SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Barnaamijkii Radio Xoriyo
19 Jun 2007.
 
Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwayne rayad ah.
 
Jaaliyada Ogaadeenya ee Atalanta shir wayn yeelatay.
 
Masar oo Soomaaliya ugu baaqday in dadka isu keento.
 
Sanadguuradii 28 aad ee aas-aaskii ururkii dhaliyarada gobanimadoonka S/galbeed(Waraysi).
 
Jaaliyadaha Ogadenya ee wadamada Switszerland iyo Yeman oo shirar iskugu yimid.
 
======================            
 
 
Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwayne rayad ah.
 
Wararka naga soo gaadhaya gobollada Qorraxey iyo Jarar ayaa sheegaya in ciidammada gumaysiga Itoobiya ay dhibaatooyin badan u gaysteen dadwayne rayad ah oo labadaas gobol ku nool.
 
Magaalada Qabridaharre waxay ciidammada gumaysigu ku dileen laba wiil oo arday ah markii ay taariikhdu ahayd 15/06/2007. Labadan wiil ayay ciidammada Itoobiya toogteen iyagoo hurdo guri hortii. Waxay sidoo kale weerarkaas bahalnimada ah ku dhaawaceen hal wiil oo kale.
 
 Labada wiil ee ciidammada gumaysigu dileen ayaa ah walaalo labadii da'ood ee isku xigtay ah. Ma jiraan wax denbi ah dhalinyaradan loo laayay, balse waxay arrintani ka mid tahay xasuuqa ay ciidammada gumaysigu beryahan denbe oo dhan ka wadeen guud ahaanba dalka Ogaadeenya.
Sidoo kale magaalada Dhagaxbuur waxaa lagu xidhxidhay markii ay taariikhdu ahayd 08/06/07 dadka kala ah;
1- Haybe Cismaan Cabdi
2- Xasan Maxamed Cabsiiye
3- Aamusane Aw Siyaad iyo
4- Maxamed Jibriil
 
Jaaliyada Ogaadeenya ee Atalanta shir wayn yeelatay.
 
Jaaliyada Ogaadeenya ee gobolka Atlanta ee dalka Marayakanka ayaa axaddii yeelatay shir wayn oo dadwayne aad u badani ka qayb galeen, kaasoo lagu dhisay maamulka cusub ee Jaaliyada hooggaamin doona.
 
Sirkan waxaa ka soo qayb galay isku duwaha guud ee Jaaliyadaha Ogaadeenya mudane Maxamed Macalin iyo odayaal caan ah oo iyaguna ku nool deegaannada ay Jaalyadu ka hawlgasho.
 
Shirkan waxaa furay guddoomiyaha Unugta Atlanta Raage Hirmooge, oo ka warbixiyay qaabka ay Unugtu u shaqayso iyo hawlaha ay halganka xaqa ah ee Ogaadeenya u qabato. Wuxuu kaloo guddoomiyuhu ka hadlay caqabadaha mararka qaarkood ka horyimaada Unugta iyo qaababka caqabadahaas looga gudbo, iyadoo uu sheegay in Unugtu uu ku dadaali jirtayna walina ku dadaalayso sidii u laban-laabi lahayd dadaalkeeda la xidhiidha hawlaha halganka.
 
Waxaa kaloo shirkaas ka hadlay odayaal caan ah oo deegaankaas ka howlgala, kuwaasoo dadwaynaha ku guubaabiyay in manta la joogo xilli ay xorriyadii soo dhawdahay, sidaas darted loo baahan yahay in guntiga dhiisha la iskaga dhigo, si la isu daba-raaciyo gumaysiga tabarta daran ee gabbalkiisu sii dhacayo.
 
Waxaa isaguna shirkaas hadal dheer ka jeediyay isku duwaha guud ee Jaaliyadaha Ogaadeenya mudane Maxamed Macalin, oo ka warbixiyay heerka uu halganka Ogaadeenya manta marayo iyo waajibka xubin walba ka saaran sidii loo dardar galin lahaa waxqabadka unugyada iyo jaaliyadaha kala duwan ee ka hawlgala dalalka kala duwan. Isku duwuhu wuxuu xubnaha unugta iyo dtaageerayaashaba ku guubaabiyay in la isku duubnaado oo cadowga hal meel looga soo wadajeesto, si guusha la higsanayo durbaba loo gaadho. Isku duwuhu wuxuu ka jawaabay su’aalo badan oo dadwaynuhu halkaas ku waydiiyeen, isagoo ka shaafiyay wixii ay dadku goconayeen ee ay waydiiyeen oo dhan.
 
Ugu denbayntii waxaa Jaaliyada Ogaadeenya ee Atanta loo magacaabay guddi cusub oo maamulkeeda wadi doona, waxaana sharaf iyo qadarin lagu sagootiyay guddigii hore ee hawsha soo hayay.
 
Masar oo Soomaaliya ugu baaqday in dadka isu keento.
 
Dowladda Masar ayaa ugu baaqday dowladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya inay ka shaqayso siduu ku qabsoomi lahaa shirweynaha dib u heshiinta qaran ee la filayo in dhawaan lagu qabto magaalada Muqdisho.
 
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar Axmed Abul-Gheyth ayaa muujiyay rajada uu ka qabo in dowladda Somaliya ay muddada shirka dib loo dhigay uga faa’iidaysato sidii ay xidhiidh ula sameyn lahayd kooxaha soomaaliyeed ee dowladda ka soo horjeeda.
 
Wuxuu kaloo sheegay inay haboon tahay in dowladda Somaliya ay diyaariso jawi guud ahaanba dhinacyada Soomaaliyeed u suurta galinaya inay si dhab ah uga qeyb qaataan shirka, wuxuuna xusay inay lagama maarmaan tahay in dowladda Somaliya ay xaqiijiso hadafka ugu wayn ee laga leeyahay shirka oo ah heshiis laga yeehso arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
 
Wasiirka wuxuu in dowladda Masar ay dhowr jeer muujisay inayna muhiim ahayn in lagu dhegganaado waqtiga shirka loo qabtay, balse ay ka muhiimsan tahay in laga shaqeeyo sidii uu ku guulaysan lahaa, isla markaasna laga ilaaliyo wax kasta oo keeni kara dhibaato Soomaaliya u horseeda qalalaase kale
 
 
19 Jun 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com