SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


  • Bosaso: Murankii la xiriiray Golaha Deegaanka degmada Bosaso oo mel sare Gaaray.
  • Garowe: Cadde Muuse, Dhaqaalihii Puntland waa kordhay hadana lama qaato Mushahaar.

Bosaso: Murankii la xiriiray Golaha Deegaanka degmada Bosaso oo mel sare Gaaray.

Waxaa meel sare gaaray khilaafkii iyo murankii u dhaxeeyay Golaha Deegaanka Degmada Bosaso iyo Golaha xukuumada ee la xiriiray xil ka qaadistii dhawaan ay Golaha degaanka degmada Bosaso ku sameeyeen duqii degmada Bosaso Khadar Xaaji Mire.

Sida laga wada warqabana  Madaxwaynaha DGPL Gen. Cadde Muuse ayaa magacaabay Gudi ka kooban heer wasiir si ay u dhameeyaan khilaafkaasi kaasi oo taagan ilaa iyo hada lana oran karo waa ka sii daray waxan gudigaasi ka mid ahaa.

  • Wasiirka wasaarada Dhalinyarada iyo ispoortiga C/nuur Maxamed Biindho
  • Wasiirka Madaxtooyada Cali Buureed
  • Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada Yasiin Tamaad
  • Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Ibraahim Cartan ( Xaaji Bakiin)
  • Wasiir Ku Xigeenka Dawladaha Hoose Cali naaji
  • Gudoomiyaha Gobalka Bari Muuse Geelle Yuusuf ( Faroole)

Madaxwaynaha iyo wasiirkiisa Dawladaha Hoose  Cali Cabdi Awaare ayaa ku mar marsiiyooday in ay xil ka qaadistaasi ahayd mid sharci daro ah meesha xilka looga qaadayna uusan joogin Gudoomiyuhu iyo masuuliyiinta Dawlada Hoose balse Golaha Deegaanka ee degmada Bosaso ayaa maanta sheegay in ay diyaar u yihiin in meel kasta oo uu joogo Gudoomiyaha iyo Gudigii loo magacaabay xalinta khilaafkaasi iyo waliba mas'uuliyiinta wasaarada dawladaha hoose iyo Horumarinta reer miyiga in ay diyaar ula yihin in ay ugu sameeyaan cod aqlabiyad ah helid iyo waayidba nasiibkiisa.

Hadalkaasi ka sooyeeray xubnaha Golaha  deegaanka ee dagmadaasi ayaa meel sare gaarsiiyay khilaafkii u dhaxeeya dawlada iyo golaha deegaanka degmada Bosaso kaasi oo loo qaatay ama loo fasirtay in ay damacsan yihiin in ay si aqlabiyad ah u ridaan [mar kale].

Madaxwaynaha DGPL ayaa lagasoo xigtey in uu sheegay in ay ragani [golaha degaanka Boosaaso] is dhaarsadeen sidaa daraadeedana aan loo baahnayn in mar kale codayn loo qaaday oo sidaas hada laguwada joogo lakiin Golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa ku tilmaamay hadalkaasi  mid aan loo baahnayn  munasibna ahayn  islamarkaana uusan ka soo yeerin nin mas'uul ah.

Sidoo kale Golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa ugu baaqay Masuuliyiinta dawlada in nin walba uu leeyahay xad shaqadiisana uu ku ekaado waxay kaloo sheegeen in ay sidii laga yeeli lahaa Khadar Xaaji Mire ay u taalo Mas'uuliyiinta Golaha deegaanka Degmada Bosaso ee sida sharciga ah loo soo doortay, waxayna ugu baaqeen dadwaynaha Degmada iyo kuwa reer Puntland in ay fikirkooda ka dhiibtaan islamakraana ay soo fara galiyaan dhibka ay dawladu kula gal galanayso shaqadooda ayna ka shaqeeyaan dantooda.

Khadar xaaji mire ayaa waxaa lagu eedaynayaa in uu lunsaday Hanti badan iyo in uu baayac u galay Garoonka kubada cagta ee degmada Bosaso kaasi oo loo gaaray lacag dhan $400,000 dollar.

Si kastaba Khadar Xaaji Mire ayaa ah nin aan fadhiyin xafiiskiisa isaga oo ku sugan magaalada Bosaso islamarkaana aan soo xaadirin xafiiskiisa muranka wayni ka taagan yahay.

Xaalka Degmada Bosaso ayaa hada u muuqda mid muran wayni ka taagan yahay kaasi oo xalkiisu uu gancata ugu jiro dadwaynaha degmada iyo Golaha degaanka degmada Bosaso.

Garowe: Cadde Muuse, Dhaqaalihii Puntland waa kordhay hadana lama qaato Mushahaar.

Madaxaynaha DGPL Gen: Cade Muuse ayaa sheegay hadal dadbadan oo reer puntland ah si wayn uga yaabiyay kaasi oo ahaa in dhaqaalihii Puntland marka loo eego sanadadii hore uu sanadkan si xawli ah u kordhay hadana aan la qaadan wax mushahaarooyin ah sanadkan intiisa badan laguna leeyahay dawlada mushahaarooyin badan si loo bixin doonana aan la ogayn maadaama uu mushaarooyinka dawlada lagu leeyahay yahay mid xad dhaaf ah oo aysan dawladu bixin karin.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in dhamaan laamaha kala duwan ee ay khusayso arimaha bixinta mushaarooyinka gaar ahaana kuwa dawlada aan wax mushahaar ah ka qaadan sida, ciidanka amaanka gabi ahaantiis haday ahaan lahayd Daraawiishta iyo haday ahaan lahayd Booliska iyo ciidamada kala duwan kuwa qalabka sida, minishiibiyada, GBB da, kuwa dhafoorka iyo dhamaan shaqaalaha kale ee dawaldu ay qayb ka mid ah bilaha badan ee ay san qaadan wax mushahaar ah ay iska cafiyaan si loo helo mushahaar joogto ah.

Madaxwaynaha puntland ayaa balan qaaday hadii ay sidaas sameeyaan in aysan bil danbe ka daahi dooni kana dibdhici doonin mushaarooyinka isla markaana ay ku bixin doonaan bil walba 29keeda iyada oo joogto ah waa sida uu hadalka u dhagaye.

Tiro ka 10 jeer ayuu madaxwaynuhu hadalkan oo kale jeediyay wax ka naasacadaadayna ma jiraan sida daraadeed dadbadan oo reer puntland ah ayaa markay markale hadalkaasi maqleen ku tilmaamay hadal la iska yiri oo aan mas'uul ka soo yeerin, waxayna sheegeen in uusanba khajilayn oo shaaric walba la taagan yahay hadalo Puntland wax u dhimaya oo gaf ah loona baahan yahay inta xal loo helo Puntland isla markaasna aan waqti loogu darin xukuuumada uu hoggaamiyo Cadde Muuse.

Cade Muuse Madaxwaynaha DGPL ayaa looga bartay hadalo aan loo meel diyin macna wayna aan samaynayn kuwaasi oo inta badan ka xanaajiya bulshada kana yaabiya, qaar badan oo ka mid ah bulshada ayaa ku tilmaamay in uu yahay madaxwaynuhu nin is yeel yeelaya iyo in ay ka daacad tahay hadalada uu madaxwaynuhu ku hadlo mar walba oo uu shaaric soo istaago kuwaasi oo dadka intooda badan ka yaabiya.

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2007

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Xalay Ka Dhacay Meelo Kamida ah Magaalada Muqdisho
Maalinta Xoriyadii Gobolada Waqooyi Ee 26-ka June Oo Aan Laga Xusin Caasimada Xili ay Joogto DFKMG.. Akhri Jun 26
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com