SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Barnaamijkii Radio Xoriyo
09 Jun 2007.
 
 
Bashiir Axmed Makhtal oo markii ugu horraysay warqad laga helay.
 
Siminaar ay ururada bulshada Ogaadeenya iyo Oromiya wadajir ugu qabteen Jarmalka.
 
Qaybtii ugu dambaysay barnaamijkii waraysiyada iyo warbixinada ee madaxda jabhada(Q3aad).
 
======================                    
 
 
Bashiir Axmed Makhtal oo markii ugu horraysay warqad laga helay.
 
Bashiir Axmed Makhtal, oo ah muwaadin Ogaadeenya u dhashay oo ciidammada Itoobiya ka soo afduubeen dalka Kenya, ayaa markii ugu horraysay laga helay warqad uu ka soo qoray xabsi ku yaalla dalka Itoobiya, wuxuuna xukuumada Canada ka codsaday inay ka soo badbaadiso taliska cadowga ah ee naxariis darrada ku caana baxay ee uu gacanta ugu jiro. Bashiir ayaa warqadiisa ku sheegay in taliska Addis Ababa uu ku qasbay inuu duubo cajalad uu ku qiranayo denbiyo uuna galin.
 
Bashiir ayaa warqadiisa kaga warbixiyay sidii loo qabtay iyo sidii looga soo afduubay dalka Kenya ee gacanta loogu galiyay ciidammada nacabka ah ee Itoobiya, wuxuuna sheegay in magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya laga soo qaaday 22/01/07, ka dib markii labo maalmood oo kaliya lagu hayay garoonka Muqdisho, oo la keenay magaalada Addis Ababa.
 
Bashiir ayaa waradiisa ku sheegay in rajada kaliya ee uu hadda filayo ay tahay xukuumadda Canada, wuxuuna sheegay in haddii ayna xukuumadda Canada goobjoog ka ahaanin oo ka qayb qaadanin maxkamada la saarayo uuna haysanin fursad kale oo uu ku badbaado, isla markaana uu la mid noqonayo kumanaanka ku tabaalaysan xabsiyada Itoobiya.
 
Bashiir wuxuu sheegay in markii ay taariikhdu ahayd 18/04/07 lagu qasbay in laga duubo cajalad muuqaal ah, iyadoo loogu hanjabay in jidhdil uuna ka soo waaqsanin loo gaysanayo haddii uu diido, hase yeeshee wuxuu tilmaamay inaanuu cajaladaas ku duubin wixii ay iyagu ka rabeen inuu ku duubo.
 
Bashiir Axmed Makhtal waxaa dabayaaqadii Dicember ee kal hore laga qabtay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, ka dibna waxaa gacanta loo galiyay ciidamada Itoobiya eek u sugan Soomaaliya.
 
Ururrada bulshada ee Ogaadeenya ee ka jira dalka Canada ayaa hadda ku dadaalaya sidii ay xukuumadda Canada ugu cadaadin lahaayeen inay talaabo haboon ka qaado kayska Bashiir, waxayna bannaanbaxyo waayn isninta ku qaban doonaan ka soo horjeedka xafiiska ra’iisal wasaaraha Canada iyo safaaradaha Itoobiya iyo Kenya.
 
Siminaar ay ururada bulshada Ogaadeenya iyo Oromiya wadajir ugu qabteen Jarmalka.
 
Ururrada bulshada ee Ogaadeenya iyo Oromiya ee dalka Jarmalka ka jira ayaa si wadajir u qabtay siminaar lagaga hadlayay ku tumshada xuquuqda aadanaha iyo tacadiyada kala duwan ee jabhada TPLF ay ku hayso dadwaynaha u dhashay Ogaadeenya iyo Oromiya.
 
 
Sminaarkan waxaa soo agaasimay Midowga Ardayda Oromada ee dalka Jarmalka, waxaana lagu qabtay Jaamacadda Wolfgang Goethe ee magaalada Frankfurt markii ay bisha Juun labada ahayd. Shirka waxaa warbixino la xidhiidha tacaddiga xuquuqda aadanaha ee Ogaadeenya iyo Oromiya soo hordhigay Ururrada samafalka iyo xuquuqda aadanaha ee Ogaadeenya iyo Oromiya, kuwaasoo ka warbixiyay xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee taliska fashiistaha ee TPLF u gaysto dadwaynaha Ogaadeenya iyo Oromiya.
 
Ka qayb galayaasha siminaarku markii ay si wayn uga doodeen xasillooni darrada iyo dagaallada ka jira Itoobiya iyo guud ahaanba gobolka Geeska Afrika, waxay soo saareen bayaan ka kooban qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; iyagoo si wayn u taageeray halganka sharciga ah ee labada shacab ee Ogaadeenya iyo Oromiya kaga soo horjeedaan taliska fashiistaha ah ee TPLF. Waxay sidoo kale si wayn u taageereen labada urur ee ONLF iyo OLF iyo halganka ay ugu jiraan aaya ka-talinta labada shaca ee ay matalayaan. Waxay kaloo si wayn u taageereen Isbhaysiga AFD ee labada Urur ee ONLF iyo OLF ay xubnaha ka yihiin.
 
Waxyaabihii kale ee siminaarkaas ka soo baxay waxaa ka mid ahaa dhaleecayn wayn oo loo soo jeediyay taliska Addis Ababa, iyadoo lagu dhaleeceeyay dilka, dadka la qabto ee la waayo meel ay ku denbeeyeen, xidhayga aan maxkamada lahayn, jidhdilka iyo dadka ciqaabta loo gaysto u dhinta ee sida aan xadka lahayn loogula gaysto dadwaynaha Ogaadeenya iyo Oromiya.
 
 
09 Jun 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

Faain: SomaliTalk.com | June 10, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com