SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


AQOONISWEYDAARSIYO IYO DOODO ISBOORTI iyo Ciyaaraha EuroSom

cadde muuseCadde Muuse oo ka hadlay mudaharadaadkii ka dhacay Garoowe dhegeyso halkan.

Daawo: Video-Bannaanbaxii  Garoowe DAAWO...



Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Wararkii: July 30, 2007

  • Qaraxyo ka kala dhacay Muqdisho, Afgooye iyo Baladweyne

  • Weeraro lagu qaaday xarumo ay deganaayeen ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya

  • Nin sheekh ah oo laga watay Masjid ku yaala Magaalada Muqisho..

  • Geedi oo kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Meles Zenawi, kadibna ugu soo laabtay Baydhabo

  • koobka Jaaliyadda soomaaliyeed ee Koofur Afrika


Qaraxyo ka kala dhacay Muqdisho, Afgooye iyo Baladweyne

Waxaa sii xoogeysanaya maalinba maalinta ka dambeysa qaraxyada lala beegsanayo ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, waxaa maalintii shalay ahayd qaraxyo ka  kala dhaceen Magaalooyinka Muqdisho, Afgooye iyo Baladweyne.

Haddii aan ku hormarno qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, waxa ay labo qarax ka dhaceen suuqa Bakaaraha, waxaa ka dahcday labo qarax, waxaan ku dhintay labo qofood, waxaan u dhaawacmay ilaa iyo shan qofood, sidoo kale waxa uu qarax ka dhacay Isgoyska Kasabal-balaare, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya Magaalada Afgooye waxay sheegayaan in halkaasi laga maqlay magaaladaasi kaas oo laga beegsaday gaari uu saarnaa Guddoomiyihii degmada Afgooye, hase yeeshee qaraxaasi waa uu ka badbaaday gudoomiyuhu, hase yeeshee waxaa ku dhaawacmay labo qofood.

Warar kale ee ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in qarax lala beegsaday Gaari booyad ah oo biyo u dhaaminayey ciidamada Dowladda, waxaana qaraxaasi loo xirxiray dhowr qofood.

Weeraro lagu qaaday xarumo ay deganaayeen ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya

Labo xarumood oo ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa lagu ekeeyey weeraro aad u balaaran, waxaana weerarkaasi soo qaaday kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

Weerarkii koowaad waxa uu ka dhacay agagaarka Florensa oo ay degan yihiin ciidamada Itoobiya, waxaan weerarkaasi socday mudo sodon daqiiqo ah, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, hase yeeshee rasaastii la isweydaarsanayey ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qofood, sidoo kale weerar ayaa iyana lagu qaaday ciidamo Itoobiyaan ah oo deganaa agagaarka Xayle Bariise, waxaana la isku weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ilaa iyo haddana khasaarihii ka dhasahsy weerarkaasi lama hayo.

Dhinaca guri loo qorsheeyey in uu dego guddoomiya Gobalka Banaadir Max’ed Dheere ayaa isna weerar lagu qaaday, waxaana weerarkaasi socday mudo labaan daqiiqo ah, ilaa iyo dhowr baasuuke ayaa ku dhacday guriga Guddoomiye ku xigeenka Nabadgelyada Gobalka Banaadir C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) ayaa sheegay in uusan wax dhib ah soo gaarin guriga iyo waliba ciidamadii difaacayey, isagoo sheegay in lagu raad joogo dadkii ka dambeeyey 

Nin sheekh ah oo laga watay Masjid ku yaala Magaalada Muqisho..

Iyadoo ay sii xoogeysanayaan xariga lagu hayo Culima’udiinka iyo waliba gelitaanka Masaajidda ee Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa xabsiyada Dowladda Federaalka buux-dhaafiyey boqolaal culimo ah oo aan waxba galabsan.

            Maalintii shalay ahayd ayaa masjid ku yaal Xaafadda Buulaxuubey ayaa waxaa soo galay afar nin oo aan labisneyn, waxayna u tageen Sheekh Masaajidda ku sugna xiligasi oo lagu magacaabo Sheekh Faarx, waxayna ka codsadeen in uu Haweenay ku mehriyo, markii uu Sheekhu diiday in uu raaco raggaasi, ayaa waxay markii dambe ula soo baxeen Bistoolado, waxayna u sheegeen in ay yihiin ciidamo ka tirsan Dowladda, waxayna amar ku siiyeen in uu raaco, waxayna markiba ku tureen gaari.

Sheekh Faarax oo ka tirsanaa Culimada Tabliiqa ayaa waxa uu hormuud u ahaa kooxo culimo ah oo dacwado ka waday gobalada dalka, waxaan la sheegay in aan la ogeyn halka loola dhaqaaqay. Dhanka kale maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo ka tirsan Dowladda waxay galeen labada maxjidka Sheekh Cali Suufi iyo Masjidka Bil-iyo-Xidig, waxayna halkaasi ka wateen dhowr qofood oo Salaadda ku tukanayey.

Dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa walwal ka muujiyey gelintaanka masaajidda ee Ciidamada Dowladda Federaalka.  

Geedi oo kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Meles Zenawi, kadibna ugu soo laabtay Baydhabo

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cali Max’ed Geedi oo haatan booqasho ku jooga Magalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa waxa uu maalintii shalay ahayd kulan la yeelshay Ra’isul Wasaarha dalka Itoobiya Meles Zenawi, waxaan kulankaasi la iskula soo qaaday xaaladda Soomaaliya, waxa uuna Cali Geedi faahfaahin uga bixiyey in xaaladda nabadgelyo ee Muqdisho ka soo reyneyso.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare Geedi uu ka dalbady Meles Zenawi uu gacan ka gaysto khilaaf xoogan oo u dhexeeye Baarlamaanka iyo Dowladda Federaalka, kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaa-nada soo jeediyeen in lala xisaabtamo Dowladda Federaalka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay ku doodayaan in uu dhamaaday xiligii horey loogu qabtay in dowladda sii shaqeyso muddo afar bilood ah.

Heshiiskii xiligaasi la wada gaaray ayaa waxaa gacan ka gaystay Wasiirka arrimaha Dibadda ee Musfin, Ra’isul Wasaare Geedi ayaa kulankii uu Adis-Ababa kula soo qaatay Meles Zenawi kadib waxa uu shalay soo gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo kaga qabgali doono doodad Baarlamaanka uu ka yeelanayo Xukumaddiisa

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro.

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

koobka Jaaliyadda soomaaliyeed ee Koofur Afrika

Waxaa ka socdo wadanka s/africa gaar ahaan gobolka estaern cap koobka horyalka oo ugu bilowday jaaliyada somaliya ee ku nool wadanka s/africa gaar ahan gobolka  port elizabeth.

 ciyaarta ugu horeysay  waxaa lagu furay kooxda horseed iyo waberi  iyadoo ay     goosha raacday koxda horseed kuna badiyeen 2:0

 ciyaar aad u wanagsan ayay lasoo baxday kooxda horseed waxaa meesha ka fir fir coonaah    ciyartoyga ugu qaalisanaa kooxda horseed c/rahman  dheere oo ciyaar wanag  lasoo baxay galab taasi.

waxeyna is arki doonaan 3da koxood ee kala ah Al shabaab, Midnimo, p.swhole saler's.

 iyadoo rajada laga qabo koobka kooxdii  qaadi laheyd ay jaalida dhigtay koob qurux badan  kooxdii  badisa ay halkaa guushu ku raaci doonto .

wadanka kofur afrika wuxu imika udiyar garoobaah in sanadda 20010ka  uu ku qabsoomo koobka aduunka wold cup .

wana wadankii ugu horeeyey ee africa loo iclaamiyay inuu ku qabsoomo koobka aduunka ,hadana wadankaasi waxuu ka mid yahay wa k/afrikee wadamada ugu hodonsan qaaradda africa .

 hadaba cayaarahaasi akhriste yaal wixii kuso kordha waaxad kala socondoontaan wabkan dayniile

  Shukri Siidow Xassan 

       (Shukri Sharaf)

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com