SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


QALIN JABIN IYO FARXAD

Dhalinyarada soomaaliyeed ee Stockholm

Sawirada Daawo: Qaybta 1aad | Qaybta 2aad

Magaalada Stockholm ee Caasimadda u ah dalka Sweden, waxaa lagu qabtay xaflad lagu maamusaye da’yarta ka qalin jabisay dugsiyada sare.

Xafladdani waa tii 5:aad, oo ay soo qaban qaabiyaan ururka Shabakadda dhalinyarada soomaaliyeed ee marka la soo gaabsho la yidhaah NUF.

Xafladdu waxay dhacday 10 juun 2007, waxaana ka soo qeeyb galay dad gaarayan 350 qof, oo isugu jiro da’yar, rag iyo dumar.

NUF waa urur dhalinyaro oo ay xubnihiisu kor u dhaafayaan 380 xubnood, kana dhisan magaalada Stockholm ee caasimadda ah. Waxaa hogaamiya dhalinyaro ku kacaantay dalka Sweden oo ka qaatay dhaqanka reer Iswiidhan intii ugu fiicnayd. Waxaan ula jeedaa dhaqanka intiisa ugu fiican; dhinaca tacliinta iyo dhinaca maamulka ama maaraynta ururada.

Waa arday kuwooda ugu waaweyni ay hadda uun ka qalin jabiyeen jaamacadaha dalkan, intooda badanina ay ku dhexjiraan iskuullada hoose, dhexe iyo sare. Waxay isku guubaabiyaan waxbarashada, waxaanay leeyihiin maalmo layska caawiyo tacliinta iskuulada. Dhinaca maaraynta ururadana waxay hirgeliyeen ururkan NUF oo ah mid u nadaamsan sida ururada waaweyn ee dalka Iswiidhan loo maamulo.

Waxay leeyihiin xeer qoran, qorshe sanadeed qoran, wixii sanadihii hore qabsoomay oo qoran, diiwaan xubinimo oo hufan iyo maamul sanad walba la doorto. Dhinaca kale waa dhalinyaro aad u tixgelisa dhaqanka iyo diinta islaamka oo waxqabadkooda ugu badan ku jeheeya kobcinta aqoonta diinta islaamka.

Haddaba xafladdan oo loogu tala galay u hambalyeynta iyo bogaadinta da’yarta soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare, waxaa loo soo diyaarshay si aad u heer sarraysa. Qaban qaabadeeda ayeey soo bilaabaty muddo dhawr bilood ka hor.

Ururka NUF, waxaa ku kaalmeeyey hirgelinteeda ururada:

  1. Sveriges Unga Somalier (SUS), oo ah urur daladeed ay ku bahoobeen ururada da’yarta soomaaliyeed ee dalka Sweden.
  2. Iskuulka Al- Azhar ee ka jira magaalada Stockholm.
  3. Urur Barayaasha Soomaaliyeed
  4. Ururka Isbahaysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Iswiidhan
  5. Masjidka, Islamiska Förbundet i Järva

Xafladda oo bilaabatay wakhti galabnimo ah, waxaana lagu bilaabay diiwan gelinta dadkii ka soo qeeyb gelayey, waxaa si habsami u socod ah u buux dhaafay qaacadii. Goobta lagu qabtay xafladda ayaa aheeyd, meel aad loo wanaajiyey bilicdeeda.

Barnaamijka loogu talo galay xafladda, waxaa daadihinaayey Ibrahim O. Bouraleh, Amina Muhumed iyo Fousia Mustafa Diini.

Wuxuu ka koobnaa barnaamijku: Su’aalo kedis ah, riwaayad, Majaajilo iyo Muxaadarooyin ku saabsan ahmiyadda ay leedahay wax barashadu.

Barnaamijka wuxuu u dhacay sida tan:

  1. Mohamed Deeq ayaa xafladda ku furay aayado Quraan ah kadibna waxaa hadalkii la wareegay, gudoomiyaha guddiga qaban qaabada ee xafladda soo diyaarshay; Mudane Ali Ibrahim Ali (Cali-yare). Cali-yare ayaa mahad u ceshay dhamman dhalinta ka soo qayb gashay, isla markaana u hambalyeeyey ardayda qalinjebisay ee iyaga lagu maamuusayey xafladda.
  1. Tartan su’aalo oo kedis ah ayaa ku xigay. waxa isu soo taagay 5 wiil iyo 5 gabdhood. Su’aalahaas oo ay daadihineysay Fousia Mustafa Diini, ayey ku soo bandhigtay qalab casri ah oo ay ka daawan karaan ka soo qeyb galayaashu. Tartankii waxa ku guuleystay garabka wiilasha.
  1. Waxaa ku xigay riwaayad ay soo bandhigeen qaar ka mid ah dhalinyarada dhigato dugsiga sare ee Thorildsplan gymnasium. Riwaayaddu waxa ay ku saabsaneyd: Saamaynta xun ee uu Qaadku ku leeyahay horumarka dhalinyarada.
  1. Waxa kaloo laga akhriyey halkaa maanso gabay ah oo ay isugu jawaabayaan carruurta dhulkii hooyo joogta iyo carruurta qurbaha ku nool . Qola waliba waxa ay soo bandhigayeen duruufta ay ku noolyihiin. Taasi waxay tusaale iyo xasuusin u ahayd dhalinyaradii xafladda ka soo qaybgashay si ay uga faa´iidaystaan fursadda qaaliga ah ee ay heleen. Maansadan waxaa si is waydaar ah u akhriyey Ubax Maxamed iyo Aamina Muxumed, waxaana allifay Cabdibashir.
  1. Sh. Bashir Amman, oo ah maamulaha iskuulka islaamiga ee magaalada Stockholm, ayaa isaguna dhalinyaradii u soo bandhigay majaajilo aad uga qoslisay. Waxa ay ku saabsanayd, isku dhaca dhaqamada kala duwan marka ay isku yimaadan.
  1. Waxa iyaguna jiray muxaadaraad kala duwan oo ay soo jeedsheen; Dr. Asad Abdullahi, Dr. Asli Kulane iyo Dr. Ali Nuur oo dhammaantood ka hadlay faa’idada & horumarka ay leedahay tacliinta.

    Xafladdiina waxay ku soo gabagabawday farxad iyo raynrayn. Waa sanadkii shanaad ee ururka dhalinyaradu xafladdan oo kale qabanqaabiyo. Waxaan Ilaahay ka rajaynaynaa in ay sanadka dambe u dhacdo sidan iyo si ka fiican.

Sawirada Daawo: Qaybta 1aad | Qaybta 2aad

Waxaa soo diyaarshay 
 
Abdiaziz Elmi 
Stockholm, Sweden 
abdiaziz@ungasomalier.se

Abdibashir Ali 
Stockholm, Sweden 
abdibashir@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com