SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
Wararkii: July 24, 207
  • Dowladda Itoobiya oo ka soo horjeeda in xilka laga qaado Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi
  • Dad fara badan oo Soomaali ah oo ka soo barkacay Soonka Shanaad ee Itoobiya
  • Qaraxyo weli ka sii socda Magalada Muqdisho
  • Magaalada Asmara oo martigelineysa kulan ay ka soo qaybgalayaan 700 oo qof

Dowladda Itoobiya oo ka soo horjeeda in xilka laga qaado Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi

            Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaana ay gudbiyeen dhawaan mooshin ka dhan Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed, kaasoo ku aadan in xilka laga qaado Ra’isul Wasaarenimo, ama uu mar kale soo magacaabo Madaxweynuhu, maadaama ay dhamaatay xiligii horey loogu ballamay, waxaana Magaalada Baydhabo ka socda kulamo hoosaadyo ay leeyihiin xildhibaanada, kaas oo ku aadan sidii loola xisaabtami lahaa dowladda federaalke ee madaxda u yahay Cali Max’ed Geedi.

Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa ay sheegtay in Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi uu xilkiisii dhamaaday, waxaana arintaani in lag hadlo hor taagan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed “Ma garnyo sababta uu C/llaahi Yuusuf uga hadli la’ yahay xil ka qaadista Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, haddii kale waa in C/llaahi Yuusuf uu mar kale soo magacaabaa Ra’isul Wasaare Geedi” ayay tiri Caasha Axmed Cabdalla. Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo kulan ku yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka waxaan looga hadlay sidii loola xisaabtami lahaa Dowladda Federaalka, gaar ahaan wixii u qabsoomay mudadii ay jirtay iyo waliba daqligii u soo xarooday xiligaasi, waxaa la filayaa in dhawaan Madaxweyne C/llahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ay u baqoolaan Baydhabo si ay u hortagaan xildhibaanad.

Dhanka kale Dowladda Itoobiya ayaa Baarlamanka ku cadaadineysa in aan marnab xilka laga qaadin Cali Max’ed Geedi. Warar ayaa waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf ay Dowladda Itoobiya ka dalbaneyso in uu mar kale soo magcaabo Cali Max’ed Geedi. Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa waaydan ku maqnaa fasaxa, waxaan haatan hor yaal arimo badan oo ay ugu horeyso arrinta Ra’isul Wasaarah, nabadgelyada wadanka iyo heshiisyo ay horey Dowladdu ula gashay shirkado iyo Dowlado.

Dad fara badan oo Soomaali ah oo ka soo barkacay Soonka Shanaad ee Itoobiya

Soomaali u badan reer guuraa oo watay xoolahoodii ayaa ka soo carary deegaano ka tirsan dalka Itoobiya, gaar ahaan Soonka shanaad ee ay Soomaalidu degto, kadib markii ay dadkaasi u adkeysan waayeen xasuuq iyo barakicin aad u xoogan.

            Dadkaas ayaa waxay soo gaareen deegaano ka tirsan Cabudwaaq, waxaana la sheegayaa in halkaasi ay dhibaatooyin badan ku hayaan.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa waxay sheegeen in Ciidamad Itoobiya ka laayeen dad badan, waxayna sidoo kale sheegeen in ay Soomaaliya u soo aadeen sidii ay uga badbaadin lahaayeen xasuuqaasi.

            Deegaanad laga soo barkacay waxa ka mid ah Wardheer, Shiilaawo, Dhaga-buur iyo deegaano kale.

            Barakacaan ayaa la sheegay in uu bilowday markii ciidamo ka tirsan Jabhadda ONLF ay Bishii April weerareen xarun ay lahayd shirkad qodda shidaalka oo ku taal deegaanka Bacoole. Dhanka kale ciidamad Jabhadda ONLF ayaa waxay wadan dagaalada ay ku hayaan ciidamada Itoobiya, waxaana wadooyinka loo geliyaa miinooyin ay khasaarooyin ka soo gaaraan Ciidamad Itoobiya.    

Qaraxyo weli ka sii socda Magalada Muqdisho

Iyadoo weli ay socdan baaritaanda ay ciidamada Dowladda ka wadan Magaalada Muqdisho ayaa waxa weli socda qaraxyo lala beegsanyo ciidamada Dolwadda Federaalka.

Qarixii ugu horeeyey waxa uu ka dhacay Isgoyska Bakaaraha kadib markii lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada Dowladda, waxaan la sheegay in ay khasaaro ka soo gaartay dhowr askari oo saarna gaari, iyadoo rasaas ay fureen ciidamaduna ay dad rayid ahi  wax ku noqdeen, sidoo kale is rasaaseyn ka dhacday Isgoyska Black-sea ayaa waxa ku dhaawacmay dhowr qofood, kadib markii ay dowladda ay rasaas ku fureen dhallinyaro ay ka shakiyeen.

Habeen hore ayay ahayd markii ay qaraxyo ka dhaceen Isgoyska Hawl-wadaag iyo midka Aadan Cadde, kadib markii lala beegsaday ciidamo Dowladda ah oo halkaasi ku sugnaaa.

Taliyaha ciidanka Booliiska Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Booliiska ay sii wadi doonaan hawlaha baaritaanda ah ee ay ka wadaan Suuqa Bakaaraha, tan iyo inta laga xaqiijinayo waxa uu ugu yeeray nabadgelyada suuqa weyn ee Magaalada Muqdisho ee Bakaarah. 

Magaalada Asmara oo martigelineysa kulan ay ka soo qaybgalayaan 700 oo qof

Wararka ka imaanaya Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya waxay sheegayaan in magaaladaasi ay martigelin doonto kulan ay isugu imaan doonaan Siyaasiiyiin, Culuma’udiin, Waxgarad iyo Aqoonyahano ka tirsan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxaan lagu waramay in dad gaarya ilaa iyo 700 qof ay halkaasi isugu tagi doonaan, iyadooi laga arinsan doono sidii loo dhisi lahaa gole horseed u noqda waxa loogu yeeray sidii ay Soomaaliya u heli lahyd Dwlad, isla markaan dalka looga saari ciidamada Itoobiya.

Warar ayaa waxay sheegayan in dad ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo gobalada dalka ay soo gaareen waraaqihii casuumaadda ee ay kaga qaybgali lahaa kulankaasi oo lagu wado in uu dhaco bisha Sep ee fooda nagu soo haysa. Guddiga qaban-qaabda ee kulankaasi ayaa waxay sheegeen in dhawaab dalalka dibadda ay u ambabixi doonaan wufuud kal duwan kuwaas oo dadka Soomaaliyeed ee dibadda ku nool kala hadli doono sidii uu u najixi lahaa kulankaasi. Sheikh Shariif sheikh Axmed oo gudodomiyihii midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa waxa uu sheegay in kulankaani uu muhiimad gaar ah ku fadhiyo ayna ka soo bixi doonaan natiijo wax ku ool ah.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
e-mail:amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com