SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Qarax Isniintii ka dhacay Magaalada Nairobi.

Nairobi, Kenya--- Qarax xoogan ayaa subaxnimadii Isniintii laga maqlay magaalada Nairobi gaar ahan bartamaha magaalada sida wararka aya sheekayaan waxa uu ilaa hada geeriyooday hal qof.

“Waxaan maqalnay Qarax, ma garan karno waxa uu yahay” waxa sidaa yiri afhayeen u haday booliska laguna magacaabo Erick kiraithe wuxuuna intaas sii raaciyay in dhoor qofood ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale askari magaciisa qariyay ayaa Reusters y sheegay in uu arkay dhimashada hal qof, balse waxa hada goobta si buux dhaafiyay booliska wadanka oo doonaya in ay koobta nadiifiyaan.

Warar aan si hoose u helay aya sheekaya in qaraxa la doonayay in lagu waxyeeleeyo Bus shacab ay saaran yihiin,iyadoo maalmahanba ay magaalada Nairobi ay aheen mid amaankeeda uu faraha ka sii baxayo.

Koox magaceeda la yiraahdo Mungiki oo mucaarad ah ayaa waxa ay dhibato ka wadaan guud ahaan wadanka gaar ahaan magaalada Nairobi. Kooxdan maalin walba waxa ay geesataa dhibaato, booliska wadanka wax ay sheekayaan in maalin walba ay dilaan xubno ka tirsan kooxdan oo saldhigeeda ugu ween uu yahay meel sida aan ooga sii fogeen xaafada Somalia-da ay dagan tahay ee islii.

Ibraahim da’ud “Gentleman”
ibraahimdc@hotmail.com
Niarobi-kenya

Jun 11, 2007


Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Nederland oo Sheegay In Aan La Aqbali Karin  Tacaddiyada Ka Dhacaya Soomaaliya
  • Somalitalk, The Hague, The Netherlans

Guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Nederland ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda bani’aadamka ee ka dhacaya waddanka Sooomaaliya. Kulan uu guddigani maalintii talaadada ee 5ta juun 2007, kula yeeshay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku dhaqan waddanka Nederland xarunta Baarlamaanka oo ku taalla  magaalada The Hague ( Denhaag), ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda faraha ka sii baxeysa ee Soomaaliya, gaar ahaanna tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ay geysanayaan ciidammada Itoobiya iyo xulafadoodu.

Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa kulankaasi mas’uuliyiinta Nederland ugu gudbiyay qoraallo iyo muuqaallo caddeynaya dhibaatada aan loo dulqaadan karin ee Soomaaliya – gaar ahaan Muqdisho – ka dhacday. Sidoo kale waxay aqoonyahannadani u gudbiyeen guddiga arrimaha dibedda ee Baarlamaanka qoraal cabasho ah (Petition) oo uu hal-ku-dheggiisu ahaa “ Jooji duqeynta shacabka  Iyo xadgudubyada  qorsheysan ee ka dhanka ah bani’aadminnimada ee ka socda Muqdisho, Soomaaliya”. Qoraalkan (Petition) waxaa saxiixay in ka badan 1200 oo qof oo isugu jira aqoonyahanno iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda qawmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan  waddanka Nederlaan, kuwaas oo aad uga soo horjeeda tacaddiyada ka socda Soomaaliya. Qoraalkan oo aad u dheeraa, xanbaarsanaana macluumaad fara badan oo ku aaddan ku xadgudubka xuquuqda shacabka Soomaaliyeed iyo jebinta sharciyada Qarammada Midoobay, wuxuu ka codsanayaa dowladda Nederland iyo Midowga Yurub in ay si degdeg ah wax uga qabtaan arrimo ay ka mid yihiin:

  1. In si degdeg ah loo joojiyo dambiyada ka dhanka ah bani’aadminnimada ee ka dhacaya Soomaaliya
  2. In wax laga qabto joogitaanka sharci darrada ah ee ciidammada Itoobiya, kaasoo khilaafsan dhamaan go’aannadii golaha ammaanka, lana soo afjaro joogitaankooda Soomaaliya.
  3. In gargaar degdeg ah lala gaaro dadka ka qaxay colaadahaas oo kor u dhaafaya 400 000 (Afar boqol oo kun) .
  4. In caddaaladda  la horkeeno cid kasta oo mas’uul ka aheyd tacaddiyada dhacay,  lana  asaaso Maxkamad Caalami ah oo gaar u ah  danbiyada Soomaaliya ka dhacaya, sida Maxkamada u gaarka ah dambiyadii Rwanda iyo Burundi.
  5. Iyo in dowladda Nederland iyo Midowga Yurub ay door wax ku ool ah ka qaataan xal u helidda dhibaatooyinka sii darsanaya ee ka aloosan Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka ee arrimaha dibadda, Henk Jan Ormel, oo ku hadlayay magaca guddigaas kana tirsan xisbiga talada waddanka haya ee Christian Democrats (CDA ) ayaa ugu horreyn ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida iyo burburka ku yimid shacabka aan waxba galabsan. Guddoomiye Ormel oo ku tilmaamay waxyaabaha Soomaaliya ka dhacaya kuwo aan loo dulqaadan karin ayaa yiri “Waxan wasaaradda arrimaha dibadda ee Nederland ka filaynaa dhowaan faahfaahin ku saabsan waxa ka dhacaya Soomaaliya” isagoo intaas sii raaciyay in macluumaadka ay aqoonyahannadu u dhiibeen ay la kaashan doonaan wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya.

Waxa kale oo halkaasi ka hadashay Kathleen Farrier oo iyana ka tirsan xisbiga talada haya, si aad ahna isugu hawsha dhawrida xuquuqul insaanka. Waxay ku tiirtiirsatay oo garab istaagtay Soomaalida isu taagtay inay indhaha caalamka ku soo jeediyaan tacaddiyada ka dhacaya Soomaaliya. “Waxaan aad ugu riyaaqayaa idiinkuna boorinayaa tallaabadan ku dayashada mudan ee aad ku dhaqaaqdeen” ayay tiri Kathleen”.

Waxa iyana ka qayb qaatay kulankaas mudanayaal ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah, sida Hans van Baalen oo ah siyaasi caan ka ah xisbiga muxaafadka ah ee VVD isla markaana ahaa guddoomiyihii hore ee guddigan arrimaha dibedda ee Baarlamaanka. Ewout Irgang oo ka tirsan xisbiga Hantiwadaagga ah ee SP ayaa isna aad u soo dhoweeyey arrintan horseedka ah. Wuxuu ballan qaaday in dawladda wadaagga ah ee Nederlaan ay aad ugala xisaabtamayaan ka hortagga iyo wax ka qabashada tacaddiyada xuquuqul insaanka guud ahaan gaar ahaanna Soomaaliya. Wuxuu aqoonyahannadii kulankaas ka qaybgalay ku boorriyay iney iyaguna waxqabad la’aanta ku saabsan arrimahaan ay kala xisaabtamaan Baarlamaanka. 

Mudanayaashii kale ee iyaguna kulankaas goobjoogga ka ahaa waxaa ka mid ahaa Martijn Van Dam oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha (PvdA) iyo Karein Van Gennip  oo ka tirsan xisbiga talada haya ee CDA. 

Aqoonyahannada Soomaaliyeed  ee  kulankaas ka qeybgalay, qoraalladana  u gudbiyay mudanayaasha Baarlamaanka  Nedrland ayaa waxay kala ahaayeen: Inj. C/Sadiiq Cali Maxamuud, Inj. C/Casiis Daahir Axmed iyo Inj. Maxamed Cali Cibaar.  

Kulanka oo ku dhamaaday jawi isfaham leh, waxaa gabagabadii laysku waafaqay in ay waajib tahay in la dhowro xuquuqda bani’ aadamka iyo in aysan dhicin in dambiyada dagaal iyo xadgudubyada la galayaa ay noqdaan kuwo lagu dallaco oo darajooyin lagu gaaro. 

Somalitalk, The Hague, The Netherlans

Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com