SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Wararkii: July 13, 2007

  • Gaadh-haye : Shirka Dib U Heshiisiinta Maaha Mid U Muuqda Mid Qabsoomaya .
  • Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Oo Sheegay Inuu Shirku Dhici Doono Xiligii Loogu Loo Balamay Amaan Xumona Aysan Baajinayn.
  • Weeraro Loo Adeegsaday Qoryaha Hoobiyaha Oo Habeenkii Khamiista Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Gaadh-haye : Shirka Dib U Heshiisiinta Maaha Mid U Muuqda Mid Qabsoomaya .

Waxaa inoo suurto gashay inaan waraysi dheer oo dhinacyo Badan taanaya la yeelano Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka sool Maxamed Saleebaan Bootaan oo loo yaqaan Gaadh-haye kana mid ahaa siyaasiintii wax ka soo dhisay Dowladda FKMG ah ee lagu soo dhisay magaalada Embagathi e dalkaasi kenya isagoo ku sugan muqdisho wuxuuna u dhacay sidan:-

su'aal: sidee u aragtaa Xiriirka u dhexeeya Xukuumada Ethiopia iyo dowlada Fedraalka ah ?

Jawaab.: Xiriirka u dhexeeya Dowladda fedaraalka iyo Dowladda Ethiopia anigu waxaan u arkaa inuu yahay mid wax yeelaya Dowladda soomaliyeed oo kalsoonidii bulshada iyo shacabka soomaliyeed luminaya islamrkaana Dowlado Badan oo Caalamka ahna ay kasoo hor jeesanayaan.

Su,aal :Sidee u aragtaa shirka dib u heshiisiinta ,mase qabsoomayaa xiligan oo ay magaalada muqdisho amaan xumo baahsani ka jirto?

Jawaab: aniga waxay iila muuqataa inuusan qabsoomayn taasoo aan ku macnaynayo marka laga eego ergooyinka ,iyo weliba miisaanka dadka kasoo qayb gelaya waxaa soo baxaya inuusan qabsoomayn ,hadii uu qabsoomana waxba kasoo biximaayaan .

Su'aal :Cabashooyin badan ayaa ka soo yeeraya Beesha aad ka tirsan tahay oo ay ka tabanayaan wax qaybsiga maamulka Dowlada sidee u aragtaa adigu madaam aad u dhuun daloosho arimaha dowladda?

Jawaab. Horta siyaasadda Beesha ayaaba iska kala daadsan oo wax badan iyadaaba u sabab ah, laakiin waxaan kuu sheegayaa beelaha soomaaliyeed 95 way ka cabanayaan arintaas dooduna kuwaas ayey ka mid tahay.

su'aal Waxaad moodaa in Cabshadu u badan tahay masuuliyiinta Beesha ee Golayaasha Dowaladda ku jira maxad taas ka leedahay?

Jawaaab anigu masuuliyiinta Beesha ee golayaasha ku jirta waxaan u aqaanaa inay ka mid yihiin kuwa ugu aqoon badan uguna fir-fircoon dadka golayaasha ku xira, laakiin faah-faahin kama bixin karo Xiriirka hoose ee iyaga iyo Beesha u dhexeeya.

Su'aal :Sidee aragtaa Xaaladda ka taagan kismaanyo?

Jawaab: Xaaladda Kismaanyo waxaan u arkaa arin aad u xun oo aan wax basid ah ahayn, Dowladuna ay dayacday oo aanay waxba ka qaban, arintiina hadda u muuqato mid beeleedyo,marka Beelaha ay arintaasi khusayso waxaan u soo jeedinayaa in ay runta wajahaan oo nabad gelyo lagu dhameeyo xaaladda halkaas ka taagan la iskana dhaafo waxyaalaha Dhalanteedka ah.

Su'aal: adiga gaadh-haye ahaan Waxaad ka soo mid noqotay Golaha Guurtida Somali-land muddo yar ka dibna waad iska casishay, puntland waxay kuu magacowday gudoomiye ku xigeenka Gobolka sool, waxaa kale oo la sheegayaa in Dowladda Fedaraalku kuu magacaabilahayd xilal oo aad diiday welina siyaasadii kama aad dhex bixin markaaas Ujeedadaadu maxay tahay?

jawaab: Labadaas xil ee somali-land iyo puntland waa sida aad u sheegtay, waxaana ka lifay markii aan arkay sida ay maamuladaasi u wajayaan deegaankaas aan xilka ugu magacownaa oo aan waxba loo qabanayn,ee dhib uun lagu kordhinayo markaas waa igu adkaatay in aan hortaagnaado dadka oo aan ma suul sheegto Xilkuna wuxuu dhadhan leeyahay marka dadka aad xilka u hayso si saxa loogu adeegayo,tan kale ee aad sheegtay ee federaalka Ma jirto xil lay ii magacaabi lahayd oo aan diiday ee waa warar been ah oo ay faafiyeen dad u jeedooyin kale ka leh.

Su'aal : dhibkaas aad sheegatay ee aad xilalka uga tagtay ma tilmaami kartaa

Jawaab: haa Waxaa lagu abuuraa nabad gelyo daro loogu danaynaayo siyaaadaha maamuladaas, Waxaa loo samayn waayey maamuladii degmooyinka oo gobolada kale oo dhan loo sameeyey puntland iyo somali-landba, waxaa la iska hortagaa mashaariicda ha'yadaha oo Gobolada kale aad uga faa'iidaysteen, iyo wax qaybsiga oo aan beesha saamigeedii laga siin ee wixii la doono loo tuuro.

Su'aal Miyaan la oron karin waxaa wanaag sanaan lahayd in beeshu Labada maamul mid isugu luga duwato?

Jawaab. Haa waa sax laakiin sababo aan suuro gelinayn ayaa jira oo horta mamuladu Dowlado Xuduudo kala leh ma aha,labada dhinacna beeshu deegaan ayey la leedahay waxaana isaga xiran arimo badan oo xagga nabadgelyada, xagga dhaqaalaha marka duruufo badan ayaa jira oo arintaas diidaya.

Su'aal : Sidee u aragtaa Goosashada soomaali-land ay sheeganayso?

Jawaab: Arintaas waxaan u arkaa anigu arin khaldan oo aan dadka Soomaliyeed ogolayn, dadka goboladaasi wada degaana ogolayn, Caalamkuna ogolayn wax sharciyada oo ay leedahayna aanu jirin, ee dad siyaasiina oo ku faa'iidaysana ayaa dadkii shacabka ahaa Jaahwareerinaya oo waqtigiina ka luminaya , Marka si kale loo eegana ma jirto maamul soomaliyeed oo ay wax la maamushaan, iyada oo shirarkii carta iyo embagathina laga siiiyey saamigii ay lahaan jireen wax ka yar 60% iyaga oo horeba wax uga tirsanayey saamigaas lixdameeyadii.

waxaa waraysigaasi noosoo qaaday weriye
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Oo Sheegay Inuu Shirku Dhici Doono Xiligii Loogu Loo Balamay Amaan Xumona Aysan Baajinayn.

Madaxweynaha dowladda KMG ah , C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa,id ku qabtay xaruntiisa madaxtooyada ee villa soomaaliya islamrkaana sheegay inuu dhacayo shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaliyeed xilliga loogu tala galay .

Shirkiisa jaraa,id ayuu sidoo kale ku xusay madaxweyne yuusuf inaysan marnaba ka bixi doonin ciidamada xukumada Ethiopia dalka inta laga gaarayo xal waara waa siduu hadlka u dhigaye ,iyadoo ayuu yiri uusan u baaqan doonin shirku ayuu yiri xataa hadii gantaalo lagu soo rido '

" Waa qabsoomayaa shirka dib u heshiisiinta qaran xitaa haddii lagu soo rido Nuclear goobta uu ka dhacayo" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf, xilli xalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen weeraro hoobiyeyaal ah oo qaarkood lala beegsaday xarunta lagu qabanayo shirka iyo weliba xarunta madaxtooyada ee hoyga madaxweyne yuusuf ee viilada .

Madaxweynaha ayaa waxaa shirkiisa Jaraa'id ku wehliyey Guddoomiyaha golaha midnimada beelaha Hawiye, Xaaji Cabdi Iimaan iyo Afhayeenka dhinaca siyaasadda C/laahi Sheekh Xasan islamrkaana halkaasi hadalo kasoo jeediyey .

Madaxweyne yuusuf ayaa carabka ku adkeyey inuu cafis u fidiyay dhamaan dadkii la shaqeyn jirey maxkamadihii islaamka waa siduu hadalka u dhigaye marka laga reebo kuwa caalamka ay u aqoonsadeen argagixiso isagoo intaasna ku daray in xabsiyada laga sii deyn doono waxa uu ugu yeeray dadka aan dembiga laheyn, kuwa dambiilayaasha ahna la marsiin doono Maxkamada.

Shirkaasi Jaraa'id ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay ,Xaaji Cabdi iimaan oo sheegay inuu ugu baaqayo shacabka gobolka Banaadir inay la shaqeeyaan dowladda isla markaana wax dhibaato ah aysan u gaysan dowladda waa siduu hadalka u sheegaye .

Si kastba ha ahaatee hadalka madaxweyne yuusuf ayaa kusoo beegmaya xili ay magaalada caasimada ah ee muqdisho ka jiraan amaan darro baahsan ,islamrkaana ay xalay ka dheceen dagaal xoogan oo laysu adeegsaday hubka noocyada loo yaqaano hoobiyeha iyo weliba madaafiicda taasoo saaka keentay inay qoysas badani ka barakacaan magaalada muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Weeraro Loo Adeegsaday Qoryaha Hoobiyaha Oo Habeenkii Khamiista Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Qorayaha hoobiyaha ayaa Habeenkii Khamiistii lagu asqeeyey meelo kamida magaalada caasimada ee muqdisho ilamarkaana lala beegsaday xarunta madaxtooyada iyo weliba xarunta loo qaban qaabinayo kulanka shirka beelaha soomaaliyeed .

Weeraradan oo ahaa kuwo qorsheysnaa islamrkaana si toosa loola beegsaday xarumaha villa soomaaliya iyo weliba xarunta loo qorsheynayo shirka la sheegay inuu dhacayo bishan aynu ku jirno bartamaheeda oo ay inaga xigto maalmo oo keliya .

Sidoo kale weerarada iyo qaraxyada isdaba jooga ah ee ka soconaya caasimada ayaa sii ragaadinaya nabad gelyo ka dhalata caasimada muqdisho ,taasoo ay ciidamada dowlada KMG ah iyo weliba kuwa ethiopiana ay ku jawaabeen madaafiicda iyo weliba rasaasta qoryaha waaweyn islamrkaana ku dhacday guryo ay ku jirn dad rayid ah oo ay ku geeriyoodeen ilaa 3-qofood halka dhaawacuna kor u dhaafayo ilaa tobaneeyo .

Dhinaca kale suuqa weyn ee ganacsiga ee bakaaraha ayaa xiran ilaa in ka badan 5-maalmood kadib markii ay ciidamada isku dhafka ah ee dowlada iyo kuwa ethiopia ay halkaas ku dileen ilaa 3-qof oo rayid ah oo ka tirsan dadka ka ganacsada suuqaasi islamrkaana aysan jirin wax ganacsi ah oo ka socda suuqaasi .

Amaan xumada iyo weliba dagaalka laysu adeegsnayo qoryaha hoobiyahaba ayaa kusoo beegmaya xili uu shirka beelaha soomaaliyeed ee lagu qabanayo magaalada muqdisho ay ka harsan yihiin 2-maalmood oo qura ,islamrkaasna aysan jirin wax amaan ah oo ka jira caasimada muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com