamadaha ..
::Dalka Ereteriya oo ay ku qulqulayaan kooxaha sida aadka ah uga soo horjeeda Dowladda ...
::Dowladda Uganda oo qoraal u dirtey Ururka Midowga Afrika ...


Qarax ay ku dhinteen Saraakiil ka tirsan nabadsugida Dowladda federaalka ..

Qarax aad u weyn ayaa ka dhacay agagaarka km.4, waxaana qaraxaasi lala beegsaday gaari ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan Nabad sugidda dawladda federaalka.

Goobtii uu qaraxu ka dhacay waxaa ku geeryoodey afar qofood oo laba ka mid ahi ay ahaayeen saraakiishii ciidamada, waxaana ku dhaawacmay shan kale iyadoo goobta qaraxu uu ka dhacay isla markiiba ay soo gaareen ciidamo ka tirsan Dawladda Federaalka iyo kuwa midowga Afrika kuwaasoo halkaa ka bilaabay baaritaan la xiriira ciddii ka danbaysey qaraxaas, waxaana halkaas lagu qab qabtay dhowr qofood

Sidoo kale qarax ayaa isaguna wuxuu ka dhacay is goyska sanca, waxaana gaarigaasi lala damacsanaa gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dawladda Federaalka, waxaana qaraxaas ku dhaawacmay 4 Qofood oo la sheegay inay ahayen dad rayid ah oo ka dhawaa goobta qaraxu ka dhacay.

Qaraxyadan ayaa la sheegay inay ku soo beegmeen xilli Magaaladan Muqdisha ay ku sugan yihiin wufuud kala duwan oo ka kala socota qaramada midoobey iyo Midowga Afrika kuwaasoo u yimid sidii ay u eegi lahaayeen dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Daahir Riyaale “Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Muqdisho uma joogaan Dowladda Federaalka ..

Daahir Riyaale oo ah Madaxweynaha maamulka isku magacaabay Somaliland oo u waramayey Taleefishinka Al-Jasiira ayaa wax laga weydiiyey arrimo fara badan oo ka taagan geeska Afrika, dalkiisa iyo waliba Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay Daahir Riyaale in maamulka Soomaaliland uusan marnaba gorgortan ka gali doonin in Soomaaliya ay dib ula midowdo, isagoo sheegay in waqti walba ha ku qaateen ay Soomaaliland gooni isku taagi doonto.

Daahir Riyaale waxaa kaloo wax laga weydiiyey joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Ciidamada Itoobiya uma joogaan Dowladda Federaalka ee waxay u joogaan dano iyaga qaas u ah, markii ay dhameystaan danahaasna ayay dib isaga bixi doonaan”.

Daahir Riyaale waxa uu sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in C/llaahi Yuusuf uu yimaado Somaliland, isagoo ku tilmaamay in uu yahay nin aan dooneyn in uu aqoonsado gooni isku taaga Soomaliland, waxaa kaloo uu sheegay in Dowladda Itobiya looga baahan yahay in ay ka fiirsato hadalada kicin kara bulshada ku nool Soomaaliland kaddib markii dhawaan wasaaradda War-faafinta ee Dowladda Itoobiya sheegtay in C/llalahi Yuusuf iyo wafdi uu hogaaminayo uu soo gaari doono maamulka la magacbaxay Somaliland.

Dhanka kale Guddoomiyaha Mucaaradka ah ee ururka Ucid Faysal Cali Waraabe oo isna ka hadlayey arrintaani ayaa waxa uu yiri “Nin ay shacabkiisu ka dacwoonayaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Heeyg, suurtagal ma ahan in uu yimaado Somaliland”. Wararka naga soo gaaraya Somaliland waxay sheegayaan in shacabka ku nool gobaladaasi ay aad uga caroodeen wararkii maalmahan ay qorayeen saxaafadda ee sheegayey in Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf uu ku soo fool leeyahay wadanka la magacbaxay Somaliland, qaarkoodna waxay sheegeenba in aysan marnaba aqbali doonin in C/llaahi Yuusuf uu yimaado deegaankooda.

Geedi oo xilkii ka qaadey Xuseen Caydiid iyo Barre Hiiraale.

Puntland Batrool mise maaweelo
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri

Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu xilkii kaga qaaday Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii ahaana Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyeenta Xuseen Maxamed Caydiid iyo wasiirkii gaashaan dhigga ee Dawladda Federaalka Bare Aadan Shire Barre Hiiraale.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in labadaa xubnood ay gudan waayeen xilalkoodii sidoo kalena ay si toos ah uga soo hor jeesteen dawladda federaalka Soomaalia. Xuseen Maxamed Caydiid ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay ayaa waxa uu ku sheegay in gebi ahaanba ay bur burtay dawladdii lagu soo dhisay dalka Kiinya kaddib markii ay dalka soo galisey Ciidamo Itoobiyan ah oo uu sheegay inay xasuuq u gaysteen shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay ka gaabiyeen hawlihii dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa wareegtada lagu xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Dawladda Ferderaalka u soo magacaabi doonto Xilalkaas laga qaaday labadaas xubnood.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaarey Magaaladda Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe .

Ciidamo Itoobiyan ah oo aad u hubaysan ayaa shalay lagu arkay Magaalada Jawhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe taasoo lagu waramay inay wel wel weyn ka muujiyeen dad weynaha gobolka oo garan waayay waxa ay u socdaan Ciidankaasi.

Warar aanu helney ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay halkaa u tageen sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka wafddi ka socda qaramada Midoobey oo la filayay in maalinimadii shalay inay halkaa gaaraan si ay u soo eegeen xaalada ay ku sugan yihiin dadkii ka bara kacay Magaaladan Muqdhsih.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in halkaas dib uga soo laabteen iyagoo soo gaaray fariisimo ay ku lahaayeen duleedka Magaalada Muqdisha, dhinaca wafddi ka socday qaramada Midoobay oo shalay soo gaaray magaalada Muqdsho ayaa muddo ku xayirnaa xarunta Hay’adda UNDP kaddib markii qarax uu ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn ee agagaarka Km4.

Wafdigan oo la filayay inay la kulmaan mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dawlladda Federaalka ayaa dib ugu laabta Garoonka Diyaaradaha Muqdisha, kaddib markii loo cabsaday amaankood, taasoo illaa iyo iminka dawladdu aanay wax faah faahin ka bixinin imaanshaha wafdigaas.

Wadada isku xirta muqdisho iyo Baydhabo oo ay ku soo badanayaan Burcaddu

Wadada isku xirta muqdisha iyo baydhabo ayaa lagu waramay inay ku soo kordhayaan falal bur cadnima ah kaddib markii wadadaas maalmihii la soo dhaafay lagu wax yeeleyey dad rayid ah oo ku safrayay wadadaas kuwaasoo ay soo gaareen dhimasho iyo dhaawac.

Kooxahan halkaa ka waleysanaya ayaa dadku qaar waxa ay sheegayaan in ay xiran yihiin direeska Ciidamada, hayasa yeeshee marka ay arkaan gaadiidka ciidamada ayay juqda u carararaan.

Gaadiidleyda ka hawl gasha wadadaas ayaa waxa ay ka codsanayaan Dawladda Federaalka inay wax ka qabato amaan darida ku soo korartay Wadada isku xirta Baydhaba iyo Muqdisha, sidoo kale dhowr gaari oo ay lahaayeen Ciidamada Itoobiya ayaa iyana wadadaasi ka soo gaartay waxyeelo kaddib markii halkaa Miinooyin loogu aasay, gawaari fara badan ayaa la sheegay inay ku xayiran yihiin Magaalada Buur Hakaba, waxaana haatan bilaaban tay in gaadiidkaasi ay is urursadaan kuna soo baxaan Kol;onyo iyagoo sita Noocyada Hubka fud fudud.sidoo kale Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeeladda hoose ayaa iyana waxaa ka jira kooxo iyana dhibaato ku haya Bulshada ku nool Gobolkaas

Ururka Baarlamaanada Afrika oo Dowladda Itoobiya iyo federaalka ku eedeeyey..

Ururka Baarlamaanada Afrika oo dhawaan kulan ku yeeshay dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu si aad ah u dhaliilay dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyey Ciidamada Dowlada Itoobiya oo gacan sinayey kuwa dowladda Federaalka iyo kooxihii ka soo horjeeday, waxa uuna ururku sheegay in dagaalkaasi loo adeegsaday dacaayad si Mareykanka looga helo lacag aad u fara badan.

Ururka Baarlamaanada Afrika waxa uu sheegay in Dowladda Itoobiya iyo Dowladda Federaalka ay dhibaatooyin ka gaysteen gudaha dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in guddi xaqiiqo raadin loo diro dalka Soomaaliya si loo soo ogaado dhibaatadaasi. Ururku waxaa kaloo uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay isticmaaleen awood aad u baaxad weyn kaddib markii qaybo ka mid ah magaalada loo isticmaalay madaafiic aan kala go’a laheyn halkaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Dacaayadda ay dowladda Itoobiya ku gashay dagaalkaasi waxa ay ku dooneysaa in ay ku sii joogto dalka Soomaaliya, sidoo kale Ururka Baarlamaanada Afrika waxa uu dhaliilay ururka Midowga Afrika oo uu ku tilmaamay in uu ka gaabiyey in Soomaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah, iyadoo ilaa iyo hadda dowladihii hore u ballanqaaday ay diideen, iyagoo oo ku marmarsiyooday arrimo dhinaca nabadgelyada ah iyo waliba iyagoo waayey qarashkii ay ciidamadaasi ku geyn lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya, sidoo kale ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa ilaa hadda helin lacagihii ay ka sugayeen ururka Midowga.

30 Neef oo Geel ah oo loogu deeqey maamulka gobolka banaaadir ..

kaddib markii dhawaantan la magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir isla markaana la soo af jaray kormeer mas’uuliyiinta Gobolku ku soo mareen 16ka Degmo ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa haatan la dar dar gelinayaa Hawlaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada G.Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagax Tuur oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in dekeddii hore ee magaaladan Muqdisho ay ku qaybiyeen Soddon Neef oo Geel ah oo loogu tala galay Mas’uuliyiinta Degmooyinka, Shaqaalaha Dawlada Hoose iyo shaqaalaha Degmooyinka ka hawl gala.

Md Dhagax Tuur ayaa intaa raaciyay in gebi ahaanba Shaqalaha Maalinta Berri ah Shaqada laga Fasaxay, Degmooyinkoodana ay ku wada qadeyn doonaan arrintaas oo ah mid lagu dhiiri gelinayo Shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Degmooyinka, arrintan oo ah mid ku cusub gobolkan Banaadir.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee soomaaliya oo ku baaqey in Maxkamadaha ..

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliya Mr Francios Fall oo dorraad soo gaaray Magaaladan Muqdisho ayaa mar uu shir jaraa’id qabtay ayaa ku sheegay in qaramada midoobay ay si weyn u soo dhaweyneyso shirka dib u heshiisiinta ay ku dhawaaqday Dawladda Federaalka oo la qaban doono 14 Juun ee foodda nagu soo haysa isagoo sheegay in shirkaasi uu yahay mid albaabada u furi doona Nabad waarta oo ka dhacday Dalka Soomaaliya

Wakiilku waxa uu sheegay in qaramada midoobay ay soo dhaweyneyso dhamaan kooxaha ka soo hor jeeda Dawladda Federaalka inay ka qayb galaan shirkaasi iyo waliba Maxaakiimta Islaamiga. Wakiilku waxa uu sheegay oo kale in qaramada Midoobay ay door muhiim ah ku yeelan doonto shirkaasi ha noqoto dhinaca dhaqaalaha iyo wixii tashiilaad ah ee looga baahan yahay.

Guddoomiyaha guddiga dib u Heshiisiinta Qaranka Cali Mahdi Maxamed ayaa waxa uu sheegay in la dhimi doono tirade ka qayb galaysa shirkaasi kaddib markii loo waayay kharashaadkii loo baahnaa isagoo sheegey in tirada laga dhigi doono illaa Laba Kun oo qof kuwaas oo ka kala imaan doona qaybaha kala duwan ee bulshada iyo beelaha Soomaaliyeed.

Dalka Ereteriya oo ay ku qulqulayaan kooxaha sida aadka ah uga soo horjeeda Dowladda ...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya waxay sheegayaan in kooxaha sida aadka ah uga soo horjeeda Dowldda Federaalka ay si weyn ugu qulqulayaan dalkaasi halkaasi oo ay ka heleen soo dhaweyn aad u balaaran.

Waqti aan sidaasi u dheereyn ayaa waxaa halkaasi gaaray rag ay ka mid ahaayeen Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyihii Maxaakiimta Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Hawlaha guud ee guryeyenta Xuseen Max’ed Caydiid, iyadoo horey sidoo kale halkaasi u joogeen saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro iyo waliba xubno ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga

Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ayaa waxay halkaasi ka wadaan hawlo balaaran oo ay la xiriira sidii is bedel deg deg ah loogu sameyn lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo wufuud kala duwan u kala diray daafaha adduunka si ay Bulshada Caalamka uga dhaadhiciyaan in si dhaqsi leh loo qabto shir weyne dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo lagu dhiso qaran Soomaaliyeed.

Xuseen Max’ed Caydiid ayaa dhawaan waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad la yiraahdo, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay ku tumatay dhamaan shuruucdii ay horey u soo degsadeen, isla markaana ay ka gaabisay sidii ay Bulshada Soomaaliyeed meel isugu keeni lahayd. 

Dowladda Uganda oo qoraal u dirtey Ururka Midowga Afrika ...

Saxaafadda dalka Uganda ayaa maalmahan si aad ah u qorayey in Ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya aysan helin qarashaadkii ay uga baahnaayeen ururka Midowga Afrika.

Ciidamadaan oo ku sugnaa Soomaaliya mudo saddex bilood ah ayaa ilaa iyo hadda la soo gaarsiin wax mushaar ah, iyadoo lacagaha yare e haatan qaataana lagu waramay in ay bixi dowladda Uganda.

Warar ayaa waxay sheegayaan in wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Uganda uu dhawaan soo gaari doono Magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaaladda ay ku sugan Ciidamada Uganda, waxaana la sheegay in wasiirka ay booqashadiisa la xiriirto sidii uu dhiiragelin ugu sameyn lahaa ciidamadaasi oo hawlo nabad ilaalin ah ka wada Magaalada Muqdisho.

Dowlado fara badan oo doonayey inay ciidamo u soo diraan dalka Soomaliya ayaa gebi ahaanba joojiyey qorshahaasi kaddib markii Dowladihii hore u ballanqaaday qarashka ciidamadaasi iyo qalabkoodaba aan laga hayn tasiilaadkaasi, sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ahna Madaxweynaha wadanka Uganda ayaa waxa uu sheegay in ururka Midowga Afrika uu aad uga xun yahay in ciidamadii 80-kun ahayd ee loo ballanqaaday Soomaliya aan ilaa iyo ahdda hadda la heyn ciidamadaasi, isagoo sheegay in Soomaaliya ku sugan yihiin 1500 oo Yugaandheys ah kuwaas oo uu sheegay in ilaa iyo hadda aysan helin waxyaabihi ay ku baahnaayeen.

Odayaasha Beelaha Hawiye oo shalay ka Hadley xaaladda Muqdisho

Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo hor jeeday sida ay dawladda federaalku u wajahayso arrimaha Soomaaliya ayaa Shalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdihsa kaddib markii uu soo kala dhex galay khilaaf aad u weyn oo la xiriira dhinaca fikirka.

Kulankan oo ay u dhamaayeen dhamaan Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa waxa ay uga arrinsanayeen arrimo la xiriira xaaladda Nabadgelyo ee Muqdisha oo maalmihii ugu danbeeyay ay ka dhacayeen qaraxyo is daba joog ah.

Kulankan ayaa waxaa looga arrinsanayay sidii mowqif mideysan ay ula tegi lahaayeen dawladda federaalka kaddib markii dhowr jeer uu baaqday kulamo ay la yeelan lahaayeen madaxda sar sare ee Dawladda Federaalka.

Odoyaasha ayaa wax ay hore u sheegeen inay diyaar u yihiin inay kulamo la yeeshaan mas’uuliyiinta Dawladda si looga gaaro arrimaha ka taagan Muqdisha, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay kulan isugu yimaadaan Odyaashaas iyo Masu’liyiinta ugu sarreysa Daladda, sidoo kale waxaa la filayaa in kulankan ay ka soo qayb galaan Saraashiisa Sare sare ee Itoobiyanka ah ee ku sugan Magaaladan Muqdisho.

Axmed Diiriye waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com