SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Muqdisho xaalad ammaankado oo ka si dareyso

 

Xaalada magaalada muqdisho ayaa bilihii u danbeeyey waxey aheyd meel dhiig badan uu ku daato sababao kala duwan iyo iska hor imaadyo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa sida maadaafiicda goobta ,aaltiileriga ,qaaxyo , ismiidamin,hubka fudud ,baasuukayaal IWM intaa oo la siticmaalay ayaan hadane fari ka qodneyn in ay dhamaadeen arimihii keenayey isku dhacyada dhiigu ku daato ,

 

Mudooyinkii ugu danbeeyey magaalada muqdisho ee caasimada u ah dalka somaliya waxaa ka dhacay dilal ,afduubyo , iyo dhowr ismiidaamin oo loo adegsaday askarta dowlada fadaraalka KMG smaliyeed, mas.uuliyiinta dowlada ku jira madaxda dowlada iyo cidkasta oo loo maleeyo in ay lug ku leedahay dadaalka loogu jiro nabad ku soo dabaalida gobolka banadir oo mudo 16 sanno ah ku so jiray fowdo iyo qalaanqal siyaasadeed marka laga reebo mudo lixbilood ah oo ay gacanta ku hayeen maamulka gobolka banadir midowgii maxaakiimta islaamka somaliyeed oo iyagu wax badan ka bedelay jewigii nabadeed ee magaalada muqdisho  ,

 

Hadaba markii uu dhamaaday dagaalkii uu dhiiga badani ku daatay ee la isku adeegsaday hubka culcuus iyo diyaradaha dagaalka ee wadamada Ethiopia iyo maraykanka ay   ka qeyb qadanayeen isla markaana garab siinayey dowlada fadaraalka KMG somaliyeed oo codsi ka yimid ay dowlada Ethiopia ku timid gudaha dalka somaliya kaas oo magaalada muqdisho ka dhigay gelgelin ee ciidamada iskaashanayey la sheegay in ay ka xoogroonaadeen maxkamadii kooxihii kacdoonka waday  waxaa bilowday rabshado heerkoodu uu ma hooseeyo kuwii  hore ee ahaa dagaalkii fol ka foolka ahaa balse  soo kordhiyey halis weyn oo xaga ammaanka ah ,

 

Iskasta oo maamumlka gobolka banadir uu sheegay in uu isbedel ku sameynayo xaalada muqdisho ay gashay hadana waxaa dhaca dilal iyo qaraxyo galaaftay nolosha mas.uuliyiin badan oo dowlada ah ,

 

Todobaadyo gudohood ayaa lagu dilay gudoomiye yaal degmo mas.uuliyn xaga sirdonka ah ,waxaana iyane la si ugaarsasho loo dilay askar badan oo ka tirsanaa ciidanka dowlada fadaraalka KMG somaliya

Waxaana hada xusul duub loogu jiraa qabsoomida shirka dib u heshiisiinta midnimo qaran oo dhowr jeer dib u dhac uu ku yimid waxaase kama danbeys loo qabtay in uu dhaco bishaan gudaheeda

 

Ilaa iyo lix gudoomiyaal degmo ayaa ku dhacay dabino loo maleegay kuwaas oo si gaado ah loo dilay meelo kala duwan kuwaas  oo aan la aqoosan weli cida ka danbeysa .dilalka mas,uuliyiinta ayaa waxaa hareer socdo qaraxyo ,mambaanooyin gacanta laga tuuro ,kuwo ismiidaanmin ah loona adegsado loo adeegsado baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaana lala beegsadaa fadhiisimada madaxda dowlada iyo xeryaha ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeyaha ah

 

Dhamaan falalka qareaxyada ah iyo dilalka qorsheysan ayaa maamulka gobolka banadir waxey horey ugu eedeeyeen in  ay ka danbeeyan odoyaasha beelaha hawiye inkasta oo ay odoyaashu iska fogeeyeen arintaa in ay wax lug ah ku leeyihiin eedeyntaasi oo ay ku sheegeen mid aan waxba ka jirin belse odoyashu ay canbaareynayaan wax kasta oo dhibaato ku ah shacabka somaliyeed ,

 

Marka la eego xaalda hada ku soo korortey magaalada muqdisho waxey tahay mid si hoose u tilmaamaysa mashaqada ka taagan ciraaq oo maalin kasta nafaf ay ku go.aan ,

 

Dadka indha indheeya arimaha dalka dagaaloadu ay aafeeyeen ee ku yaala geeska Africa waa somaliyee waxey leeyihiin hadii muqdisho ay ku sii socoto ammaandarada waxey hery u qaadaysaa dhabaha qulqulshada dhiiga badan ee ay qaaday baqdad ,caasimada dalkii horey loo oron jiray ciraaq oo kale oo calaamda u ah dilal ,weeraro ,iyo daraasiin ismiidaamin ah ,

 

Muqdisho hada waxey sii galaysaa wada baqdaad oo lawada ogyahay xaaladeedu sida ay tahay manta isdulkune wuxuu ka noqday mid ay u kala horeeyaan warbaahinta calaqmku sidii ay u sheegi lahaayeen maalin walbo qarase iyo dhiilo coaadeed cusub oo halkaasi ka dhacday hadii aan la helin fikradaha isdiidan ee somaliya

Safiirkii hore ee maraykan  ayaa horey u sheegay in waxaa hada ka taagan somaliya ay salka ku heyso defiraada ay dowladu ku heyso ragii hogaaminayey midowgii maxaakiimta islkaamka somaliyeed kuwaas oo taageero balaaran ka sameystay qeybaha shacabka somalida .defiraadaas ayaa ah dowlada oo cadaysay in aysan wax wada xaajood ah la furaynin maamulkii maxaakiimta oo dagaalka looga awood roonaaday   iyo madaxdii maxaakiimta oo sharuud ka dhigay in marka hore dalka laga saaro ciidamada Ethiopia .
 

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

Jun 7, 2007

Bannaanbaxii London iyo sawiradii halkan ka daawo

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com