SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYAAN
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Beesha Hawiye
Ee Gobolka
Minnesota, U.S.A.

BAYAAN

Beeshu waxay ka digeysaa shir ku sheega loogu talo galey in lagu marin habaabiyo rayul caalamka & ummada Soomaaliyeed...


Iyadoo indhawaalaba wadanku ku jirey xaalad aad u cakiran ayaa si qaas ah xadgudubyo aan kala go’ laheyn loogu geysanayaayey ummada Soomaaliyeed gaar ahaana beelweyn Hawiye ee ku dhaqan gobolka Banadir iyo nawaaxigiisa.

Ugu horeyn beeshu waxay walaac badan ka muujineysaa xaalada wadanku galey iyo dhaqanka foosha xun ee lagula kacayo ummada Soomaaliyeed, si gooni ah dadka ku abtirsada beesha Hawiye. Maamulka maqaarsaarka ah ee uu soo dhistey gumeystaha Ethiopia (Tikree) iyo ciidamada gumeysiga ayaa si naxariis daro ah u baabi’inaya, qiil la’aan xiraya una dhacaya mujtamaca Hawiye.

Beeshu waxay cadeyneysaa in maamulka maqaarsaarka ee gumeystihu soo dhistey uusan aheyn mid cadaalad ah oo Soomaaliyeed ee uu yahay mid aargoosi qabiil jaangooyadiisu tahey. Arintan ayaa waxaa tusaale u noqonaya ciidama uu maamulkani isticmaalo ayaa ah badidood kuwo laga keeney gobolada waqooyi bari iyo shaqsiyaad dhuuni raacayaal ah oo ka tirsan beelaha kale.

Beeshu waxay ku talinaysaa in laga foojignaado cawaaqib xumada laga dhaxli karo dib ugu noqoshada dagaalka sokeeye oo maamulkaan maqaarsaarka ihi u olaleynayo. Waxay beeshu ka codsaneysaa beelaha kale ee Soomaaliyeed iyo waalidiinta caruurtooda dagaaladan loo adeegsanayo in ey bad baadiyaan umada iyo qaranka Soomaaliyeed kana fogaadaan dagaal danbe oo ahliya.

Beeshu waxay ka codsaneysaa bulshaweynta caalamka & kuwa u dooda xaquuqda biniaadamka in la horkeeno maxkamadaha caalamka laguna qaado danbiyada ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo danbiyada dagaalka dowlada Ethiopia & shaqsiyaadka kariyey xasuuqii ka dhacey Mogadishu. Sidaas oo kale, waxay beeshu ka codsaneysaa beesha caalamka in lala gaaro gurmad degdeg ah dadka ku baaba’aya magaalada madaxda iyo hareeraheeda.

Beeshu waxay ka digeysaa shir ku sheega loogu talo galey in lagu marin habaabiyo rayul caalamka & ummada Soomaaliyeed ee dhibku daashadey oo doonaya iney arkaan dhamaadka mashaakilka Soomaaliya. Beeshu waxay caalamka ku wargalinaysaa in xaalada amaan, tan dhismo iyo horumarka tiknolojiyida oo aad u hooseysa aaney suurogal aheyn qabsoomida shirkaan Muqdisho. Waxaa intaa sii dheer in idaacadaha iyo joornaalduba xor u aheyn gudbinta ama baahinta dhacdooyinka xaqiiqda ah. Beesha waxay ka codsanysaa aduunweynaha in shirweynaha dib u heshiisiinta Soomaaliyeed lagu qabto meel ka baxsan Soomaaliya uuna ka madaxbanaanaado dhinacyada is haya oo dhan.

Gudiga Beesha Hawiye ee Minnesota
Email: mnhawiye@gmail.com

Qoraalka waxaa lagala xiriiri karaa:
Ugas. Mohamed Ismael (Shuke)
Minneapolis, Minnesota, USA

Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com