SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Warar: June 2, 2007

Taliyihii Nabadsugidda Kismaayo oo Xalay La Diley

BintiShirkadda Tabouk Shipping (Dubai) oo Bixineysa Tigidh-ka Binti Jeylaani ee Muqdisho-Nairobi
Iyo Lacago la gaarsiiyey Binti Jeylaani oo weli ku sugan Muqdisho, meelihii laga soo dirayna waxaa ka mid ah...
Akhri...

Xalay oo Sabti soo geleysey fiidkii waxaa magaalada Kismaayo lagu diley Taliyihii Nabadsugidda Kismaayo, Makhtal Faarax, waxaana wararku tibaaxeen in ay toogteen saddex nin oo aan haybtooda la aqoon.

Arbacadii lasoo dhaafay ayey ahayd markii Muqdisho lagu diley taliyihii nabadsugidda Degmada Xamar weyne.

Guddoomiyihii Degmada Hawl-Wadaag oo Xalay La Diley

Xalay oo Sabti soo geleysey waxaa magaalada Muqdisho lagu diley Guddoomiyihii Degmada Hawl-wadaag, Xasan Farey, waxaana dilkaas geystey dabley aan haybtooda la garanayn, kuwaas oo meeshii ka fakaday.

Weerar Xalay lala Beegsaday Ciidamada Itoobiya

Xalay fiidkii waxaa weerar lala beegsaday goob ay ciidamada Itoobiya kaga sugan yihiin degmada Yaaqshiid. Waxaana weerarkaas ka bacdi ay ciidamada Itoobiya fureen rasaas xooggan. Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay halkaas.

Telefishanka CNN oo Sheegay in Maraykanku Duqeeyey Aagga Baargaal


Eeg magaalada Baargaal

Telefishanka Maraykanka ee CNN ayaa sheegay in Jimcadii uu Maraykanku duqeeyey meel ka tirsan Woqooyiga Bari ee Soomaaliya (Aagga Baargaal), waxana uu sheegay in weerarkaas lagu qaaday wax looga shakisan yahay Al-Qaeda, waa sida warku u dhigay'e. Telefishanku waxa uu soo xigtey ilo aan la cayimin, kuwaas oo sheegay in aan la aqoon khasaaradii uu weerarkaasi geystey.

Baargaal waa magaalo ku taal xeebta Badweynta Hindiya, gaar ahaan cirifka Woqooyi Bari ee Soomaaliya, waxay fogaan ahaan qiyaastii magaalada Boosaaso dhanka bari ka xigtaa 230km marka laga eego cabbirka khariidada. Islamar-ahaantaasna waxay qiyaastii 100km woqooyi ka xigtaa magaalada Xaafuun.

Eeg magaalada Baargaal oo kor laga sawiray... Guji...

READ: U.S. strikes reported on Qaeda suspect in Somalia


Dagaal Kharaar oo ka dhacay Buuhoodle.

Waxaa Jimcadii dagaal sababay dhimasho ugu yaraan 10 ruux iyo dhaawac tira badan uu ku dhexmaray labo maleeshiyo beelood oo hadda ka hor ku dagaalamay degaanka Aangalo ee Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, labadaan reer ayaa lagu kala magacaabay Tayaag iyo Reer Hagar .

Nin ku sugan degmada Buuhoodle oo somalitalk.com u waramay ayaa sheegay in dagaalkaan Jimcadii oo ku sii fiday halka loo yaqaan Quraca Buuhoodle oo meel banaan ah layska helay uu khasaare ba'an geystay oo in ka badan 10 ruux ay ka dhinteen labadii dhinac ee dagaalku dhexmaray midkood.

Waxaa hadda soo kala dhexgalay labada dhinac ee dagaalamaya, maamulka iyo odayaasha degaanka, inkastoo, Buuhoodle ay tahay meel qeybsan oo ay ku sugan yihiin dad kala taageeersan labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland taas oo xoojinaysa xamaasada dagaalka, Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin waxa Buuhoodle ka dhacaya, balse hadda waxaa gurmad xoog leh ku jira duqayda iyo waxgaradka gobolada laysku yiraahdo SSC(Sool, Sanaag iyo Cayn).

Maxamuud Cumar Bille
Garoowe | mcbille@gmail.com

Ciidamada Xukuumada Ethiopia Oo Baaritaan Ka Sameeyey Xaafado Kamida Caasimada Muqdisho.

Ciidamada xukuumada Ethiopia ayaa Jimcadii waaberigii Dhaq dhaqaayo baaritaan ka bilaabay xaafado kala duwan oo kamida caasimada muqdisho islamrkaana buux dhaafiyay Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshid halkaasi oo ay ka bilaabeen howlgal ay guryaha ku baarayaan.

Dadka deegaanka xaafada Towfiiq ayaa sJimcadii ku waabariistay iyadoo Ciidamo Ethiopian ahi ay ku gadaaman yihiin guryahooda ,islamrkaana dhamaan dadka degan xaafadahaasi ku amray in aysan kasoo bixin guryahooda.

Sidoo kale Ciidamadan Ethiopianka ah ayaa galay guriga sheikh yaxye oo kamid ahaa culimada golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed islamrkaana ku shahiiday dagaaladii Muqdisho, waxaana la sheegay in ay gurigaasi baaritaan xoogan ka sameeyeen.

Ciidamada ethiopianka ayaa galay sidoo kale guryaha dadka rayidka ee deegaankasi islamrkaana baaritaano ku aadan hubka iyo xijaabka ay haweenku dar alle u qaateen ka baarayey iyagoo sidoo kale cagta marinayey wax alla waxii ay arkaan oo ay galeen guryo ay uga shakisnaayeen in lagu aasay hub.

Si kastaba ha ahaatee tan iyo xiligii ay istaageen dagaaladii u dhexeeyey xoogaga diidan joogitaanka ciidamada shisheeyey ee dalka ku sugan ayaa ciidamada xukuumada Ethioipia u muuqanayaan kuwo aargoosi ka wada gudaha caasimada muqdisho islamrkaana isha ku haya dadka muslimiinta ah iyo weliba haweenka xijaaban.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Vedio: Ciidamadii Soomaaliya ee Cadowg Dhabarjabka u geysan jirey

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2007

London: Mudaaharaad Lagu Qabanayo Halka Ay Ku Shirayaan International Somalia Contact Group

Mudaaharaad Balaraan oo ayaa subaxa Talaadaha ah 05/06/07 10:30am ilaa 1:00pm lagu qabanayaa ilinka hore ee wasaaradda arrimaha debeda Ingiriiska, halkaasoo ay ku shirayaan Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya.Dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska ayaa loogu baaqayaa in ay si xoog leh uga soo qaybgalaan mudaaharaadkaas oo ay wax kasta u soo daayaan si ay u beeniyaan hadalkii Males Zenawi ee ahaa in inta badan Soomaalidu taageersantahay Gumaysiga Itoobiya ee Soomaaliya.

Kooxda xiriirka Caalamiga ah ayaa ka koobaan wadamadda, Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Norway,
Sweden, Tanzania, Gudoonka Midowga Yurub, iyadoo si korjooge ah ay uga soo qaybgalayaan Qaramada Midoobay, Jaamacada Carabta, IGAD iyo Midowga Afrika.

Codkaagu Saamayn ayuu leeyahay ee lasoo bax, u sheeg dunidda in aad Gumaysiga Itoobiya diidantahay, codkaaga ugu gargaar walaalahaaga gumaysiga ka dhiidhiyey.

wixii faahfaahin ah kalasoo xariir A. Warsame on 07951414019 ama M. Suldan 07939952197. Email: cabdirahman@hotmail.com

Cinwaanku waa: King Charles Street, London SW1A 2AH


Ganacsato Ay Sirdoonka Ciidamada Ethiopia Kala Bexeen Guryahooda
.Daahir Riyaale oo 20sano xarig ah ugu bedeley 2-nin oo ku..
.London: Mudaaharaad goobta ay ku Shirayaan Contact Group
.DFKMG:100-ka Dumarka kama qayb geli doonaan Shirka Italy
.Zürich: Kulankii 57 ee ururka Ciyaaraha Kubada Cagta (FiFa)
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... June 1

Guddigii Culuma-u-diinka ee loo xilsaaray xalintii xurguftii beelaha Cali Jibraahiil iyo Dishishe oo soo dhamaystiray khilaafkii labada beelood.. Akhri... June 1

Bayaan ka soo baxey Shirka Digil iyo Mirifle ee Columbus Ohio Waqooyiga Mareykanka... Akhri..  June 1

Binti Jaylaani oo Australia Looga Helay Dhakhtar Lagu Daweynayo

GAROOWE : Ka Qaybqaado Dhismaha Masaajidka AL-hudda

Maku hadashaa Afka Ethiopianka: Dhegeyso halkan
Waa waraysi lala yeeshay Tamagne Beyene iyo Neway Debebe oo caan ka ah Itoobiya oo ka hadlaya xukun xumida TPLF, doorashadii May 2005 ee la musuqmaasuqay iyo dilka dadka aan waxba galabsan Dhegeysi

"Baargaal ayaa Argaggaxiso soo gashay waa sidii Shimbiraale Argaggaxiso ayaa joogta"
"Puntland oo Lunsatay $20-million oo doolar"
Sidaas waxaa sheegay afhayeenka xisbiga RPP..
Akhri May 31

Qoysas Badan Oo Kusoo Noqday Muqdisho Oo Mar Kale Ka Barkacaya Agagaarka Wersheda Baastada Ee Muqdisho.

Maxamed Dheere oo Ururada Rayadka ah ku eedeeyey in ka dambeeyaan Qaraxyada Muqdisho

Meles Zenawi oo Sheegay in uu Xukunka ka Degi Doona Laba Sano Gudahood
.Tacshiirad Lagu Furay Ciidamada DFKMG aaga Black Sea
.Gudoomiyihii maxkamada baladweyne oo lagu diley Muqdisho
.Wafdi ka socda DFKMG oo ku sugan dalka Liibiya...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... May 30

Habeenka Waxbarashada Soomaalida Minnesota
.Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II

Puntland oo aan Sharraaxaad ka bixin $20 million oo lagula kala wareegey Consort
.Maxaa Sababay Khilaafka Cadde Muuse iyo Gaagaab?
.
Range oo la wareegtey 100% saamiyadii shirkaddii Consort
Akhri Faallada Maanta.....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com