SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Barnaamijkii Radio Xoriyo
10 July 2007.
 
Madaxdii mucaaradka oo la codsaday in toogasho lagu xukumo.
 
Muslimiin ku baaqay in la joojiyo dadka Kenya lag aafduubayo.
 
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in xukunkii degdegga ahaa dhamaaday.
 
Wargaysyada caalamka iyo waxay ka qoreen Ogadenya.
 
 
======================                    
 

Madaxdii mucaaradka oo la codsaday in toogasho lagu xukumo.

 
Xerilaaliyaha maxkamad ku sheeg ay Itoobiya saarayso madaxda xisbiga mucaaradka ee CUD ayaa maxkamad ku sheegta ka codsaday in toogasho lagu xukumo. Madaxdan mucaaradk ah, oo tiradoodu gaadhyso 38 qof, ayaa dhawaan la sheegay in lagu soo caddeeyay in ku lug-lahaayeen gadoodkii dadwayne ee ka dhashay musuqmaasuqii ay xukumadda Zenawi ku samaysay doorashadii la qabtay bishii May 2005.
 
Xeerilaaliyahan, oo lagu magacaabo Abraham Tetemke, ayaa sheegay in madaxda mucaaradka ee maxkamad ku sheegtan la saarayo ay iski dayeen inay dowlada inqilaabaan. Madaxdan waxaa ka mid ah dhawr xubnood oo baarlamaanka loo doortay oo ka mid yahay Berhanu Negga, oo ah ninkii loo doortay guddoomiyanimada magaalada Addis Ababa.
 
Madaxdan mucaaradka ee 38-ka ah waxaa markii hore lagu soo eedeeyay denbiyada ay ka midka yihiin khiyaamo qaran iyo xasuuq, wuxuuna qaadigu ku talajiray inuu xukunka ku dhawaaqo, hase yeeshee wuxuu sheegay inuu muddo toddobaad ahba fursad siinayay eedaysanayaasha inay ka jawaabaan dacwada xeerilaaliyuhu ku soo oogay.
 
Hase yeeshee waxay diideen inay aqoonsadaan maxkamad ku sheegta la saarayo oo ay iska difaacaan denbiyada lagu soo oogay. Dadkan waxaa lala xidhay dad kale oo boqol ka badan, kuwaasoo isugu jiray madax mucaaradka ka tirsan, suxufiyin iyo dad u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqul insaanka.
 
Xukuumadda Itoobiya ayaa beesha caalamku hadda billowday inay ka hadasho xadgudubyada faraha badan ee ay u gaysato dadwaynaha rayadka ah oo ay ugu horreeyaan kuwa soomaalida Ogaadeenya oo wixii hadda ka horreeyay ayna jirin cid ka hadli jirtay denbiyada waawayn ee ciidamma Itoobiya ka gaystaan dalka Ogaadeenya.
 
Intii ka denbaysay soo bixiddii warbixintii xaqiiqada ahayd ee Human Rights Wacth ay ka soo saartay xadgudubyada ciidammada Itoobiya ka gaysanayaan Ogaadeenya, waxay qaar badan oo warbaahinta caalamka ka mid ahi billaabeen inay hadlaan waxyaabaha ka dhacay Ogaadeenya, iyadoo wargaysyada waawayn ee adduunka lagu soo daabaco warbixino arrimahaas ka hadlaya, isla markaana dowlada Maraykanka lagu canaanto xidhiidhka ay la leedahay xukuumada Itoobiya oo ku caan-baxday ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.
 

Muslimiin ku baaqay in la joojiyo dadka Kenya lag aafduubayo.

 
Dad badan oo uslimiin ah ayaa ku baaqay in la joojiyo dadka sida qarsoodiga ah looga afduubo dalka Kenya ee la geeyo Soomaaliya iyo Itoobiya. Dad aad u tira badan ayaa si qarsoodi ah looga qaadaa dalka Kenya, loona dhoofiyaa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo ay arrintu u muuqato hawlgal wadajir ah oo lagu fuliyo dad ay tuhmaado ka soo galeen dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo waliba Maraykanka.
 
Hooggaamiye u hadlay muslimiinta Kenya ayaa sheegay in dad badan oo loo tarxiilay dhinaca Soomaaliya loo sii gudbiyay Itoobiya, laakiin aan si dhab ah loo garanaynin meesha ay Itoobiya aga xidhan yihiin.
 
Wuxuu kaloo sheegay in qaar badan oo dadkaas ka mid ahi ay ehaladooda la soo xidhiidheen markii Itoobiya loo afduubayay, isla markaana ay u sheegeen inay la xidhan yihiin dad kale oo fara badan oo iyagana Kenya laga tarxiilay.
 
Dadka noocaas ah ee Kenya laga soo afduubay, ka dibna Itoobiya loo gacan galiyay waxaa ka mid ah ganacsade reer Ogaadeenya ah oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Makhtal, kaasoo la sheegay inuu hadda ku xidhan yahay xabsi ku yaalla nawaaxiga Addis Ababa, isla markaana xadgudubyo kala duwan loo gaystay, looguna hanjabay in la dilayo. Ninkan oo haysta dhalashada Canada ayaan ilaa iyo hadda xaaladdiisa laga warhaynin, loona oggolaanin in cidi aragto. Dowlada Canada ayaan iyaduna ilaa iyo hadda tallaabo macquul ah oo la garaysan karo ka qaadin.
 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in xukunkii degdegga ahaa dhamaaday.

 
Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliya Sheikh Aadan Madoobe ayaa markii ugu horraysay sheegay inuu dhamaaday xukunkii degdegga ahaa ee dalka lagu soo rogay xilli hore, isla markaana uu Baarlamanku hadda qabsanayo howlihiisa caadiga ahaa.
 
Hadalkaan ayuu Sheekh Aadan Madoobe sheegay markii uu daba-yaaqadii toddobaadkii hore dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dowladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa intaasi raaciyay in Baarlamanka Soomaaliya uu maalmahan kulamo ka yeelan doono arrimaha Somaliya, kana hadli doono arrimo muhiim ah oo khuseeya xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya.
 
Dad fara badan ayaa walaac ka muujiyay xukunka degdegga ah oo awoodo dheeraad ah siinayay madaxwaynaha, isla markaana ciidammada rukhsad loo siiyay inay dili karaan qofkii ay ka shakiyaan ama baadhi karaan meel ay tuhmaan. Hadalka Sheekh Aaden madoobe ayaa ku soo hagaagay xilli uu qalalaase lixaad lahi ka jiro guud ahaanba dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha nabadgelyada ee magaalada Muqdisho.
 
10 July 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com