SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTARLIA

CAMBAARAYNTA XASUUQA KA DHACAY KISMAYO OO AY SOO JEEDISAY JAALLIYADA REER WAAMO IYO REER PUNTLAND EE DALKA AUSTRALIA

Annagoo ah odayaasha, aqoonyahanada iyo dhalinyarada Jaalliyada reer Waamo iyo reer Puntland ee ku nool dalka Australia waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Xukuumada iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed, hay’adaha ilaaliya xuquuqul insaanka, Dawladaha daneeya arrimaha Somaalia, inay sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabtaan dhibaatada lagu hayo shicibka ku nool magaalada Kismayo iyo nawaaxigeeda oo ay ku hayaan dad wata dano ku salaysan dhulbalaarsi iyo bara-kicin. Isla markaana waxaa waajiba in maxkamada Caalami ah iyo mid qaranba la soo hor taago cidda masuulka ka ah falalka ka socda magaalada Kismayo iyo nawaaxigeeda.

Magaalada Kismayo oo ah magaalada labaad ee koonfurta dalka waxaa 16kii sano oo dagaalka sokeeye ka socday Soomaaliya ay hadba gacanta u gelaysay koox wadata dan ka soo horjeeda danta dadka ku nool Magaalada Kismayo iyo nawaaxigeeda. Waxaa horay loogu dilay dad aad u tira badan oo u badankood yihiin carruur iyo dumar aan dambi galabsan, dhibtaas oo badankeed la ururiyey waqtiga ku haboona loo bandhigi doono maxkamad caalami ah.

Waxaa xusid mudan, in xukuumada iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed oo aad uga dheregsanaa dhibaatada ka jirta magaalada Kismaayo aanay xil weyn iska saarin inay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu wada noolaan lahaa goobtaas loona helli lahaa qorshe arrintaas lagu hirgeliyo.

Si kasta ha ahaatee, xilligaan oo la filayay in la joojiyo colaada dibna looga heshiiyo wixii la kala galay, naf iyo maalba, waxaa nasiib daro ah in maanta ay ka bilaabato magaalada Kismayo iyo nawaaxigeeda colaad hor leh taas oo ka kooban dil fool xun, jir dil, kufsi, dhac rasan oo aan waxba la reebin, barakicin qorshaysan, iyo argagixin ujeedo leh.

Dhibtaas iyada ah waxaa aad loola beegsaday dadka degaanka asaliga u ahaa, dhibtaas waxaa geysatay dad dhulbalaarsi ku yimid.

Jaalliyada reer Waamo iyo reer Puntland oo ah dad wax walba ka hormariya wanaag ku wada noolaanshaha iyo hellida xukuumad ummadda u dhexaysa kana saarta mugdiga lagu jiro waxay aad uga xun tahay waxa ka socda magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaan uga digaynaa Xukuumada Federaalka ah in haddii arrintaan aanay si degdeg ah wax uga qaban ay saamayn weyn ku yeellan karto dib-u-heshiisiinta laga wado dalka Somalia. Ma dhici karto in iyadoo maalma yari naga xigaan dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed lagu kaco ficilada aan kor ku xusnay oo ah kuwa aan la aqbali karin, Soomaaliyana dib ugu celin kara xilliyadii la soo dhaafay.

Waxaa naga xusuusin ah, annagu ma aaminsanin in magaalada Kismayo qolla gaara loo xiro ama loo gooyo waxaanse aaminsanahay in si nabad ah ummada Somaaliyeed, reerkay doonaan ha ahaadeene, ugu wada noolaadaan, qadarin siyaasadse la siiyo deganayaasha asaliga ah sida waafaqsan nadaamka caalamiga ah ee xeeriya xuquuqda deganaha meeleed.


Waxaa qoraalkaan soo gudbiyey

Jaalliyada Reer Waamo iyo Reer Puntland.
Waxaa lagala xiriiri karaa qoraalkaan:
Omar Shire Mohamed Ciraale Mob: 0413034051

Waxaa soo tebiyey:
Omar M. Dhollawaa
dhollawaa@yahoo.com.au

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com