SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QORMADA MAANTA:: Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Daabaco Boggan | Print

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

KU: DHAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED EE GUMAYSI DIIDKA AH

& SAXAAFADA SOOMAALIYEED EE XORTA AH

UJEEDO:WAR SAXAAFADEED KU SAABSAN XIL KA QAADISTA XILDHIBAAN MOHAMED ABDI YUSUF OO AY SHAACIYEEN U ADEEGAYAASHA CADAWGA TIGREEGA EE DALKEENA QABSADAY.

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com

Ugu horeyntii waxaan salaan gaarsiinaynaa shacabka Soomaaliyeed ee xorta ka ah kuwa uu gumaystaha cadawga ku adeegto meel kasta oo aad joogtaan.

Waxaan rabnaa inaa ummadda Soomaaliyeed u cadeynaa arimo badan oo u baahan in aan ku cadeyno mowqifkeena ku aadan, war ay soo saareen kuwa ay ku adeegato Tigreega ee sheeganaya masuuliyad aysan istaahilin ee ku shirsan baqaarka masagada ADC ee Baydhabo, oo xaruun u ah KHaainul wadaniyiin aan damiir Soomaalinimo iyo mid bini aadanimo toona lahayn,kuwaas oo ka soo saara mar walbo arimo fool xun oo dalka , dadka, iyo diinteena wax u dhimaya una adeegaya gumeysiga cadawga ee dalkeena Soomaliya qabsaday.

Waxaa wax lagu qoslo ah in baarlamaan aan xor ahayn inuu soo saaro goaano aan sharciga waafaqsanayn ,iyagoo fulinaayo awaamiir u soo farey ninka hogaaminaayo gumeysiga dalkeena qabsaday Tigreega ah ee la yiraahdo askari Gabre oo ah madaxwaynaha zone 6 ( Somalia under Tigree occupied )

Waxaa la yaab leh inaysan ka hadlin kuwa sheeganaayo inay yihiin Baarlamaan Soomaaliyeed xasuuqii ay ka fuliyeen ciidamada gumeysiga ee cadawga ah ee xasuuqay maatadii Soomaaliyeed ee ku dhaqneed MUQDISHO & J/HOOSE.

Baarlamanka aan xorta ahayn oo aan ka hadli karin xasuuqa iyo dhibka lagu hayo ummadda Soomaaliyeed ,taas oo Emmergency law laga saarey, balse loo adeegsado waxaan sharciga waafaqsaneyn sida xil ka qaadis wadaniyiin diiday fulinta shirqoolada gumeysiga.

Waxaa taas ka sii daran in Baarlamaan laga qaaday awoodii, inuu hadana fuliyo ama soo saaro goaano cusub ,madama mudo laga jooga 4 bilood sida u sheegay dagaal ooge Abdulaahi Yusuf inuu kala direy raga ku shirsan baqaarka masagada ADC ee Baydhabo,wadankana u ku jiro xaalad dag dag ah oo uu Ethopia cidankeeda Tigreega ah gacanta u galiyay Soomaaliya si ay u xasuuqdo dadka Soomaaliyeed kadibna u qaadato dalkeena.

Anagoo og marxaalada uu dalka maraya ayaan waxaan rabnaa inaan ummadda Soomaaliyeed u cadeyno war martiyeedkena hoos ku qoran si aan ugu cadayno goaanadeena.

Xildhibaan Mohamed Abdi Yusuf ma jirto cid xilka qaadis ku samayn karta oo joogta ADC Baydhabo oo owalba xilkaas siisay.

Xildhibaan Mohamed Abdi Yusuf marnaba lagama yaabo inuu gato damiirkiisa wadanimo iyo Soomaalinimo.

kamana suuroowdo inuu hoos fariisto dad aan damiir Soomaalinimo iyo islaanimo toona lahayn, balse fulinaaya awaamiir laga soo yeeriyay dablayaal Tigree ah oo xasuuqaya dadkii dhulka lahaa ee diiday u adeegida danaha cadawga Tigreega ee uu ka leeyahay dalkeena.

Xildhibaan Mohamed Abdi Yusuf ma ahan xildhibaan beel ee waa xildhibaan qaran oo u adeegaya maslaxada dadka , dalka iyo diinta ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Mohamed Abdi Yusuf lagama yaabo inuu ka tanaasulo mowqifkiisa & aragtidiisa siyaasadeed ee gumeysi diidka ah.

Waxaan wax lala yaabo ah in dambiilayaal dagaal iyo kuwa mowqifkooda ku gatey xogaa lacag ay ku qayilaan inay soo saran goaano aan laga fiirsan oo ay soo fareen kuwa gumeysi jacaylka u madax marey oo si waali ah u fulinaya danta uu cadawga qabsaday dalkeena soo amray.

Waxaa farxad wayn u ah Xildhibaan Mohamed Abdi Yusuf in baarlamaanka aan xorta ahayn ay gartaan inuusan ku mowqif ahayn , kadibna ay ku dareen raga aan gadan dadnimadooda ee diiday gumaysi u adeega.

Waxaan rabnaa in ummadda oo dhan ogaato in Xildhibaan Mohamed Abdi Yusuf usan u xayirnayn qoowlaysato u adeegta dowlada aduunka u faqrisan oo aan rabin qof wadani ah oo jecel dalkiisa ,diintiisa iyo dadkiisa.

Waxaan ummada Soomaaliyeed u sheegaynaa inaysan jirinba wax la yiraahdo dowlad Soomaaliyeed oo xor ah oo ka shaqeynaysa maslaxada Soomaaliya ,ayna haboon tahay in laga qayb qaato halganka looga xoreynayo gumeysiga dalkeena qabsaday iyo kuwa u ku adeeganaayo,waxaana ka goan mudane Mohamed Abdi Yusuf in uu kaalin mug leh ka qaato xoreynta dalka Soomaaliya

Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baqeynaa in la dardargaliyo sidii dacwad maxkamadeed oo caalami ah loo gayn lahaa dagaal oogayasha iyo damiir lawaayasha ummada Soomaaliyeed xasuuqayay mudo dhan 17 sano,dalkeenina gacanta u galiyay Tigree , ee aan wax dan ah ka lahayn dowlad nimo Soomaaliyeed ee xor ah oo dadka Soomaaliyeed rabaan

Soomaaliya ha noolaato ,gumeysiga iyo dabadhlifyadisana ha dhaceen

Mahadsanidiin

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2007


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com