SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

MUNAASABADA MAALINTA XUQUUQDA AADAMIGA SOOMAALIYEED, 22 JULY 2007

Marwooyin /mudanayaal: subax wanaagsan; waxaa sidaas waxaa hadalka ku bilowday Marwo; Maryam Xuseen Awreeye:

Waxaa na kulmiyay Munaasabadaha: Sannadguuradii 17-aad ee ka soo wareegtay Geeridii Marxuum Dr. Ismaaciil Jimcaale (Allaha u naxariistee), iyo Munaasabada Xuska Maalinta Xuquuqda Aadamiga Soomaaliyeed oo ku beegan Maanta oo ah, 22-ka July 2007.

Sawirka Guud Ee Xuquuda Aadamaha Soomaaliyeed

Xogwaranka xaaladda dhabta ah ee Xuquuqda Aadamiga soomaaliya ayaa tan iyo markii ay burburtay dowladii milteriga aheyd sanadkii 1991 ah mid aad looga murugoodo, Qatarta nabadgelyo la’aaneed ayaa ah mid sii baaheysa.

Waxaa jidadka ku yaala calaamado dhiiga ah oo laga daadiyay dad rayid ah oo aan waxba galabsan una eg mid sii socon doonta, maadaama aan leysu daba gelin fal dembiyeedyada la geysto.

Soomaaliya markaad maqasho waxaad xasuusaneysaa dil, caruur la xasuuqo, dagaalo abaabulan, qaraxyo, faraxumeyn, dhac, barakicin iyo afduub loogaysto dhamaan shacbiga soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan, iyo hawlwadeenada ururada samafalda caalamiga ah intaas oo fal dambiyeedyo isbiirsaday ah ayaa isku duubkoodu ka dhigaya Soomaaliya meel masiibada xuquuqda aadamigu ka taagan tahay.

Shacbiga soomaaliyeed waxaa lagula kacay wax aan laqaadan karin oo maskaxada bani'aadamka fiyoow ogolaan karin kadib markii haybadii qaran-nimo meel aad u hoosaysa la dhigay oo ay jabhado hubaysan nidaamkii dawliga ahaa ku badaleen nidaam qabiilaysi ah oo laga dhaxalay dagaalo joogta ah oo maalin walba weji cusub iyo dana gaar ah leh taasi waxay ka marqaati kaceysaa in la galay dembiyo dagaaloo culus oo lid ku ah xaquuqda aadanaha.

Markii la waayay maamul midaysan oo leh saab xiriirsan uu udub dhexaad u yahay ka dambeynta sharciga ayey xaaladda dhabta ah ee xuquuqda adamiga soomaaliyeed noqotay mid aafooyin iyo nasiibdaro hareeyeen.

Sida aad la socotaan, sanadkan waxaa Somaaliya ka dhacay dagaalkii ugu cuslaa ee soo maray ebed Dalka mudadii dawlad la’aantu ka jirtay dalka soomaaliya, kaasoo reebay fajaciso iyo anfariir waayuhu xusi doonaan. Dagaalladaas waxaa ka dhashay dhimasho xad dhaaf ah, naafo, barakac baahsan iyo burbur hantiyeed oo weyn, Dhammaan xadgudubyadii ka dhashay dagaalladaas ayaa uga muuqda wejiyada shacabka Soomaaliya si rajo beel ah.

Hadda waxaa jira dawlad dhexe oo federal ah oo la daalaa dhacaysa nabad kusoo celinta dalka Soomaaliya. Waxaa kaloo jira mucaarad hubaysan oo muuqda kana soo horjeeda dawladda. Waxaa furan hal wadiiqo oo looga gudbi karo caqabadaha iyo xadgudubyada baahsan ee ka jira Dalka Soomaaliya, taasoo ah in la hormariyo dib u heshiisiinta iyo isu tanaasulka ayadoo sal looga dhigayo xushmaynta xuquuqda aadamaha.

Marka s’uaasha wayn ee hada na hortaala waa sidii loo abuuri lahaa dhaqan cusub oo siyaasadeed lana jaanqaada baahida soomaalida, tiiyoo sal looga dhigayo qiyamka xukun dawlad wanaaga ah,ka qayb-galinta bulshada talada dalka iyo daryeelka xuquuqda aadamaha .taasi waxay baabi’inaysaa ama meesha ka saareysaa dhaqamadii guracnaa ee laga dhaxlay nidaamkii hore iyo fawdadii daba tiilay ee ku salaysnayd aragagaxa, jaah wareerka siyaasadeed iyo ku uruurinta talada dalka qof keliya.

Soo Jeedin:

Xarunta xuquuqda aadamiga ee Dr. Ismaaciil Jumcaale oo ka faaiideysanaysa munaasabadan 22-ka July 2007 waxay soo jeedinaysaa:

1. Shacabka Soomaaliyeed, Dawlada FKMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda siyaasada DFKMG ah in ay ka shaqeeyaan horumarinta nabadda,iyo dhowrista xuquuqda aadamiga;

2. in dhinacyada isku haya siyaasadda soomaaliya ay khilaafaadkooda ku xalliyaan si nabad ah ayagoo u turaya shacabka isla markaana fiirinayana duruufaha qallafsanooy ku nool yihiin;

3. xaruntu waxay ka codsanaysaa bulshada caalamka in ay garab istaagaan kaalmeeyaanna dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay ama ku barakacay nabad la’aanta ka jirta Soomaaliya.

4. Xaruntu waxay kaloo ka codsanaysaa hay’adaha u dooda xuquuqda aadamiga in ay il gaar ah ku hayaan xadgudubyada baahsan ee ku dul dhacaya dadka Soomaaliyeed.

GUDOOMIYAHA XARUNTA
Marwo; Maryam Xuseen Awreeye

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com