SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Xafladdii PCC, Garoowe, maxay ka yiraahdeen masuuliyiinta DGPL???

Xaflad loogu magac daray PCC VSAT Commissioning Ceremony ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Puntland Community College. Garoowe.

Xafladaan waxaa si rasmi ah loogu furay waxbarashada qaabka internetka looga faa’iideysto ee Loo yaqaan Online Distance Electronic Learning
(ODel).
Masuuliyiin badan ayaa xafladaas ka hadashay. Haddaba masuuliyiintaas kuwa ay kala yihiin iyo hadaladoodii oo aan ka qaadanay nuxurka waa sida tan:

Wasiirka Qorsheynta : Cabdi Salaad Cali(Ilyare)" salaan ka dib waad mahad-san tihiin, waxaan idiin ka mahad celinayaa in aad noogu yeerteen xafladaan sharafta leh ee sida rasmiga ah loogu furayo VSAT –ka. Runtii waxaan ka mid nahay wasaaradaha loo isticmaala ee la siiyey access (VSAT) balse waxba naguma soo kordhin ilaa hadda.

Wasiirka Maaliyadda DGPL: Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab)

" Salaan ka dib: aad ayaan idiin ka mahad celinayaa casumaadiina xafladaan, runtiina waa muhiim waxbarashadu,
Waxaana dadka kula talinayaa in aan lagu mashquulin, "Gaagaab xaggee canshuurtii geeyey iyo fadhi ku dirirka qaadka iyo beenta BBC-da ee lagu mashquulo waxbarashada, hana la joojiyo baabuurta la dhacayo maalin kasta.

Wasiirka Waxbarashada DGPL. Axmed Siciid Awnuur.

Salaan ka dib," waxaan halkaan uga mahad-celinayaa World Bank oo mashruucaan bixiyey kharashkiisa balse aan la xusin, teeda kale, sxb-kay Gaagaab wuxuu maanta ka hadlay muhiimada waxbarashadu ay leedahay, marka waxaan filaynaa in uu kordhin-doono miisaaniyada waxbarashada sannadka soo socda insha-allaah(Qosol.goobjoogayaashii).

M/weyne Ku- Xiggeenka DGPL Xasan Daahir Maxamuud (Afqurac)

Salaan ka dib, waa ku mahad-san tihiin casuumaada aad nagu casunteen xafladaan, runtiina aad ayaan anigu ugu farax sanahay, in wax barashu iminka ay tahay(Global Village Eduvcation), anagu berigaan wax baranaynay diyaarad baa nafta naga goysay, laakiin idinku waxaad la kowsateen Information Technology.

Intaas ka dib, waxaan jeclaan lahaa inaan ka hadlo waxa beryahaan danbe soo cusboonaaday oo ah dhaca baabuurta.

Ha, la joojiyo dhaca baabuurta, ciddii doonayasa waxay ku mashquusho waxaan u dayactirnay garoonkii ciyaaraha Mirre Awaare Jaamac oo u furan.

Dhinaca sheekada iyo ku habsaanka uu sxb-kay Gaagaab ka hadlay,dee waxaan u sheegayaa Gaagaab inta Qaad jiro Sheeko wey jireeysaa(Qosol, goob-joogayaashii)

Inkastoo lagu casumay madaxda dowlada in ay ka hadlaan wax dan u ah goobtii waxbaradhada ee ay joogeen, haddana waxaad moodaa in ay iyagu hadalo isku dhaafsanayeen oo kaliya, iyadoo uu M/weyne Ku,Xigeenkuna garanwaayey magacii goobta xafladu ka socotay, halkii looga fadhiyey ballan-qaadyo ugu yaraan ay u sameeyaan horumarinta waxbarashada.

Mudane. Cali Cabdi Awaare, wasiirka Dowladaha Hoose DGPL, oo ay goob-joogayaashu aad u daneynayeen in uu hadal ka jeediyo goobta ayaan waxba ka oran,haba yaraatee.

Cali Cabdi Awaare, waa wasiirka Puntland looga yaqaan wasiirka Dhalinyarada iyo Bulshaynimadda ee DGPL, taasna waxa uu ku helay sumcadiisa shaqsiyadeed iyo horumarka uu gaarsiiyey DGPl. Cali Cabdi Awaare, waa wasiirka kaliya ee Puntland keenay warbaahinta ka haqab tirtay wararka iyo horumarka ganacsiga sida SBC Radio and TV, waana warbaahintii ugu horeysay ee FM ah oo Puntlland laga dhegaysto, isla markaasna lagu wareejiyey wasaarad magac u yaal ah oo aan xataa kursi wadan balse isagu gaarsiiyey heer ay ka hor marto wasaarado kale oo badan.

Wasiirka Warfaafinta, Bangax ayaa isna aan wax hadal ah ka jeedin halkaas.

Mashruucaan VSAT oo ay tahay markii ugu horeysay ee laga hirgeliyo PCC, Garoowe ayaa waxaa uga horeeyey Jaamacada weyn ee Bariga Afrika(East Africa University oo 2 sanno ka hor laga hirgeliyey, halka Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliyana aysan ba ku cusbayn sanadadii ugu dameeyey ee burburka lagu jirey.

Maxamuud Cumar Bille
Garowe,
mcbille@gmail.com

Faain: SomaliTalk.com | June 9, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com