SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Wararkii: July 12, 2007

  • Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo 1/9/2007 ku baaqay shirweyne lagu sameynayo urur.
  • Ugaas Cabdi Daahir oo shaki ka muujiyey ka qaybgalka shirka dib u heshiinta qaran..
  • Ban-Kii-Moon “Ciidamada Afrika waxay imaanayaan Soomaaliya marka Dowladdu ay la heshiiso dhinacyada ka soo horjeeda”
  • Munaasabadda Maalinta Dadwaynaha Aduunka oo ka dhacday Magaalada Muqdisho….
  • Wafdi ka socday Contac Group oo Muqdisho kulan kula qaatay C/llaahi Yuusuf iyo Cali Mahdi
  • Wakhtiga Caleemo Saarka Boqorka Daarood oo Dib loo dhigay.
  • Xarfo oo ka tirsan Gobolka Mudug oo degmo aahaan loo ansixiyay.

    Gabagabadii Kubadda Kolayga Somali Week iyo Gobolka Minnesota

Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo 1/9/2007 ku baaqay shirweyne lagu sameynayo urur. 

“Cid kasta oo dooneysa in Gumeysiga laga xoreeyo Soomaaliya waan soo dhaweyneynaa”

Qaar ka mid ah Xubnihii Golaha Maxaakiimta islaamiga iyo xubno ka tirsan xildhibanadii xilka laga qaaday ee iyagu la baxay Baarlamaanka Xorta ayaa oo ku wada sugan Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya ayaa kulan ay yeesheen waxay ku baaqeen in ay laga soo qaybgalo shir weyn la qaban doono 1/9/2007, kaas oo lagu dhisi doono Urur loogu magacdaray Xoreynta Dalka Soomaaliya. Baaqaan ayaa waxaa jeediyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed Guddoomiyaha maxaakiimta Islaamiga ah iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka oo si wadajir ah ku qabtay shir jaraa’id Magaalada Asmara, waxa ayna sheegeen in gebi ahaanba qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin ugu baaqayaan in ay ka soo qaybgalaan shir weyne la doonayo in lagu dhidbo urur ay sheegeen in ay ujeedadiisu tahay sidii loo xoreyn lahaa dalka Soomaliyeed oo ay sheegeen in uu gacanta u galay Gumeysi cusub. Shariif Xasan iyo Sheekh Shariif ayaa sheegay in ay so dhaweynayaan cid kasta oo ka shaqeyneysa xoreynta dalka Soomaaliya iyo waliba midnimada dadka Soomaaliyeed sida ay hadalka u dhigeen.

Labada mas’uul ayaa sheegay inay kulamo la yeesheen dhinacyo badan oo ka tirsan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool qabo   ka mid ah Yurub, waxayna sheegeen in ay isku afgarteen in la qabto shir weynahan haatan ay ku baaqeen, sidoo kalana waxay labada mas’uul hoosta ka xariiqeen in aysan ka marneyn dhamaan dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku dhaqan. Sheekh Shariif ayaa sheegay in micnaha ururkan loo qabanayo uusan aheyn in laga tanaasulayo magacii hore ee ay lahaayeen ee Midowga Maxaakiimta, balse waxa uu sheegay dadka isugu imaan doona iyagu magac la bixin doonaan, waxa uuna Sheekh Shariif sheegay in aysan marnaba uga tanaasuli doonin cabsi ku jirta magac Islaamka.

Labadan dhinac isku bahaystay Asmara ayaa sheegay in iskaashooda ay ka dambeyso iyagoo feker qura wada oo ay ku sheegay in ay ka soo horjeedaan wax ay ugu yeereen Gumeysi cusub oo uu dalka galay, waxayna sheegeen in cid kasta oo ka toobad keenta waxa uu haatan ku jiro ay ku soo dhaweyn doonaan golahooda si uu uga qayb-qaato ayay yiraahdeen ka talinta aayaha dalka iyo Umadda Soomaaliyeed.

Ugaas Cabdi Daahir oo shaki ka muujiyey ka qaybgalka shirka dib u heshiinta qaran..

Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Cabdi Daahir oo haatan ku sugan Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in aan isaga lagu casuumin shirka dib u heshiisiinta qaran ee 15-ka Bishan lagu wado in uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Ugaaska ayaa sidoo kale arrimo dhowr ah ka hadlay ayaa shaki ka muujiyey in ay Golaha Beelaha Hawiye ka qaybgali doonaan Shirka dib u heshiisiinta qaran, waxa uuna Ugaasku sheegay in Cali Mahdi ay isku afgarteen in ay shirka ka qaybgalaan, basle markii ay Golaaha Hawiye la hor dhigay go’aankaasi ay si aqlabiyad ah uga soo horjeesteen, waxa uuna Ugaasku sheegay in ay iyagu ku xiran yihiin Golaha Beelaha Hawiye go’aanka uu qaato.

Ugaas Cabdi Daahir ayaa dhanka kale ka dhawaajiyey in Guddoomiyihii Golaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan oo isagu sheegay in uu ka tanaasulay go’aankii hore oo uu ka qaybgalayo shirka dib u heshiisiinta qaran uusan isagu la ogeyn arrimahaasi, isla markana Ugaaska mar wax laga weydiiyey in uu isagu taageersan yahay shirka dib u heshiisinta iyo waliba in uu ka qaybgalayo, waxa uu ku gaabsaday  in aysan wax casuumaad ah soo gaarin.

Ban-Kii-Moon “Ciidamada Afrika waxay imaanayaan Soomaaliya marka Dowladdu ay la heshiiso dhinacyada ka soo horjeeda”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban-kii-moon ayaa sheegay in Soomaaliya la keeni doono ciidamo badan oo ka socda Qaaradda Afrika si ay uga qayb-qaataan nabad ilaalinta dalka Soomaaliya, waxa uuse xoghayaha ku xiray keenista ciidamadasi, haddii dhinacyada Siyaasadda Soomaaliya isku haya ay heshiis wadajir ah gaaraan, isla markaana ay Dowladda Federaalku u yeerto xubnaha ka soo horjeeda oo ay ku baaqdo in ay qabato Shirweyne looga heshiiyo wixii Siyaasad ah oo lagu hayo.

Xoghayaha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in haddii intaasi laga helo qaybaha Soomaaliya isku haya gaar ahaan Dowladda Federaalka ay macquul tahay in Qaramada Midoobey ay dadaal u gasho sidii Ciidamo nabad ilaalin ah oo afrika ka docda loo keeni lahaa Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dhanka kale ay Qaaradda Yurub iyana qasab ku noqon doonto in ay bixiso qarashaadka ku baxaya ciidamadaasi, waxa uuse Ban-Kii-Moon sheegay in inta ay xaaladda Soomaaliya fowda ka taagan tahay ciidamo la keeni Karin.

Taliyaha Ciidamada hawlgalada ka wada suuqa Bakaaraha oo sheegtay in ay dhibaatooyin ku qabaan hawlgaladaasi.

Taliyaha Ciidamada Hawlgalada ka wada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxa uu shegay dhibaatooyin xoog leh kala kulmaan inta ay ku guda jiraan hawlgaladooda.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ay dhibaatooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo Askarta ka soo gaarto hawlgalada Suuqa Bakaaraha kuwaas oo uu sheegay inay uga imaanayaan kooxo ku hubeysan Bam gacmeedyo, waxa uuna Taliyuhu sheegay qaraxyadii ugu dambeeyey ay wax ku noqdeen tiro badan oo Booliiska ka tirsan, taliyaha ayaa dhanka kale xusay in dhibaatooyinkaas oo jira aysan la micno aheyn inay joojin doonaan hawlgalada ay wadaan. Warka taliyaha ayaa ku soo beegmaya xili doraad taliyuhu uu sheegay in saddex maalmood gudahood ku soo gaban doonaan hawlgalada Suuqa ka socda. 

Munaasabadda Maalinta Dadwaynaha Aduunka oo ka dhacday Magaalada Muqdisho….

Waxaa shalay Hoteelka naasa  Hablood ee Magaalada Muqdisho Munaasabad lagu maamuusayey Maalianta Dadwenaha Aduunka (World Population Day) oo Sanadkiiba mar la qabto.

Munaasabadaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Dalada COGWO iyo Hay’adda Qaramada Midowbay ee arrimaha Bulashada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNFPA, waxaana ka qaybgalay Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Dowladda Fedaraalka, Hay’adaha Wadaniga iyo Dadwayne kale, waxaana halkaasi ka hadlay Masuuliyiin badan oo ay ka mid ahayd Drs. Nuurto Sheekh Max’uud oo ah Agaasimaha Hay’adda COGWO, waxayna ugu horeyn u mahad-celisay qaybihii ka soo qaybgalay Munaasabadda, waxayna sheegtay in Xuska Maalinta Dadwaynaha Aduunka ee aad muhiim u tahay si la’isku xasuusiyo Xadgudubyada ka dhex-dhaca Bulshada gaar ahaan waxay Nuurto Sheekh tilmaamtay in inta ugu badan Xagudubyada ay ku dhacaan Dumarka iyo Carruurta, isla markaana Bulshada inteeda kale looga baahan yahay inay xaw dhowraan dumar oo iyagu u nugul dhibaatooyinka, waxayna ugu dameyn ku soo gebagabeysay in Raggu xagdhowraan dumarka ay qabaan.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Caasho C/llaahi Ciise oo ah Wasiir ku xigeenka Horumarinta Qoyska ee Dowladda Federaalka oo iyana ku nuux-nuuxsatay qiimaha munaasbaddaasi, iyadoo Nuurto uga marag kacday in ay muhiim tahay in Dumarka la xaq dhowr, waxaana sidoo kale halkaasi laga jeediyey tixo lagu qeexahay xaquuqda gaar ah ee ay Dumar leeyihiin, waxayna munaasa-baddaan oo bisha July 11-keeda snaad walba la qabto ku soo dhamaatay sidii loogu talalay.

Wafdi ka socday Contac Group oo Muqdisho kulan kula qaatay C/llaahi Yuusuf iyo Cali Mahdi

Wafdi ka socday Kooxda xiriirka Caalamiga ah ee loo yaqaano Contact Group ayaa shalay booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho, iyagoo kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha shirka dib u heshiisinta qaran Cali Mahdi Max’ed.

Wafdigaan oo aan wax hadal siin saxaafadda ayaa sidoo kalana kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta waxa uu ahaa mid ay albabaadu u xirnaayeen, balse warar ku dhow-dhow ayaa sheegaya inay labada dhinac kawada hadleen arimo ku saabsan Shirka Dib u hashiisiinta Qaranka ee isaga fooda nagu soo haya, sidoo kale Kooxda Xiriirka Caalimiga ah ayaa la sheegay in Madaxwayne C/laahi Yuusuf u soo jeediyeen in Shirka lagu casuumo Xubnaha Siyaasad ahaan uga soo horjeeda Dowladda Fedaraalka si Shirka uu u noqdo mid miro dhal ah

Wafdiga Xriirka Caalimiga ah oo ka koobnaa 4-Xunood ayaa markii danbe ka duuolay Garoonka Caalimiga ah ee Aadan Cadde iyagoo dib ugu laabtay Magaalada NAirobe oo ay horay uga soo duulay. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Wakhtiga Caleemo Saarka Boqorka Daarood oo Dib loo dhigay.

(Qardho) 11/July/07 Waxaa Maantay oo aay Taariikhdu tahay 11/07/07 si rasmi ah saxaafadda loogu sheegay in dib loo dhigay Xiliga Caleemsaarka Boqorka.

Gud.Gudiga Qaban qaabada Caleema saarka boqorka Cismaan X.Nuur oo saxaafadda ugu warmayey isga oo jooga Guriga Boqorka Daarood C/laahi Boqor Muuse waxa uu sheegay in xiliga hore ee ahaa 15/07/07 dib loo dhigay.

Guddoomiyaha Gudiga Qaban-qaabada Caleem-saarka Boqorka Mudane.Cismaan Xaaji Nuur ayaa saxaafadda u sheegay in Caleema saarka boqorka Daarood dib loogu dhigay sababahaan.

1.Xiliga Caleemsaarka Boqorka oo ku soo aaday Xili la doonayo in la furo shirka Dib u heshiisiinta qaran ee lagu wado in uu ka dhaco Muqdisho.

2.In Wakhtigii hore uu noqday mid Kedis ku noqotay odayaal dhaqaameedyada,Isimada,Suldaamada iyo weliba waxgaradka dalka iyo dibada jooga.

3.Wadaanka oo aay ka jiraan duruufo, Roob yaraan iyo IWM

Cismaan X.nuur ayaa intaas waxaa uu ku daray in Dhammaan Umadda Soomaaliyeed ee jecel in ay ka soo qeyb galaan Caleemsaarka Boqorka in aay sidaas ula socdaan.

Xiliga Caleemsaarka Boqorka Dib ayaanu ka soo sheegi doonaa sidaas waxaa yiri Gud.Gudiga Qaban qaabada Caleemsaarka Boqorka CismaanX.Nuur.

Dhanka Kale waxaa magaalooyinka waa weyn ee D.G.P/land ka socnaya diyaar garoow Xoog leh oo lagu diyaar garoobayo Caleemsaarka Boqorka Daarood Boqor C/laahi Boqor Muuse

C/weli Xasan Gooni
gooni2@hotmail.com
Qardho,puntland

Xarfo oo ka tirsan Gobolka Mudug oo degmo aahaan loo ansixiyay.

Waxaa maalintii shalay ahayd kulan ka dhacey magaalada garowe ee caasimada maamul goboleedka puntland oo ay yeesheen golaha wakiilada puntland lagu ansixiyay degmada xarfo in ay ka mid noqoto degmooyinka gobolka mudug iyo puntland.

Horey ayaa degmada xarfo oo ka tirsan gobolka mudug iyo labo degmoo kale waxaa loo magacaabey degmo ahaan hase ahaatee maalintii shalay ayaa kulan ay yeesheen gobolaha wakiiladu waxa ay ku ansixiyeen degmadaasi.

Degmada xarfo waxa ay ka tirsan tahay gobolka mudug waxayna noqonaysaa degmadii lixaad oo kusoo biirta gobolka mudug horey waxaa oga jirey dhowr degmo oo ay ka mid yihiin galdogob, jariiban hobyo iyo xarardheere.

Degmada xarfo ayaa bilihii ugu danbeeyay aad u fidey mar aan booqasho ku tagey asbuucan degmada xarfo ayaa waxaa iiga muuqanayay dhismayaal aad u fara badan oo qurux badan oo degmada laga hirgaliyay mudooyinkii ugu danbeeyay iyadoo ay kusoo bateen degmada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka waxbarashada iyo biyaha.

Yuusuf Guduudow
E-mail yusufguduudow@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com