SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Saddex wiil oo walaalo ah oo ay Muqdisho ku dileen Ciidamada Itoobiya..... Akhri


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Marxuum Ugaas Barkhadle Cumar oo ka mid ahaa Isimida Puntland oo salaadii subax markii uu ka soo baxay lagu Dilay Nairobi,iyadoo la dhaawacay labo qof oo uu mid yahay dhaawac halis ah .

 

Waxay ahay abaarihii 6:30 AM ee subaxnimo qiyaastii 45 daqiiqo ka dib salaadii subax maalintii Khamiista ahayd 28/06/2007 markii uu  Shahiiday[geeriyooday],Marxuum,Ugaas Barkhadle Cumar oo ka mid ahaa isimada Puntland isla markaana ka mid ahaa culumada u soo baxaysay umada soomaaliyeed, meeshuna waa Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii ee ay Soomaalidu dagan tahay.

 

''Salaadii subax markii uu ka soo baxay masaajidka Abuubar Alsadiiq(6 Street ) ee xaafada islii ayaa waxaa uu u dhaqaaqay dhanka jidka 8 Street halkaasi meel makhaayad ah oo shaaha laga cabo subaxii,markii uu galay halkaasi oo fadhiyay in cabaar ah ayaa waxaa ka soo galay iridii Makhaayada nin Burcad Kenyan ah oo ku hubaysan Bostoolad waxaana uu ku bilaabay baaritaan laakiinse markii uu ku dhaqaaqay arintaasi ayaa Ugaas Marxuum Barkhale iyo Cabdisamiic ay damceen in ay iska difaacaan burcada oo ay si farsamadeedan uga tuureen bostooladii uu watay ka dib waxaa  u soo gurmaday labo Burcad ah  oo banaanka kor ka ilaalinasay makhaayada waxayna rasaas waxashnimo ah ku fureen Marxuumka Shahiiday ee Ugaas Barkhadle Cumar,sidoo kale waxaa uu dhaawac ka soo gaaray laba qof oo mid uu yahay dhaawac cusulus magaciisana la yiraahdo C/samiic oo iminka lagu baxnaaninayo Isbitaalka Kenyta ee magaalada Nairobi  halka kan kale oo ahaa nin oday ah oo uu dhaaca aad u fuud wajiga ka gaaray ka dib markii ay xabadii ay sartay''  sida ay Somalitalk.com u sheegeen dadkii meesha joogay wax yar ka dib markii falkaasi uu dhacay oo aan tagay.

 

Dhaca ayaa waxay ka gaysteen burcadaan dilka gaystay gabi ahaanba masaajiyada xaafada Islii marka salaada laga soo baxo gooba laga shaaheeyo laga soo bilaabo 12 Street masaajidka wayn ee ku yaala kan masaajidka ku yaala 8 Street, Masaajidka Abuubar Alsaqiiq(6 Street )iyo ugu danbayntii Masaajidka 3 Street ku yaala oo ay gabi ahaanba sida ay dad xog ogaal ah u sheeegeen Somalitalk.com

 

Galabnimadii Khamiista ahayd  ayaa Salaadii Janaasada waxaa lagu tukaday Marxuumka Masaajidka wayn ee Abuubar Alsaqiiq(6 Street ) waxaana ku tukaday dad aad u badan oo qiyaastii gaarayay 600 oo qof waxaana salaada dadka tujiyay Shiekh Maxamed Cabdi Umal.

 

Aaska Marxuumka  ayaa waxaa uu ka dhacay Qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Nairobi,waxaana ka soo qayb galay dad aad u fara badan,oo ay hormuud u yihiin culumada Soomaaliyeed ee dalkan Kenya qaar ka mid ah Shiekh Maxamed Cusmaan iyo culumo kale .

 

Shiekh Maxamed Cusman ayaa Aaskii ka dib u duceeyay marxuumka Geeriyooday isagoo ku booriyay dadkii ka soo qayb galay in ay EEBE xasuustaan mar walba oo qof waliba uu dunidaan ka tagayo maalin oo uu aakhiro la tagayo Camalkiisa,marxuumkaan geeriyoodayna ay eebe Khayr uga rajaynayaan maadaama isagoo salaad subax ka soo baxay ay dishay gacan ka xaq daran

 

Tacsi ayaa waxaa diraya

 

1-     Sheikh Maxamed Cusmaaan

2-     Ustaad C/laahi Maxamed Faarax

3-     Nabadoon C/wali Xasan Biixi

4-     Maxmed Nuur Shire

5-     Jaamac Dharbaaxo

6-     Maxamed C/laahi

7-     C/rixamaan Muuse

8-     C/xakiim C/kariim Diiriye

9-     Axmed Ciise Qulaam

10- Iiman Cali Cabdi

11- C/fitaax Cali

12- C/risaaq Maxamed

13- Ustaad C/risaaq Cirro

 

Waxaan Hadii aan Nahay Bahda SomaliTalk.com EEBE uga baryaynaa Samir iyo iimaan inoo ka siiyo Ehelkiisii iyo asaxaabtiisa iyo umada Soomaaliyeedba intii taqaanay. 

 

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Faah Faahin Somalitalk,|June|29|2007

Nairobi,Kenya Islii,

Botaan1@hotmail.com

 

Soomaalida Lagu Laayey Qurbaha....

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2007

 

Barre Hiiraale "C/llaahi Yuusuf ayaa ka dambeeyey in qarax la ii gaysto"
.Dil loo gaystay Guddoomiyihii waaxda koowaad ee Dayniile
.Mareykanka oo loo gudbiyey dacwad ka dhan ah Geedi.
.Qarax lala beegsaday gawaari ay lahaayeen ciidamada..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 29

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com