SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii: June 13, 2007

  • Qaraxyo Isdaba Jooga ah Oo Meelo Kala Duwan Oo Caasimada Muqdisho Ah Ka Dhacay.
  • 50 Guri ayaa ku Gubtey meesha loo yaqaan Buulo Eelay ee Boosaaso..
  • Maxamed Dheere Oo Mar Kale U Hanjabay Odayaasha Dhaqanka Hawiye .
  • C/llaahi Gaafow “30-ka Bisha ayuu ku eg yahay Baasaboorkii hore”
  • Meles “Waxaan codsanayaa in la iga taageero dhanka dhaqaalaha si an ciimadeyda ugala baxo dalka Soomaaliya”
  • Shirka Dib u Heshiisiinta Oo Aan Laga Dareemin Caasimada Muqdisho Xili Ay Inaga xigto Hal Maalin Oo Keliya.
  • Xaaji Cabdi Iimaan : Qabiil ismahayo Ee waxaa Isku Haya Dalka soomaaliya waa siyaasad .
  • Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Nugaal.
  • Dil Arxan darro Ah Oo Ka Dhacay Xaafada Tokiyo Ee Degmada Yaaqshiid .
  • Ganacsadde Caan-ka Ahaa Magaalada Kismaanyo Oo Dil Lala Beegsaday xili Uu Usii Hoyanayey Gurigiisa

Shirkii Muqdisho oo Markale Dib loo dhigay ilaa July 15
Shirka muqdisho oo lagu beegay maalinta 200-aad...


Haamaha Sunta: Waa kuwaa...

1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo  Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.

Guddoomiyaha guddiga shirka "dib u heshiisiinta", Cali Mahdi, ayaa shaaca ka qaaday in uu mar kale dib u dhacay shirkii la qorsheeyey in uu qabsoomo June 14, 2007.

Cali Mahdi waxa uu sheegay inshirkaas dib loogu dhigay ilaa July 15, 2007.

[Taariikhdaas July 15 waxay ku beegan tahay maalinta 200-aad ee ka soo wareegi doonta inta ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin caasimada Soomaaliya. Macnaha kale oo dadka siyaasadda odorosa ay ku macneeyeen in shirka dib loo dhigo ayaa noqon karta in Itoobiya aysan ogolayn in shir Soomaaliyeed qabsoomo maalmaha ka horeya 26 June (1960) oo ah maalintii ay gumeystayaashii hore ka xoroobeen Gobolada Woqooyiga Soomaaliya iyo 1 July oo ahayd  xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur. Taas oo Itoobiya u aragto haddii shirkaas lagu heshiin lahaa in Soomaalidu damaashaadka ku beegi lahaayeen maalmahaas Soomaalida Taariikhda u leh, arrintaas oo aan u cuntami karin dal gumeysta qayb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.]

Dhanka kale, xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee ka madax bannaan Itoobiya ee ku sugan Casmara ayaa laga soo xigtey in ay sheegeen in aan xilligan loo baahnayn in la qabto shirka Muqdisho, balse in ay dalka Soomaaliya iskaga baxaan ciidamada Itoobiya ee ku soo duuley.

50 Guri ayaa ku Gubtey meesha loo yaqaan Buulo Eelay ee Boosaaso..

Bosaso: Guryo tiradooda lagu qiyaasay 50 guri ayaa ku gubtey dab qabsaday meesha loo yaqaan Buulo Eelay ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ay deggan yihiin dad kasoo baraakacay Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Bay iyo Bakool.

Dadkii halkaas ku guryo beelay ayaan haysan meel ay ku howdaan ama gabbaad iyo caawino toona.


Qaraxyo Isdaba Jooga ah Oo Meelo Kala Duwan Oo Caasimada Muqdisho Ah Ka Dhacay.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Qaraxyo isadaba jooga ah ayaa hareeyey meelo kamid ah caasimada muqdisho oo lala beegsanayo xarumaha ay degan yihiin ciidamada xukuumada ethiopia .

Saaka waaberigii ayaa qarax xoogan lala beegsaday xaruntii hore ee wersheda baastada oo fariisin u ah cutub ka tirsan ciidamada xukuumada ethiopia ee ku sugan magaalada muqdisho.

Qaraxani markii uu dhacay ayaa waxay ciidamada xukuumada ethiopia ku jawaabeen rasaas aad u xoogan halkaasoo uu ku geeroyooday hal qof oo rayid ah oo ay haleeshay rasaasta ay ridayeen ciidamada axmaarada ee ku sugan wershada baastada .

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxii saaka waaberigii lala beegsaday ciidamada xukuumada ethiopia ee fariisinkoodu yahay wersheda baastada ,balse sida uu saxaafada u sheegay qof goob jooge ahaa ayaa sheegay inuu indhihiisu qabanayeen dhaawacyo tiro badan oo laga gurayo gudaha wersheda baastada ee goobta uu qaraxu ka dhacay .

Sidoo kale qaraxan ayaa galaaftay sida ay saxaafada u xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay inuu ku geeriyooday sarkaalkii watey ciidamada xukuumada ethiopia ee ku sugan aagaas.

Dhinaca kale qarax xoogan ayaa sidoo kale ka dhacay isla saaka barqanimadii deegaanka suuqa xoolaha halkasoo lagu tuuray kolonyo ciidamo ethiopian ah oo wadada isku xirta suuqa xoolaha iyo ex-cantarol marayey bam gacmeed islamrkaana ay rasaas ku jawaabeen .

ma jiraan sida la sheegay cid wax ku noqotay bamkan gacanta laga tuuray ,marka laga reebo gaari nooca uuraalka ah oo ay wateen ciidamada ethiopianku oo khasaare soo gaaray .

Maxamed Dheere Oo Mar Kale U Hanjabay Odayaasha Dhaqanka Hawiye .

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho ayaa mar labaad ka dhawaajiyey in hadii ay ka waantoobi waayaan odayaasha dhaqanka ee beesha hawiye ficilada eedaymaha ah ee ay ku dhaliilayaan shirka dib u heshiisiineed ee ay dowladu wado inay la kulmi doonaan cawaaqib xumo uga timaada dhinaca dowlada KMG ah.

Maxamed dheere ayaa isagoo u waramyey qaar ka tirsan warbaahinta muqdisho ku sheegay inay odayaasha dhaqanka ee beesha hawiye aysan u madax banaanayn fikirkooda shaqsi ahaaned waa siduu hadalka u dhigaye islamrkaana ay la shaqeeyaan fikiro uu ku sheegay inay yihiin shisheeye oo aan doonayn inuu wadanku dego ,dowladuna ay shaqayso.

Sidoo kale Maxamed dheere ayaa hadalkiisani kusoo beegsamayaa xili ay maalin keliya ka dhiman tahay xiligii lagu balan sanaa in la qabto shirka la sheegay in lagu heshiisiin doono beelaha soomaaliyeed ,taasoo ay odayaasha beesha hawiyena ay ku tilmaameen inaysan jirin beelo soomaaliyeed oo dirirsan ,balse ay jiraan qilaafyo siyaasadeed oo dhexeeya xoogaga isku haya dalka soomaaliya .

Isqab-qabsi Sababay In Shaqada Laga Fariisiyo Gudomiyihii Cusbaa Ee Dowlada FKMG U Magacowday Gobolka Sh/hoose .

Gudoomiyihii cusub ee dhowaan ay dowladda FKMG u magacowday maamulka sh/hoose ayaa laga fariisiyey shaqada ,islamrkaana uu shaqada sii wadi doonaan xubnihii hore ee uu horboodayo cali aadan cali (cali ganey)

Maamulkan cusub ayaa kadib markii loo magacabay gobolka waxaa soo wajahay khilaafyo siyaasadeed oo dhaliyey dagaal iyo iska hor imaadyo uu dhiig ku daatay ,taasoo sababtay inuu dib uga soo noqday gudoomiyaha cusub ee gobolkaasi loo magacaabay .

Sidoo kale gudoomiyaha cusub oo lagu magacaabo c/qaadir sheikh maxamed ayaa maray saxaafadu la xiriirtay ka gaabsaday inuu wax faah-faahin ah ka bixiyo arintaas ,basle gudoomiye ku xigeenkiisii oo lagu magacaabo c/laahi cumar oo habeenkii xalay ahaa u waramayey qaar ka tirsan warbaahinta muqdisho ayaa si kulul u beeniyey warka sheegaya in shaqada laga fariisiyey isaga iyo gudoomiyihiisiiba ,islamrkaana si ku meel gaar ah loogu dhiibay inuu shaqada usii wado cali aadan (cali ganey).

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay xaalada nabad gelyo ee gobolka sh/hoose ay beryahan kasii darayso ,taasoo loo aanaynayo isqab-qabsiga siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka cusub iyo xubnihii hore uga talin jiray gobolkaas .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Jaalliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Sweden oo taageero lacageed soo gaarsiiyey Gabar yar oo ku xanuunsan Magaalladda Muqdishu.

Muqdishu, Arbaco, June 13, 2007

Kaalmo Lacageed oo ay iska soo ururiyeen qaar ka mid ah Haweenka Soomaalida e ku dhaqan dalka Sweden, ayaa la soo gaarsiiyey Hooyo Sacdiyo Aadan Yabarow, oo dhashay gabar dhibaato caafimaad haysato, isla markaana ay Caloosheeda aad u sii dibirayso.

Hooyo Sacdiyo Aadan Yabarow, oo u warantay warbaahinta, kadib markii la guddoonsiiyey Lacagtaasi oo dhamayd $395-Dollar, ayaa ka mahadcelisay Taageeradda loo fidiyey, waxayna Rabbi ka bariday in dadkii kaalmadda u soo dhiibay gabahdeeda uu Kheyr badan ugu beddelo.

Maama Sacdiya, waxay mar kale ka codsatay Dhakhaatiirta, Ganacsatadda, Jaalliyadaha Soomaalida ee Dibedaha ku nool iyo dadweynaha Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan sidii loo daaweyn lahaa gabadhaasi, iyadoo ay Dhaakhaatiirta sheegeen inaan waxba looga qaban karin Isbitaalladda ku yaalla gudaha dalka Somalia.

Dhinaca kale, gabadha xanuunsan oo lagu magacaabo Nasrto C/rashiid Qaasim Hilowle, waxay dhibaatooyin ka haystaan dhinacyadda Caloosha iyo Dheefshiidka, iyadoo ay Kaadida ka keento afka.

FG: waxaa jaalliyadaha Soomaaliyeed lagu wargelinaa hadii ay doonayaan inay xiriir la soo sameeyaan gabadhaas yar waalidkeeda si ay kaalmo lacageed ugu soo diraan inay ugu soo hagaajiyaanTel. No.002521-5842785, ama 002521- 5573321

mahamud ahmed hassan
xuurshe114@hotmail.com


C/llaahi Gaafow “30-ka Bisha ayuu ku eg yahay Baasaboorkii hore”

Iyadoo Dowladda Federaalka Bishii December aysoo sameysay Baasaboor cusub oo ah nooca casriga ah ayaa xiligaasi waxay mudo lix bilood ah u qabatay Baasaboorkii hore ee Soomaaliya.

Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Sodonka Bishan uu ku eg yahay Baasaboorkii hore, isagoo sheegay in ciddii aan qaadan Baasaboorka cusub aysan ka dhoofi doonin garoomada kala duwan ee dalka, isla markaana aysan ka soo degi doonin.

C/llaahi Gaafow waxa uu sheegay in maalmaha soo socda la keeni dooni Magaalada Muqdisho Baasaboorka cusub, waxaa kaloo uu sheegay in Goblaada Puntland iyo Bay iyo haatanlaga qaato Baasaboorka cusub, sidoo kale waxa uu sheegay in Magaalooyinka Nayroobi iyo Imaaraadka carabta iyana ay geeyeen baasaboorkaasi cusub.

Agaasimaha waxa uu sheegayin Basaboorka cusub ay dowladdu ku bixin doono lacag gaareysa $100.
Mar wax laga weydiiyey in lacagtu ay tahay mid aad u badan, waxa uun Gaafow ku jawaabay “Baasaboorku waxa uu ku fadhiyaa lacag fara badan, isagoo sheegay in Boqolka Doolar ay tahay mid aad u jaban”.

Mudada yarta ah ee ka hartay Baasaboorka ayaa ah mid aad u adag in ay wada qaataan Bulshada Soomaaliyeed, iyadoo ilaa iyo haatanna Magalada Muqdisho oo ah xarunta soomaaliya aan la soo gaarsiin Baasaboorkasi cusub.

Meles “Waxaan codsanayaa in la iga taageero dhanka dhaqaalaha si an ciimadeyda ugala baxo dalka Soomaaliya”

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadiisa ay caqabado ku haystaan dalka Soomaaliya, waxa uuna beesha caalamka ka dalbaday inay gacan ka siiyaan qarashaka uu ciidamadiida uga soo daadgureynayo dalka Soomaaliya.

Meles Zenawi ayaa hoosta ka xariiqay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan dib uga soo saari doono ciidamadiisa dalka Soomaaliya, marka uu soo gaaro dhaqaale ku filan, waxa uuna sheegay in ciidamadiisa ay dhibaatooyin fara badan ku qabaan dalka Soomaaliya, isla markaana ay weeraro ku soo qaadayaan kooxo hubeysan kuwaas oo uu tilmaamey Meles Zenawi in ay baryahan dambne isa soo tarayaan, isla markaana uu ka cabsi qabo in ay sii kordhaan weerarada lagu hayo ciidamadiisa.

Meles Zenawi ayaa codsigiisa si gaar ah ugu diray wadamada G8 ee Barwaaqo Sooranka oo kulankoodii ugu dambeeyey ka dhacay dalka Germanay halkaaso oo Meles Zenawi qudhiisa dhawaan gaaray.

Hadalka Meles Zenawi ayaa waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah shacabka Itoobiya oo iyagu ku tilmaamay in uu wax weyn ka tari karo dhibaatooyin ay sheegeen in ay ka dhex taagan yihiin Mucaaradka Itoobiya iyo waliba Dowladda dalkaasi.


Faahfaahin ku saabsan qarixii ka dhacay Magaalada Nayroobi

Maalintii shalay ahayd ayaa Bartamaha Magaalada nayroobi waxaa ka dhacay qarax aad u weyn kaas oo la sheegay in uu ka dhacay meel ku dhow Hoteelka loo yaqaano Ambassador ee magaalada Nayroobi.

Qaraxaan ayay Dowladda dalkaasi sheegtay in uu ku dhintay hal qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen soddon qofood, taliyaha ciidamada Booliiska ayaa sheegay in qaraxaasi uusan dhalin waq khasaare kale ah,w axa uuna meesha ka saaray in qaraxaasi uu ahaa mid ismiidaamin ah.
Dhanka kale warar ayaa waxay sheegayaan in qaraxaasi uu ahaa miino la dhigay wadada dhineeca, halka kuwo kalana ay sheegayaan in uu ka dhashay ogsijiin, waxa uuna qaraxaasi ku soo beegmay xili maalmihii ugu dambeeyey Nayroobi ay ka jireen dilal iyo dhac loo gaysanayo dadka reer Nayroobi, waxayna ciidamada Booliiska dhawaan weerar ku qaadeen xaafad isku raran halkaas oo ay ku dileen dad lagu tuhunsanaa falal dambiyeed.

Amiin Yuusuf
Muqdisho, Soomaaliya


Shirka Dib u Heshiisiinta Oo Aan Laga Dareemin Caasimada Muqdisho Xili Ay Inaga xigto Hal Maalin Oo Keliya.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Shacabka reer muqdisho ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya shirka dib u heshiisiineed ee fooda inagu soo haya islamrkaana ku kala macneeyey mid aan dhaqan gelayn iyo mid socon doona .

Xanshashaqa xaalada shirka ayaa aad u haraysay xarumaha ay ku badan yihiin dadku iyo weliba goobaha laga qaxweeyo ,taasoo muuqaal ahaan ay dadka qaarkiis u arkaan mid aan waxba kasoo naasa cadayn islamrkaana aysan muuqan diyaar garoow baaxad leh oo ka muuqanaya caasimada muqdisho .

Mid kamida odayaasha ruug cadaaga ah oo magaciisa la yiraahdo cabdi waasuge ayaan wax ka waydiinay bal sida ay ula muuqato shirkan oo maanta ay ka xigto xiligii la iclaamiyey hal maalin oo qura ,waxuuna ku jawaabay sidan ,waxaa marag madoonto inuu shirkani yahay mid aan cidiba diyaar u ahayn waayo ayuu yiri waxaa muuqata caasimada muqdisho oo aynu joogno wax diyaar garoow ah oo ka soconaya nooma muuqdo islamrkaana ma jiraan cid ergo ah oo soo gashay oo ka timid gobolada kale ee soomaaliya .

waa suge ayaa hadlkiisa sii raaciyey hadiiba aan maanta cidiba imaan muqdisho hal maalina ay iinaga xigto xiligii la sheegay in la qaban doono miyaysan ahayn cidba looma hayo .

sidoo kale waa suge ayaa saxaafadu waydiisay maxay tahay sababtu shirka mudo hore ayaa la iclaamiyey muxuu u muuqan la, yahay ,waasuge ayaa ku jawaabay waxaa caqabad ah oo marag madoonto ah halka laga abaaray markiisii horeba waayo beelo isma hayaan ee waxaa dagaalsan siyaaad hadaba waxaaba la dejin la, yahay caasimadii amaankeediiye ma shirbaa loosoo jeedaa taasina waxay soo de-dejisay inuu maalintii shirka la iclaamiyey ay hoosta inaga soo gasho iyadoo lala leg-damyo xaalada xamar .

Hadal haynta shirkan dib u heshiisiineed ee la sheegay in lagu heshiisiin doono beelaha soomaaliyeed ayaa muuqaalka dadka shacabka ah ee hirarka wararka suuqyada ee meelaha lagu badan yahay waxaa hareerey sida mugdiga ku jirta ee durba uu maalintiisii la qaban lahaa shirka ay hoosta uga soo gashay iyadoon cidina u diyaar garoobin ,waloow ay dadka qaarkiis ku macneeyeen inuu shirka ergada kasoo qayb gelaysaa ay hoos ka taabsho tahay ee aysan ahayn mid si toosa u metesha beelaha la sheegay in la heshiisiinyo .

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay maalin keliya ka harsan tahay shirka dib u heshiisiineed oo lagu wado inuu dhaco 14-ka bishan aynu ku jirno .

Xaaji Cabdi Iimaan : Qabiil ismahayo Ee waxaa Isku Haya Dalka soomaaliya waa siyaasad .

Afhayeenka odayaasha dhaqanka beesha hawiye ayaa sheegay inuusan shirkani u muuqan mid dhaqan gelaya sababta oo ah waxaa is haya siyaasad laakiin ismahayaan ayuu yiri qabiilooyin .

Xaaji cabdi iimaan oo saxaafada u waramayey ayaa cadeeyey inuu yahay shirkani mid la marin habaabinayo islamarkaana aan la doonayn in lagu heshiisiiyo cida isku haysa masuuliyada umada soomaaliyeed,iyadoo uu sheegay inay is ahayaan siyaasad laakiin aysan xiligan jirin wax qabiilooyin ah oo isku haya soomaaliya .

Xaajiga ayaa intaas raaciyey anigu waxaan tegi karaa soomaaliya meeshaan doono laygamana celin karo waxbana layguma yeelayo ,taasina waxay marag ma doonto u tahay inaysan jirin qabiilooyin dagaalsan ,hadaba miyasan dowlada KMG ah iyo weliba gudida uu hogaaminayo cali mahdi maxamed aysan rabin inuu wadankani dego sow maaha inay maraan daqriiqa loo maro dib u heshiisiinta .

Xaaji cabdi iimaan cumar ayaa dowlada KMG ah ugu baaqay inay la heshiiyaan qaybaha kala duwan ee ay siyaasada iku hayaan ,isagoo sheegay inay taasi daawo noqon karto laakiin aysan heshiis noqon doonin odayaal lasoo uruuriyey inaysan wax macno ah keenayn .

xaajiga ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey inaysan marnaba ogolayn ciidamada xukuumada Ethiopia islamrkaana ay cod dheer ku sheegayaan inay dalka iskaga baxaan ciidamada Tigreegu ee xukuumada mellez.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Nugaal.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi(Gen. Cadde Muuse) ayaa waxaa xilka lagaga qaaday gudoomiyihii hore ee Gobolka Nugaal C/laahi Ciise Awaxmed, waxaana gudoomiye cusub loo magacaabay Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Madaxweynaha Puntland ayaa xeerka lambarkiisu yahay 90 soona baxay 12-ka bisha Juun ku sheegay in ka dib markuu dib u eegay dastuurka DGPl, watasahiyana la sameeyey gudigga dib u sixista maamulka, uu ku magacaabay wareegtada gudoomiyahaan cusub.

Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse Xirsi ayaa waxaa laga filayey isbedel in uu ku sameeyo maamulka.

Si kastaba ha ahaatee Magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal, Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa M/weynuhu, u cuskaday aqoonta, waayo aragnimada iyo waliba in uu yahay nin ka soo bixi kara xilka loo dhiibay, arintaan waxay ku soo beegmaysaa wakhti loo fadhiyey isbedel weyn oo uu sameeyo m/weynuhu, dadkuna waxay aaminsan yihiin in seeftii ugu horeysay ee madaxweynuhu ay la tagtay gudoomiyii gobolka Nugaal ayna rag badan oo kale ku daba jiraan.

Maxamuud Cumar Bille
Caasiimada- Puntland-Garoowe
mcbille@gmail.com

Dil Arxan darro Ah Oo Ka Dhacay Xaafada Tokiyo Ee Degmada Yaaqshiid .

Dilkan ayaa lagula kacay hooyo soomaaliyeed oo waayeel ahayd islamrkaana la gowracay oo meydkeeda la dhigay isla gurigii ay ku noolayd ee xaafada tokiyo ee degmada yaaqshiid ee gobolka banaadir .

Dilkan ayaa dhacay habeenkii xalay ahaa fiid horaadkii kadib markii ay isku qabsadeen dhul obasiibo ah dadka dilkan arxan darada ah u gaystay hooyadaasi ,sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dilkan foosha xun ay gaysteen labo haween ah iyo nin ,kuwaasoo sida la sheegay isu qabtay hooyadaasi islamrkaana gowracay.

Sidoo kale falkani markii uu dhacay ayaa goobtaasi waxaa si deg deg ah ku yimid ciidamada booliska ah ee dowlada KMG ah islamrkaana la wareegay guud ahaan amaanka goobtaasi ,iyagoo soo qab-qabtay sadexdii qof ee falkaasi gaystay iyo dhamaan ehelada gacanku dhiiglayaashaasi.

Maaha markii ugu horaysay oo uu dhaco fal noocan oo kale ah iyadoo bil ka hor uu caasimada muqdisho ka dhacaday inuu gowraco nin gacan ku dhiigal ahi wiil iyo gabar uu abti u yahay ,iaydoo badanaaba falalkan noocan oo kale ahi ka dhashaan dhulalka badanaaba laysku qabsado iyo arimo kale oo la xiriira dhinaca masayrka raga iyo dumarka ah .

Ganacsadde Caan-ka Ahaa Magaalada Kismaanyo Oo Dil Lala Beegsaday xili Uu Usii Hoyanayey Gurigiisa

Ganacsade caan ka ahaa deegaanada jubooyinka ayaa xalay lagu diley magaalada kismaanyo ee xarun goboleedka jubada hoose

Marxuumkan Ganacsada ahaa ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Kheyr ayaa waxaa dil toogasho ah ku dilay nin ku hubaysan baastoolad xilli uu Marxuumku usii boqoolsanaa hoygiisa oo aan sidaa uga sii fogayn goobta lagu diley sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta falkaasi ka dhacay .

Ninka Gacan ku dhiiglaha ahaa ayaa baxsaday kadib markii uu madaxa kala beegsaday marxuumka dhowr xabadood iyadoo falkaas kadibna ay soo gaareen ciidamada booliska ee degamnadaasi ay ku hungoobeen inay soo qabtaan gacan ku dhiiglahaasi .

Lama yaqaan sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka ninkan ganacsadaha ahaa,waloow ay sheegeen saraakiisha booliska ee ka howl gala degmadaasi kismaanyo inay soconayaan baaritaano lagu xaqiijinayo in lagu ogaado cidii ka dambaysay falkan dilka ah .

Taliyaha ciidanka booliska magaalada kismaanyo ibraahin shanfool ayaa saxaafada u sheegay inay ku raad joogaan cida ka dambaysay falkan waxuush nimada ah, islamrkaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan sharcigana la hor keeni doono waa siduu hadalka u dhiagaye .

Si kastaba ha ahaatee dilka marxuumka Ganacsadaha ahaa ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda nabad gelyo ee magaalada kismaayo ay tahay tii ugu ba,nayd ee soo marta magaladaasi beryahan iyadoo falalka dilka ahi magaalada kismaanyo uu ka noqday mid isdaba jooga ah .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com