SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Wararkii: May 9, 2007

Ciidamada Dowlada KMG ah Baaritaan Xoogan Ku Haya Xijaabka Indho Shareerka Haweenku Isku Asturaan.

Ciidamada dowlada KMG ah ee baaritaanka ka wada magaalada muqdisho ayaa ka furay haweenka xijaabka indho shareerka Allah dartii u qaatay iyagoo ku macneeyey inay argaggixiso yihiin .


Maxamed Dheere vs Xijaabka |  March 2004

Wadada wadnaha ee magaalada caasimada muqdisho oo ay Talaadadii ka howl galeen cutubyo ciidanka dowlada KMG ah ayaa baaritaan xoogan lagu hayey haweenka xijaabka indho shereerka qaata iyadoo laga wada xayuubiyey haweenkaas indho shareerkii ay xirnaayeen islamarkaana inta laysku uruuriyey meel wadada bartamaheeda ah lagu gubay.

Ciidamada dowlada KMG ah ayaa xijaabka indho -shareerka ay haweenku alle dartiis isugu asturaan u sababaynaya inay gubaan in xijaabku indho shareerku yahay waxyaalaha laysku qariyo oo dhan inay yihiin waxyaalaha nabad xumada keenaya waa siday qabaane , sida ay sheegeen qaar kamida ciidamada dowlada ee baaritaanka ka wada wadooyinka iyo xaafadaha inay dadka qaraxyada gaysta ay yihiin dadka daboolan islamrkaana ay lamid yihiin baabuurta muraayadaha madoow ee dhowaan laga mamnuucay magaalada muqdisho in lagu wato .

Mid kamida saraakiisha ciidamada baaritaanka ka wada wadada wadnaha ee caasimada muqdisho oo magaciisa diiday inuu shaaciyo ayaa saxaafadu wax ka waydiisay arintan ugubka ah ee ay lasoo bexeen ciidamada dowlada KMG ahi ee haweenka xijaabka indho-sheerka lagaga fiiqayo, sarkaalka ayaa sheegay inay tahay arintani mid la xiriirta arimaha amniga lagu xasilinayo magaalada muqdisho ,balse aysan ahayn mid arin kale ah waa siduu hadalka u dhigaye .

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo Kafeeteriyada, halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida.. GUJI...

Sarkaalka ayaa intaas ku daray arimaha amaanka lagu xasilinayo waxay keenayaan in shay kasta oo laga shaki qabo baaritaano lagu sameeyo laakiin aysan waxba ka bedelayn xaalada caadiga ah ee dhaqanka asluubaysan .

Sidoo kale mid kamida haweenka Talaadadii naqaamka (indho-shareerka ) laga xayuubiyey oo magaceeda ku sheegtay Ramla cabdi –wahaab ayaa saxaafada u sheegtay inay tahay arin murugo badan oo diinta iyo muslinimada wax u dhimaysa islamrkaana ka hor imaanaysa dhaqankii iyo sunihii rasuulkeenii muxamad SCW uu sheegay inay haweenka muslinka u dhaqmaan.

Ramla ayaa intaas ku dartay iyadoo ay murugo ka muuqato ma anaga ayaa is qarxina mise waxaa laga wadaa haweenka asturan ayaa argagixiso ah ,islamarkaana dowlada KMG ah ka codsatay inay ka fiirsadaan arimahaas dunuubta ah ee ka dhanka ah diinta iyo sunihii suubanaa ee rasuulkeenii Muxamad SCW.

Si kastba ha ahaatee ciidamada dowlada KMG ah ayaa dar dar geliyey baaritaanka xaafadaha ,baabuurta ,shaqsiyaadka laga shakiyo iyo weliba nadiifinta wadooyinka sharci darada lagu dhistay ee magaalada caasimada ee muqdisho ,arintaan baaritaanka haweenka asturan ayaa kusoo beegmaysa xili ay cutubyo ka tirsan ciidmada xukuumada Ethiopia ku sugan yihiin dalka gudishiisa gaar ahaan caasimada muqdisho.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Ciidamada Dowlada KMG ah Iyo Kuwa Ethiopia Oo Howl Galo Ka Wada Wadooyinka Caasimada Muqdisho .

Wadooyinka dhextaalka u ah caasimada muqdisho ayaa ilaa 16-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa ka jiray cariiri taasoo si sharci daro ah looga dhistay wadada hareeraheeda sandaqado u badan maqaaxiyaha lagu qaxweeyo iyo wax yaalo kale oo dadku ay daruuriga u isticmaalaan .

Maamulka gobolka Banadir ayaa dhowaanahanba ku mashquulsanaa sidii u usoo celin lahaayeen bilicdii magaalada muqdisho taasoo ay wareegto kazoo saareen xafiiska maamulka gobolka banaadir oo loogu sheegayo ganacsatada yaryar ee wax ku iibsata hareeraha wadooyinka inay baneeyaan.

Dadka ku ganacsada hareeraha wadooyinka magaalada ayaa iyagoo ka walaacsan hadana u dhego nuglaaday waregtadaas lagu farayo inay ka guuraan wadooyinka sharci darada ah, waxaana loo qabtay 3-maalmood oo ku ekaa maalintii shalay islamrkaana saaka lagu arkayay isgoyska Baar Ubax ilaa Black sea qaar ka mid ah ganacsatada yaryar oo si iskood ah uga qaadanaya sandaqadahooda wadada Laamiga ah dhexdeeda, halkaasi oo in muddo ah ay ku ganacsanayeen kadib markii saaka goor hore ay ciidamada booliska dowlada KMG ahi ay roondooyin ku maren wadooyinka jidka sodonka iyo wadooyin kale iyagoo ku gaaf wareegaya baabuurta dheereeya ee nissanka loo yaqaano.

Dadkan ku ganacsan jiray wadooyinka hareeraheda ayaa ku quustay kadib markii todobaadkii hore cagaf cagafyo lagu xaaqay sandaqadihii ka dhisnaa wadada KM-4 iyagoo saaka ilaa shalay ay dadku sandaqadohooda kala cararayeen wadooyinka inta aan lasoo gaarin .

Mid kamida dadka ku ganacsada wadada jidka sodonka oo magaciisa ku sheegay cali siciid oo saaka ka fuqsanayey sandaqadiisa oo uu ku gadan jiray waxyaalaha lagu dukaamaysto ayaa saxaafadu wax ka waydiisay sida uu u arko xaalada lasoo deristay maalmahan ee ay ciidamadu wadaan ,cali saciid ayaa ku jawaabay maanu filayn in nalaga rari doono meeshan oo aan mudo ka badan 14-sano wax ku iibsananey ,laakiin ku qabatay iyo qadar alle waal qaataa ayuu ku jawaabay isagoo ka xun inuu ka guuro halkasi

Sidoo kale waxaa kaloo cali saciid ay saxaafadu waydiisay miyay kula haboon tahay in jidadka iyo fiyaalaha wadooyinka si sharci darro ah laysaga dego , ayaa waxuu ku jawaabay ma is lihi wax sharci ah ayaad qaladeen anagu cidna waxba kama galabsan ee waanu isaka ganacsan jirnay ayuu kaga jawaabay su,aashii la waydiiyey

Dhinaca kale mid kamida saraakiisha ciidanka booliska ee dowlada KMG ah oo magaciisa la yiraahdo laba xidgle cali yare ayaa saxaafadu wax ka waydiisay halka ay u diyaarinayaan dadka ay ka rarayaan wadooyinka dhexdooda madaama ay dadkaasi nolol ka raadinayaan waxuuna ku jawaabay ,waxaan muhiim noo ah anaga hadaanu nahay ciidanka nabad gelyada iyo weliba nabad soo celinta iyo bilicdii magaaladu lahayd inaanu dib usoo noolayno sharcigii waa siduu hadalka u dhigay laakiin dejinta dadkaas waxaa shaqo ku leh maamulka sare ee gobolka ayuu ku jawaabay labo xidigle cali yare

Sidoo kale sarkaalka ayaa waxaan kaloo saxaafadu waydiisay maadaama ay dadku ka xun yihiin inay ka guuraan wadooyinka dhexdooda ay mudada ku noolaayeen maxaad u aragtaan arintaas ayuu waxuu kaga jawaabay arintaas dadka waxaa loosoo celinayaa kala dambayntii mudo ayuu dalku baaba,sanaa marka qof kastaaba waxuu isa siiyey meeshii uusoo gaaray ama qaran ha lahaado ama qoys ha lahaade,e marka taasina wax qiimo ah kuma dhisna inay dadka sharci darada aaminay ay ka xumaadaan waanu ku qasbaynaa sharciga ayuu ku jawabay sarkaalkaasi booliska ahi .

Si kastaba ha ahaatee ciidamada huwanta ah ee dowlada KMG ah iyo kuwa Ethiopia ayaa dar dar geliyey nadiifinta wadooyinka ,islamarkaana arintan ayaa kusoo beegmaysa xili maalintii shalay ay ciidamada ehiopia ay baaritaan xoogan ku sameeyeen suuqa weyn ee bakaaraha gaar ahaan suuqa cir toogtaha ee lagu iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan halkaasoo sida la sheegay ay ka uruuriyeen hub aan tiradiisa la shaacin.

Yaasiin Maxamed Cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2007

markabXaggee Ku Dambeeyeen Saddexdii Ka Tirsanaa Daraawiishta DGPL ee laga Qafaashay Xeebta Puntland
Bishii April ee sannadkii hore ayaa maxkamad ku taal dalka Thailand waxay ku xakuntay 10 sano oo.....
Akhri... Apr 28

ShiineDhagaxbuur: 74 Qof oo Ku Dhintay Weerar lagu qaaday Xarun ay Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen..
9 qof oo shaqaale Shiine ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaas oo ay sheegatay jabhadda...
Akhri...
 

mplsQabsashada Sharcidarada ah ee Itoobiya iyo Xasuuqa ummadda...
Shir weyne lagu qabtay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa looga hadlay xaalada Soomaaliya..
Akhri...

soomaaliBAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...
Waxayna ugu baaqeynaa ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha Itoobiya iyo in...
Akhri...


bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com