SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
 Warar: July 23, 2007
  • Weeraro Bambaano Oo Habeenkii isniinta Lala Beegsaday Fariisimo Ciidamada Dowlada KMG Iyo Kuwa Ethiopia
  • Beesha harti Waamo Oo Dhisatay Gudiga Xaalada Deg -dega ah .
  • Ururka SPLU oo Waraaq Furan u direy Madaxweynaha ,Ra’iislawasaaraha DFKMG
  • Suuqa Bakaaraha Oo Isniintii Furnaa Oo Markale Qarax Xoogani Gil-giley
  • Hooyo Soomaaliyeed Oo Haysata Shan Caruura Oo Agoona Oo U Baahan Samo- fal.
  • Harar oo lagu qabtey Xuska 1000 Sanadguuradii kasoo wareegtey markii la aas aasey Magaaladaasi.

Weeraro Bambaano Oo Habeenkii isniinta Lala Beegsaday Fariisimo Ciidamada Dowlada KMG Iyo Kuwa Ethiopia

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Weeraradan bambaano ayaa habeenkii isniinta mar kale lagu qaaday fariisimo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ethiopia ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Weeraradan oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa gaystay dhibaato baaxad leh islamrkaana la sheegay inay ka bilowdeen jidka dheer ee Wadnaha oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda KMG gaar ahaan fariisin ku yaala isgoyska howl-wadaag iyo isgoyska kale ee aadan cadde ,iyadoo la sheegay inay wax yeelo u gaysteen ciidamada dowlada KMG ah ee halkaasi saldhiga u ahayd.

Goob jooge halkaas ka ag dhowaa ayaa saxaafada u sheegay inay indhahoodu qabanayeen dhaawacyo laga qaadayo kadib markii ay joogasadeen israsaasaynta u dhaxaysay ciidamada dowlada KMG ah iyo weliba kooxaha kasoo hor jeeda Iska hor imaadkan oo loo adeegsaday hubka cul-culus, gaar ahaan Baasuukayaasha iyo Hoobiyaha ayaa saameeyey meelo kamid yihiin xarunta madaxtooyada ee villa soomaaliya waloow aan si dhab ah loo agayn dhibaatada dhaawac ama dhimasho ee halkaas ka dhalatay.

Weerarada isdba jooga ah ee badanaaba lala beegsado fariisimada ciidamada dowlada iyo Kuwa Ethiopia ayaa dhaca waqtiyada habeenkii kaasoo aan u suurta gelin warbaahinta inay ogaadaan qasaaraha nafeed ee halkaas soo gaara .

Beesha harti Waamo Oo Dhisatay Gudiga Xaalada Deg -dega ah .

Kulan looga wada hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalku marayo ayaa maanta ka dhacday hotel marindium ee magaalada kismaanyo .

kulankan oo ay wada yeesheen beelaha harti waamod ayaa waxay kaga dhawaaqeen gudi ay ku magacaabeen gudida xaalada deg-dega ah iyadoo sida ay sheegeena ay Gudigan waxaa loo aas,aassay waxqabadka iyo ka saarista xaalada qalafsan ee uu ku sugan yahay Hartiga degan degaaka Jubada Hoose waxayna kala yihiin sidan hoos ku qoran .

Magac Masuuliyada uu hayo Tel:

  • C/laahi Bile Siciid Gudoomiye 002521-5527276
  • Garaad Cali Axmed Gudoomiye K/x 1aad 002521-5591322
  • Cabdi Cismaan Bare Gudoomiye K/x 2aad 002521-5877034
  • Dr Jaamac Cumar Nuux Xoghayn 002521-5877473
  • Dr C/ladiif Axmed Nuur Xoghayn 2aad 002521-5856294
  • Yuusuf Haybe Abokor Xubin 002521-5862089
  • Maxamed saciid Xubin No tell
  • Xaaji Ibraahim X Jaamac Xubin 002521-5888292
  • C/laahi Jaamac Barre Xubin 002521-459090
  • C/bashi Axmed Cali Gaban Xubin 002521-5598668
  • C/laahi Sahal Maxamed Xubin 002521-5522411
  • Jaamac Maxamed Muuse Xubin 002521-5856257

Dhamaan ragaas oo ah rag isugu jira aqoon yahano culimo awdiin iyo odayaasha dhaqanka , ganacsatada iyo dhalinyarada IWM.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Ururka SPLU oo Waraaq Furan u direy Madaxweynaha ,Ra’iislawasaaraha DFKMG

Ururkan oo ay iska leeyihiin dadka ku abtirsada degmada Baraawe iyo deegaanada la xiriira ayaa waraaq furan oo ashkato ah u kala diray masuuliyiinta xukuumadda kumeelgaarka,gaar ahaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Koowaad.

Waraaqda ayaa ka hadleysa xasuuq ay geysteen Ciidmada ka amar qaata C/llaahi Xalane Dhuxuloow,oo maalinimada khamiiista ahayd xasuuqey ciidmo ka tirsan Militeriga gobolka shabeellada hoose ka howlgala,kuwaas oo ka tirsanaa dadka ka soo jeeda degmada Baraawe oo u socdey inay xaasaskooda iyo reerahooda soo booqdaan iyo dad shacab ah oo la saaranaa gaariga ay wateen.

Sida ku cad waraaqda ayaa markii ay ciidmadu u sii socdeeen degmada lagu wargeliyey Dhuxuloow,oo muddo dheer degmadaas gacanta ku hayey haatanna lagu darey maamulka degmada Baraawe,ayaa ciiidmadiisu si ulakac ah u xasuuqeen ciidamadii iyo shacabkii la saaranaa gaariga,halkaas oo ay ku dhinteen 5 rtuux oo 4 ka mid ah ay ahaayeen ciidmada Fasaxa ahaa oo guryahooda u socdey.

Masuulka u hadlaya Ururka SPLU ayaa xukuumadda,ka dalbadey inay caddeyso waxa dadkaas loo xasuuqey ilaa iyo hadda aysan ka hadllin Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose,Saraakiisha Ciidamada Guutada 9aad ee ay ciidmada la xasuuqey ka tirsnmaayeen iyo xukuumadda kumeelgaarka intaba .

Sidoo kale waraaqda ayaa lagu xusey in dadka shacabka Gobolka shabeellada Hoose mudada dheer gaboodfalka xun u geystey ay haatanna abaalmarin uga dhigeen inay ku soo darto maamulka sharciga ee gobolka shabeellada hoose,waxayna dalbadeen inay xukuumadda caddeyso mowqifka ay arrintaas ka qabto.

Sidoo kale waxay ku dalbanaayeen in magdhow laga bixiyo dadkii la xasuuqey iyo kuwa dhaawcu soo gaarey oo ciidan iyo dad rayid ah iskugu jira,masuuliyiinta ururukan ayaa sheegey inay aad uga xun yihiin dhibaatada soo gaartey dadka deegaanka Baraawe oo iskugu jirta shacab iyo Rayid .

Dhinaca kale waxaa xasuuqa dadkaas si jeejsjes ah uga hadley ninka abbaanduulaha Ciidan u ahaan jirey Maamulka Indhacadde,haatan ah Taliye ku xigeenka Booliiska Gobolka Nuuriye Cali Faarxa ayaa sheegey in Ciidamo Militeri ah ay soo weerareen Ciidmao uu ku sheegey Booliska,hase yeehee ka tirsan malleeshiyaadka Beeshiisa ee Mudada dheer si xoog ah ku maamulaayey Gobolka shabelada Hoose,taasna ururka SPLU waxay ku sheegeen gef labaad oo uu ku kacey,warkaasna uu yahay mid jees-jees oo uu geystrey dadkii ay ciidmadiisu xasuuqeen.

Waraaqdda uu ururka SPLU u direy masuuliyiinta DFKMG ayaa s u qoran sidan,ka firri lifaqa.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Suuqa Bakaaraha Oo Isniintii Furnaa Oo Markale Qarax Xoogani Gil-giley

Qarax gil-giley qayb kamida caasimada ayaa galabta [isniitii] ka dhacay suuqa weyn ee bakaaraha ee caasimada muqdisho .

Qaraxan oo ahaa sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa m eel ku dhow goobtaas ayaa ahaa bam gameedka loo adeegsado gaanta oo lala beegsaday askar boolis ah oo ka tirsan ciidamada dowlada KMG ah

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta isku gadaamay ciidamada booliska dowlada KMG ah islamrkaana baaritaano ka bilaabay ,iyadoo gebi ahaanba ay dadkii goobtaas ku ganacsanayey ay ka kala carareen ,lamana sheegin wax khasaare ah oo qaraxani gaystay .

Qaraxan ayaa ah kii ugu horeeyey ee maanta ka dhaca suuqa ganacsiga ee bakaaraha oo beryahan ahaa meel ay hareeyeen fowdo ka dhalata qaraxyo iyo dillal ,lala beegsado ciidamada dowlada KMG ah ,islamrkaana uu xirnaa mudo ka badan labo todobaad ,iyadoo maalinkii shalay ahaana dib u furmay ,kadib markii ay kulmeen gudiga ganacsatada gobolka banaadir ,gudiga amniga qaranka ,maamulka gobolka banaadir iyo weliba raysal wasaare geedi islamrkaana laysku afgartay in dib loo furo suuqaas .

Maaha markii ugu horaysay ee qarax noocan oo kale ah ka dhaco suuqa iyadoo maalinkii shalay ahaydna uu qarax lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa booliska dowlada KMG ah oo ku sugnaa xiligaas isgoyska baar ubax oo aan sidaasi uga dheerayn suuqa bakaaraha islamrkaana ay rasaas ay u fureen afarta gees islamrkaana ay ku qudh baxeen afar qof oo rayid ah .

Harar oo lagu qabtey Xuska 1000 Sanadguuradii kasoo wareegtey markii la aas aasey Magaaladaasi.

Magaalada Harar oo ah magaalo soo jireen ah oo taariikhi ah ayaa waxaa maalintii arbacadii ee asbuucii aynu soo dhaafney lagu qabtey xusas kala duwan oo lagu xusayo kun sanad guuradi kasoo wareegtey markii la yegleeley magaaladaasi.
 
Xuskan lagu xusayay kun sanad guuradii kasoo wareegtey markii la aas aasey magaaladaasi ayaa waxaa lagu qabtey sida uu ii sheegtey suxufi madax banaan uu ku sugan magaaladaasi xurunta dhaqanka ee magaalada harar.
 
Hase ahaatee xuskan ka dhacey xarunta dhaqanka ee harar ayaa waxaa lagu soo bandhigey aroos wadareed cajiib ah waxaana la iskugu guuriyay 40 qoys oo arooskoodu ka dhacey sida la sheegey hal meel ah waxaana lagu xusayay kun sanad guuradii kasoo wareegtey markii la aas aasey magaalada harar oo ka tirsan xukuumada itoobiya.
 
Isku soo wada duuboo aroos wadareedkan ayaa waxa uu dhacey hal habeen waxa uuna ka dhacey xurunta dhaqanka ee magaalada harar sida uu ii sheegeyna suxufi ku sugan magaaladaasi waxaa kasoo qeyb galay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin dalka sweden, Talyaaniga, iyo dalka UK.
 
Yusuf Max'ed Ismail {Guduudow}
Bososo.Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com