SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii: Juun 24, 2007

Dowladda Federaalka oo lagu eedeeyey in ay..

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Iyadoo maalintii doraad ahayd dagaal culus uu ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo agagaarka kaas oo u dhexeeyey laba kooxood oo isku haystay gacan ku haynta magaaladaasi. Dagaalkaan ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen dad gaaraya 20 qofood ayna ku dhaawacmeen ilaa iyo 40 qofood. Dagaalkaan oo mudooyinkaan la filayey ayaa markii dambe waxaa ku gacansareeyey kooxihii ku sugnaa Magaalada kismaayo kuwaas oo ay u suuragashay inay gaaraan Degmada Jilib, iyadoo kooxdii kalana aan ilaa iyo haatan la garaneyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Xildhibaan Cali Xaashi Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku eedeeyey Dowladda Federaalka in ay iyadu mas’uul ka tahay wixii ka dhacay Magaalada Kismaayo ,isagoo sheegay in dowladdu ay ka gaabisay inay wada hadal dhex dhigto kooxihii isku hayey gacan ku haynta Magaalada Kismaayo oo uu sheegay in waqtigii dagaalkii hore uu bilawday laga joogo mudo labo bilood ah, ilaa iyo xiligaasna aysan dowladdu ka qayb-qaadan isku soo dhawaanshaha labada dhinac ee dirirtu udhexeysay, waxaa kale oo uu sheegay in mudadaasi la dilay dhowr qofood, isla markaana ay Dowladdu ka hadlin dilalkaasi iyo wixii ka dhacay Magaalada Kismaayo.

“Beel keliya ma maamuli karto Magaalada Kismaayo, ee waa in si wadajir ah loo qaybsadaa maamulka” ayuu yiri xildhibanaada oo u soo jeediyey kooxaha uu dagaalku u dhexeeyo in ay khilaafkooda ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.  Ciidamadii ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa waxay iyagu gaareen Degmada Jilib oo ka tirsan Gobalka J/dhexe, waxaana lagu waramay inay dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo.

Qarax lala beegsaday Gaari ay lahaayeen..

Wararka naga soo gaaraya Degmada Buula-Burde ee Gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in Tuulada lagu magacaabo Halgan uu ka dhacay qarax aad u weyn oo la sheegay in lala beegsaday Gaari ay lahaayeen ciidamada wadanka Itoobiya.

Gaarigaasi oo ka mid ahaa kolonyo ciidamada Itoobiya ayaan la garanayn khasaarihii uu gaystay qaraxaasi, hase yeeshee qaraxaasi kadib ayaa waxay wararku sheegayaan in gaari Rakaab ah oo halkaasi marayey ay ciidamada Itoobiya rasaas ku fureen waxaa halkaasi ku dhaawacmay lix qofood oo dadkii saarnaa gaarigaasi ah.

Marka loo gaysto qaraxyo ciidamada Itoobiya waxay iyana rasaas ku furaan dadka halkaasi ka dhow. Dhawaan ayay ahayd markii saddex wiil oo walaalo ah ay ciidamada Itoobiya ku dilaan Kuliyaddii Jaale Siyaad, kadib markii gaari ay saarnaayeen ciidamada Itoobiya lala beegsaday qarax

Xasan Daahir Aweys oo sheegay in isku..

Sheekh Xasan Daahir aweys oo ah Guddoomiyihii Shuurada ee maxaakiimta Islaamiga oo u waramayey Taleefishinka Al-Jasiira ayaa waxa uu sheegay in ay isku si ula dagaalami doonaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Uganda.

Sheekh Xasan waxa uu sheegay in ciidamada Uganda iyo kuwa Itoobiya yihiin kuwo si gardaro ah ku soo galay wadanka Soomaaliya, mar wax laga weydiiyey sababta uu ciidamada Uganda ugu daray in ay la mid yihiin ciidamada Itoobiya, waxa uuna Sheekh Xasan sheegay in gacan siiyeen Ciidamada Itoobiya oo uu tilmaamay inay xasuuqeen shacabka Soomaaliya.

Sheekh Xasan waxa uu qaraxyada ka socda Muqdisho sheegay inay wadaan shacabka Soomaaliyed oo sheegay in ay kaga soo horjeedaan Gumeysiga dalka qabsaday sida uu tilmaamay.

Sheekh Xasan waxa uu sheegay in ay sii socon doonaan qaraxyada iyio weerarada lagu hayo ciidamada Uganda iyo kuwa Itoobiya tan inta ay ka baxaan wadanka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu sheegay in shirka dib u heshiisiinta uu yahya mid lagu dibindaabyeynayo shacabka Soomaaliyeed, laguna waqti dheereysanayo siyaasadda dalka Soomaaliya. 

Barre Hiiraale oo lagu wado in uu soo gaaro Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere waxay sheegayaan in Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) lagu wado in uu saacadaha soo socda gaaro Magaalada Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay in uu halkaasi u tagayo waan waan uu labada dhinac ka dhex dhaliyo, halka warar kale ay sheegayan in Xildhibaanku Kismaayo u gaarayo sidii uu dhex dhexaadin u dhex dhigi lahaa labo beelood oo ku dagaalamay deegaanka Beerxaano.

Dhawaan ayay ahayd markii Xildhibaanku uu ku soo guuleystay inuu waan waan dhex dhigo labo beelood oo ku dagaalantay deegaanka  Faxfaxdhuun.

Barre Hiiraale sanadkii hore ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan Maxaakiimtii Islaamiga ay ka saareen Magaalada Kismaayo, isagoo xiligaasi ku sugnaa Magaalada Baydhabo, kadibna waxa uu ka mid noqday saraakiishii hogaamineysay ciidamada Itoobiya ee qabsadaty Magaalada Kismaayo, kaibna Barre  Hiiraale waxaa lagu amray inuu soo  galo Muqdisho, dhawaan ayaana xilkii Wasiirka Gaashaandhiga laga qaaday, iyadoo loo magacaabay C/risaaq Isaaq Biixi

Masaajidda Muqdisho oo xiligii Salaadda Cishaha.

Iyadoo Magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow bilaabanaya todobada Fiidnimo ayaa bandowgaasi waxa uu saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka, ganacsigii iyo waliba Salaaddii Cishaha ahayd.

Masaajidda Magaalada Muqdisho ayaa waxay bilaabeen in waqtigii Salaadda Cishaha la tukan jiray ay soo hormariyaan mudo afartan daqiiqo ah, sidoo kale Masaajidda qaarkood ayaa lagu waramay inay isku jamciyeen salaaddii Maqrib iyo Salaaddii Jimcaha.

Culima’udiinka Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka codsadeen Dowladda Federaalka in xiliga uu bilaabanayo bandowga wax ka bedesho lagana dhigo 8:00 fiidnimo, halka kuwo kalana ay soo jeediyeen in laga dhigo 9:00 fiidnimo.

Isku soo wada duuboo dadka Magaalada Muqdisho  ayaa si weyn ugu dhiban Salaadda Cishah.

Ilaa iyo hadda Dowladda kama hadlin codsiyadaasi loo soo jeediyey ee ku aadan Salaadda Cishaha. 

Qaraxyo xalay laga maqlay Magaalada Muqdisho..

Iyadoo habeenkii labaad uu galay badowgii ay Dowladda Federaalku ku soo rogtay Magaalada Muqdisho ayaa haddana waxaa socda qaraxyada lala beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo Kuwa Itoobiya.

Saldhiga Booliiska Degmada Kaaraan ayaa lagu waramay in uu ka dhacay qarax, lamana sheegin in qaraxaasi  uu ahaa mid gacanta laga tuuray ama mid dhulka la dhigay, waxaana markiiba goobtii soo gaaray ciidamada Booliiska oo bilaabay inay halkaasi baaritaan ku sameeyaan.

Dhanka kale Isgoyska Hawl-wadaag ayaa waxaa xalay ka dhacay qarax lagu sheegay in uu ahaa Bam gacanta laga tuuray oo al sheegay in lalal beegsaday ciidamo halkaasi ku sugnaa, lamina garanayo kharaaha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayey ciidamo ka tirsan Dowladda oo waata Gawaari Tikniko kuwaas oo eegayey habka uu u socdo bandowga lagu soo rogay magaalada Muqdisho.

Habeenkii koowaad ee bandowga ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga maqlay ilaa iyo todobo qarax oo lala beegsaday xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda, ilaa iyo haddana Dowladdu wax faahfaahin kama bixin khasaarihii ka dhashay qaraxyadaasi.  

Ciidamada Kenya oo xuduuda ku dilay..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buula-Xaawo waxay sheegayaan in ciidamada Kenya ee ilaaliya xuduuda ay dileen nin Soomaali ah oo marayey  xiligaasi meel ku dhow xuduuda, kaas oo laga soo liishaamay meel aad u fog.

Ciidamad Kenya ma ahan markii ugu horeysay oo ay dilaan dad soomaali ah, todobaadkii hore ayay ahayd markii ay dileen labo qof Soomaali ah.

Dilalkaan sii kordhaya ee ay wadaan ciidamada Kenya ayaa qayb ka ah kadib markii dhawaan labo askari oo Keenyaanti inta la afduubtay maydkooda la soo dhigay xuduuda taas oo ka careysiisay Ciidamada Kenya oo iyna bilaabay inay dilaan cid kasta oo u soo dhawaata Xuduuda.

Dadka Soomaaliyeed ku nool xuduuda u dhexeysa labada dal ayaa Dowladda Kenya ka codsaday in ay furto xuduuda maadaama labada dhinac ka dhexeeyo xiriir dhinacyo badan leh, sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa codsaday inay Dowladda Kenya sida ugu dhaqsiyahabadan u furto xuduuda si raashin gargaar loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ku nool deegaanada ku teedsan xuduuda kala qaybisa laba dal.

Wafdi ka socda Dowladda Federalka oo...

Iyadoo dhawaan dagaalo xoog lihi ka dhaceen Magaalada Kismaayo kuwaas oo u dhexeeyey labo ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo u kala saftay labo beelood ayaa dhawaan la filayaa in wafdi sare oo isugu jira xildhibaano iyo Wasiiro ay u ambabaxaan Magaalada Kismaayo.

Wafdigaani ayaa la filayaa in ay kulamo la yeeshaan kooxaha haatan gacanta ku haya Magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in laga wada arinsan doono sidii maamul mideysan oo ay u wada dhan yihiin dhamaan beelaha ku nool Gobalka J/hoose loogu sameyn lahaa gobalkaasi.

Maamulkii ayaa waxaa dhaliilay kooxaha haatan gacanta ku haya Magaalada Kismaayo, iyagoo ku tilmaamay in uu ahaa mid cadaalad daro ku dhisan.

Afhayeen u hadlay kooxaha haatan ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay inay taageersan yihiin Dowladda Federaalka ayna sida ugu dhaqsiyaha badan us oo dhaweyn doonaan wafdiga soo gaaraya Kismaayo.

Bishii April ayay ahayd markii wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha gudaha Dowladda Federaalka Gacama Dheere gaareen Magaalada Kismaayo si uu u soo xaliyo Xaaladda Magaalada Kismaayo hase yeesheen Gacma Dheere waa uu ku soo fashilmay wax ka qabashada arrinta Kismaayo, isagoo fara maran ayuuna dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Beesha Sade ayaa ku eedeeyey Dowladda Federaalka in ay ka gaabisay wax ka qabashada arrinta Kismaayo, iyadoo dhanka kalana ku baaqay in dagaalka la joojiyo, waxayna sidoo kale haatan soo dhaweeyeen wafdi lagu wado in loo diro Magaalada Kismaayo

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2007


Golaha Wakiilada DGPL oo su'aalo weydiiyey Madaxweynaha, M/weyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wasiirada.

Jun 23, 2007 | Garoowe

Golaha Wakiilada DGPL ayaa maanta shirkoodii waxaa ay su'aalo dhinacyo badan taabanaya ku weydiiyeen M/weynaha DGPL, Mud. Maxamuud Muuse Xirsi(Gen. Cadde Muuse), M/weyne Ku-xigaha Mud. Xasan Daahir Maxamuud(Afqurac) iyo qaar ka mid ah, Golaha Wasiiirada oo uu ugu horeeyo, Wasiirka Maaliyada DGPL, Dr. Maxamed Cali Yuusuf(Gaagaab).

Inkastoo aan su'aalaha uusan hal qof soo jeedin la weydiinayey Golaha Xukuumada ayaa haddana waxay ahaayeen kuwo dhamaantood taabanaya dareenka uu ninkasta oo ka tirsan GW uu qabay oo uu weydiin lahaa.

Su'aalaha ayaa waxay ahaayeen kuwo uu xildhibaankasta iskiis u weydiinayey masuuliyiinta sare ee Golaha Xukuumadda oo is barbar yaac ahaa.Su'aalaha ayaa waxay u badnaayeen dhinacyada:- Miisaaniyadda oo ay sheegeen GW-du in uu madaxweynuhu digreeto ku bedelay, Lacagaha faalsada ah oo ku soo badanaya wadanka oo sababay sicir barar, taas oo M/weynuhu ka soo saaray digreeto uu ugu gooyey qiime go'an balse uu sicirkii Doolarka cirka isku sii shareeray oo aan ilaa hadda wax xal ah loo hayn, Nabad-gelyada, Dastuurka, Dhagxaantii la dhoofiyey, Maxjarka Xoolo dhoofinta IWM, inkastoo ay masuuliyiinta su'aalaha la weydiinayey ay is-difaacayeen sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah GW ee DGPL , haddana waxay qiranayeen su'aalaha la weydiinayo in ay yihiin kuwo run ah. Su'aasha laga weydiiyey dhagaxa M/weynaha ayaa waxaa ka jawaabay, Wasiirka Dekadaha ee DGPL, Siciid Maxamed Raage oo qirtay in uu isagu ka dameeyey rarista dhagaxa, madaxweynuhuna uusan waxba ka ogeyn ,sidoo kale Dr. Maxamed Cali Yuusuf, wasiirka Maaliyadda DGPL, oo wax laga weydiiyey makiinadaha soo saara lacagaha faalsada ah, ayaa gaashaanka u daruuray in ayba xataa jiraan, waa sida ay noo sheegeen xildhibaano aan soo xiganay.

Inkastoo ay su'aaluhu ahaayeen kuwo aad u kulkul , oo Golaha Xukuumadu ay faraha kaga gubteen ayaa haddana waxaa aan meesha laga saari karin in ay is-difaacayeen.

Xildhibaankasta waxa uu diirada si gaar ah ugu saarayey su'aashiisa halka looga badan yahay amaba uu wax ka tabanayo, taasina waxay sababtay isku buuq iyo in uu Gudoomiyaha GW, Axmed Cabdi Xaashi ku dhawaaqo in uu shirku xiran yahay, uusana cadayn in laysu soo noqonayo berri danbe iyo in kale, balse raggii su'aalaha la weydiinayey ayaan laga filayn xataa in ay dib u soo jeensadaan, haddiiba ay heleen fursad ay Hoolka kaga baxaan, waxaa Xildhibaanada qaarkood ay soo jeediyeen in su'aalaha la siiwado ilaa 2:00 PM, balse taas waxaa ku gacan sayray Gudoomiyaha GW ee DGPL. 

Maxamuud Cumar Bille

Garoowe.

mcbille@gmail.com


Qaraxyo ka dhacay Magaaloyinka Muqdisho, Baladweyne iyo Diinsoor
.Siminaar lagu qabtay xarunta SSWC....
.DFKMG oo diyaar garoow ugu jirta 26 Juun iyo 1-da Luulyo
.Sheekh Aadan Madoobe oo u ambabaxaya Qaahira..
.Dagaalo ka dhacay Gobalka J/hoose, gaar ahaan Kismaayo
.Dowladda Mareykanka oo walwal ka Muujisay Muqdisho..
.Firimbi oo beeniyay in uu Max’ed Dheere uu xanuunsanayo
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 23
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com