SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Saddex wiil oo walaalo ah oo ay Muqdisho ku dileen Ciidamada Itoobiya..... Akhri


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


  • Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Oo Mar Kale Ku Celiyey In Shirku U Dhacayo Qabiilooyinka Soomaaliyeed .
  • Ciidamada Xukuumada Ethiopia Oo Dad Rayid Ah Ku Xasuuqay Xarun Internetka Laga Isticmaalo.

Ciidamada Xukuumada Ethiopia Oo Dad Rayid Ah Ku Xasuuqay Xarun Internetka Laga Isticmaalo.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Jun 30, 2007

Ciidamada xukuumada ethiopia ee ku sugan magaalada caasimada ee muqdisho ayaa ku diley dhalin yaro ku jiray xarun internetka laga isticmaalo oo ku taala agagaarka ex-cantarol.

Ilaa ku dhowaad 3-nin oo dhalin yaro ah ayaa waxaa ciidamada ethiopia ku dileen meel ganacsi oo laga isticmaalo internetka ,halkaasoo ay u gaysteen jidhdil xoogan islamarkaana rasaas madaxa kala beegsadeen ,arintan oo ka dhalatay markii uu halkaasii kolonyo baabuur ah oo maraysay oo wateen ciidamada ethiopia uu ku qarxay goobtaas islamarkaana uu halkaas ku gubtay gaari nooca ciidamada qaada ee loo yaqaano Uralka.

Baabuurkan oo ay ku qaraxday miinada la hago ayaa sida ay sheegeen dad xog ogaal ahi waxaa ciidamadaasi ka daateen baabuurtii ay wateen islamarkaana waxay ku faafeen agagaarka xaafadaasi halkaasoo ay galeen xaruntan ganacsi ee laga isticmaalo internetka taasoo ay ku dileen 3-da wiil ee dhalin yarada ahaa sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo magacooda qariyey.

Ciidamada ethiopia ayaa badanaaba ka aargoosta dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan marka ay ay xoogaga kasoo hor jeeda joogitaankooda ay waxyaalaha qarxa u dhigaan ama iska hor imaad dhaco .

Maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale ay ku xasuuqaan dad rayid ah ciidamada ethiopia bishan bartamaheeda ayay ahayd markii ay ku dileen sadex wiil oo walaalo ah agagaarka ex-kuliyadii ciidamada ee jaalle siyaad ,kadib markii halkaasi ay gaari nooca Uralka ah miino kula qaraxday .

Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Oo Mar Kale Ku Celiyey In Shirku U Dhacayo Qabiilooyinka Soomaaliyeed .

Madaxweynaha Dowlada KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday in shirka lagu wado inuu dhaco bartmaha bisha july ee fooda inagu soo haysa in lagu wada hadal siin doono beelaha soomaaliyeed.

Madaxweynaha DFKMG yuusuf oo la hadlayey warbaahinada muqdisho ayaa sheegay inuu shacabka soomaaliyeed u sheegayo inuu shirkani u dhici doono beelaha soomaaliyeed ,islamarkaana uu ka codsanayo inay taageeraan ,isagoo carabka ku dhuftay in sanad guurada xoriyada soomaaliyeed ee ku aadan 1-da july loo qaban doono munaasabad weyn .

"waxaan u sheegayaa umada soomaaliyeed in shirka dib u heshiisiinta uu yahey mid lagu heshiisiinayo qabiilaadka Soomaliyeed ee uusan aheyn mid siyaasadeed ama loogu talo galey xisbi iyadoo oo xisbiyadu iyo ururada siyaasadeedaba horey ugu soo heshiiyeen Dowlada haatana Dhisan ee DFKMG" ayuu yiri Madaxweyne yuusuf .

C/laahi yuusuf oo arimo dhinacyo badan taabanaya ka hadlay ayaa sheegay in magaalada la xasilyo islamrkaana la joojiyo qaraxyada iyo dhibaatada waa siduu hadalka u dhigaye islamarkaana uu og yahay inay dadka kasoo hor jeedaa ay doonayaan in 5-ta sano amaan xumada lagu dhameeyo .

'' waan ogahay dadka iga soo hor jeedaa inay isleeyihiin sidaa ugu dhameeya 5-ta sano laakiin ka yelimayno kana caajisimayno ilaa intaan ka xasilinayno waana in dhibaatada laga shaqaynayo la joojiyaa '' ayuu yiri yusuf

Sidoo kale mar uu ka hadlayey dhinaca gobolada jubooyinka ayuu xusay inuu aad uga walaacsan yahay islamrkaana sheegay inay kismaanyo joogaan kuwo xiriir la leh shabakada Al-qaacida oo hadba shaar soo qaata ee magacyada cusub la baxay Muqaawino ,Al-ansaar iyo kuwo kale .

Si kastaba ha ahaatee hadalkan madaxweynaha DFKMG yuusuf ayaa kusoo beegmaya xili ay ku kala afkaar duwan yihiin gudiga shirka dib u heshiisiinta iyo isaga islamarkaana uu xili uu saxaafada la hadlayey xuseen xaaji bood oo kamida siyaasiyiinta muqdisho uu ka dhawaajiyey inay siyaasadi is hayso laakiin aysan jirin wax beelo ah oo xiligan is dagaalsan .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2007

G/Bari waxaa halkii maalin ka soo xeroota lacag dhan 1.5 bilyan, laakiin waa la musuqmaasuqay
Colaad Maxamed Siciid oo saxaafadda la hadlay.. Jun 30

Minneapolis: xaflaf qalin jebin iyo koobka cayaaraha ee usbuuca Soomaalida

Barre Hiiraale "C/llaahi Yuusuf ayaa ka dambeeyey in qarax la ii gaysto"
.Dil loo gaystay Guddoomiyihii waaxda koowaad ee Dayniile
.Mareykanka oo loo gudbiyey dacwad ka dhan ah Geedi.
.Qarax lala beegsaday gawaari ay lahaayeen ciidamada..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 29

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com