SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Musharaxa Madaxweynaha DGPL, Colaad Maxamed Siciid, oo ka jawaabaya eedaymo ay u soo jeediyeen masuuliyiinta Gobolka Nugaal iyo kuwa  Puntland. 

Colaad Maxamed Siciid oo ah nin ganacasade ah oo Reer Puntland ah, ayaa ku tilmaamay wax lagu carqaladaynayo musharaxnimadisa eedaymo ay u soo jeediyeen Maamulka Gobolka Nugaal iyo Puntland. 

Colaad Maxamed Siciid oo lagu eedeeyey in uu amni-xumo ka wado gaar ahaan Gobolka Nugaal, guud ahaana Puntland ayaa wuxuu ku tilmaamay eedaymahaas mid sumcadiisa shaqsiyadeed iyo musharaxnimadiisa carqalad lagu gelinayo, isagoo ku tilmaamay kuwa shacabka dhegaha ugu ridaya beenta ku tiri ku teen ah, in ay yihiin  shaqsiyaad gaar ah oo uusan magacyadooda shaacin. 

Colaad waxaa uu sheegay in ay dhekafaar ku noqotay ka dib markuu maqlay wararka sheegaya in uu ku eedaysan yahay Amaan-daro, wuxuuna sheegay in uu yahay nin ganacsade ah sumcad fiican ku dhexleh bulshada Puntland isaga oo arintaas sharaxaad ka bixinayana waxa uu yiri"

"Anigu waxaan ahay nin ganacsade ah, oo aan dadka iyo dalka toona wax dembi ah ka gelin, ciddii soo bandhigaysa dembi aan galayna waxaan jeclaan lahaa in ay u soo bandhigaan dadka shacabka ah ee aan isugu soo sharaxay in aan ku hago hab cadaalad iyo horumar ah, runtiina waxa maanta laygu eedaynayo ee ah amni-xumo aan waligay intaan ku noolaa Puntland laygu eedayn ayaa cadaynaysa in ay rabaan shaqsiyaad in musharaxnimadayda lagu carqaladeeyo, balse, waxaan shacabka u sheegayaa in aniga mar kasta ay iga go'an tahay musharaxnimadaydu oo aanan hadal shaqsiyadeed u joojinayn.

Waana lagu yaqaan dadka qaarkiis xasdiga ah hebel ama reer hebel ku xumee. 

Colaad Maxamed Siciid ayaa waxaa maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Puntland ba ku eedayeen in uu ku jiro arrimo amni-xumo oo uu ka wado gudaha Gobolka Nugaal, isagoo lagu eedeeyey in uu ka dameeyey wax uu ku tilmaamay Carqald Gelinta musharaxnimadiisa. 

Si kastaba ha ahaatee, Mudane. Colaad Maxamed Siciid oo hadda ka horna saxaafada wareysi siiyey ku saabsan wax-qabadkiisa hadduu ku guulaysto musharaxnimadiisa M.weynaha DGPL ayaa cadeyey in uusan marna ka niyad jabayn musharaxnimadiisa madaxweynaha Puntland ee xilliga soo socda. 

Madaxweynihii hore ee DGPL ayaa ahaa C/laahi Yuusuf Axmed, kii labaadna wuxuu ahaa Mudane. Maxamed Cabdi Xaashi oo isagu xilka hayey muddo 4 bilood ah,madaxweynaha DGPL ee xilka haya iminka ayaa ah Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) oo la doortay isaga iyo ku xoggeenkiisa Afqurac Jan, 8, 2005. 

Inkastoo  doorashada M.weynaha DGPl aan wali la gaarin haddana waxaa arrintaas isku khilaafsan dadweynaha oo ilaashanaya xilliga iyo maamulka oo aanba ogeyn. 

Waxaa dadku leeyihiin waxaa u haray maamulka 6 bilood oo saddexdii sanno ka dhiman balse maamulku wuxuu rumaysan yahay in xilligiisu ahaa 4 sanno. 

Ilaa hadda waxaa xilka Madaxweynaha DGPL isu soo taagay Colaad Maxamed Siciid oo ah nin ganacsade ah, iyo Xisbiga Ramaas Puntland Political Party oo iyana aad isu diyaarinaya, waxaa isna la hadal hayaa in uu sharaxan yahay Xasan Abshir Faarax balse afkiisa lagama hayo wax cadaynaya musharaxnimadiisa.

Maxamuud Cumar Bille
Garowe
mcbille@gmail.com

Faain: SomaliTalk.com | June 8, 2007

Bannaanbaxii London iyo sawiradii halkan ka daawo

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com