SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


AQOONISWEYDAARSIYO IYO DOODO ISBOORTI iyo Ciyaaraha EuroSom

cadde muuseCadde Muuse oo ka hadlay mudaharadaadkii ka dhacay Garoowe dhegeyso halkan.

Daawo: Video-Bannaanbaxii  Garoowe DAAWO...



Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Shir looga hadlayo Xaalada Somalia oo ay soo qaban qaabisay Jaalliyada Somalida Kenya oo lagu qabtay Hotel Barakaat ee Nairobi.

Shirkan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa horey ugu Baaqay inuu shirkaasi qabsoomo Xoghaya guud ee Jaalliyada umada Somaliyeed ee Dalka Kenya Mudane,Abdiweli Ibraahim Aden "Garyare" oo ay markii danbey ka aqbaleen Guddoomiyaha Jaaliyada Ahmed Abdisamad iyo Dhamaan Mas'uuliyiinta kale ee Jaalliyada,waxaana ugu danbeyntii lagu qabtay SHirkaasi Hotelka weyn ee Barakaat Hotel ee ku yaala Degmada Islii oo ah Meesha ay Somalida degan Kenya ugu badan yihiin.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen Mas'uuliyiin ka socda Dowlada Somalia,Waxgaradka Somalida Kenya joogta,Culumo'awdiinka,Aqoonyahanada,Diblumaasiin Shishiiye oo lagu Casumay inay goobjoog ka ahaadaan Shirkaasi iyo waxa kasoo baxa Wadahadal dheer kadib,waxaana Shirkaasi ugu Horeynba Furey Xoghayaha Guud ee Jaalliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya Mudane,Abdiweli Ibraahim Aden "Garyare" oo ah runtii Wariye si weyn looga yaqaan Dalka Somalia iyo Kenyaba,Laakiin Shirkan uga soo qeyb galay Xilka uu ka hayo Jaaliyada Somalida Kenya.

Mr,Abdiweli Garyare ayaa waxaa uu Mas'uuliyiinta iyo SHacabka kasoo qeyb galay shirkaasi sharaxaad uga bixiyey Hadafka laga leeyahay SHirkan deg dega ah oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyada uu Madaxda ka yahay ee Somalida Kenya u dhisan,waxaana uu sheegay inuu yahay shirkan mid looga gon leeyahay oo kaliya sidii ay Somalida Kenya isaga xog wareysan laheyd Marxalada uu Maanta marayo Dalka Somalia oo ah meel u baahan in si taxadar leh looga baaraan dego sidii looga samatabixi lahaa.

Dhinaca Kale Garyare waxaa uu sheegay in Shirkan looga hadli doono Sida ay Jaalliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya uga shaqeyn laheyd Yareynta dhibka Somalida ku heysta Dalka Kenya,Maadaama ay jirto dhib kala heysta Somalida Sharci la'aanta ku joogta Dalkan Kenya iyo Boliska Kenya,Waxaana uu intaasi ku darey inay Arintaasi kala hadleen Qeybo badan oo ka mid ah Maamulka Dowlada Kenya u qaabilsan Arintaasi sidii loo yareyn lahaa.

Xoghayaha Guud ee Jaalliyada Somalida Kenya Mudane,Abdiweli Ibraahim Aden "Garyare" Waxaa uu Daboolka ka qaaday Xirir ugub ah oo ka dhex bilowday Safaarada Somalidu ay ku leedahay Dalka Kenya ee uu Ambasadorka ka yahay Maxamed Cali Ameerica,Kaasi oo ka baaqday Shirkaasi,Kadib markii ay usoo baxday Howlo kale oo ku aadan Arimaha uu u qaabilsan yahay Dowlada Somalia,laakiin waxaa uu soo wakiishay Mas'uulka socday Safaarada Somalia ay Kenya ku leedahay kuwaasi oo shaaca ka qaadayey in Maamulka Jaalliyada iyo Safaarada wada shaqeyn ka yeelan doonaan wax u qabashada Somalida Kenya ku dhibaateysan.

Dhinaca kale Waxaa halkasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Jaalliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya Eng,Maxamed Cali Maslax "ilkacase" oo halkaasi ka muujiyey Dareenkiisa ku aadan Muhiimada ay leedahay Jaalliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya,Waxaana uu dhanka kale ku dheeraaday ka hadalka Dhibaatooyinka ay leedahay Jaaliyad La'aan,isagoo ugu danbeyntii Somalida iyo Mas'uuliyiinta SHirkaasi kasoo qeyb gashay ugu baaqay inay wada shaqeyn buuxda la garab is taagaan Maamulkooda Jaalliyada u wada si buu yiri looga gun gaaro Hadafka u shaqeynta Bulshada Somaliyeed ee Dalka Kenya.

Maxamed Nuur Ahmed oo ka mid ah Ganacsatada ugu weyn Somalida Degan Dalka Kenya isla markaana ka hadlay Shirkaasi lagu qabtay Hotel Barakaat oo ay soo qaban qaabisay Jaalliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay inay Ganacsato ahaan ku faraxsan yihiin Shirkan looga hadlayo Arimaha Somalia,waxaana sidoo kale uu shaaca ka qaaday inay hiil iyo hoo la garab taagan yihiin la shaqeynta Maamulka Sare ee Jaalliyada Umadda Somaliyeed ee Dalka Kenya oo markii ugu horeeysay Taariikh ahaan ay Hogaankooda Sare ku jiraan Wariyayaal Magac weyn ku leh Dalka Somaila iyo Waliba Wadamada Dariska la ah.

Dhanka Saxaafada waxaa Shirkaasi uga hadlay C/qaadir Maxamed Xashar "Nadaara" oo ah Agaasimaha guud ee TV-ga Universal Somalia oo iminka socdaal howled ku jooga Magaallada Nairobi,Nadaara ayaa sheegay in Shirkan uu yahay mid u baahan inay Somalida il gaara u eegaan,waxaana uu dhinaca kale sheegay in Jaalliyadan ay taageersan yihiin haddii ay yihiin Saxaafada Umada Somaliyeed,Maadaama Xoghayaha guud ee Jaalliyada Somalida Kenya uu yahay Abdiweli Ibraahim "Garyare" oo Magacweyn ku dhex leh Saxaafada Somalia Hadana ka mid ah Howl-wadeenada UNIVERSAL TV ee Dalka Kenya.

Shirkaasi oo ay kasoo qeyb galeen Fanaaniin caan ka ah Dalka Kenya ayaa waxaa ka mid ahaa Fanaaniintii Halkaasi ka hadashay Fanaaniinta DHalinta Waayaha Cusub oo ay si weyn uga dhex muuqato Fanaanada codka halaasiga ah uu alle ku maneystay ee lagu magacaabo "Falis ileyskii Fanka" iyaddoo halkaasi ka qaadeysay heeso lagu kicinayo Dareenka qeybaha kala duwan ee Somalida ka soo qeyb gashay Shirkaasi,waxaana Fanaaniinta La qaadeysay laga xusi karaa Cabdirashiid Daacad,Cabdi-Diini,Magool Yarey iyo iidle Faarax Gaas oo ah Musikiis taha Kooxdaasi.

Haybe,Lixlle,Roodo iyo Falis oo sadexdaba ka mid ah Dhalinta Fanaaniinta Waayaha Cusub oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay sheegeen sida ay lama huraan u tahay sidii loola shaqeyn lahaa Jaalliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya,iyagoo intaasi ku darey in Ka Waayaha Cusub ahaan ay Maamulka Jaaliyada kala shaqeyn doonaan isku xirta Umada Somaliyeed ee Qurba jooga kuwada ah Dakan Kenya isla markaana Maamulka iyo Shacbigaba ugu sameyn lahaayeen Heeso loogu tilmaamayo Midnimada Somali weyn meesha ay ku jirto.

Qeybihii danbe ee Shirka ayaa waxaa shirkasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaalliyada Umadda Somaliyeed Mudane,Ahmed Abdisamad Cali Shire oo markii uu soo kacay lagusoo dhaweyey Sacab aan kala go'laheyn,Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn Mahadcelin usoo jeediyey Mas'uliyiinta iyo qeybaha kale ee shirkaasi ka soo qeyb gashay,waxaana uu intaasi raaciyey in Shirkan uu yahay mid ay wax badan ka faa'iideyn,isagoo arintaasi Tusaale uga soo qaatay sida ay Somalida Kenya diyaarka ugu yihiin Midnimo ay yeeshaan.

Gudoomiye Ahmed Cabdi Samad ayaa waxaa uu sharaxaad dheer ka bixiyey Hadafka Maamulkiisu ka leeyahay u shaqeynta Jaalliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya iyo sida ugu wanaagsan ee loo xoojin karo isku keenida Somalida kala firirsan Mudo 17 Sano ah,Taasi oo uu Daliil ugu soo qaatay kadib markii uu in badan Qurba joog dibada ku ahaa,waxaana buu yiri taasi aan ka dhaxlay sidii aan ugu soo jeysan lahaa Wax u qabashada Umadeyda Somaliyeed ee joogta Dalka Kenya.

Mudane,Ahmed Abdisamad Cali Shire ayaa inta uu Khudbadiisa ku jirey ka hadlay Xirirka ay la leeyihiin geedi socodka Dalka Somalia iyo Wada shaqeyntooda ku aadan Safaarada Dowlada Somalia ay ku leedahay Dalkan Kenya,waxaana uu sheegay inuu in badan Kulamo la qaatay Danjiraha Somalia u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameerica iyo Mas'uuliyiin kale oo Heer Wasiir ah oo ka tirsan Dowlada ku Meel gaarka ah,kuwaasi oo ay kawada hadleen sidii Arinta Somalia Wadahadal loogu dhameyn lahaa,isagoo sheegay in Maamulka Jaalliyada Kenya taageersan yihiin Nabad Somalia ka dhalata wado kasto oo loo maro.

Ugu danbeyntii Waxaa halkaasi ka hadlay Dr,Cabdiqadir oo ah taliyaha Ra'iisul Wasaaraha Somalia dhinaca Siyaasada ahna Agaasimaha guud Wasaarada Arimaha Dibada ee Wadamada Jaamacada Carabta oo dhawaan socdaal ku soo gaarey Magaallada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa uu ka hadlay Sida ay Dowlad ahaan usoo dhaweynayaan Maamulka Jaalliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya,waxaana uu dhinaca kale Raaciyey in Shirkan uu yahay kii ugu weynaa oo Somali leedahay oo uu kaga qeyb galo Wadan ka baxsan Dalka Somalia.

Dhinaca kale Dr,Abdiqadir ayaa sheegay in Somalida Kenya iyo Jaalliyada u dhisan looga baahan yahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Dowlada Ku meel gaarka ah ee Somalia,isagoo sheegay in haddii aysan iminka taageerin Dowlada Somalia u dhisan ay ku jiri doonaan Dowlad La'aanta Somalia mudo badan heysata,waxaana uu intaasi raaciyey in haddii ay Somalida wada noqdaan Sida ay isugu xiran yihiin Maamulka Jaallliyada Somalida Kenya iyo Shacabka Dalka Kenya ku nool ay Somali mar hore Sameysan laheyd Dowlad loo dhan yahay oo dalkoodii dib ay ugu laaban lahaayeen.

Shirkaasi ayaa ku dhamaaday sidii loogu talagalay,waxaana uu yahay kii ugu weynaa oo ay soo qaban qaabiso Jaalliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya,kaasi oo ay kasoo qeyb galaan Madax kala duwan oo Somalia iyo Kenyaba ka tirsan,waxaana ugu danbeyntii Shirkaasi ka soo baxay in Bilkasta Maamulka Jaalliyada uu soo qaban qaabiyo Kulamo noocan oo kale ah,sidoo kale uu Maamulka Jaalliyada u istaago sidii uu Kor meer ugu sameyn lahaa Xabsiyada dhexe ee Dalkan Kenya oo qaarkood ay ku jiraan Muwaadiniin Somaliyeed oo Dalkan kusoo galay Baqa ay uga soo carareen Dagaallada Sokeeye ee ka jira Dalka Somalia.

W/Q.Abdilaahi Abdi Abdulle "Mantaana"

mantaana003@hotmail.com

Nairobi,Kenya

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com